SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - GANACSIGA

December 30, 2003 

GANACSIGA IYO ISLAAMKA/SOMALIA Dr Taqi

Qaybtii 1aad ka akhri halkan....

Mahad iyo Xamdi waxay usugnaatay Allaha abuuran todobada cir iyo todobada dhul.

Wali waxaynu qaadaa dhigeenaa ganacsiga kajira somalia , haddan dib umileecsano xiligi dalka kajirtay dowlad ganacsiga wuxuu gacanta ugu jiray xukumada iyo shaqsiyad xiriir hoose laleh, taasoo dadweenaha aad ugu adkeed inay helaan waxa ay dooq ahaan ujecel yihiin inay cunaan, xirtaan, ama carafsadaan. Waxaa taasi uga darnaa qiimaha ay wax ku,iibdsan oo aad usareeyey; maadaamo aysan jirin tartan xoraa oo ganacsi, qiimo kastoo lagu baayaco ayey wax ku,iibsan jireen. Nidaamka looyaqaano shuuciyada ayaa dhamaan dalka kajiray sababna u,ahaa inay ganacsiga dowlada gacanta kuheeso waloow dooladaha sedexaad aad ugu badnaa nidaamkaas walina ilaa iyo hadda raadkiisa kamuuqdo wadamo dhoowraa sida china iyo cuba .

Xiligii xukuumada ganacsiga somalia wax hormaraa muusan gaarin –taasi micnaheedo maahan in dowlada iyo dadkuba aysan aqoon qaabka looganacsado ama jaahiliin ahaa yeen; balse waxaa jiray naasnuujin hoose oo lagu yaqaano dhamaan dowladaha Africa iyagoo xooga saaro hormarka qarsiga ay degan yihin iyo caasimada ay kunoolyihiin –hoolaha ganacsina u,arka Virus iyaga dilaayo.

Sida ruux kastaa ogsoon yahay Somalia waa dhul beereed, xooleed iyo kaluunba leh intaasoo nimcaa dal iskuheesaa majiro ama waa dhif misana awoowa yaasheen nasiib umayeelan inay kafaa,iideestaan barwaaqadaas, sabatuna waxay aheed waxaa dibada looga keeni jiray gunno yar misana fayl ayey ugali jireen waqtina kaga lumi jiray “fiicnaan laheeda saacadaha ay qoraxda kusugi jireen gunnada yar anay wax kubeertaan” qaabka ganacsi ee jiray wuxuu ahaa (trade deficit) mancaa wax dibada laga keeno ayaa kabadnaa dalaga dalka laga beerankaro.

“Waxaa hubalaa inaad sheeg jeclaataan misana shar idiin noqdo; si,lamidaa aad shay nacdaan balse qeer idinku jiro – aayadaan waxaa udaliil saday oo kaliyaa mowdoocan waxkaloo xiriiraa lamo laha dhibaatooyinka kale ee dalka kajira – maantay ganacsiga dalka halka uumaraayo waligiis magaarin iyo qaabka uu kusucdo waxaa usbuucii hore shirkada isgaarsiinta barakad soban dhigtay mobile- laga dhagesan karo idacadaha waa qeeb kamida ah tusalooyinka waxtarka ganacsiga somalia kajira.

Tusaalooyinkaan waa kuwo aan ku,eego doono qaabka ganacsi iyo siyaabaha lagu bilalabi karo waxaana sooqaadan ilaa shayqeeb oo aad umuhiimaa misana caalamiyaa.

Service company: waa talaabada kuwaad ee uu ganacsiga dalalka sookoraayo kubilaamo maadaamo aysan laheen dhaqaale xoog badan iyo fikir cusub toona –sidoo kale ruuxa jiibkiisu aysan kujirin xoolo badan wuxuu ganacsigiisa kubilaabi karaa qaabkan lana gudboon inuu adeege noqdo sida magacaba inoo sheegi service = adeege ama qidmeey. Service campany waa ganacsiga ugu weyn uguna degdeg korid badan ganacsiga yaryar, xoolo badan uma baahna in lagu bilaabo sida manufacturing campany. Shuruudihiisa waxaa ugu weyn inaad tahay qof aaminaa misana howl karaa – labadaas arimood ruuxii laga helaa adeega fiican ayuu noqon karaa – ganacsiga qaarkood waxaa sal u,ah inuu ruuxu yahay hal abuur –mid maskax badan waloow makaxdu wax walba furo utahay . Service Company. dalkeena aad ayuu ugu badnaa waloow hadda uusii yaraanaayo -1990-98 dalka oo dhan ganacsigiisu wuxuu ahaa service –wax walba dibada ayaa laga keeni jiray kadibna sideedaa loogadi jiray .Hormarka ganacsi ee wadanka hada kajira aad iyo aad ayuu service companay uga qeebqaatay wuxuu adoow usiiyey inay ilbaxaan ganacsatadii yaryareed iyagoo urogay wax soosaar(manufacturing) wadanka gudihiisa. shirkadaha service company waxaa kamidaa kuwooda ugu horeeyey shirkadaha isgaaarsiinta sida olympoic, Barakaat, colaad company , Qaandiida , Good-land , kaah , cigaal, caseer companies sidoo kale hotelada,maqaayadaha iyo basaska waxaa lagu tiriyaa inay kamid yihin service. Aasaasida service company waa wax sahlan oo jiri kara waqti badan dheqso umo burburaan sida qeebaha kale ee ganacsi. Dhibaatada ayuu leeyahay service company waxaa ugu weyn inaadan deeyn(amaah) wax kuqaban ama kubixin 70-78% shaqada service waxaa lagu qabtaa kaash –hadii kale soo ururida ayaa xoolo iyo waqti badan kulumayaan. Deyntu waa ganacsiga barkiis waana dilaaga nagacsi la,aanteed ganacsi majiri karo basle fiiro gaaraa uyeelo hadaad tahay rux kushaqesta service company etc.

Retailing company: wuxuu kamid yahay shanta qeeb ee ugu waaweyn ganacsiga yaryar, qaabkan waa adigoo uga iibsha sitafaa riiqaa macaamisha alaabaday soosaaraan warshadaha. Intabadan somalidu waxay utaqaan dukaamada, bagaashka iyo bacadla yaasha, waa nidaam sahlan oo ganacsi kuhaboon faa,iidada gadida alaabada tafaariiqda ah wax laqiyaasi karo maaahan; waxaa suura gala in waqti yara durugsan qaadato basle macaashka laga helo aad ayuu uga badan yahay midka jumlada lagu iibiyo. Tusaale ahaan loorkii sonkoraa waxaa jumlo ahaan macaash looga raadiyaa $0.5 ama $1 halka laga helo markii tafariiq lagu iibsho wax kabadan $2 waqtiya ayaa ah farqiga udhaxeeyo. Alaabada kuhaboon in laga iibsho tafaariiq waxaa ugu muhiimsan alaabada aan ku,iman jawaan(kiish) sida burka bariiska sonkorta dhamaan wixii inaas kasoohara waxay kufiican yihin retailing –hadaan sikale u,iraahdo dhamaan alaabada miisaankoodu fudud yahay sida fooxa, iyo dhagayaraha, heeylka, sanjabiila, iyo dhamaan alabada bagaashka lagaheli karo sida saabuunta,oomada qalimaana, buskutka iwm dhamaan waxay kuhaboon yihiin retailing company –aasaaka lagu abuuri karo qaabkan wuxu udhaw yahay service-ka xaqiiqdan halayaabin--alaab miisanakeedu garaayo 50kg ayaa macaash ahaan laga raadiyaa $0.5 halka alaab 5kg laga heli karo $3-5 waana sidatan 50kg bariis ah waxa laga radiyaa 0.5 balse 5kg boorash ama caano Nido ama cabitaanka foster-ka waxaa laga heli karaa $3-5 dadku badidiisa taasi ma.ogsoono, ruxii baqaar ufuran iyo midka ufuran dukaan waxaa macaash badan midka tukaanka ama tabakaayada fadhiyo, waxaa udheer midka joogo baqaarka shaxaad joogtaa isagoo aysan cidina wax usoo raadsan midka dukaanka yar joogo xitaa qaaraanka reeraha ama cashuurta waa kanabad galaan dukaanleeda-

Hada waxaan idiin soogudbin liiska warshadaha gaarka looleeyahay ama (private-ka) ee kuyaalo magaalda Moqdisho anigoo magaalooyinka kalena soogudbin doono magacyada warshasdahan waxaa la,aasaasay xukuumadii maxamed siyaad(Allaa yarxam) kadib. Wana sidaan .

  • 1- warshada baastada Deeqo
  • 2- warshada baastada Hilaac
  • 3- warshada baastada Ital Pasta
  • 4- warshada nacnaca Banaadir
  • 5- warshada isbuunyada Cashuur
  • 6- warshada isbuunyada Mubaarak
  • 7- warshada isbuunyada Shaakir
  • 8- warshada isbuunyada Jeegan
  • 9- warshada bacda Somaliyeed
  • 10- warshada bacda Qudus
  • 11- warshada bacda Deeqo
  • 12- warshada Super Plastic
  • 13- warshada Saliida
  • 14- warshada biyaha Al-firdoows
  • 15- warhsda biyada Caafi-1&2
  • 16- warshada biyaha Saafi
  • 17- warhada biyaha Shifo
  • 18- warshada coka cola
  • 19- warshada burka iyo badarka
  • 20- warshada Vitamin-nada
  • 21- warshada oomada iyo saabuunta Dalsan
  • 22- warshada saabuunta iyo sharp Universal
  • 23- warshada saabuunta Somo
  • 24- warshada Kortoomada(baakadaha)
  • 25- warshada hargaha Suudi
  • 26- warshada hargaha Kaaraan
  • 27- warshada hargaha Hilaac
  • 28- warshada cabitaanka Ila-tango
  • 29- warshada doomaha Al-jasiira
  • 30- warshada doomaha Banaadir
  • 31- warshada doomaha Al-furqaan

wali liiska warshado ee Moqdisho intaas waa kabana yihiin midkastaaa qaabka ay ushaqeeso kormeer guud ayaan kabixin cidii dano kahelna xiriir wacan - Blance sheet-ka waloow ay somalidu jecleen in xoolaha ay heestaan la,ogaado misana waxaa iisuuro gashay kuwooda ugu muhiimsan inan wax ka,ogaado intooda badan waxaa warshadahaan dalka ka,aasaameen sanadikii 1998/9 ilaa 2000 heerkaas ayey misana maraayaan , faa,iidadooda iyo dowrka ay kaqaateen dhaqaalaha wadanka warbixinada danbe ee manufacturing-ka laxiriira ayaaan kusooqaadan. Wabilaahi towfiiq.

 QORAALADII HORE EE DR. TAQI

Dr.Taqi Bashiir
taqibashiir@hotmail.com

GOBOLADA SOOMAALIYA....

»Tubtii Qoritaanka Afka Soomaaliga [Abdimahdi]
»Gabaygii Wuu Dhintay! [Daraasadii Ibrahim Y.]
»Ganacsiga iyo Islaamka/Somalia [Dr. Taqi]
»Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay? [C/Fatax]
»DIRAASAD: QAADKA  IYO WAXYEELLOOYINKIISA [Prof.Yusuf]
»MAXEEY YIHIIN VITAMINS-KA AAN U BAAHANNAHAY? [Boqor]
»Qaabka aad maal gallinta u samayn karto [Luqmaan]
CAAFIMAADKA: JABTADA | AIDS | CHOLERA | SOKOROW

Faafin: SomaliTalk.com Dec 30, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD