Madaxweynhii ugu danbeeyey ee
Soomaaliya waxaa lagu naynaasi jirey Afweyne, wuxuuna ahaa nin caqli badan,
laakiin waxaa lagu xaman jirey in uu fuley ahaa.
Ama feley ha ahaado ama geesi ha ahaado
ee waxaa 1990 afkiisa laga maqlay asaga oo leh: ”Saddex arrimood baanan
waagaayadii hore ka fiirsan, waana in ay ragga iyo dumarku siman yihiin, in ay
qabiilooyinku isku mid yihiin iyo in aan dalka Jibuuti canfar u diidey oo
soomaali u dhiibey”.
In ay ragga iyo dumarku siman yihiin
khalad ma aha, oo ma ay jirto cid sheegi karta wax ay ku kala duwan yihiin oo
aan ahayn sida ay ku kaadiyaan, laakiin markii dhaxal laga hadlayo waxay diinta
islaamku sheegtay in ragga loo sadburiyo, taasina malaha ma aha in ay dumarku
ragga ka liitaan. Xagga garashada markii la baaray mid kastaa siyaalo ayuu kan
kale kaga sarreeya, oo ma jiro qof xishoonaya oo ku dhiirran kara in uu
labadooda mid caqli badan yahay isku celcelis ahaan, laakiin waa ay jiri karaan
dhaqamo dumarka liida sida dhaqanka soomaalida oo sida badan odayaal caaqyo ah
madax laga dhigto.
Ragga iyo dumarka labaduba waa ay
fiican yihiin, isla markaas qabiilooyinka iyo ummaduhu dhammaantood waa ay
fiican yihiin, hase yeesho ee waxaa mudane Afweyne la weydiiyey sababta uu uga
shallaayey in uu Jibuuti ugu kala hiilliyey canfar iyo soomaali.
Hadalkii uu ku jawaabey wuxuu la macne
ahaa maahmaah soomaaliyeed ee caan ah, taas oo ah: ”Qabyaaladda iyo biyuhuba
waxay ka soo rogmadaan woqooyi, waxay u qolqolaan koofur”.
Wuxuu sheegay in ay Jibuuti soomaalida
kale ku soo kordhin karaan qabyaalad keli ah, sidaas darteedna ay fiicnayd in
ay qolada canfarta ahi siyaasadda dalkaas hantiyaan si ay soomaalida uga
dabbaalaan qabyaaladda ka soo burqanaysa xagga woqooyi.
Xassan Guuleed Abtiddoon nin la oran oo
dalkaas yar ee Jibuuti cabbaar keligitaliye ka ahaa baa wuxuu ka hadlay arrin
yaab leh oo soomaalida iyo caalamkii maqlayba argagax ku riddey. Waxaa la
weydiiyey arrimo ku saabsanaa madaxbannaanikusheeggii Jibuuti iyo dagaalkii
Ogadeen.
Su’aashii la weydiiyey inta aynaan
sheegin waa in la ogaado in qaranimokusheegga Jibuuti uu ku dadaaley mudane
Afweyne, oo uu xoolo iyo xoog badan u huray. Markii uu dagaalku dhexmaray
Mingisto iyo Afweyne waxay Jibuuti u dhwaayeen dhanka Mingisto, oo abaalkii
kacaanku wuxuu la mid noqday kacsigii murwo Arraweelo iyo jacaylkii mudane
Cilmi-Boodhari laga sheegi jirey. Diyaaradaha Afweyne waxaa loo diidey in ay
duulaan hawada Jibuuti.
Xassan Guuleed wuxuu sheegay in
degaanka Ogaadeen ay ku xoog badan yihiin beesha Afweyne, oo sidaas awgeed
haddii ay awood siyaasadeed helaan ay ka sarraynayaan beelaha la dega aagga
Ogaadeen oo ay malaha beeshiisu ka mid tahay! Wuxuu sheegay in ay beelahaas
soomaalida ah u fiican tahay in uu Mingisto wada haysto si aysan midina xoog
siyaasadeed wegilgeed u yeelan.
Intii ay dagaallada caaqnimda ahi
Soomaaliya siiba Koofur ka socdeen wuxuu Xassan Guuleed ku foorarey aragti
uusan qof diin iyo damiir lihi isku hawleen ee ah ”Yey reer hebel geeska Afrika
awood danbe ku yeelan”.
Faasuqnimadaas tillaabooyin ku saabsan
ee waaweyn buu qaaday, laakiin waxaa fashilayey in ay arrintaasi ka soo
horjeeddey dhabta Soomaaliya ka jirta iyo dadnimada iyo diinta, waayo
qabyaaladdu waa iska caaqnimo aysan waxba ku hirgelin, ee qofka rumaysan keli
ah ciil ku disha.
Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wuxuu dhawr
jeer xariir la sameeyey Maxamed Ibraahim Cigaal oo uu u soo bandhigay sidii ay
qabyaalad isugu kaashan lahaayeen. Aragtidaas waxaa salkeeda lahaa Xassan
Guuleed, waxaase si xamaasad leh ugu dhaqmay Ismaaciil oo Cigaal u soo
bandhigay in aysan siyaasadda soomaalidu qabyaalad iyo qoloqolo ka maarmin.
Ujeeddada ay kala dhaxleen Xassan iyo
Ismaaciil oo Cigaal lagu baryayey waxay ahayd in ay beeshooda, beesha Daahir
Riyaale iyo beesha Cigaal isku beel noqdaan si uu iskudarkoodu u ahaado beel
xooggan ee dhanka woqooyi ka jirta ka dibna ay ula sii midoobaan meesha
Cabdiqaasim oo malaha koofurta shishe ku badan.
Cigaal wuxuu qabyaaladda u lahaa 70
sannadood oo waayo’aragnimo ah, wuxuuna ogaa in aan xamaasad iyo degdeg lagu
gaari karin nabad iyo horukac siyaasadeed. Waxaa la rumaysan yahay in ay
laftiisa iyo rag kale horay u tijaabiyeen magac lagu midaynayey beelo
soomaaliyeed ee aad u badan oo kala degaan fog, ka dibna muddo lagu shaqeeyey,
laakiin aan sidii la rabey u mirodhalin. Sidaas awgeed buu ka cagajiidey in uu
dib ugu laabto aragti horay loo soo tijaabiyey.
Hoggaamiyaha Jibuuti waxay aragtidaas
qabyaaladda ahi ugu soo noqonaysey sidii kubbad derbi lagu dhuftay, waayo wuxuu
Cigaal ku adkaystay in uu beeshiisa iska imaansanayo oo uu sugayo inta ay
beelaha soomaaliyeed hoggaamiyelaal uu kala xaajoodo yeelanayaan. Cigaal wuxuu
beesha ku maaweelinayey in ay keligood noqonayaan waddan madaxbannaan, wuxuuna
maaweeladaas ku sugayey in ay dadyowga kale colaadaha iska daayaal oo uu mid
kastaa soomaalinimo u soo hiloobo.
Cigaal wuxuu isku hawlay in gobolka yar
ee uu sheegtaa uu nabad noqdo iyo in aysan beelaha dhinacyada ku haya isku
dhicin, isla markaas haddii ay shacab kale ee soomaaliyeed Hargaysa yimaadaan
in aan la layn ama la xirin ee ay iska joogaan ama ayaga oo nabdoon la laabtaan,
waayo in dadka socotada ah la laayo ama raafo qabyaalad ku riixdaa malaha
Cigaal shakhsiyan ma ay gubayn.
Dhanka Jibuuti waxaa weligeed ka jirtey
qabyaalad beel gaar ah (beesha Maxamed Siyaad) la xirxiro oo la raafo, waxaana
loogu marmarsiinyoon jirey in ay shisheeye yihiin. Degaanka Ogaadeen qaarkiis
waxaa dega beesha Xassan Guuleed, waxay markii ay Jibuuti yimaadaan la mid
yihiin dadka reer Jibuuti, hase ahaato ee soomaali kale ee degaanka Ogaadeen ka
timaadda ayaa waxaa laga buuxiyaa xabsiyada ayaga oo qabyaalad keli ah lagu
ximinayo.
