Cali Khaliif Galeyr |
Raisul Wasaarihii Koowaad ee dawlada KMG ee Madaxweyne Cabdi qasim ayaa
shaley Soo gaarey magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Muddane Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa ku yimid casuumaada Urur Goboleedka IGAD oo gogosha
Nabdeed u fidisay Dalka Kenya hogaaamiyayaasha Siyaasada Soomaalida oo isku
maandhaafsan xalinta khilaafka Siyaasadeed oo jiray tan iyo lixdameeyadii.
Dr. Galeyr ayaa Siyaasada Soomaaliya ku soo biiray 80-yadii in kastoo kolkii
danbe Dib joog ku ahaa dalka mareykanka oo uu macalin jaamicadeed ka noqdey.
Muddane Galeyr ayaa Diidey in uu war siiyo wariyayaasha isagoo cudur daar ka
dhigtey in yimid oo uusan la socon meesha uu marayo shirka Nabada Soomaalida.
Ragga lagu casuumay kulanka Gooni u baxa ayaa kaloo la had hayaa Maxamed Cali
samater, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo qaar kale oo aan soo gaarin Magalaada
Nairobi oo lagu wado in uu ka dhaco Kulanka Gooni u baxa 9-bisha Janaayo
,2004.
IGAD ayaa siyaasiyiintan ku tilmaamtey in aan looga maarmin wada tashiga
Nabada Soomaalida.
<><><>
Ragii ku dagaalamay Intercontinential Hotel oo shaley la soo............
Ergadii ku dagaalantay Intercoinential Hotel Malinta 20-bishan ayaa laga soo
daayey xarunta Boliiska ee Cental oo ku dhaw Hotal uu ka dhacay dagaalka.
Sii deynta ragaasi ayaa waxa ka danbeeyey hogaamiyaasha Soomaalida Iyo IGAD
oo Damaanad qaadey in ay Bixinayaan haddii hotelka uu Dhaawac gaarsiiey
Dagaalka Maalintaasi.
Maamulka hotelka ayaa ku doodey in ay ku xadgudbeen sharciga iyo Amaanka
Hotelka maadaama uu ka mid yahay Hotelada 5-Starka ee wadanka Kenya.
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein
Nairobi, Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 24, 2003
Kursigii
uu Ka Geeriyoodey Gabiyow oo La isku Feeray
. Loxos iyo Jawle
oo isku feeray InterContinential Hotel
. Hogaamiyayaasha Shirka :-dawlad waa in aan dhisnaa ama ka tag..
Ka akhri warbixintii C/Karim Aadan