Maxay Diintu kaqabtaa Feestada Gaalada oo Lagaqayb
Qaato??? M,M,Ciise, (Ufayn)
Qoraaga
Cashada Sakada Maalka...
- Laxda haraga oo laga bixiyaa dhib
kumahayso marhadii lagowracay
Assalaamu Caleykum,
Salaan kabacdi waxaan Qormadan Ciwaan ugadhigay (LAAYADIIRU
SHAATA SALKHUHAA BACDA DABXIHAA)Laxda haraga oo laga bixiyaa dhib kumahayso
marhadii lagowracay,
Waxaan uga jeedaa ama uga goleeyahay Qormada Dulucdeeda
oo ah Marhadii Muslimiinta Dunida kunool oo aadka u tirada badan marhore
Maskaxda iyo Caqliga looga duuley Dareenkii iyo Xanuunkii loodamqan lahaa
Diinta ayaa waxay keentay in maanta waxkasta oo lasoo hordhigo ay sifudud
kuqaataan iyagoon ufiirsan Sharciyan maxay Diintu kaqabtaa???
Waa lagama maarmaan inuu qofka Muslimka ahi hortiisa
keeno talaabo kasta oo uu qaadayo inuu Diinta meel ugadayo waamid kusaleysan
Dareenkiisa iyo Ruuxdiisa hadba heerka ay joogto,
Waxaa Ayaan darro ah in maanta dadbadan oo Muslimiin
Soomaaliyeed iyagoo jooga Dalkoodii Hooyo laguqanciyey inay u dabaal degaan
Feestooyinka Gaaladu degsadeen sida Christmas, happy New Year iyo waxlamida,
Taasina waxay kadhalatay markii Dadku kagaabiyeen
kudhaqankii Diinta oo markaas waxaa meelkasta kasoo galay kuwii fidinayey
Baadilka iyo Xaqdarada,weliba waxaa intaas dheer iyadoo lasoo Adeegsanayo kuwo
kula jinsiyad ah oo kuhadlaya Luuqadda Afsomaliga,
Hadaba markaan fiirino maxay Diintu kaqabtaa in Gaalada
lagala qaybgalo Dabaaldegooda iyo Feestooyin kooda? Waxan u kalaqaadeynaa labo
qaybood,
1-hadii qofku isagoo ogsoon si bareera uga qaybgalo
Feestada Gaalada kuna qanacsan yahay Manhajkooda iyo Qawaaniin tooda taasi waa
Arin keenaya Diinkabax ama Gaalnimo waxaana Daliil inoogu filan Xadiiska
Rasuulka Laga weriyey Nabad gelyo iyo Naxariisi korkiisa hanoqotee (Ninkii qolo
iskushabaha iyaga ayuu kamidyahay)waxaa weriyey Abuu Daa’uud waxaana kaheli
kadhaa Kutaabu Libaas,
waxaan filayaa warkaasi waa cadyahay marhadii layiri
qofkasta Rag iyo Dumar midkuu doono hanoqdee mar haduu qolo ama Dad isu
ekaysiiyo Dhaqankooda iyo Tastuurkooda markaas iyaga ayuu kamid noqonayaa,
Qoladaasi Hadey Islaam yihiin dhaqankoodana uu qaato oo rumeeyo markaas wuxuu
kamid noqonayaa Muslimiinta, Dhanka kalena sidaas ayaan katusaale qaadaneynaa
ee waa inaanu qaadan kana raalinoqon Qofka Muslimka ahi Dhaqan iyo Tastuur
Gaalo, mana haboona inuu qofku isagoo indhaqaba doorto Indhala'aan.
Wabillaahi Tawfiiq,
M ,M,Ciise,
(Ufayn)
Waa qoraaga casharada
Sakada Maalka...
Faafin
SomaliTalk.com | December 29, 2003
Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh
qoraag aku saxiixan
MA-OGTAHAY: Maalinta carafa in ay ku
beegan tahay 31da Janaayo, Ciidul Adxaana 1da Febraayo 2004, Sannadka cusub ee
Islaamkuna uu bilaabmi doono 21 Febraayo, Maalinta cashuurana ay ku beegan
tahay 1da Maarso, bisha Ramadaana 15ka Octobar, insha Allah, ee
isxisaabi
»MA-OGTAHAY
CIDDII UGU HOREYSEY EE....
[Guji]
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|