SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KUWAIT
 Bogaadin iyo Taageerid BAAQA - Mudane Cismaan Jaamac Cali

Ku: Ummadda Soomaaliyeed oo dhan.

Annaga oo ah Guddiga Fulinta ee Jaaliyadda deggan dalka Kuwait ee ka soo jeedda Gobolada Sool, Sanaag iyo Hawd waxaanu si buuxda u taageersanahay go'aanka uu qaatay Mudane Cismaan Jaamac Cali, Ku Xigeenka Wasiirka Kowaad ee DKMG go'aankaas oo ah inuu jagadaas uu hayey iska casilo si uu isaga oo madax bannaan danaha Ummadda Soomaaliyeed uga shaqeeyo.

Waxa Mudane Cismaan Jaamac BBCda ka sheegay inuu la kaashanayo muwaadiniin kale oo la ra'yi ah uuna tegi doono gobollo dalka ka mid ah si uu dadka Soomaaliyeed u dareensiiyo qiimaha iyo qaayaha midnimadu leedahay iyo dhibaatooyinka ka dhasha tafaraaruqa. Goboladaas uu tegayo waxa ka mid ah Waqooyi Galbeed iyo Togdheer oo iyagu hore ugu dhawaaqay inay dalka intiisa kale ka goosteen. Waxa Mudane Cismaan Jaamac sheegay in 1991 markii goosashadaas lagu dhawaaqay ay madaxdii gobolada goostay la xiriireen dawladda Mareekanka iyagoo aqoonsi siyaasadeed ka raadinaya. Wuxuu Mudane Cismaan Jaamac shaaca ka qaaday arrin muhim ah oo siyaasiyiinta "Somaliland" ka qarin jireen dadweynaha reer Waqooyi. Waa markii u horraysay oo ay Ummadda Soomaaliyeed ka maqasho qof mas'uul ah oo goob joog ahaa shuruudihii Mareekanku ku xidhay aqoonsigii "Somaliland" waydiistay. Waxa shuruudahaasi ahaayeen in SNM oo goosashada ku dhawaaqday soo caddayso arrimaha soo socda:

1 - In xukunka SNM ku baahsanyahay gobolada Waqooyi oo dhan.

2 - In gobollo si gaar ah Mareekanku u magacaabay oggolyihiin goosashada {goboladaasi waa Sool, Sanaag, iyo Hawd}.

3 - Inaan dagaallo ka socon goboladaas goosashda ku dhawaaqay.

4 - In gobolada Koonfureed ee Soomaaliya raalli ka yihiin goosashada.

Saddex iyo toban sano ka dib waqtigii SNMta shuruudaas lagu xidhay cid aqoonsatay Jamhuuriyadda iskeed isu magacawday majirto sabata oo ah iyadoo shuruudihii lagu xidhay ka soo bixi wayday. Ciddii ictraafka laga baryayay waxay ogtahay halka Gobolada SSH iyo "Somaliland" kala joogaan. Waxay ogyihiin wixii "Madaxweynaha Somaliland" kaga dhacay Laascaanood. Waxay kala yaqaaniin dadka inta goosashda rabta iyo inta ka soo horjeedda. Waxay ogyihiin in Soomaaliweyn ka soo horjeedo kala go'a dalka. Waxa ciddaasi ogtahay inaan iyada lafteed dani ugu jirin kala go'a Soomaaliya.

Saddex iyo tobankaas sano been iyo riyo aan suurtagelayn ayaa niman maal qabeen ah iyo siyaasi ku sheeg ku maaweelinayeen dadweynaha gobolada Waqooyiga Soomaaliya. Hadalkaas Mudane Cismaan wuxuu soo af jaray riyadii lagu maawelinayey dadka sida uu cadeeyeyna ictiraaf laga rajo qabaa ma jiro.

