Booqasho gaaban oo ay Hablaha Qeybta Caafimaadka ee
Global (GHS) ku booqdeen dhismaha weyn ee xarunta Hay’adda Sofiha ayey kala
kulmeen soo dhaweyn aad u diirran , halkaasi oo ay ku qaabileen Xubno ka
tirsan Hay’adda SOFIHA oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Hay’ddda SOFIHA
C/raxmaan
Yuusuf Budul .
Isla markaasi waxa ay Hay’adda SOFIHA ku qaabishay
Machadkaasi Global Qeybta Caafimaadka meel aad loo qurxiyey oo ku taalla
Dusha sare ee Dhismaha Hay’addaasi Goobtaasi oo aad u leh Bilic isla
markaasna aad mar ka wada il bogan kartid Badda xaaxigeeda iyo Daruuro dul
heehaabayey Daarta Nabadda ee SOFIHA Dusheeda .
Soo dhaweyn ka dib waxa Hablahaasi u hadashay Keyf
Siciid Ibraahim oo ka tirsan Machadkaasi Global waxayna u Mahad celisay
Hay’adda SOFIHA iyadoo xustay inay Hablaha Caafimaadku ka shaqeeyaan
Badbaadin Nafta Dadka iyo Daryeelkooda sida ay SOFIHA uga shaqayso Nabadda
oo ay iyana Nafta u badbaadiso .
Keyf waxa ay sheegtay Baahiyo faro badan oo
hortaagan Machadkooda (GHS) oo ay ka mid yihiin Tababar la’aan iyo qalab
la’aan , iyagoo ka dalbaday Hay’addan Swedishka ah in ay Taageero u fidiso .
Gudoomiyaha SOFIHA C/raxmaan Yuusuf Budul ayaa u
mahadceliyey Hablahaasi isagoo halkaasi uga ballanqaaday Machadkaasi inuu la
garabtaagan yahay Taaageero Maaddi iyo Macnawiba leh iyo weliba isagoo
gaarsiinaya magacooda Meel dheer una qareemi doono sidii Hablaha wax loo
bari lahaa , wuxuuna ku dhiirra geliyey waxbarashadooda inay sii wataan
isagoo sheegay in ay ku sharfan yihiin Booska ay Ummadooda ka taagan yihiin
, wuxuuna Guddoomiyuhu Xusay inay xambaarsan yihiin Bahda Caafimaadku Sirta
Nolosha iyo dhambaalka Naxariista loona baahan yahay inay mar walba u
naxariistaan Dad weynaha iyo kuwooda Bukaanka ah , sidoo kale waxa uu
Gudoomiyuhu ku booriyey Waalidiinta inay waxbaraan Hablaha si loo helo
Mustaqbalka Hooyo waxtaqaan waxaana uu tusaale u soo qaatay in Ninkii Gabar
waxbaraa uu Bulsho waxbaray .
Hay’addan oo ka shaqaysa Nabadda , Waxbarashada ,
Dhaqanka iyo Dimoqraadiyada ayaa waxay beryahaan wadday dersid xaaladda
waxbarasho ee Hablaha Soomaaliyeed isagoo gudoomiyaha SOFIHA Mr. Budul socod
ku maryey Goobaha waxbarista Hablaha ayuu Booqday Machadkaasi Galobal ee ku
yaala Boosaaso si uu ugu kuurgalo una indha indheeyo waxbarashada Hablahaasi
u yimid ee Baahidooda waxbarasho usoo gudbistay , isagoo halkaasi kula
kulmay Maamulaha Qeybta Caafimaadka ee Machadkaasi (GHS) Dr. C/fataax Ciise
Warsame , wuxuuna kala hadlay Gudoomiyuhu waxbarista Hablaha iyo in
waxbarashadooda la dardargeliyo , loona aqoonsado shahaadada ay qaadan
doonaan Marka ay dhamaystirtaan Koorsooyinka loogu talo galay .
waxaa halkaasi gabdhihii Machadkaasi ee booqday
Umahad celiyeen Hay’adda SOFIHA waxayna ku tilmaameen Gudoomiyaha C/raxmaan
Budul Aabbe Nabadeed oo haddana usoo jeestay inuu kor u qaado sidii hablaha
Wax loo bari lahaa maadaama ay iyagu yihiin kuwa Hooyadda u noqonaya
Jiilasha soo socda .
Ma aha markii u horaysay ee Hay’addasi la booqdo
balse waxay Noqotay SOFIHA meel loo wada Booqasho tago , waxa iyana Halkaasi
Booqday dhawaan Suxufiyiin ka tirsan BBCda iyo Arday ka socota Jaaliyadaha
Dibadda ,iyadoo Halkaasi loogaga wada hadlay sidii Saxaafadda Xorta ah looga
hirgelin lahaa Soomaaliya loona xoojin lahaa wacyigelinta Nabadda sida uu
Gudoomiyaha SOFIHA sheegay Warku waxa uu ku dhacaa meel fog halka xabadda
qorigu gaarto meel dhow .
Dhanka kale waxa Mr. Budul la kulmay dhallinyaro
Soomaaliyeed oo u yimid Bosaso Tababar la xiriira la talinta dadka qaba
AIDSka kuwaas oo ka kala yimid Yeman , Jabuuti , Somaliland , Puntland iyo
Koonfur iyagoo Codsaday inay Booqdaan Sarta Nabadda ee SOFIHA isla markaasna
waxa uu Gudoomiyuhu faray fariimo Nabadeed oo u diray Somaliya isagoo xusay
sida ay Puntland Nabadda ugu caanbaxday oo uu Hadda Doonayo inuu Dhiso
taallo lagu xusuusto Nabadda Puntland isla markaasna waxa usoo jeediyey
Dhallintii Somaliland inay kal shaqeeyaan Afti ay qaadi doonto SOFIHA oo ay
ku doonayso in Taallada Khayriyadda loo yaqaan ee ka dhisan Hargaysa lagu
Muujiyo Calaamado Nabadeed iyo shinbir wadda dhanbaalka Nabadda , ama in
taas laga dhinac dhiso mid kale oo Nabadda ka tarjumaysa.
Isagoo sheegay Gudoomiyuhu in maanta Adduunka
Nabadda la xoojinayo oo Heroshiimadii Japan ba laga dhisay Taallo nabadeed
isla markaasna loo baahan yahay in Ummadda Soomaaliyeed horta dhanka
Nabadaynta , Taalo dhiska Nabadeed, iyo Billado siinta la xoojiyo si
markaasi loo helo Dawladda qaran ee la baadi goobayo oo Soomaali oo dhami
Maanta u Oomantahay .