Qowmiyadda Yuhuudda dad badan baa
neceb, waxaana laga yaabaa in ay qaarkeen moodayaan in loo necbaaday in ay
Rabbi ka fog yihiin darteed! Taas waxaa diidaya nacaybkii iyo xasuuqii uu
mudane Aldolf Hitler kula carobaaba’ay iyo dhibaatooyinkii ay Faraacinadu
muddo hore ku takooreen kuna qaxiyeen in aysan jihaad ahayn. Isla markaas
waxaa Yuhuudda neceb dad badan oo aan Rabbi jiritaankiisa malaynayn ee kula
colloobey isla arrinta ay dadka kale ku colaadinayaan.
Qowmiyadda carabtu waxay xilligaan u
badan yihiin muslimiin, waxaana ka mid ah kuwo kirishtan ku dufoobey iyo
kuwo aan diinba malayn ee naftooda malaysan. Dhammaantood waxay ku midaysan
yihiin nacaybka qowmiyadda Yuhuudda, sidaas oo kale ayey qowmiyado badani
waxay la gubanayaan colaad ay u qabaan qoladaas.
Xilliyadaan waxaa la sameeyey
baaritaanno ku saabsan heerka garashada dadka, waxaan ugu horreeya
qowmiyadda Yuhuudda. Dad asal ahaan u dhashay Jarmal iyo Iswiidhan baa waxaa
la mariyey tijaabo qiyaaseed, oo heerka garashada lagu baaray, waxayna
noqdeen isku darajo. Isla baaritaankaas ayaa dad Yuhuud ah la mariyey,
waxaana soo baxday in ay aad uga garasho sarreeyaan dadka Jarmal iyo
Iswiidhan.
Dad badan oo ay qaarkood isla
Yuhuudda yihiin baa waxay u maleeyeen in ay garashada sare ee qoladaasi
tahay fir ay ka dhaxleen wasiirtoodii kumannaan sannadood ka hor jirey.
Waxay arrintaas u cuskadeen in uu firsigu wax jira yahay, hase yeesho ee
waxaa jira dood ku wajahan in uu firsigu xilli kooban leeyahay, oo uusan
ahayn wax intaas oo fac socon kara.
In ay nebiyo badani magaca
”Israa’iil” dugsadaan bay dadka qaar ka uriyeen in ay garashodheerida
qoladaasi salka ku hayso, waxaase taas lagu caabbin karaa in aysan
nebinimadu ahayn garasho qof ee ay tahay fartiin uu Rabbi soo diray.
Dadka in ay garashada Yuhuuddu
dhaxal tahay ku doodaa waxay daliishadaan in uu jiro baaritaan bayoloji ah
ee sheegaya in uu dadkooda qaarkood ku badan yahay BRCA1 oo xariir la leh
kanserka naasaha ku dhaca. Sidaas awgeed firka dhiigga iyo dhaxalka
garashada labaduba waxay xuli garaan facac waayo badan isdhala.
Ama fir ha ahaato ama yay ahaan ee
waxaa la isku raacay in ay Yuhuuddu dadka kale ka fiiro dheer yihiin. Markii
ay qabiiliyaashii Jarmal Yuhuudda ku carteen waxaa dadka Berlin ku noolaa
qoladaas ku abtirsanayey 5% (boqol kasta shan qof), waxaana canshuurta
magaalada bixin jirey 31% oo Yuhuud ah. Sidaas ayey magaalooyinka waaween ee
Jarmalka ugu yaraayeen tirada Yuhuudda ee ku nooli, isla markaas ay u
badnaayeen tayada dadkaasi xagga dhaqaalaha.
Waddanka ay dadku in uu xooggan
yahay u maleeyeen ee Maraykan waxaa xilligaan maskaxda ka orgeeya qoladaas.
Waxaa la sheegaa in dadka dalkaas ku xerooda 2% labo Yuhuud yihiin, haddana
50% dadka fakarka dhaqanka hoggaamiyaa waa ayaga.
Dadka maraykan ee tan iyo hadda lagu
abaalmariyey darajada ”nobelbarays” waxaa tolka Yuhuudda ahaa 40%.
Macallimiinta jaamacadaha dhiga waxaa ka mid ah qaar sare oo loo yaaqaan
barafasoor, waxaana dalkaas (USA) Yuhuud ah 20%.
Hoggaanka qareemada Niyuu Yook iyo
Washiton waxaa ayaga ah 40%. Joornaallada iyo guud ahaan waxyaalaha la
daabaco waxaa saxaafad iyo qoraal kaleba madaxda hagta Yuhuud ah 26%.
Waxaa inoo laaban wax kale oo yaab
leh! Oo maxay yihiin? 59% (qiyaastii lixdan boqol walba) qorayaasha sare,
diwaangeliyeyaasha iyo dadkii sameeyey kontonkii filim ee dunidda ugu
lacagsooraarka badnaa in ay Yuhuud ka soo jeedaan baa la sheegay.
Nolosha dabeecaddeeda haddii laga
daliilqaato waxay garashada dadka u soo jiiddaa awood, tanti iyo magac.
Markii ay dadka garashada kore lihi xoogga hagitaanka, dhaqaalaha iyo
muuqaaldheerida helaan waxay noqdaan dabaqadda sare ee nolosha bulshada,
waxayna dareemaan kalsooni iyo rayrayn ay ku sii dhiirradaan sidii ay u sii
tillaabsan lahaayeen iyo sidii ay u xagsan la haayeen arrimahaas ay ayadu
garashadooda ku gaareen.
Markaas maxaa dadka ay garashadoodu
hoosayso u talo iyo taag ah? Waxay dabaqaddaas heerkeedu hooseeyaa shaqo iyo
maaweelo ka dhigtaan masayr ama hinaas iyo xin.
Colaado iyo xiisado badan ee ummado
badan ka soo dhexdhacay waxay ku qotomeen dad garaadkoodu sarreeyo iyo kuwo
ka heer hooseeya oo ka masayrsan in si ama siyaalo looga horreeyo, waxaana
laga yaabaa in ay nacaybyada sidaan ahi isu rogaan midabtakoor iyo in loo
kala safto dad kala midab ama muuqaal geddisan.
Waxaa laga yaabaa in dad aflahorrato
lihi ay hadalladaan kula soo boodaan ”Sidee bay u dhici kartaa in ay qolo
gaar ahi dad kale ka wada garash sarreeyaan?” iyo ”Sow garashada qof kasta
gaar looma siiyo”. Taasi waa dood aan u qalmin in lala yimaado xilligaan ay
wax kastaa caddaadeen.
Horta dadnimada waxyaalaha ugu
horreeya oo noolaha kale lagaga saaraa waxaa ka mid ah ”Bulsho”, oo malaha
ka koobnaan karta toban qof, siina badan karta tan iyo malaayiin ruux.
Bulshadu waxay yeelataa hidde, waxayna samaysataa alaabo iyo qorshe nololeed.
Alaabada iyo qaabnololeedku waxay tabobaraan garashada dadka oo sii
dhaqaajisa qalabka iyo sansaanka ama habka ay bulshadu u rakiban tahay.
Bulshadii ay batobarkeeda iyo
hiddeheedu guulaystaan waxay helaan sirta nolosha qaarkeed waxaana u baxa
raadkii ay garashadoodu u sii kori lahayd, waxayna helaan nolol iyo magac ka
sarreeya kuwayowga aysan garashadoodu tillaabsan.
Markii ay bulshada garaadkeedu koray
hidde ahaan iyo hayn ahaanba heer sare joogto wuxuu dadkeedu yeeshaa garasho
ka sarraysa bulshooyinka kale haddii baaritaan lagu sameeyo heerka
garashooyinkooda iskucelcelis ahaan.
Bulshada kor u kacday waxay heshaa
kalsooni iyo siisocod, halka ay kuwa haray kala dabayaacaan masayr iyo
nacayb. Waxaa markaas abuurma colaado iyo haaraan aan weligiis soo afjarmayn,
oo laga yaabo in aysan dadkii bilaabay u haysan daliilo la taaban karo ee
tuhun iyo xin la isku dhexfaafiyey u badan.
Marka ay arrimahaani sii durkaan
waxay u xuubsiiban karaan midab sidii aynu horay u soo sheegnay, waayo
waxaynu maanta og nahay in ay carabta iyo caddaanku u bukaan Yuhuud, halka
ay madowgii laga roonaaday ee Ameerka lagu bahdiley ayaga oo ay garashadoodu
saqiir ahayd u cuqdadaysan yihiin dadkii addoonsaday oo weli ka sarreeya.
Kalasarraynta garashada dadyowga aad
baa loo qariyaa, waayo dadku run ma ay rabaan, isla markaas waxaa laga
yaabaa in ay meesha soo gasho oraah ay dadka liitaa ku baroortaan oo ah:
”Waa naloo gafey”.
Waxaa maanta jira magac ah
”Afrikaanka Ameerika”, wuxuuna magacaasi soo maray labo jaranjaro oo mid
walba laga xanaaqey. Waagii hore waxaa dadka madow ee Ameerika la oran jirey
”Neger”. Markii uu cuqdad iyo dhiidhi kiciyey baa waxaa magacii loo
wareejiyey ”Madowga Ameerika”, haddana ereyga ”madow” baa la dhibsaday
maaddaama ay dadka madoodi heer hoose nolosha ka joogeen, waxaana hadda loo
yaqaan ”Afrikaanka Ameerika”.
Magacaas danbe laftiisu wuxuu qarka
u saaran yahay in laga cararo kol haddii ay weli dadka madoobi xagga garasha
ka curyaansan yihiin, oo aysan madaxa kor u soo qaadin ee ay kun sano
meeshii la joogey hoganayaan.
In arrin qolo gaar ah loo qiro ama
lugu tilmaamaa waxay ka mid tahay waxyaalaha la cabburiyo, oo aan xataa
haddii cilmi ahaan oo baaro lagu dhiirran karin. Takhtar ingiriis ah, Rober
Bannister, baa 1995 wuxuu sheegay in ay dadka uu dubkoodu madow yahay orodka
iyo bootada kaga fiican yihiin dadka kale. Dabdeed tababare akademi oo
asaguna isla dalkaas magaalada Berkeley joogey baa wuxuu ku dhiirradey in ay
madowgu orodka iyo bootada kaga suubban yihiin dadka midabbada kale leh.
Ninkaasi wuxuu mutay dhibaatooyin uu ka soo waaqsan waayey, oo ay ugu
fududayd in uu shaqadiisii dhawr sano seegay.
Gabar Jarmal ah, Charlotte Höhn, baa
1994 shir qaramada midoobey lahaayeen ee Masar ka dhacay waxay tibaaxday in
ay jiraan garashooyin iyo kartiyo ku kala leexsan midabbada dadka, kuwaas oo
aan la beenin karin, waxayna markiiba seegtay shaqadeedii!
Faransiiska iyo meelo kale waxaa
afka la qabtay dad aqoon sare lahaa oo ku dhiirradey in ay noocyada dadku
waxyaalo ku kala duwan yihiin xagga kartida maskaxda iyo midda jirka, sida
ay ugu kala duwan yihiin muuqaallada iyo midabbada.
Waxaa yaab leh in markii ay dan dhab
ahi jirto aan looga leexleexan arrimahaan lagu ciqaabay dadkii aqoonta lahaa,
oo baaritaannada cilmiyaysan soo gudbin lahaa. Difaaca Maraykanka, Pentagon,
waxaa in ay Yuhuuddu hagto soo dhaweeya tijaabo caqliga (IQ) ah oo la mariyo
dadka laftaas xasaasiga ah dhuuxaya!
Doodda midabka u saabsani hubaal ma
aha xagga garashada oo arrinteeda weli looma madaxbanaana in miiska la soo
saaro, hase ahaato ee waxaa cad in ay qofka garashadiisu cuskan tahay
bulshada uu ku dhexkoray hiddeheeda iyo heerka horumarkeeda.
Marka aynu garasho ka hadlayno uma
aynu jeedno tababobarka angagan ee waxbarashada oo uu qof kastaa samayn karo,
ee waxaynu uga jeednaa garashada laga gurto wereegga fakarka iyo nolosha
bulshada.
Haddii aynu hadalka sii dooxno waxaa
jira malaayiin garasho oo uu qofku u dhalan karo, laakiin ka madoobaanaya
haddii aysan bulshada uu dhexdooda ku ababayaa ilbax ku ahayn arrintaas.
