Hassan Salahudin
hassanabdillahi@hotmail.com
Idaacadaha, qalabka fogaal araga(TV-yada) iyo wargeysyada
reer galbeedku si wanaagsan bay uga dhex baxeen dhagaha rayal caamka,
shakina maanta kama jiro dunidan tuulada noqotay ee aynu dul tukubayno sida
wanaagsan ee qalabka warbaahinta reer galbeedku u saydareeyeen, hub la
adeegsado kan ugu khatarta badan ee maanta caalamka la adeegsadaa waa
aaladaha casriga ah ee wararka lagu fidiyo, dacaayaadka, borobogaanada (proboganada),
hanjabaadaha, xayiisiinta, dhoola tuska iyo afuufka wararka iyo faalooyinka
xambaarsan sunta iyo waabaydu waxay marayaan heerkii ugu xumaa ee ay
abidkood gaadhaan, gabi ahaanbaa warbaahintaasi waxay gacanta u gashay kooxo
tiro yar oo hantiilay ah asalkooduna yuhuud u badan oo siday doonaan u marin
habaabiya aragtida shucuubta kala duwan ee dunida ku nool, haáydahaasi
warbaahiineed kuwooda ugu caansan si wayna looga tixgaliyo dhagaysigooda
mujtamaca soomaaliyeed dhexdiisa waxa ka mid BBC-da, xarunteeda wayni waxay
ku taalaa daarta BUSH-HOUSE, ee magaalada London, carriga ingiriiska, marka
laga reebo qaybta la hadasha dunida ee loo yaqaano(World Service),BBC-du
waxay baahisaa 49 afartan laamood oo kale oo gabi ahaantoodba ku jihaysan
dunida sadexaad, laanta afsoomaliga ee BBC-du waxay ka mid tahay sagaal iyo
afartankaa laamood, waxayna noqotay laantii ugu yaabka badnayd xaga
dhagaysiga ee dhagaystayaal tiro intaa leeg lihi dhagahooda qaaliga ah
amaahiyeen dhawr iyo afartan sanadood oo ay hawada ku jirtay sida uu sheegay
Maxamed Cabdillahi oo horay tifaftire uga ahaa laanta afsoomaliga ka hor
intii aanu ka shaqada tagin.
Laanta afsoomaliga ee BBC-du waxay si amakaag leh u soo
jiidatay dareenka shacabka soomaliyeed iyadoo mudadii ay hawada ku jirtay u
soo baahisay dhacdooyinka daruuriga u ah nolosha ee maalin walba ka dhaca
dunida, wararka siyaasada,doodo kala duwan, barnaamijyo aqoon kororsiya
faalooyin,ciyaaraha iyo xaaladaha dhaqan, dhaqaale iyo ta bulsho ee ku
gadaaman guud ahaanba gayiga soomaalidu dagto ee bariga qaarada Africa,
hadaba si kastaba arintu ha ahaatee laanta afsoomaliga ee BBC-du waxay
sanadihii udambeeyey oo dhan u xuubsiibatay inay si toos ah u soo bandhigto
arimada xun ee ceegaagta uurka gumaystaha casriga ah, waxa taas ka daran
iyadoo isu qaawisay nidaamka qabiil iyo colaadaha beelaysiga ku salaysan ee
wadanka somalia ka jira ilaa intii uu laanta madax ka noqday
Yusuf Garaad,.
Laanta afsoomaliga ee BBC-du waxay markii u horaysay
hawada soo gashay dabayaaqadii bishii July ee sanadkii 1957-kii,codkii u
horeeyey ee laga maqlayna wuxuu ahaa Ilaahay naxarisiistii jano ha siiyee
farshaxankii saxaafada Soomaaliyeed Xaaji Cabdi Ayuub oo madaxdii BBC-da ee
waagaasi ay uga yeedheen isagoo hawl wadeen ka ah Idaacadii Radio Hargeisa,
Xaaji cabdi ayuub waxa lagu xasuusan doonaa codkiisii faseexa ahaa,
aftahanimadiisii iyo hawl karnimadii uu la soo garab taagnaa hirgalinta
laanta afsoomaliga ee BBC-da, anigoo ka faaíidaysanaya qormadan aan ka qoray
laanta afsoomaliga ee BBC-da ayaan jeclaa isna inaan qalinkayga ku xuso Alla
ha u naxariistee Mustafe Xaaji Nuur oo sanadihii lixdamaadkii ku soo biiray
laanta afsoomaliga dhagaystayaal badanina ay ku xasuusan doonaan codkiisii
dawanka ahaa iyo barnaamijyadii qiimaha lahaa ee uu soo dayn jiray, shaqaale
u jajaban hawsha, daacad ah,dhexna ka ah xaaladaha siyaasadeed ee geeska
Africa ayaa soo maray laanta afsoomaliga ka hor intii aanu maamulkeeda la
wareegin Yuusuf Garaad.
Maxamed Ibraahim Cigaal
xilligii uu safiirka ka ahaa india 1975-1976 oo salaamaya madaxweynahii
india ee waqtigaas, Fakhrudin
Ali Ahmed.
Fakhruddin waxa uu madaxweyne ka ahaa India
August 24, 1974-Feb. 11, 1977 |
BBC-du waxay quudisaa maskaxda dadka, erayadaas waxa ku hadaaqay Mr:
Yuusuf Garaad mar uu ka jawaabayey suáalo ay waydiinayeen koox arday ah
magaalada Minneapolis ee carriga maraykanka, inkasta oo uu gumaystihii
ingiriisku uu ka tagay ciida soomaalida hadana waxa cad in laanta
afsoomaliga ee BBC-du tahay mid ka mid ah hubka khatarta ah ee uu wali sii
adeegsado si uu danihiisa gumaysi iyo afkaartiisa ugu baahiyo waxaana hubaal
ah in dhawr iyo afartankaa sano ee ay laantu hawada ku jirtay ay ku
ladhnaayeen siyaasado gumaystaha casriga ahi xariiqday oo ku waajahnaa gabi
ahaanba dunida afsoomaliga lagaga hadlo ha yeeshee waxa ay laanta
afsoomaliga cumaamadu si weyn ugaga sii dhacday ka dib markii ay ku dhex
dhooqaysatay xaalada murugsan ee xaga siyaasada ee ay ku jiraan shacabka
Soomaaliyeed, waxa taas si weyn loo sii dareemay intii uu socday shirkii
lagu qabtay tuulada Carta ee Jamhuuriyada Jabuuti oo uu Yuusuf Garaad
shaatiga ula baxay sidii uu u meel marin lahaa dawladii dhicisowday ee
Cabdiqaasim maadaama ay ilayn fiqi tolkii kama janno galee ay isku hayb iyo
reer ka soo jeedaan Yusuf iyo Cabdiqasim. khaladaadka waaweyn ee uu ku kacay
maamulka cusub ee laanta afsoomaligu waxa ka mid ahaa isku shaandhayntii
shaqaalaha laanta afsoomaliga oo mudo sii horaysay si aan geedna loogu soo
gaban loo hufay shaqaale waayo aragnimo dheer iyo aqoon u lahaa saxaafada
mudo dheerna ku soo dhex jiray, halkoodiina waxa lagu badalay wiilal iyo
gabdho yar yar oo socod barad ku ah saxaafada, sumcada laanta afsoomaliga ee
BBC-du dhulkay ku dhacday waxaanay goosatay afweynta maalinba maalinta ka
dambaysana way sii socotaa, haddii uu maamulka laanta afsoomaligu ka
waantoobi waayo siyaasadihiisa qaawan ee u adeegida qabiilka, ka hortaga
qadiyadaha ay u halgamayaan shucuubta soomaaliyeed qaarkood sida qadiyada
OGADENIYA, ta SOMALILAND, iyo qaar kale iyo dhex orodka shirarka dib u
heshiisiinta ee loo qabto qab qablayaasha dagaal ee koonfurta Somalia waxa
la arki doonaa shacabka Soomaaliyeed oo dhagaha ka furaystay dhagaysiga
laanta.
Way adagtahay in caamada Soomaaliyeed ee sida weyn u aamintay
halkani waa BBC LONDON, si dhib yar dhagahooda looga soo fujiyo loona sheego
in BBC-dii siqiirtay oo aanay jirin wax dambe oo looga aamino waayo waxay si
wanaagsan u dagtay laabaha indha ku garaadlayaasha, caamada iyo shacabka
caadiga ah ee Soomaaliyeed, deegaamada geeska qaarada Africa qaarkoodna
waxaabad moodaa in warkeedu la mid yahay sidii waxyi soo dagay oo kale,
laakiin hadana mustaqbalka ma foga goortii la heli lahaa saxaafad casri ah
oo ay hagayaan aqoonyahanka Soomaaliyeed oo si weyn ula tartanta Idaacadan
khatarta ah ee ay hogaankeeda hayaan gaalka cad iyo gaal kal kaalku.
Guntii iyo gabo gabadii qormadan waxaan xasuusinayaa
akhristayaasha in aan la rumaysan war kasta oo uu faasiq keeno, dadka wararka
u kala hufa BBC-duna waa gaalo si cad iyo si aan cadaynba u muujiya
gaalnimadooda sidaas awgeed waxa haboon in la ogaado wararka iyo faalooyinka
BBC-du hadh iyo habeen dadka ku harqisaa in ay leeyihiin ujeedooyin qoto
dheer, saxaafada socod baradka ah ee Soomaaliyeed waxay u baahantahay dadaal
dheeri ah si ay ula tartamaan hay'adaha warbaahinta ee ay gadhwadeenka ka
yihiin reer galbeedku si ay dadkooda ugu soo gudbiyaan warar ay iyagu soo
gooyeen soona gamuureen oo aanay cidina u soo dhanbalin.
Akhriste kasta oo
fikrad ka qaba qormadan aan ka qoray laanta afsoomaliga ee BBC-da waxaan ku
soo dhawaynayaa gacmo furan.
Waa Walaalkiin
Hassan Salahudin
Global Media Group
Uk.
hassanabdillahi@hotmail.com
QORAALADII HORE EE SALAAHUDIIN