Markii uu muddo dheer Cigaal diidey in
uu xubin ka noqdo qabiilooyinka la midaynayey si ay kuwo kale isugu
gaashaanbuursadaan ayaa waxaa aragtidaas loogu beddeley mid aan dhaamin. Waxaa
loo soo bandhigay in shir lagu qabanayo Jibuuti oo beesha Cabdiqaasim nin
madaxweyne noqda laga soo baarayo, ka dibna uu Cigaal noqonayo Ra’iiska
wasaaradaha, taas oo loo sheegay in ay tahay jagadii uu Afweyne ka boobay, ayna
tahay mid uu mar kasta asagu mudan yahay.
Arrintaas wuxuu Cigaal kaga jawaabey in
aysan madaxnimadu sidaas u qiimo liidan ee ay ku xiran tahay in waxyaalo badan
la isla lafoguro, oo si rasmi ah loo heshiiyo, somaalida oo dhanna wax u
cuntama loo dhiso. Dooddaasi waxay keentay in uu hadalkii ka taagtaagmey Cigaal
iyo Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay xataa arrintii cay gaartey.
Sidaas Ismaaciil kuma uu harin ee wuxuu
Hargaysa u diray Cabdiqaasim oo uu ku yiri: ”Madaxweynaan kaa dhigayaa ee
Cigaal u soo ballanqaad in uu ra’iisulwasaare noqonayo, haddii uu diidana u soo
ballanqaad in uu asagu madaxweyne noqonayo oo jagadaada uga tanaasul, si uu
ra’iisulwasaare adiga kaaga dhigo”!
Cabdiqaasim waa qof u nugul in la
dirsado oo xilligii kacaanka sidaas ayuu ahaa, wuxuuna asaga oo xiimaya oo
xuurtaysan Hargaysa ugu orday sidii hal takaraysan, wuxuuna Cigaal ula tegey
wax uusan moogayn oo ah in shir khafiif ah indhaha dadka la tusayo, uuna
nuxurkiisu yahay in Cabdiqaasim Salaad-Boy uu noqdo madaxweyne!
Ma shaki baa ku jira in uu hadalkaas
Cigaal ku qoslay? Wuxuu ku yiri: ”Waryaahee madaxweyne dhegta ayaad ka
maqashaye hawsha ay soomaalidu u baahan yihiin ma aha wax caynkaas u sahlan.
Midda kale qabyaaladdaan aad la xuurtaysan tahay horay baannu ugu daalney, oo
wax aan dhibaato ahayn lagama dhaxlo”. Wuxuu Cigaal u sheegay uusan Ismaaciil
Cumar Geelle bixin karin jagooyin Somaaliya ku saabsan ee ay maamullada iyo
hoggaamiyeyaashu ku heshiin karaan sidii dalka loo nabadayn lahaa oo barlamaan
iyo xukuumad macquul ah loogu samayn lahaa.
Qorshaha uu Ismaaciil watey wuxuu ahaa
in saxaafadda laga sheego shir uu qof kastaa ka soo qaybgeli karo. Adduunka
lama arag shir uu qof kastaa ka soo qaybgeli karo oo siyaasad iyo maamul ku
saabsan. Qof waalan, dibjir, tuug, khamarji, aalkolayse, qof jirkiisa gata,
maangaab, jaahil iyo heer kasta ee ay nafi ku jirto baa cunto dabka loo saaray,
oo lagu yiri: ”Waxaad melelaysaan siyaasadda iyo beelaha soomaalida”!
Markii uu Cigaal waxaas ku qoslay baa
waxaa la doondoonay dad kale oo aan xishoonayn, waxna aan ka beddeli karin
duruufaha soomaalida ee risaaqad ay leefleefaan u xilanayey, ee sharaf adduun
iyo mid aakhiro u jeedin.
Iskaashigii qabyaaladda oo uu Cigaal ka
dhego’adaygay xoogaa buu wiiqmay, waxaase lagu mintiday sidii ay wax uga
hirgeli lahaayeen iyo sidii nacfi loo heli lahaa. Isla markaas waxaa dadkii
Jibuuti dhoobtay loo sheegay in ay Cigaal, Riyaale iyo Ismaaciil isku beel
yihiin, oo waxaa la dabogabtay qorshihii uu Cigaal ka maagtey.
Isku darka beelahaas waxaa loo
daliishadey in ay yihiin beelo laga badan yahay, oo markii ay midoobaan isku
noqon kara beel macquul ah, oo u dhiganta beesha Cabdiqaasim! Midaynta heelaha
intaas keli ah loogama jeedin ee waxay mustaqbal u ahayn in beesha Ogaadeen iyo
Puntland ku dhaqan la iska dugsado. Iskaashigaasi Cigaal uma uu laacin, ee
wuxuu iska iimaansaday dekadda Berbera iyo magaalada Hargaysa, wuxuuna aamminey
Rabbigii abuurtay ee qabyaalad ma uu aamminin.
Geeridii Cigaal wuxuu qalbiga Ismaaciil
Cumar Geelle la dillaacay farxad uu la dhacay sida uu ugu bannaanaaday jid uu
qabyaalad ka xurbiyo. Sidii bayna noqotay oo waxaa kursigii marxuumka ku
barraaqsaday qof la hubo in Afweyne jaajuus u ahaan jirey, oo ay asaga iyo
Ismaaciil shaqooyin isla mid ah oo mareen, haddana ay dookhooda iyo balwaddoodu
isku mid yihiin.
Waxaa yaab leh in magaalada Hargaysa
dhexdeeda laga taagey taallo ku saabsan diyaaraddii lagu rusheeyey, si dadka
loo nebcaysiiyo kacaankii, isla markaasna uu madax ka yahay jaajuuskii ugu
weynaa xukuumaddii magaalada duqaysay! Qabyaaladdu waa caaqnimo, waayo haddii
maanta Gaanni iyo Barre Hiiraale Hargaysa lagu arko waa la toogan lahaa,
waxaana toogan lahaa qof laftiisu magaalada nimankaas la gubey.
Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xassan
Guuleed waxay weligood ahaayeen hoggaamiyedhaqameedyo beelo ka fakara, waxaase
haatan bilowday colaado qabyaaladeed oo caaqnimo ah. Jibuuti waxaa dhawaan lagu
qabqabtay dad soomaali ah oo isku beel ka soo jeeda, waxaana loola dhaqmay si
ka baxsan akhlaaqa islaamka iyo midda dadnimada. Waxay dadku u badnaayeen
beesha ku dhaqan degaanka Ogaadeen, waxaana lagu silciyey xabsiyada Jibuuti, oo
dabadeed intii aan xabsiyada ku dhiman waxaa loo xaaqay si aan naxariis lahayn!
Dirirdhaba aaggeeda soomaalida ku
dhaqan qaarkood waxay la beel yihiin Ismaaciil, waxaana loo qabaa in ay reer
Jibuuti yihiin, waayo xeer aan qabyaalad ahayni malaha Jibuuti iy aaggaas kama
uu jiro.
Tillaabaooyinkaas qabyaaladda ah oo uu
Ismaaciil Cumar Geelle had iyo jeer qaado wuxuu ku faafiyey heelihii uu horay
uga dhaadhiciyey in ay iska dugsanayaan cadow ku hareeraysan. Waxaa
aragtiyahaas cuqdadda cuskan malaha ku farxay Daahir Riyaale Kaahin, oo ay
Ismaaciil isugu bogeen sida ay xubnaha laga dhalaa isugu bogaan si ka daran.
Soomaali badan baa waxaa qabyaalad
darteed looga raafay Berbera, Burco iyo Hargaysa, oo sida ay warar culusi
sheegayaan inta la dhacay qaar loo gacangeliyey xukuumadda Itoobiya, qaarna oo
ay Baydhabo iyo meelo ka fog u luudeen, oo ay qaarkood jidka ku geeriyoodeen.
Ma ay jirto caddayn muujinaysa in aysan
dadkaasi degaanka xaq u lahayn, ee qabiil baa u ah calaamad lagu garto. Qofku
meel kasta oo uu ku dhashay haddii uu beel la rabo yahay waa uu joogi karaa
Jibuuti iyo Hargaysa, laakiin boolisku hayb buu u tabobaran yahay, oo
qabiilooyin gaar ah buu soocdaa!
Shirka Nayroobi ka socda ayaa sii
badiyey qabyaaladda maskaxmartay Geelle iyo Riyaale, oo raafkii waxay ku
xijiyeen in colaado qabyaaladeed laga shido beelaha dhexdooda. Beesha Puntland
deggan baa ayaamaan aad loogu hanjabayey, oo wuxuu Riyaale sheegay in uu teer
iyo Qandala cagta marin karo!
Cigaal wuxuu ahaa ishiqaate soomaalida
kala yaqaan oo sidii uu u noolaan lahaa xoogaa ka og, laakiin waxaa ku
hoosnabnaa dhawr nin oo ay isku hayb ahaayeen, oo aan weligood meel u dhaafin
150km oo u dhexeeya Berbera iyo Hargaysa. Kuwaasi waa dadka Riyaale beteriga ku
gura, oo ku yiraahda ”Sidaas iyo sidaas yeel!”. Riyaale wuxuu marti u yahay
dhawr nin, oo uusan hadal ku soo celin karin, kuwaas oo ku qayila cawino ay
dalka Israa’iil iyo meelo kale ka helaan.
Waxaa laga yaabaa in ay denbi tahay in
Daahir Riyaale la soo hadalqaado maddaama uu nin marti ah yahay, oo uusan
aragti lahayn, ee uu yahay magacuyaal aan qaadi karin eedaha ay soomaalidu
ceebaha dhacday la yaabban yihiin. Waxaaba laga yaabaa in uusan heli karin
fursad kale ee uu ku noolaado haddii uu ku gacansayro talada ay wiilasha
qayilayaa habeenkii ku marqaamaan.
Waxaynu soo sheegnay in ay qabyaaladu
tahay xeerka ay guud ahaan soomaalidu ku kala baxaan, gaar ahaanna reer Jibuuti
iyo reer Hargaysa. Sidaas awgeed caqliga kuma ay soo dhici karto in uu Riyaale
ka amardiido dhallinyarada ay Cigaal dad isu xigaan ee reer Hargaysa.
In uu Riyaale ku guulaystey in uu
meesha magac ahaan u fadhiyo waxaa keenay in weli la xurmaynayo Cigaal
maaddaama uu kuxigeen ka dhigtay si uu ugu soo jiito Awdal, oo aan dhaqaalaha
waxba laga siin jirin, ee laga soo guurey markii wax lagu dhisay oo la iska
illaawey, sidii gabar la dalaaqay.
Waxaa la sheegaa in uu habar indhola’
oo waalan rati la duubay oo ay markii uu la ordayey ay ku celcelisey: ”Waa
sidaan rabey, waa sidaan rabey”! Waxaa dhici karta in uu Riyaale hoos oo hoos
uga ciilqabo ragga qabiilka ugu taliya oo Awdal ka qadiya xoogaaga lacagta, oo
uu sidaas darteed u faraxsan yahay in ay agaggaarka ka holcaan dagaallo
qabyaaladeed si uu ugu celceliyo ”Waa sidaan rabey”.
Qabyaaladdu waxay dhashaa gaajo, caato,
arrad, ciil, tuugo, qaxooti, murugo, oohin, geeri iyo malaayiin xumaanood oo
aynu uga jeedno dalkeenna iyo dadkeenna. Sidaas oo ay tahay soomaalidii waa
lagu soo kari waayey wax aan qabyaalad ahayn. Waa dad yar oo dega dhul weyn ee
fiican, waxaana nolosha u qoonsaday qabqableyaal uu Ismaaciil Cumar Geelle ugu
khayr daran yahay.