SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Saddex Markab oo sida cunto , daawo iyo Shidaal ayaa......

Qeyla dhaantii Abaarihii ka dhacay gobolada soomaaliya in tooda badan ayaa gaarey haydaha samafalka caalamiga iyo kuwa bixiya deeqaha, WFP Soomaaliya waxay u soo dirtay 3-markab oo sida cunto daawo iyo shidaal gobolada sool, sanaag iyo toghdeer.

Abaaraha gobolada ay ka dhaceen ayaa kala ah Galgaduud, Mudug, Bari, Nugaal, Sool, sanaag, togdheer, bay ,bakool ,jubba dhexe iyo gobolada gaar.

Wasiirka cadaalada iyo diinta Dawlad Goboldeedka Puntuland Muddane Axmed Cawad Ashara ayaa sheegay in qoraal ka hadlaya abaaraha gobolada Soomaaliya oo dhan u direen qaramada midoobey la taliyaha arrimaha siyaasada iyo deeqaha Xoghayaha guud Dr.Kiemriene iyo dhamaan Caalamka oo idil.

Muddane Xasharo ayaa sheegay in hayada WFP soo gaarsiisay 3-markab oo sida Cunto, Daawo iyo shidaal,3-markab ayaa waxay 19-bisham ku soo xirteen Dekada Boosaaso, Deeqdaasi oo loogu talagaley in la gaarsiiyo Gobolada Sool ,sanaag iyo togdheer.

Waxa kaloo uu sheegay masuulka in ay kuwa kale sugayaan in kastoo ay goboladaasi hadda roob ka da`een, laakiin ay diiftii abaaruhu weli kajiraan maadaama ay xoolo badani le'deen, ayna abaartu raad weyn ku reebtay degaanadaas.

dhamaad.


Abdikarim Aden Hussein
Mbagathi,Nairobi.
abdikarimhussein@hotmail.com

December 22,  2003

Faafin: SomaliTalk.com  

 

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD