NAIROBI: WARARKA SOOMAALIDA waxaa soo diyaariyey
Abdikarim Aden Hussein.
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com
War-1-30-December,Nairobi,Kenya.
Somalida xaafada East-Light oo Burcad hubeysan dhac iyo boob joo…………………………
Xaafada Eastlaigt ee magaalada Nairobi ayaa habeenadan waxaa ku soo batey
dhac iyo boob loo geysto somaalida degan xaafada Easlight ee magaalo Nairobi
,Kenya
7-da Fiidnimo ilaa 10-fiidnimo ,laga soo bilaabo 21-Decembar ayaa dhac iyo boob
joogto ah lagu sameeyaa goobaha ganacsi ee Soomaalida ee Internet-yada laga
dirsado , meelaha laga diro telrfoonada Guddaha iyo Dibada ,goobaha lagu
fiirsado Ciyaaraha kubada Cagta ee baararka Waaweyn oo leh Diishaska Super
Sport,Maqaayadaha waaweyn iyo gawaarida yar oo la dhaco ayaa 10-berri falalkan
si joog ah uga dhaca habeenkii kaliya dhowr meel oo ka mid ah xaafada Eastlight.
Goorta ay galaan tuugada Goobaha ganacsi ayaa dadka ku jira u sheega in ayan
dhaqdhaqaaq sameyn oo iska soo bixiyaan lacagaha iyo telefoonada gacanta ee
Mobilka oo badanaa ay sitaan 3-dii qof oo soomali ah qof,
Dhaca iyo boobkan ku soo cusboonaadey ayaa tuugada waxa ay u adeegsataa
pastoolada iyo qoryaha mararka qaar waxaa dhac in ay xabad kaga fakato ruux
iyagoo baxsad oo qofkaasi halkaasi ku geeriyooda sida hada ka hor dhacdey oo
tuugo baxsad ah wiil soomaali ah ka hor yimid ka dibna xabad isaga reebay.
Boobkan iyo dhaca ayaa waxba aysan ka qaban Booliiska Magaalada, dadka qaar
ayaa tuhunsan in falkan ay geystaan Booliiska qudhooda oo soo xirta dhar cad ee
shacabka lagu yaqaan.
Madaxweynaha Dalka Kenya ayaa cafis u fidiyey Tuugo gaareysa 5-kun oo xabsiyada
kenya laga sii daayey munaasibada Ciida diinta Masiixiga awgeed oo ku beeganeyd
25-Disembar,2003.
dhcitaankan ayaa sababey ka dib markii laga waayey wadooyinka Boliiska lugta ee
xaafada EastLight iyo tuugada oo iyana rabta in ay helaan lacag ay kaga gudbaan
maalmaha ciidaha diinta Masiixiga iyo sannadka cusub oo ruux walbaaba oo haysta
diinta masiixiga aado halka uu degenaa.
dhan kale ayaa waxa la tuhmayaa in Boliiska Kenya oo waayadan Dawlada Kenya
kala dagaalantay qabqabada Soomaalida oo loogu soo gabanayo sharci keen ama
lacag keen,haddii uu sharciga keenana waxaa lagu eedeynayaa waa saacad danbe ee
ama lacag keen ama waa lagu xirayaa.
Dawlada Kenya ayaa maalmahn danbe ka warheyn Amaan magaalada Madaam dhawr
maalmood fasaxa shaqada laga yahay oo ciidanka Boliis aan shaqo badn qaban.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi Kenya.
Madasha Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Mbagathi ayaa maanta iyo
shaley waxaa la hadal hayaa magacyada dadka ka qayb gali doona Kulanka lagu
balansan yahay in uu ka dhaco State House-ka dawlada Kenya ee Nairobi 9-bisha
janaayo ee 2004.
Tirada saxda iyo magacyada dadka ka qaybgalaya Kulanka Gooni u baxa 9-Janaayo
In kastoo wali la helin ayaa Ergada Shirka Soomaalida iyo aqoonyahanada
Soomaalida ee dibada iyto Guddahaba la is weydiinayaa in magacyada la soo
gudbiyey ,tirada la isla magacyada ayaa la sheegaya in ay kor u dhaaftey 70-qof
magacyadooda oo ruux walibaa aaminsan yahay in uu ku jirro.
Hogaamiyayaasha Soomaalida ee shirka ka qaybgalaya ayaa wali tagan Mowqifkoodii
25-qof oo saxiixayaasga lagu daro Muddane Cabdiqasim Salaad Xasan.
Kulankn gooni u baxa ayaa markii la goaamiyey ayaa shirka wadahadala Nabada soo
galey Hakad Muddo haatan laga joogo ilaa 2-bil qiyaastii.
shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa horey u hakadey ka dib markii la
ansixiyey Buuga Axdiga iyo Dastuur oo Hogaamiyaal ku sugan Soomaaliay ay ka
maqnaayeen.
shirka ayaa wali ku jira wajiga labaad ee qorista buugaagta Guddiyada oo 5-ka
mid la isla ogolaadey halka Buugga Axdiga iyo Dastuurka Doodiisu qaadatey
2-bil.
hogaamiyayaasha ku sugan Madasha Shirka ayaa wali ku doodaya shirka waxa uu
marayaa wajiga 3-aad ee qaybsiga Xubnaha Baarlamaanka iyo awood qaybsida
Dawlada federaalka oo doonayo in lagu dhaqo 4-sanno ee soo socota Soomaaliya.
dhamaad .
Abdikarim aden Hussein
Nairobi,Kenya.
Faafin
SomaliTalk.com | December 29, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|