Dec 23, 2003 Shir
looga hadlayay dhismaha Jaamacad laga dhisayo Gobolka Mudug oo lagu qabtay
hoolka shirarka ee dugsiga Sare ee Cumar Samatar.
Dhinaca Bidix: Maxamed
Cumar Saalax, Prof. C/rishiid, Prof. Maxamed J Salad. Prof. Yuusf Xirsi iyo
Dr. Taabilo |
Galkacyo: Maalin nimadii Jimcaha (19 Dec 2003)
waxaa hoolka shirarka ee Dugsiga Sare ee Cumar Samatar ka furmay Shir looga
hadlayey Dhismaha Jaamacad uu yeesho Gobolka Mudug iyo sidii loo horumarin
lahaa Isbitaalka Guud ee Magaalada Gaalkacyo, Shirkaan oo ay soo abaabuleen
Aqoon yahannada Gobolka Mudug ayaa Daba socday sir 12 Dec 2003 ay ku qabteen
isla Qolka shirarka ee Dugsiga Sare ee Cumar Samatar.
Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay in badan oo kamid ah Aqoon yahannada,
Odayaasha, Maamulka Gobolka iyo Culimada Diinta ee Gobolka, shirkaas ayaa waxaa
si wayn la iskula qaadaa dhigay sidii kor loogu qaadi lahaa Waxbarashada iyo
caafimaadka Gobolkan.
Waxaa ugu horrayn shirka ka hadlay Maamulaha
Dugsiga Sare ee Cumar Samatar Dr. C/llaahi Nuur Salaad oo halkaas ka soo
jeediyey Hadallo isugu jiray soo dhawayn iyo halka ay marayso waxbarashada
Gobolka iyo sida loogu baahan yahay waxbarasho sare (Jaamacad) loo helo ardada
Gobolka sidoo kale wuxuu sheegay in ay Sannadkii hore Dugsiga sare ee Cumar
Samatar kaliya ay ka soo bexeen Arday Ka badan 50 arday haddana ay ka soo
baxayaan in ku labo jibaaranta wuxuuna soo jeediyey in arrintan aan la
fududaysan. Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Prof. Yuusuf Xirsi Axmed, Prof.
Maxamed Jaamac Salaad oo iyagu ahaa hormoodka hawshan iyo aqoon yahanno fara
badan oo si wayn uga hadlay baahida Jaamacad uu Yeesho Gobolka Mudug iyo sidii
kor loogu qaadi lahaa Caafimaadka Gobolka waxayna ka soo qayb galayasha ku
booriyeen in ay u guntadaan sidii ay dalkooda u horumarin lahaayeen. Waxaa
xusid mudan Hadalkii qiirada lahaa oo uu halkaas ka soo jeediyey Xasan Xuseen
Waloore oo hadalkii kaddib halkaas ka ballan qaaday dhulkii laga dhisi lahaa
Jaamacadda. waxaa sidoo kale halkaas ka ballan qaaday C/raxmaan Cali Taar lacag
dhan 1000$ iyo Jamaalidiin Xaaji Cali oo ballan qaaday 500$.
Gabagabadii Waxaa halkaas hadalkii xiritaanka ka soo jeediyey Prof. Maxamed J
Salaad oo sheegay in shirkaani uu Joogto noqon doono, waxaana dib loo ballamay
01 Jan 2004, inta ka horraysana ay hawsha sii wadi doonaan labo Guddi oo
halkaas laga magacaabay loona xilsaaray in ay wax ka qabtaan Aasaaska
Jaamacadda iyo Horumarinta Isbitaalka Guud ee magaalada Gaalkacyo.
Mohamed I Osman
Galkayo, Puntland
mciise@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com Dec 23, 2003
-dhammaad-
Sam Voron iyo
Cabdikariin Nuur Maxamuud “Cirfe”: Laba nin oo abaal weyn gashaday reer
Puntland.
Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo Jawaab u Weydey
Eedaymihii Kaga Yimid Reer Bosaso
Suxufiyiin katirsan
BBCda, Arday ka socda Jaaliyada dibadda iyo shacab faro badan oo booqday guriga
SOFIHA, Bosaso
Guji
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|