Haddii xaaladda gobolada Waqooyi sidaas tahay gobolada Koonfureedna isla saddex iyo tabankaas sano dagaaloogayaal ka amar ku taaglaynayeen miyaanay Ummadda Soomaaliyeed la gudboonayn inay iska riddo heeryada dullinimada ee ay saareen Afminshaarka Waqooyi iyo Dagaaloogaha Koonfureed. Waxa Mudane Cismaan Jaamac ku dhawaaqay inuu qaadayo olole lagaga xoraynayo Ummadda Soomaaliyeed cadowgeed gudaha oo ah kuwa saddex iyo tobankaas sano dhibaatadeeda ka shaqaynayey.

Cadowgaas gudaha oo ah dagaaloogayaasha silciyay Soomaalida Koonfureed iyo siyaasi ku sheegga marin habaabiyay Soomaalida Waqooyi waa kuwa Ummadda Soomaaliyeed u jilciyay cadowgeeda dibedda. Iyadoo ka faa'iidaysanaysa cadowga gudaha oo daba dhilif u noqday waxa Ethiopia gaadhay inay maamusho dekedda Berbera iyo inay dharaar cad Hargeysa gudaheeda dad Soomaaliyeed ka qafaalato. Dagaal oogayaashu waxay Ethiopia iyo cadowga kale ee Soomaaliyeed u suurta geliyeen inay maamulaan arrimaha u gaarka ah Soomaalida iyagoo danahooda fushanaya .

Haddaanu nahay Guddiga Fulinta ee SSH Kuwait waxaanu qof kasta oo Soomaali ah ka codsanaynaa inuu taageero tabaabushaha Mudane Cismaan Jaamac ugu jiro dib u soo noolaynta qaranimadii iyo midnimadii Soomaaliyeed.

SOMALIA WAA DAL QUDHA, DACAL GOOSTE WAA CADOW,

DAGAALOOGE WAA NACAB, MA DAMQADENA WAA NACAS.

GUDDIGA FULINTA SSH EE KUWAIT

  • 1. Saalax Shire Saalax Guddoomiye
  • 2. Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig} Xubin
  • 3. Siciid Ismaaciil Himbool ^
  • 4. Axmed Maxamed Cali {Qodax} ^
  • 5. Cabdullaahi Sheekh Maxamuud ^
  • 6. Cabdullaahi Maxamed Aadan {Dhoolawaa} ^
  • 7. Naasir Sheekh Saalax ^
  • 8. Maxamuud Ismaaciil Nuur ^
  • 9. Yuusuf Xaaji Samatar ^
  • 10.Faarax Cabdi Gaas ^
  • 11.Maxamed Xirsi Caynab ^
  • 12.Maxamed Faarax Abyan ^
  • 13.Maxamed Ciise Muuse ^

Kala xidhiidh:

Axmed Maxamed Aadan {Tabaatiig}
ssh_kuwait@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE TABATIIG

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Dec 2


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

WARAR HORE

Ururka Darwiish Party oo Tacsi u diray laascaanood
Qoraal uu ururku maanta soosaaray ayaa ku bilaabmay.... GUJI  8/12
 

Bayaan ay soo saareen jaaliyada SSH ee Kuwiat
Annagoo ah Jaaliyadda dalka Kuwait deggan ee ka soo jeedda Gobolada Somalia ee Sool,Sanaag iyo Hawd in badan ayaanu   GUJI  12/12

Jaaliyada dhulbahante ee w/america warsaxaafadeed
la xiriira dagaalkii Laascaanood ayey ku sheegeen in GUJI  11/12

Warsaxaafadeedka Puntland ee Dagaalkii Lascanod
Madaxweyne ku xigeenka dawlad goboleedka Puntland mudane Maxamed Cabdi Xaashi oo ku sugan Eldoret ayaa.. GUJI  8/12

Woqooyi Sidee Looga arkay Dagaalkii Laascaanod
Dagaal aad u kulul ayaa ka dhacay magaalada laascaanood, kaasoo ay sabab u ahayd booqashadii Madaxweynaha... GUJI  8/12

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD