Cabdullaahi Yuusuf: Daahir Riyaale ha isku dayo inuu fuliyo digniinta uu
bixinayo
-
Cabdullaahi Yuusuf, gaashaanka waxa uu ku
dhuftay in shirka 9-ka January ay ka soo qayb galaan 42 hoggaamiye, sida
urur goboleedka IGAD uu qorsheynayo.
Maxamed Ingiriis |
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Nairobi, Kenya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
Dec 26, 2003
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Cabdullaahi Yuusuf
Axmed, waxa uu muujiyey inaysan ahayn qatar weyn halista laga qabo in
dagaal uu ku dhex maro gobolka Sool maamullada Somaliland iyo Puntland.
Sida hadda wararka lagu hayo, carcarta colaaddu meel xun ayay
maraysaa.
Isagoo iigu warramayey guriga uu ka deggan yahay duleedka
Nairobi, Cabdullaahi Yuusuf waxa uu yiri Daahir Riyaale [Madaxweynaha
Somaliland] digniinta uu bixinayo ha isku dayo inuu fuliyo, ma anigaa
Boorame ugu tagay.
Waxa uu tilmaamay in Daahir Riyaale uusan lahayn gobolka
Sool, laakiin dadka halkaas ku nool ay tashadeen. Gobolka dadkii lahaa
baa deggan, Harti baa deggan, Soomaali inay ka goaanna ma doonayaan
ayuu yiri.
Madaxweynaha Puntland, waxa uu xusay in reer Sool ay ku
tashadeen inay daafacaan aayahooda iyo jiritaankooda oo aanay cidina
madiidin ugu noqon ayuu yiri nabadgelyadooda. Gobolka dadka deggan waa
tashadeen ayuu yiri.
Nin Soomaali kala goynaya warkiisa kuma jirno, hadduu soo
duuli karo ha soo duulo ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf oo qeexay in wax
ka jira aysan jirin xuduudihii gumeysigu ku kala qaybiyey dhulka ay
isku hayaan labada maamul.
Mar aan suaalay siduu u arko aayaha shirka dib u heshiisiinta
Soomaaliya ee Mbagathi, waxa uu yiri Soomaali iyadaa laga rabaa inay
wax qabsato, madaxnimo layska sheegto sida Cabdilqaasim oo guri layska
jiifto lama qaadan karo.
Cabdullaahi Yuusuf, gaashaanka waxa uu ku dhuftay in shirka
9-ka January ay ka soo qayb galaan 42 hoggaamiye, sida urur goboleedka
IGAD uu qorsheynayo. 42 hoggaamiye ma jiraan, mana joogaan Soomaaliya,
waxaan jirin IGAD iskama magacaaban karaan, 24-kii hore iyo
Cabdilqaasim baan aqoonsannahay ayuu yiri.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in haddii la damco in la jujuubo
hoggaamiyeyaasha kooxaha aysan yeeli doonin arrintaas. Shirkaan waxaa
weeciyey Kenya iyo Djibouti, phase III inuu furmo ayay diideen, wax
Soomaali dan u ah ma wadaan ayuu yiri.
Isagoo ka hadlaya is beddelka dowladda KMG ah, waxa uu yiri
baarlamaan Bakaaraha laga soo kexeeyey Baarlamaan ma ahan, Xamar waxay
ka haystaan xaafad waxaan dhammeyn, Soomaalina sidaas uma baahna ee
waxay u baahan tahay cid ururisa, heshiisiisa, hubkana ka dhigta.
Waxa uu si adag u weeraray dowladihii reer galbeedka ee
dhowaan soo jeediyey in Axdi Qarameedka KMG ah ee la ansixiyey bishii
September dib loogu noqdo. Distoorka laguma noqonayo, iyaga
distoorkooda ma fara-gelinno, annagana kaayaga annagaa xor u ah, maxaa
naga galay Italy, Masar iyo Mareykanka ayuu yiri.
Siduu u arko Isbahaysiga Xamar ee Golaha Samata-Bixinta la
magac-baxay oo aan suaalay, waxa uu yiri raggaasi waxaan ogahay inaysan
xal Soomaaliyeed wadin ee ay wadaan abaabul dagaal iyo isbahaysi
colaadeed, waxay ka shaqeynayaanna waa dhibaato hor leh.
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Nairobi, Kenya
E-mail: Ingiriis@yahoo.com
qoraaladii hore ee ingiriis..
<><><>
ETHIOPIA |
SOOMAALIYA |
Masaajid ka Dhisnaa
Magaalada Aksum 65 Sano oo la Dumiyey.
Wararka naga soo gaadhaya magaalada Aksuum ayaa sheekagaya in maamulka
magaaladaasi dumiyeen masaajid ka dhisnaa halkaas muddo dhan 65
sano,iyagoo u cuskaday duminta masaajidkaas in si sharci daro ah lagu
dhisay markiisii hore.
Muslimiinta aagaas dagan oo si aad ah ooga cadhaysnaa falka islaam
nacaybka ah ee uu maamulka magaadaasi sameeyay ayaa ku tilmaamay inaysan
waxba ka jirin qodobka loo cuskaday duminta masaajidkaasi.
Duminta masaajidkaas ayaa la fuliyey
xili habeen ah,iyadoo laga cabsi qabay in hadii maalin cad la dumiyo ay
halkaas ka dhacaan shaqaaqooyin iyo iska hor imaado xun.
Sidoo kale xubnihii ka shaqayn jiray
masaajidkaas oo dhannaa 5 qof ayaa iyagana xabsiga loo taxaabay.
ISHA: RADIO
XORRIYO
<><><> Magaalada Aksum (ee Itoobiya) ee waa magaalo taariikhdeedu ku
siman tahay xilligii boqor tooyadii la ornjirey "Aksum" taas oo ahayd
gobol xoog leh oo u dhexeeyey boqortooyadii Roomaanka iyo tii Beershiya-<><><>
|
Intii ay Soomaaliya dawladda ahayd,
laga soo bilaabo xornimadii ay qayb Soomaaliy aah ka qaadatay gumeysiga,
waxaa Kismaayo iyo Xamar ka dhisnaa Kaniisad ku sinayd xilligii
gumeysiga, Kaniisada Xamar waxay ka dhisnayd meel u dhow masjidka
Qadiimka ah ee Arbaca rukun, iyo hoteelkii ugu caansanaa Muqdisho ee
Curuba iyo Bangigii ugu weynaa Soomaaliya oo ahaa Bangiga Ganacsiga iyo
kaydka Soomaaliyeed iyo xafiisyadii dawladda, iyo jardoonooyin qurux
badan oo aagaas ka dhowaa, iyo weliba dekadii caalamaga hayad ee
Muqdisho oo aan halkaas ka durugsanayd. Kaniisada xamar waxay dhibka la
wadaagtey dhismayaashii Soomaaliya dhibaatadu kasoo gaartey dagaalkii
ahliga ahaa ee Soomaaliya, waxaa la sheegay in ilaa hadda la waardiyeeyo.
Sawirka: www.swan.ac.uk |
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|