SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DHAQAN

Asalaamu Calaykum wr wb.

Dhaqanka Wanaagsan ee Islaamku ina Faraayo

Qorayaasha qoraalkan ka qayb qaatay waa: Siciid cumar yuusuf, C/fataax xasan cabdi, Axmed ismacil: C:/o Hargeysa: cabdifataax_96@hotmail.com

Ilaahay baanu ku mahadaynaa nimcooyinka uu ina siiyay,isgaanu gargaarka dalbaynaa danbi dhaafana weydiisanaynaa, sharka nafahaygana iyo camaladayada kuwooda xun illaahaybaanu ka magan gelaynaa, qofka alle hadeeyo cidna ma halayn karto.ka illahay halleeyana cidna ma hanuunin karto

Waxaan qirayaa in aan alle mooyee illah kale aanu jirin muxamedna uu yahay adoonkii iyo rasuulkii alle

Wanaajinta dhaqanka iyo akhlaaqdu waa ujeedada kowaad ee uu siday Nebi Maxamed (NNKH) waxa uu yidhi “waxa la isoo diray si aan u dhamaystiro akhlaaqda wanaagsan”waxa laga doonayaa umada islaamka inay ku sifowdo dhaqan wanaagsan, qof kasta oo muslim ahi waa in uu dabaqo dhaqankii wanaagsanaa ee Nebi Muxamed(NNKH) sida aynu wada ogsoonahay islaamku waxa uu leeyahay shan arkaanu islaam, arkaanu islaam kasta waxa uu leeyahay akhlaaqdiisa gaarka ah, tusaale ahaan waxaa aynu soo qaadan karaa salaadu ilaahay koreey waxa uu yiri “ukaca salad, salaadu waxay reebtaa xumaanta, sinada, munkurka IWM” hadaba muxuu yahay qofka salaada tukanaaya ee aanay xumaanta ka rebin, maxayse qiimo yeelanaysaa salaadiisu, saameen intee leeg bay salaadaasi ku yeelanaysaa bulshada dhexdooda?


Masjid al-Haraam (Qibla)


Masjid Nabawi

Masjid al-Aqsa

Masjid Qubba

Qofka u qata salaada sida toosan waxay bedelaysaa dhaqankiisa oo dhan, dhaqankaa wanaagsan ee raac salaada, waa sababta uu illaahay ku aqbalo salaada taa waxa inoo cadeenaya Xadiisu Qudiskii “Ilaahay waxa uu ka aqbalaa salaada qofka isku dhul dhiga waynaanta illaahay, aan ka habaabin dhaqanka wanaagsan kuna waa bariisan xumaanta kuna qaata maalintaas oo dhan digrigayga iyo naxariista masaakiinta, musafirinta iyo carmasha una naxariista dadka dhibataysan”.

Fahanka guud ee salaada waa dhaqan iyo cibaado, Salaadu dadka waxay dhaxalsiisa

digriga eebe iyo akhlaaqda wanaagsan waxayna ka hore istaagta xumaanta iyo ku talaxtageeda, hadii aynu arkaamu islaamka rukin labaad aanu ka soo qaadano waa Sakada, sakadu maaha cashuur laga qaado dadka baahan ee waa nadiifin dadka bakhayliinta ah ee xoolohooga ka bixinaya iyagoo u celinaya dadka baahan ee bulshada ku dhex nool si ay u noqoto bulshadu mid is jecel oo naxariis badani ay ka dhaxayso isku xidhan koodune aad u adkaado, sidoo kale islaamku waxa uu ka yeelay hadalka wanaagsan iyo dhaqanka fiican sadaqo, Nebigu (NNKH) wuxuu yidhi “ wa jiga furan ee aad walaalka aad ku qaabisho waa sadaqo, wanaaga oo dadka aad fartaa iyo xumaanta oo dadka aad u diidaa iyana waa sadaqo, qofka oo aad tusto meesha uu ubaahan iyana waa sadaqo, wadada oo aad ka qaado qodaxda iyo lafta iyana waa sadaqo, hadii aad adiga oo firaaqo haya aad u darto biyaha uu hawsha ku hayo iyana waa sadaqo, ama qof baahan oo itaal daran aad caawisid iyana waa sadaqo, qofka liita oo aad taakulayso iyana waa sadaqo”.

Soonka waxa looga jeeda ama hadafkiisu yahay alle ka cabsi, alle ka cabsiguna waxa uu keena in laga fogaado wixii eebe diiday ama in la weydaarto wixii alle ina faray ee dhaqan ka islaamka ah, taasina waa dhaqanka wanaagsan ee uu na farayo Nebigu (NNKH) markaynu soomanahay, (yaan la imana xumaadteeda yar yar iyo faasiqnimo iyo jaahilnimo hadii qof ku caayo ama kula dagaalamo ha yidhaado anigu waan soomanahay) sida ku cad xadiiskan qofka markuu sooman yahay waxa laga rabaa dhaqan wanaagsan si uu soonkiisu u hagaago, sidoo kale hadii iskaga hadhi wayo hadalka xun, beenta, khiyaamada, iyo IWM soonkiisa ku kordhin maaho ilaa haraad mooye iyo gaajo daran oo qabta iyo bilaa ajer, sidoo kale xajku waa rukun ka mid ah shanta arkaamu islaam xajku waa: alle waxa uu yiri SW (Xajku waa bilo lagaranayo qofka faralka xajka gudanaya lagama rabo xumaanta teeda yar iyo faasaqnimo, xajka gudihiisa waxa wanaagsan samayn maysaan hadii kale illaahay ayaa idin og, waar saad qaata waxa ugu saad qaado wanaagsan alle ka cabsiga) hadaba qofku ma gaadho guusha xajka ilaa uu ku sifooba.dhaqan wanaagsan loomana baahna xajka dhexdiisa in la murmo la is khiyaameyo been la isku sheego, dumarka loo galmoodo iyo in la sameeyo waxa cadho keeni kara iyadoo la isku faano qabyaalad, qoomiyad Iwm.