Weli waxaa la moodaa in aynaan si fiican ku fahmin dulucda hadalkaan,
waxaase inoo furaya tusaale yar ee su’aal ah oo soomaalida ku saabsan.
Waxaynu hubnaa in ay Cali-Dhuuc iyo
Aadan-Carab ahaayeen labo nin oo leh karti fiican oo ay ku gabyi kareen,
waxayna malaheenna ku barbaareen Buuhoodle. Markii uu mid kastaa hal sano
jirey haddii inta Buuhoodle laga qaado la geyn lahaa Mundul Baraawe oo ay 25
sano halkaa ku gaari lahaayeen ma loo malaynayn karaa in ay kartidooda
maansadu ahaan lahayd sidii ay ahayd?
Garashada dadku waxay u kala baxdaa
malaayiin iyo malaayiin cayn, ee maanso keli ah ma aha. Sidaas awgeed
tusaaleheennu wuxuu diirka ka qaaday in uu qofku garasho u dhasho, isla
markaas garashada hirgeliddeedu ku xiran tahay bulshadiisa. Haddii ay
bulshadu kobciso waa uu guulaysanayaa, haddii kalese wuxuu la mid noqonayaa
dadka aan garashaadaas u dhalan.
Bulshooyinka dhulka ku nool qaar baa
waxay ka garasho hooseeyaan carruurta 7 jirka ee bulshooyin kale, waayo
koritaanku fil keli ah ma aha ee waxaa weheliya tabobar aysan bulshooyinka
qaarkood haysan, ee ay mugdi ku jiraan oo sidaas iskula fiican yihiin sida
uu dixirigu isula fiican yahay.
Soomaalida waxaa jirta garasho uu
Rabbi ugu deeqay, taas oo ah xinka qabyaaladda. Qofka soomaaliga ahi haddii
uu jamaaco salaad ku xirto wuxuu sahwiyayaa inta uu ka fakarayo imaamka iyo
safka hortiisa ah tolkooda.
Laanta afka soomaaliga ee BBC baa
ciiddii dhawaan la tukadey waxaa laga sii daayey sidii meelo kala geddisan
looga ciidey. Nayroobi baa waxaa ka soo hadlay labo weriye, oo kala ahaa
Axmed Maxamed iyo Xassan Bariiso.
Sidii ay tukashadu u dhacday bay
labadoodu iska waraysteen, waxaana la waraystay Xassan Bariiso. Iimaamku
wuxuu ahaa shiikh dhallinyar, laakiin uu Rabbi ugu deeqay aqoon iyo aftahmo
lala ashqaraaray. Waa shiikh Umal oo malaha ku soo barbaaray degaanka loo
yaqaan Ogaadeen.
Axmed Maxamed oo uu Allihiis Alle
yahay baa wuxuu Xassan weydiiyey su’aal fiicnayd, oo ahayd ”Ka warran
khudbadii shiikha?”. Nasiib darro Xassan hadalkaas wuxuu ka dhexsawirtay
qabyaalad iyo in asaga lagu yasayey. Hal mar buu codkii Xassan oo awalna
xabeeb lahaa xanaaq la sii xabeebsaday, wuxuuna malaha u maleeyey in uu
Axmed hadalka qallooc ula jeedey, oo uu ku hoosqarinayo ”Meeshii aad dhawaan
ka timid lagama heli karo shiikh aftahan ah sida Umal”.
Run ahaantii su’aasha Axmed Maxamed
qabyaaladi kama ay dhadhamayn, oo Xassan Bariiso waxaa fiicnayd in uu
shaydaanka iska naaro, iskamase uu naarin, ee wuxuu qabiilkiisa ku difaacay:
”Gobol kasta waa laga heli karaa nin codkar ah, taasna horay baynu uga wada
hadalnay!”.
Waxaa laga yaabaa in ay maalin hore
labada weriye ku soo murmeen tartan qabiil, oo codkarimo ku saabsan, markaas
oo uu Xassan Bariiso wax tabanayey, dabadeedna uu inta is ilaawey idaacad ay
20 milyan dhegaysanayaan ka sheegay jariibban qabiil oo asaga iyo
saaxiibkiisa shaqada soo dhexmaray.
Markii hore ee ay ilaaqdaas kharaari
labada dhexmaraysey waxaa laga yaabaa in ay marqaansanaayeen amaba ay
cabsanaayeen, waayo shaqaalaha BBC intooda badan waxaa codkooda laga
dareemaa in ay reero balwadeed yihiin, siiba kuwa reer woqooyiga ah.
Run ahaantii dadka muslimiinta ah
waa laga xaaraameeyey dhammaan maandooriyeyaasha, laakiin waxay dad aan ku
kalsoonahay ii sheegeen arrin dhexmartay Ismaaciil Cumar Geelle iyo
Cabdiqaasim. Waa dad aan loo malayn karin in ay sirtaan ii soo gudbiyeen,
laakiin waxay soomaalidu ku maahmaahdaa ”Runtu haddii afka laga qariyo
feeraha ayey ka dillaacdaa”.
Dadkaas in aan magacaabo waa aan ka
gaabsaday, waxayna sheekadu ahayd in uu madaxweyne Ismaaciil oo cabsani soo
wacay guulwade Cabdiqaasim. Wuxuu amar ku siiyey in uu shirka Nayroobi aado,
dabadeedna markii uu madaxweynuhu miyirsadey buu Cabdiqaasin oo Nayroobi
jooga soo wacay, wuxuuna asaga oo xanaaqsan ku yiri: ”Yaa kuu fasaxay in aad
shirka aaddid?”, wuxuuna cabbaar ku caayey afka faransiiska oo uusan
Cabdiqaasim waxba ka aqoon.
Waa waagii uu Cabdiqaasim Nayroobi
yimid oo uu haddana dhaqsaha uga laabtay, hase yeesho ee maqaalku wuxuu ku
saabsan yahay ”Masayrka maangaabyada”.
Masayrku wuxuu sida badan kaashadaa
cuqdad uu qof qabo ama shaki ay kooxi isku dhexbaahiyaan. Sidii aynu soo
taabannay waxaa dhacay dagaallo badan ee masayr ka abuurmay.
Burundi iyo Ruwanda waxaa isku
xasuuqay dad badan, waxaana laga yaabaa in ay dagaallada Soomaaliya ka
dhacay salka ku hayeen kala masayr ay qabiilooyinkii isxasuuqay xin iyo
hinaas caloosha isugu hayeen oo sida bunbadii hal mar qarxay.
Waxaa arrintaas xoojinaya in aysan
muuqan sabab macquul ah oo keeni kartey sidii ay ummadda soomaaliyeed isu
gumaadeen. Waxaa la sheegaa in ay qabiilooyin aan godob muuqata kala qabini
iska laayeen tiro haddii la sheego laga naxayo, waxaase ka sii daran sida ay
markii heshiis loogu baaqo caaqyo u yihiin.
Marka ay soomaalidu shirayaan qof
xishoonaya oo caqli lihi ma uu dhegaysan karo, waayo waxaa shirka soo
dhoobanaya kuwo aan doodi aqoon, oo lacag ay xadeen ama ay dhaceen ku soo
caanbaxay.
Shir qaran oo la rabo in lagu
sameeyo barlamaan xeerka sameeya oo dhawra iyo xukuumad dadka hubka ka
uruurisa oo hay’ado shaqeeya u samaysa, caalamkana ula xariirta ayaa waxaa
iska soo aadaya caaq jaahil ah oo baasto iyo dhar biliqaystay iyo suuqmadow
intii uu dalku kharribnaa ka xoolaystay.
Jeneraal Maxamed Siyaad intii uu ka
baqayey in xukunka laga qaado ayuu wuxuu meel kasta u dhiibtey dadkii
jamhuuridda oo dhan ugu garasho iyo aqoon liitey. Doqomadaas jaahiliinta baa
21 magacyadooda raadiyaha laga maqlayey, waxay shacabka qaarkood u qabaan in
ay siyaasad iyo maamul wax ka garanayaan.
Bahaayinkaas iyo xoolo kale ayaa
magacii uu Siyaad u yeelay ku khatalaya ummadda jahawareersan. Dadka kartida
fiican bay iska barbar yaacaan, oo u diidaan in ay baahida taagan xalkeeda
habeeyaan. Tuugada iyo caaqyadii kacaanka waxaana dhammaantood dhaama
wadaaddada iyo garoobbada.