SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - ITALY
GOLAHA WADATASHIGA SOOMAALIYEED

G/W/S/040/03 London, 24/12/2003

Ujeedo:- Baaq nabadeed

Mudanayaal Marwooyin walaalayaal,

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu maamullada ka jira gobollada W/galbeed iyo W/bari uga digayaa qabanqaabada dagaal ee ay maalmihii ugu dambeeyay abaabulayeen ama ay ku baaqeen.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqaya in ay ka joogsadaan madaxda iyo hogaamiyayaasha maamuladaas colaadaha ay ku baaqayaan xubno ka tirsan maamuladaas ka jira magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe.

Waxaa iyana ah wax laga xumaado colaadaha soo noqnoqday ee maalmihii ugu dambeeyay ka dhacay magaalooyinka "Xeeraale iyo Ceelbuur", dagaaladaas oo lagu waayay naf iyo maal fara badan, waxaan ugu baaqeyna qeybaha uu ka dhexeeyo in khilaafkoodu wadahadal lagu xaliyo.

Waxaan madaxda iyo hogaamiyayaasha Soomaaliyeed guud ahaan ka waanineynaa in ay horseed dadkooda ugu noqdaan dagaallo sokeeye oo dib uga dhaca dalka, kana waantoobaan baaqyada xambaarsan colaadaha, iyadoo inta la og yahay halaaga iyo burburka dalkeena ka dhacay ilaa maanta aan guul lagu gaarin, waxaan idiin leenahay burburinta badala nabad iyo wada noolaanshiyo dhexmara dadka aad dooneysaan in ad madaxda u noqdaan.

Golaha wadatashiga Soomaaliyeed wuxuu taageerayaa dadaal kasta oo ay madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaalida ku dhameynayaan khilaafka u dhexeeya sida kulamada iyo dadaalada nabadeed ee maalmihii ugu dambeeyay ay wadeen qeybaha siyaasadda ee W/muqdisho iyo madaxda RRA.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ahna

Wakiilka Golaha wadatashiga Soomaaliyeed

C/casiis Cali Ibrahim "xildhiban"

xildhiban@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com Dec 24, 2003

 Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

Kenya: Hogaamiyayaasha SRRC Qaar Kamid ah oo Diyaarad Militari Laga Daba Diray
Kaddibna lagu soo celiyey Nairbi, laakiin markii dambe... Guji

Shir Looga Wada hadlay Dhismaha Jaamacada Mudug
Galkacyo: Shir looga hadlayay dhismaha Jaamacad laga dhisayo Gobolka Mudug ayaa lagu qabtay dugsiga Sare ee Cumar Samatar Guji

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD