Diinteena Islaamka waa mid Rabbi inooga raalli noqday. Waa Diinta keliya ee
ka ansaxsan xagga Rabbi, waxaana loogu talo galay Dastuur lagu dhaqmo inay noo
ahaato. Rasuulkeena Muxammad (sallallahu caleyhi wasallam) ayaa inooga digay
wax walba oo dhibaato inoo keeni karo, waanna noo sheegay wax walba oo nifci
inoo leh.
Ka dib dagaalada ayaa Soomaalida waxaa ku soo kordhay isnaceyb ay saldhig u
tahay qabyaaladda iyo ka leexashada tacaalliinta Diinta Islaamka.
Waxaa faafay Jahliga, Xasadka, Damaca badan, Xanta, Beenta, Munaafaqnimada,
iyo isnaceybka. Intaasoo dhan waxaa sabab u ah Sheydhaanka iyo raacidda waxay
nafsadu jeceshahay oo xaraam ah.
Qabyaalladu waa cudur ay ku dhib badan tahay Soomaalida meel walba ay
joogaan inay ka xuroowaan illaa qofkii Allah u naxriisto mooyee. Haddaba waxaan
jeclaan lahaa in wallaaheyga ila fiiriyaan nolosha Islaamka ugu talo galay in
aan ku dhaqano iyo sida an maanta ku dhaqano sida ay u kala duwan yihiin:
Nebiga (sallallahu caleyhi wasalllam) ayaa dhex joogay asxaabta maalin ka
dib markii ay sheegteen qolada uu qof walba ka tirsan yahay. Salmaan Al Faarisi
oo saxaabi weyn ah oo ka yimid dhinaca Iiraan(Faaris) ayaa joogay meesha oo
qolo uu u tirsado meesha joogin. Nebigu wuxuu yiri: SALMAAN ANAGUU NAGA MID
YAHAY ALHLAL BEYTKA.
Bilaal wuxuu ahaa asxaabi aad u sharaf weyn oo ka yimid dhinaca Itoobiya,
Islaamka ka hor waa la adoomeysan jiray Bilaal, waxaa xoreeyey Abuubakar
Assidiiq oo ku madax furtay lacag. Bilaal markuu islaamay wuxuu ka sharaf
badnaa Nebiga (sallallahu caleyhi wasallam) adeeradiisa oo gaalnimada ku
dhintay sida Abuu Lahab iyo Abuu Dhaalib!.
Nebiga ayaa maalin yiri: Bilaalow waxaan jannada ku soo maqlay saandhawgaada
ee maxaad sameysaa oo aad heerkaas ku gaartay?!.Tani waxay ina tusineysaa in
haddii nasabku ahaan lahaa mid qofka ufgu dhawaanaayo Rabbi ama loogu eexanaayo
in Nebiga adeeradiisa ay darajooyin sare ku gaari lahaayeen iyagoo gaallo ah.
Laakin xaddiis ayaa Nebigu wuxuu ku shaagay: qofkaan camalkiisa wax u tarin
nasabkiisa waxba uma taro. Allah (Subxaannahu watacaalaa) quraankiisa wuxuu ku
sheegay:
"MA HELEYSID DAD ALLAH RUMEYSAN IYO MAALINTA AAKHIRO ISLA MARKAANNA
KALGACEYL U QABO KUWA ALLAH IYO RASUULKIISA KA SOO HORJEEDO OO KHILAAFA HABA
NOQDAANO AABBAYOOWGOOD, CARUURTOODA, WALAALAHOODA AMA QARAABADOODA, (KUWAAS AAN
KALGACEYL U QABIN) WAA KUWO QALBIGOODA IIMAANKA LAGU DHIGAY ALLAHNA KU XOOJIYEY
GARGAARKIISA WUXUUNA GELI DOONAA JANNOOYIN WEBIYAAL DHEX SOCDAAN OO AY KU WAARI
DOONAAN, KUWAASI ALLAH AYAA KA RAALI NOQDAY IYAGUNA WAY KA RAALI NOQDEEN WAANA
XIZBIGA ALLAH, XIZBIGA ALLAHNA WAA KUWO LIIBAANAY". Suurada Al Mujaadila 58-22.
Aayadaha aan kor ku soo sheegnay waxay inoo caddeynayaan in sida ay
Soomaalidu u fahmeen diinta aysan aheyn oo walaalkaagu ama wiilkaagu hadduu hub
qaato, tuug noqdo, wax boobo, dad dilo, aadan difaaci karin, ku jeclaan karin
falalka foolka xun ee uu sameynaayo, oo aadan sabab ka dhigan karin waa halyeey
difaacaya sharafta iyo xaqqa qabiilkeenu leeyahay.
"WADAAD TOLKIISA KAMA JANNO TAGO" waa halqabad ku dhisan aayadda aan kor ku
soo sheegay oo laga horyimaado. Waa run in wadaad isku sheeg, iyo munaafiq
walba oo diinta ku been abuurto uu qabiilkiisa u horseeday xumaanta,
maliishiyada hubeysan u barakeeyey dilka iyo dhaca, hoggamiye dagaalka
qabiilkiisa ahna u duceeyey habeen iyo maalin!.
Waxaa kaasi ka sii yaab badan in uu daliil been cad ah oo si xun loo
fasirayo aayad ama xadiis loogu been abuurtay Nebigeenna suuban sallallahu
caleyhi wasalllam uu kuu soo qaadanaayo. Wallee maxaa leys cadaabi doonaa
Aakhiro haddii laga toobad keeni waayo!.
Maanta haddii si fiican loogu dhaqmi lahaa sida ay Diinteenu sheegeyso oo
qof walba oo sheeganaayo innuu u hoggaansan yahay amarka Allah uu gacanta qaban
lahaa daalimka walaalkiisa ah intaan ma dhici laheyn.
Nebigeena suuban sallallahu caleyhi wasallam wuxuu sheegay u gargaar
walaalkaga hadduu daalim yahay (wax dulmaayo) ama madluum yahay (la dulmaayo).
Asxaabtu waxay yiraahdeen yaa Rasuulllallah: hadduu madluum yahay(la dumay)
waan kasnay ee sideen ugu gargaareynaa hadduu daalim yahay (wax dulmaayo)?!.
Rasuulka sallallahu caleyhi wasallam wuxuu yiri: "U GARGAARIDIISU WAA INNAAD
GACANTA KA QABATO OO AAD DULMIGA KA REEBTO".
Ma aha inay qabyaalad ku qaado oo aad u hiiliso mid daalim ah oo boob, dhac,
bililiqeysi, iyo afduubid hub u qatay.
Anigu waxaan qabaa Soomaali waxay diinta si dhab ah u qadatay markii laga
helo inay ku dhaqanto aayadda aan soo sheegnay iyo ayyadda uu Rabbi ku leeyahay:
"DADOW WAXAAN IDINKA ABUURRAY LAB IYO DHIDIG,WAXAANA IDINKA YEELNAY SHUCUUB
IYO QABIILOOYIN SI AAD ISU AQOONSATAAN, RUUXASE UGU SHARAF BADAN ALLAH
AGTIISA WAA MIDKA IDINKUGU DHAWRSASHO BADAN, ALLAHNA WAX WALBA WAA OGYAHAY"
Al-xujuraat 49:13
Dagaalada maanta ka dhacaya Soomaaliya waxaa sii huriyey qabyaalad mana
joogsanaayo illaa ay Soomaalidu u soo noqdaan diinta Islaamka sida ay sheegesyo
oo ay qaataan. Qabyaaladdu waxay burburisay shaqsiyadda qofka Soomaaliga ah,
dulmiga ayay xoojisay maadaama midka daalimka ah aan la ciqaabi karin, sababtoo
ah wuxuu ka tirsan yahay qabiil xoog leh oo hubeysan oo uu ku gambanaayo wax
walba uu sameeyo oo xumaan ah!.