Sida aynu ognahay badi cibaadaadku waxay ku dhisan yihiin edeb iyo ansha suuban taas oo islaamku ina faraayo, Shanta arkaamo islaam mid kastaaba waxay leedahay edebteeda iyo asluubteeda wanaagsan, dhaqanka wanaagsani waxa uu ku xidhan yahay iimaanka laftiisa hadii uu dhaqankaagu xumaado iimaankaaguna wuu dhaciifaya taana waxa inoo sheegay xadiiski rasuulka (NNKH) “ Illaahay baan ku dhaartee imuu rumayn, illaahaybaanu ku dhaartee imuu rumayn, rasuulkii illaahayow waa kuma kaasi? Waxa uu yidhi kii aan dhibaatadiisu ka nabad gelin jaarkiisu” dhibaatadaasi waa wixii dhibaya oo dhan jaarkaaga sida dhibta dhaqan xumada.

Nebig (NNKH) ayaa loo sheegay gabadh tukata oo soonta oo cibaado badan laakiin aan jaarkeeda aan nabad gelin, Nebigu (NNKH) waxa u sheegay in gabadhaasi naarta gelayso, waxa kaloo loo sheegay gabadh cibaadadeedu kooban tahay laakiin jaarku keegaasi si fiican uga nabad gelayn waxa uu yidhi Nebigu (NNKH) “gabadhaasi janada ayay gelaysaa” dhaqanka suuban iyo iimaanku ma kala hadhi karo waana mataano aan sinaba loo kala reebi Karin, iimaanka waxa ugu hooseya dhibta oo wadada laga qaado waana dhaqan wanaagsan wadada oo la nadiifiyo.

Illaahay waxa uu inagu cadeeyay imaanka iyo camaladiisa wanaagsan

(Suurato Muuminiin) illaahay waxa uu yidhi koreeye : “dhab ahaanti waxa liibanay muuminiita marka ay salaadooda ay tukanayaa qushuucsan waa kuwa xumaanta ka sii jeesanaya waa kuwa sakada bixinaya, waa kuwa xubintooda taranka illaalinaya, dumarkooga iyo kuwag Gacantoodu hantiyeen mooyane(kuwaasi waa adoomah kacata muslimiinta kujira) Kuwaasi canaan ma laha, kuwa doona wixii intaa dhaaf sisan kuwaasi waa kuwa xad gudbay, kuwa wixii laga aaminay iyo balanta dhoowra, kuwa salaadahooga ilaaliya, kuwaasi waa kuwa dhaxlaaya janada fardoosa la yidhaa wayna ku dhex waarayaan

Hadaba markaynu ku istaagno xaadiista iyo quraanka karimka ah si la taaban karo waxay inoo tusayaan xoganaanta ay leedahay dhaqanka wanaagsan iyo cibaada illaahay.

Dhaqanka wanaagsan ee suuban waa tay ku sifooween salafka imadu iyo dadka saalixiintuba, taasine waa sababta uu ilaahay uga fududeeyay gacan ku dhigida cadceed kasoo bax ilaa cadceed dhaca, hadaba umada islaamka waxaanu ug baaqaynaa dhaqanka

Wanaagasan ee fiican ee diinteenu in farayso.

Ilaahow nagu hanuunni dariiqa toosan ee akhlaada wanaagsan leh , aduunbaa dadka wadada wanaagsan ku hanuuniya ,

Qorayaasha iyo turjumayaasha

Siciid cumar yuusuf
C/fataax xasan cabdi
Axmed ismacil

C:/o Hargeysa

Talo iyo tusaale ku saabsan qoraalkan waxaa lagu hagaajin karaa
cabdifataax_96@hotmail.com

 »Badwaynta Kalgacalka [SIRTA GUUSHA QOYSKA...]

Faafin: SomaliTalk.com Dec 24, 2003

 Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

QOYSKA ISLAAMKA AH  GUURKA

»Ganacsiga iyo Islaamka/Somalia [Dr. Taqi]
»
Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay? [C/Fatax]
»DIRAASAD: QAADKA  IYO WAXYEELLOOYINKIISA [Prof.Yusuf]
»
MAXEEY YIHIIN VITAMINS-KA AAN U BAAHANNAHAY? [Boqor]
»Qaabka aad maal gallinta u samayn karto [Luqmaan]
CAAFIMAADKA: JABTADA | AIDS | CHOLERA | SOKOROW

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD