SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Jawaab: Gabaygii wuu dhintay

Cabdirisaaq Xuseen
abdirisaqhusen@hotmail.com

  • 1. Hadraawi

  • 2. Geelo

  • 3. Qaasim

  • 4. Cali Jaamac

  • 5. Yawle

  • 6. Ugaas Nuur

  • 7. Farax Nuur

  • 8. Timacadde

  • 9. Cilmiboodhari

  • 10. Cabdillaahi

  • Liiska kor ku yaal iyo magacyo ciidda iyo faraha ka badanee uu qoraagu faafiyey Hadraawi oo qudha uun baa Habarxabuusheed ama Habarjeclo ah. Intooda kale waa uun qoladuu Ibraahim Yuusuf Axmed ka dhashay (Habarmagaadle).

    »Gabaygii Wuu Dhintay!
    [Daraasadii Ibrahim Y.]

    XASILLOONI-DARRADA AFSOMALIGA
    Qore Cabdiraxmaan "Barwaaqo"
    Guji

     

    Marka haddii qoraalka dhanee uu qoraageenna Ibraahim gabayga soomaalida ku daraaseeyey ruux Hawiye ama Skiikhaal ah magaciis laga waayey ma yaab baa?

    Waxaa dhici karta inay Habrjeclo ugu cadhoodaan inuu Salaan Carrabey illaawey! Xagguu ka illaawey ujeeddaduu wax qorayba sow qabyaalad dhar loo geliyey uun maaha?

    Wasiirka wasiirrada haddii Ibraahim loo magacaabo waxaa caddaatay inuu Hawiye qadin lahaa. Haddana waxaa caddaatay dad Isaaqee aan jagooyinka u qalmin inuu wasaaradaha ka buuxin lahaa! Waar inanku caddaalad yadhaa!

    Luuqda inuu Cabdillaahi Suldaan Timacadde ku fiicnaaday xagguu ka keenay? Codka heesaha waxaa ka dooday ummad jasuurada wax ka garanayey. Yaa ugu cod roon? Dumarka waxay culumadaasi codka u qireen Faadumo Khaliif (Magool). Markaannu jasuuradaas samaynay siduu Rabbi nagu ogaa qabiil ka aannu duulimayn sida Ibraahim.

    Ragga heesa waxaannu siinnay Maxamed Saleemaan (Tubeec). Rabbi baa nagu og inaannaan cidduu yahay ku jeclaanee codkuu Alle siiyey uun buu ku qaaday.

    Isla goobtaas waxaa lagu jasuureeyey luuqda gabaygee aan iyadu muusiko lahayn. Waxaa kow noqday Cali Cilmi (Afyare). Rabbi baa nagu og inaannaan qoladuu yahay u eegine waxaannu dhegaysanney 23 gabayee uu luuqo kala geddisan ku qaaday. Mid walba waxaa lala ashqaraaray jebintiisa hadalka iyo sharqantiisa codka hibada loo siiyey.

    Mudaneyaal iyo Murwooyin ama jaalleyaal Cabdillaahi Suldaan wuxuu kamid yahay dadka gabayga ku luuqiya, siduu Kulucba uga mid yahay dadka heesaha qaada.

    Gabayga wuxuu Timadde ku qaadaa hal luuq uun. Waa luuqda dhaantada oon car iyo ciiro isku rogin. Cod ahaan wuxuu u eg yahay hal geeloo ololaysa ee qof umuu ega. Manuu ku wanaagsana jejebinta hadalka. Muu soo geli karo tartan cod iyo mid luuqeed toonna ee qabyaalad uun buu Ibraahim ka kululaaday!

    Intaas waa qofkee ka igu inkirayaa? Qof waxaan laga hadlayo iyo dadka laga hadlayo yaqaani erey kamuu soo celin karaayo. Fallaakiin inan qabyaalad la seexan waayey yeelkiis!

    Ka warran haddaan inta qabiil u qiiroodo aan Axmed Cali Cigaal, Singub iyo Maryan Mursal Ciise uun dhuunta idinka gelyo oon ka boodo Magool iyo Tubeec? Sow caaq ma noqonayo?

    Bal dib caqligaaga ugu laaboo luuqdii Sayid Maxamedee caanka ahayd iyo luuqdii Khaliif shiikh Maxamuudee dhiigga kicisay ma dhaantaa laga qishay mise tulud ololaysay u egaayeen?

    Hibada Rabbi waxaa wanaagsan in la tixgeliyoo lagana doodo uun Sool iyo Sanaag inay Puntland la dan yihiin iyo inay Habarmagaadle marti u yihiin.

    Kartida codka iyo midda allifaadda maxaa qabiil iyo cadho geliyey? Ma Rabbi baa qabyaalad yaqaan oo qofkuu siinayo qabiilkiisa ugu eexda? Haddii qabiil aan kaaga ahayn ay ku jiraan dhawr ruuxee kolkay gabay ku luuqiyaan la suuxayo ma luuqdoo dhan baa lagu xanaaqaa? Laba ninee uu mid luuq macaan yahay midna aannu cod wanaagsan lahayn hadday gabay isugu jawaabaan ma midka sawdka macaan uun baa la nebcaan? Mise cajaladdaa si kala maroorsanee isdabamarsan gabaygiisa loogu duubin si ay tayadiisu u yadhaato oy u sinmaan? Waar dadku cuqdad iyo xamaasad badanaa! Oo gobannimo yadhaa?

    Adduunkoo dhan baa maansada lugu luuqiyaa. Luuqdu iyo durbaanku waa waxyaabo fiicanoo maansadu ku hagaagto. Adduunkaan heesaha, muusiga iyo luuquhu waa arrimo la wada yaqaanee caalami ah.

    Hadduu tubeec Rabbi cod siiyey ma waxaan ugu cadhoon karaa sidee nin Daarooda loo waayey? Haddana ma codka iyo luuqdaan ku xanaaqin oo cay afka furanayaa anoo xumadaysan? Xaashaa lillaahi!

    In luuqaha gabayga la caayo iyo in dalka Soomaaliya la kala jaro midna Hawiye iyo Darood yeeli mayaanee yaan codka iyo maansada cuqdad laga qaadinoo ficilo inala fogaan.

    Xamaasad weyn ayuu Ibraahim ka muujiyey inay Isaaq ku liitaan luuqinta maansada. Laakiin luuqdu waa wax caalami ahee qofkuu Rabbi u hibiiyaa uu bogaadin iyo citiraaf ku helee maaha wax qabyaalad lagu cebcaado!

    Waxaa Ibraahim u wanaagsan inuu qofkii sida Magool, Tubeec iyo Afyare cod loo qidhay ku raaxaysto ee aanu ugu cadhoon inaanay Habarmagaadle ahayn!

    Gabaygii badnaa ee uu Maxamed Cumar Dage lahaa

    • ”Waatay Berbera haybsadeen habaqlohoodiiye

    • Isaaq waxaan la daba heetinnaa heeso godobeede”

    Miyaa taariikhdiisa la inkiri karaa? Ogaadeen waagaas waxay socdeen ilaa Cadaadley. Waa run waxyaalahuu ina Cumar Dage yidhi ee deelqaaf maaha. Marka ma 2003 Disembar baa loo jawaabayaa Maxamed Cumar Dage?! Alla qabyaaladduu qadhaadhaa oo qadhmuunaa!

    Maxaa awal oo dhan loo maqli waayey labada ereyee uu Ibraahim malaha imminka Hadraawi u soo dhiibey? Maxaase ummadda casrigaan joogta looga sheegin inay Ogaadeen waagaas Iidoor si xun u jebiyeen?

    Haddii Isaaq makii danbe laga adkaaday sow iyaguba awal geel badan Ogaadeen kamay dhacin intay Ingiriis qoryo iyo rasaas ka soo shaxaadeen? Taariikhdu way caddahayee Ibraahim uun baa habeen iyo dhadhaadh fadhiisan kari la’!

    Horta mar uun baannu Ibraahim ilaahiis been u sheegin. Waa kölkuu yidhi Hadraawi maanso badanee kala duwan buu mariyey.

    Laakiin hal been buu ka sheegay. Waa markuu ka dooday inay jiraan dad maansada curinteeda ku dhaqsada oo uu deedna Hadraawi aarintaa ku hafray.

    Waa iska qabyaalad aan geed loogu gabban. Halkii tixee yra roon wuxuu Hadraawi diyaadhiyaa ugu yaraan shan bilood. Isaga Hadraawi ah qudhiisa uun baa iiga maraga taas.

    Habeenkii wuxuu allifi karaa 3 ama 4 tuduc. Bishii waa 90 ama 120 tuduc. Waa inuu markaa bil nasto. Lakiin Hadraawi waa madaale oo habeen kasta wuxuu qoraa 3 ama 4 tuduc.

    Haddaba dee waxaa jira dad 5 daqiiqo uun ku samayn kara shaqaduu Hadraawi shanta bilood la rafto. Maxamed Gacal Xaayow iyo Cabdillaahi (Singub) weligii miyaannu Ibraahim la kulmin mise qabyaalad engagan uun buu Hadraawi u xambaarsan yahay?!

    Waxaa hadalka Ibraahim ku badnaa waxyaalo aan dood astaahilin. ”Maansada qaabkeeda ha la dooriyo” markuu leeyahay miyaanu ogayn inay miisaanna afafka Yurubee dhan lagu maansoodaa salka ku hayaan Giriiggii 3000 ee sannadood ka hor maansadoodii iyo heesaha kaniisadaha.

    Hadduu hayo qaab cusub tusaale ayuu dhiiban lahaa ee kumuu laalaabteen inuu Hadraawi wax ku tiriyo miisaannadii hore u jirey. Waa kuma ninka miisaan cusub maansada soomaalida ka ikhtiraacay? Mise hadal aan sal yeelan karayn iyo qabyaalad uun baynu ku daalnaa? Maansooyinkii hore iyo luuqdyoo dhan ma nimaan luuqin karin dartiis baynu u caynaa. Taa oo ay qabyaaladi inoo dirayso ee aannay cilmi iyo feker ina farayn.

    Hadraawi iyo Qays inaanay maansadooda ku luuqin karayn miyaa luuqihii aynu jasuurayney uga tagnaa? Rabbi ha loo baryo inuu nimankaas sidii Afyare codka iyo luuqda u furo si uu Ibraahim uga dawoobo dhibaatada haystoo uu la jiifsan kari waayey! Kolley waa la og yahay meeshuu ka gubanayo laakiin aqoontaa ka wanaagsan ciilka!

    Dhammaan waxyaalahuu Sayid Maxamed ku dhalliilay waxba kamay jiraan. Waxay caddayn u tahay uun inaanu Ibraahim maansada wax ka garanayn.

    Afka carabigu soomaali kasta ayuu maansadiisa ka buuxaa. Ereyada afka carbeed ka soo jeedaa kol uun bay afkeenna soo gaadheen. Haddaba in uu Sayidku ereyo carabi ah afkeenna ku soo daray maxaa diidaya?! Waxyaabo maalaayacni ahee badan baan iska dhaafay. Meelo uu run sheegayna way iska jiraan.

    Eedaha ah anuu Sayidku erey gabay labo jeer ku soo laabtay waxaa ka xun inuu Hadraawi maanso ku yidhi:

    • Markay dani meeday tidhi

    • Maxaan talo meel ka deyey

    • Markay dani ma aha tidhi

    • Ku laabtay halkaan ka deyey

    • Markay dani maaha tidhi

    • Weydiiyey qof meel ka deyey

    • Markay dani maaha tidhi

    • Maxay doqonniino tidhi…”

    Imisa jeer buu ”deyey”, ”tidhi“, “markay” iyo ”dani” ku laalaabtay Hadraawi. Sayidkii lama hubo gabayada ina soo gaadhey inay siduu u yidhi yihiin, waana la hubaa inaanay ahayn, barkee gacmo badan ayey soo mareen. Laakiin Hadraawiga uu Ibraahim ”xariif” ku sheegay ereyadaasuu meel kasta ka sheegaa!

    ”Afartaas” in lagu kala xiro doodaha ay maanso ka kooban tahay waa arrin aad u wanaagsanee lagu faani karo. Siduu Ibraahim uga doodayna waa uun iska maagmaag. Inkastoo aanan hubin waxaa laga yaabaa inaanay Hadraawi iyo dad kaloo uu Ibraahim u tacasubaa maansada ”Afartaas” ku hoorin, deedna uu Ibraahim naxaaqey. Bal maansada Hadraawi ha la baadho inuu ”Afartaa” yidhi! Haddaannu odhan halkaa uun buu Ibraahim u tacasubay.

    Waxaan hadalka uga baxayaa gabay uu tiriyey Cabdillaahi Yuusuf Suusle. Maaha Cadillaahiga Majeerteenee Puntland hoggaamiyee waa inan reer Caynabo ahee aad u sawd iyo gabay wanaagsan. Qudhiisu waa Kablalaxa Daarood. Kolkuu cabbaar wadaba wuxuu gabayga ugu nasanayaa ”Afartaas”. Waa in gabay si xasilloon loo dhegaystaa.

    1. Caliyow hannaan gabay beryaha hab uma luuqayne

    2. Ma higaadin maansooyinkii haybadda lahaaye

    3. Hamaddiisu way igu yadhayd hogotus mooyaane

    4. Caawaan sidii hoorrimaad kuu harraadtiriye

    5.  

    6. Hor ilaahay mooyee qabiil uguma hiisheene

    7. Nin hawaayaddiisii dhimiyo hawlgab lay moodye

    8. Markaasay Harreed iyo nin xumi i hungureeyeene

    9. Haasaawihii niman dilaan la hadli doonaaye

    10. Weligood miday hadi wadday soo hormariyaane

    11. Anna hootadii waan sitaa haaligga ahayde

    12.  

    13. Adduunayadaan hayiin iyo hayiin lagu heshiin waayey

    14. Adduunyadaan dagaal heeggankii loo hubguranaayo

    15. Adduunyadaan hayay iyo waray had iyo goor taagan

    16. Adduunyadaan hayaan geeddi baas habaqle guudhaysa

    17. Adduunyadaan hubaashiyo runtii laga habaabaayo

    18. Adduunyadaan humaag been ah iyo hadurka raacaysa

    19. Adduunyadaan habeen kii dhergaa hodan ismoodaayo

    20. Adduunyadaan huduu’ loo socdiyo hagarla’aan diiddey

    21. Adduunyadaan nimay hoog u tahay la hanbalyaynaayo

    22. Hanbalaalaqeediyo nabsiga heerba gelin joogey

    23. Hagardaamo iyo ciil ninkii haad u bixiwaayey

    24. Misna yidhi anaa libin hayoo heesayow darane

    25. Hadaamo dheer iyo adoo hogob ka laalaada

    26. Adigoo hadaadunna sidii adhi huluunboobey

    27. Addigoo naftaadii hafraad heedaddow tahaye

    28. Hadda aynu joogniyo ilaa hilinka taariikhda

    29. Hadimooyinkii dhacay haddii loo hogtirinaayo

    30. Halkaad idinku gaadheen ma jiro hoos nin kaa maraye

    31. Waligaa hungaad taagan tahay helina maysaane

    32. Sidii baad hargooliyo dullaal heemo leh u tahaye

    33. Sidii baad hullaab duuga iyo huudh u sidataaye

    34. Sidii baad wankii haysha dheer ugu haliishaane

    35. Sidii baad afkii halowsanaa ugu haraaryoone

    36. Sidii baad hunguri aan xishoon u hawo raacdaane

    37. Sidii baad harqoodaal cid ah uga hugmaysaane

    38. Sidii buu murqaan kuu hayaa habi la’aaneede

    39. Sidii baad Allihii ku halqay iyo hiifin nebigiiye

    40. Sidii baad hal aydnaan dhaqayn hanaq u goysaane

    41. Sidii baad hilbaha ula gashaan hul iyo buur dheere

    42. Sidii buu halyeygii lahaa kuu hatigayaaye

    43. Sidii baad hacoo faranjiyoo haariya u tahaye

    44. Sidii baad haruubraaca Yurub u hanbanaysaane

    45. Hayinkii sidii baad u tahay heeryadii sidaye

    46. Sidii baad hanbada quudha iyo haaf u baridaane

    47. Hormu kuu siyaaddiyo la waa haybad iyo guule

    48.  

    49. Afartaa hubkaan ridi jiriyo hawsar iyo miig dheh

    50. Hilaaddiisa kama leexiyee hig iyo liishaan dheh

    51. Bal aan weliba hoobiga madfaca hiishka kor u qaado

    52.  

    53. Hir bannaan waxay maalintii huguguflaysaaba

    54. Harka galay tallaabada waxay heeg u socotaaba

    55. Gorayadii habeenku u dumaa hoog u soo galaye

    56. Adiguna halkaad yuururtaad habas tidhaaheen

    57. Waa kaa halbawlaha wadnuhu habaya dhiiggiiye

    58. Inaan taladu kaa hoosinoo hubiso weeyaane

    59. Hanbadiinnu waa baalalley hadina maysaane

    60. Iyaduba dab loo huriyey bay hamug tidhaadaaye

    61. Allaylehe dad baa la hindise ah hawtulhamaggaase

    62. Doqon harabtey wow haayirtaa hayjad iyo oone

    63. Adoo maanta soo helay barray dib u hallawdaaye

    64. Iyadaba ninkii hiil u galay dib ugu hawshooye

    65. Geelaba haraagii lumaa waa hebla u doone

    66. Hareer buu ilaah kaa marshaa hilinka toobboone

    67. Caawana tilmaan lagu hirtoo togan ma haysaane

    68. Hiyiraac qabiil baa ku jirey hadalladaadiiye

    69. Hawiye iyo Daaroodba waa haamo soo jiraye

    70. Labaduba hiddaha lagu bartoo hore ma diidaane

    71. Adi uun baa habeen iyo dharaar hayb u geeddi ahe

    72. Hilwadiinnu Irir bay ahayd heelladii shalaye

    73. Waataad Hiraab iyo Abgaal hooyo la ahayde

    74. Maantana hadaaqaagu waa ”Haashim baan ahaye”

    75. Hayaan badanidaa maad abtow meel uun ku hagaagtid?

    76.  

    77. Afartaa hubkaan ridi jiriyo hawsar iyo miig dheh

    78. Hilaaddiisa kama leexiyee hig iyo liishaan dheh

    79. Bal aan weliba hoobiga madfaca hiishka kor u qaado

    80.  

    81. Soomaali kala haayirtaa laysu humayaaye

    82. Inkastoo halaaggii ku dhacay heer xun kala geeyey

    83. Tawfiiq hagaagtiyo narsigu waa hibi ilaahe

    84. Durba shacabkii soo wada hilow hoonka loo tumaye

    85. Ninna keli haqabbeeli waa haatanna ogaaye

    86. Howraar san iyo waa guddoon hadafka muuqdaaye

    87. Huqda ciilka adigow hillaa han iyo Haabiile

    88. Adi uun baa hinaase iyo guux hoos u foorara’e

    89. Harka nabadda loo seexdo iyo haracu waa guule

    90. Hurdadiyo shalay kuu ahayd hoy la jiifsado’e

    91. Haddii aad hurgumo dhiig leh iyo hunuggi doonayso

    92. Ama uu dagaal kuu haraad u hinbilyoonayso

    93. Hawd iyo Nugaal baannu naal haradii ciidee

    94. Hamaansiga libaaxii ma dayn kaa ham siin jiraye

    95. Hurmadiinna nimankii bartaa kuu hamuun qaba’e

    96. Hujuun qaaddayaa iyo annagu kula horraynaaba

    97. Labadeenna kii la huwiyaba heegan gala caawa.

    Cabdirisaaq Xuseen
    abdirisaqhusen@hotmail.com

    December 23,  2003

    Faafin: SomaliTalk.com  

    Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

    »Gabaygii Wuu Dhintay! [Daraasadii Ibrahim Y.]

    .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

    Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

    Powered by www.SomaliTalk.com
    All About Somalia and More...
    >> Usheeg Asxaabtaada
    Allah Is Great
     kaah

    BILICDA SOMALIYA
    Luuq Ganaane, 1987

    wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
    Akhri


    Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


    Singapore:
    500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
    Guji


    USA: Dacwadii Aba Sheikh
    Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


    London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


    XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


    Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

    HTML CD