SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 BBC WAA IDAACAD HUFAN LAAKIIN MAXAY INOO TAHAY?

mohamoud Hagi (saxafi madax banaan}
Australia.
rage4445@hotmail.com

Adeega Idaacaduhu wuxuu soo gurguurtaba waxuu si fiican u bilawday 1919 iyo 1920.waana mid ka mida ah waxyaalaha ugu xooga badan ee jamaahiir lagu la xadhiidho, waxaa laga muusa liini:(maan midayn kareen italia hadaan radiyahu jirin)idaacadu waa waxyaalaha ugu muhiimsan ee wararka gaadhsiiya caalamka sadeexaad sida africa iyo asia sababtaa awgeed ayaa wadamo badan oo ku yaal dunida sadexaad uu radiyaha yaal ka badan yahay cadadka j araaidka yaal. wanaaga radiyahu waxuu ka imanayaa arimahan soo socda:

  • 1. wuu ka raqiisan yahay qalabka warbaahinta kale sida tv -ga ,
  • 2-ruuhxa oo isagoo dhagaysan qabsan kara hawlo kale,
  • 3-saaxiibnimo uu dhaxaysa shaqsiyada wariyaha iyo dhagaystaha oo isla fal gala.
  • 4- dhagaystaha oo u haysta in waxa meel kale ka dhaca uu si dad ban iyo si toosanba uu tabanayo nolashiisa.
 »"BBC-DA WAA ASATAANTA HORUMARKA UMADA SOMALIYEED" Axmed Muuse Cabdulle

"Ingiriisku waxa uu ka quudiyaa Soomaalida maskaxda isaga oo adeegsanaya BBC-da laanteeda afsomaliga." Yusuf Garaad

Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey Eedaymihii Kaga Yimid Reer Bosaso
Suxufiyiin katirsan BBCda, Arday ka socda Jaaliyada dibadda iyo shacab faro badan oo booqday guriga SOFIHA, Bosaso Guji

Hadaan u soo laabto idaacada B B C -da oo ah idaacad aan in badan dhagaysanayay afaf kala duwana ku dhagaystay in ku dhaw rubuc qarni waxaan qabaa inaan muran ka taagnayn in i ay tahay Hay,ad war baahin oo aad u hufan inta badana mu taysata ixtiraamka dhagaystayaasheeda. iyadoon loo eegayn ruuxu halkuu ka taagan yahay warka ay sii daysay B BC - du iyo meesha uu ka soo jeedo midna. waxaan kaloo qirsan ahay in luuqada ay B B C-du sii daysaa tahay luuqad aad fasiix u ah oo uu fahmi karo ruuxa helay qadar tacliin ah iyo kan aan helinba.

Hadaan u soo laabto laanta af soomaaliga ee B B C -da waxaan qabaa sidan soo socoto : in xoojinta laanta af soomaaliga ay ka danbaysay xaalad siyaasadeed oo jirtay waqtigeedii kaa oo ahaa bartamihii qarnigii aan soo dhaafnay hadaba maxay ahayd xaaladaasi?

waxay ahayd in soomaalida laga soo jeediyo ku tiirsanaanta iyo la socodka warbaahinta bariga dhexee gaar ahaan idaacadii

sawtu - carab oo soomali badani dhagaysan jireen. waxaana qabaa in talaabadaasi meel martay ilaa xad in kastoo soomaalidu dhagagayn jireen wararka Bariga dhexe taa oo ay ugu wacnayd labo arimood mid waa diinta islaamka tan labaadna waa in dheer garadka somalida ee waqtigaa oo qaar badani wax ku barteen wadamada carabta gaar ahaana wadanka masar. waxaa run biyo kama dhibcaan ah in warbaahin walbo leedahay siyaasad u gooni ah wararka badan ee ka soo gaadhi Daafaha dunida ay u soo gudbiso si la socon karta siyaasadeeda guud iyadoo laga yaabe in badi dhagaystayasheedu aanay taas si cad u dareemin.

waan la socdaa in soomaalidu ay aad u dhagaysato laanta af soomaliga xataa kuwa dalkii ka soo haajiray ee jooga wadamada fog fog. hadana ma qabo in laanta afsoomaligu tahay astaanta horumarinta (UNDP) waayo? in kastoo B B C -da laga soo daayo ama laga soo daayay barnaamijyo wacyi galin ah sida :( Geediga nabada ,Quudhsigu qiil ma leeyahay)

Hadana waxaa ka muuqda Laanta afsomaaliga ee B B C -da arimahaan soo socda:

1- isku xuuxinta qablayaasha dagaalka kuwaa oo ah Dad aan damiir fiican lahayn, lagana yaabe in dad badan loo gumaado hadal uu qabqable kale ka sheegay laanta af soomaaligaee B B C-da.

2- ka gaasiga   ay  BB C  ka gaabsatay dhiiri galinta hawlaha samafalka  ee somaliya gudaheeda iyo  dibadeeda wali  maaan maqlin iyado  bbc waraysanayso  ruux somaliyeed  oo deeq ugu  deeqay agoon meel ku xaraysan ama dumar aan rag qabin  laakiin in badan baan maqlaa iyadoo waraysan  qabqable  dagaal  ha ahaadeen kuwii horay u jiray ama kuwa cusub oo liiska ku soo biiray.  maalin qudha oo la waraysto   maalqabeen soomaliya jooga dal iyo dibadba.eed oo deeq samafal bixiyay  waxay keeni kartaa  faaiido aad u balaadhan  oo dad    somaliyeed oo badan wax u   tara  islamarkaana  tartankii dagaal oogayaasha  waxaa badali tar tan   deeq bi xin oo dhex mara  maalqabeenka soomaaliyeed.

3-dhiiri galin kala googoga jamhuuriyadda soomaaliya.waayo? waxay Amaanada Saxaafadu sheegay saa in wax walba loogu yeedho magacooda hadaba xa gay ka timid somaliland p/ land, jubba land iwm? hadaadse ka fursan waydaan amaanada saxaafadu waxay sheegaysaa inaad tidhaahdaan jamhuuriyadda ama gobolka sheegtay maxay land.

4- inkastoo aqoon fiican iyo khibradba leeyihiin wariyaasha laanta af soomaaligu Hadana qaar badan waxaa ka guuxaya meeshay ka soo jeedaan taa waxaa daliil u ah sida ay u Buunbuuniyaan warka waqooyi galbeed soomaliya sidii iyadoo ah jamhuuriyad la ictiraafay oo somaliyada kale ka duwan.

5-ka qayb galka dhagaystayaasha ay ka qayb galayaan barnaamijyada laanta af soomaliga ( fead back) aad bay hoos ugu dhacday waayahan danb. intaa ka dib Dadwaynaha ayay u taalaa waxa ay u urkaan Laantaa af soomaaliga ee idaacada B B C-da.

mohamoud Hagi (saxafi madax banaan}
Australia.
rage4445@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waa mid u gaar ah qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2003

"BBC-DA WAA ASATAANTA HORUMARKA UMADA SOMALIYEED"

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD