Oraahda cilmi iyo caado waxay aheyd cinwaan riwaayad culys badan
lahad oo abwaan soomaaliyeed u hagar baxay fariin iyo hoga tusaaleyn
aan la qiyaasi karina bulshadiisa ugu soo gudbiyey.
Waxaan marka anna oraahdaas usoo qaatay ujeedooyinka badan ay
xanbaarsantahay awgeed oraahdu marka laga reebo isku xiraha waxay ka
kooban tahay laba magac u yaal oo mid waliba sifihiisa iyo suuradiisa
u goonida ah leedahay hadana waa isu dheelitirmaan isdhisaan isuna
dheelalyoodaan.
Waa dhawaaq marka uu dhegaha soo gaaro dareen iyo dhugasho horleh
abuura caado waa habnololeed ka abuurma halganka nololeedka
bulsho ee meel ku dhaqan ,waa hanaan xaliya xubnaha xeerka looga
samato baxi dhiibaatada xiligaa ,waana xididka ay raacdo bulshadu
markay rabto inay dib u xisaabtanto si ay tagtaddii cashirka ay
kabaratey timaadada ugu tooghayso.
Hadaba marka ay caadi taa tahay cilmina waa curuqda dhiiga
waraabiya waa cunnada iyo cabidda ay caado ku ciidamiso waa curiyaha
kobciya cadceeda u kala cadeysa halka calaacasha dhigi lahayd geedi
socodka xigtada ah ee waqtiga iyo waayaha la xiriira.
Cilmigu waa kan bulshada u horseeda badalida iyo bilidda
baalaha madow aay bulsho ka dhaxasho caadadeeda hore ,waa hogaanka
hayinka nolosha tubta hagaagsan u horseeda.
Cilmigu waa mid ay diinteena suubani meeqaan aad u sareeya siisay
nabigeenii suubanaa Maxamed ahaa iyo anbiyadii oo dhami aad noogu
booriyeen raadin tiisa, barashadiisa iyo ku dhaqankiisaba.
Hadii marka ay cilmi iyo cadi yihiin isku dhiskaas aan kala maarmin
ee isku hayb iyo hide aroora miyaysan habooneyn in aan himilo gaar ah
siino mid walbana kan kale habsamaanta uu halbowleyyaashiisa u habayo
hawraar teeda gaarka ah iyo tooda guudba ay qaadaano.
Cilmigu waa cad, ceyn kastuu yahay dhaxyaal noolaha ,miyeysan
habooneyn in aan u maalo sida hasheena maandeeq, si aan
mugdiga,miscilisha, faqriga iyo meelaha madoow ay caadadeenu maalmo
tagey ku xalisay mashaakilkeed annagana uga gudubno.
Aniga oo hadaba diinteena suuban iyo caadadeena inteeda
badan ciribta ku haysaba qiimo iyo qadarin weyn u haya ayaan rabaa in
aan bulshadeyda soomaaliyeed u soo gudbiyo dooda iyo dareenkeyga ku
aadan gudniinka fircooniga ah ee aan muddada dheer ku soo caana
maalnay kaas oo sida aan kor ku soo xusay ahaa xal iyo xeelad
xilitagey xujo la gudboneyd bulshadu ku xalisay, haba yaraatee wax
sharci iskaam ah aan sal iyo raad toona ku laheyn.
Haddaba miyaaney aheyn aqoon xog ogaalnimo, fahan iyo cilmibaarid
dabadeed marka ay culimada caafikaadka aduunka ee casrigeenan maanta
joogtaa si cad u qeexeen, dhibaatooyinka laxaadka leh ee
caafimaaddaradda, uu falkani sababta kowaad yahay, sida halista
dhaawaca ka kaca uu ugu horeeya : ku joogsiga dhiiga oo maanka iyo
badankaba caabuq dhaw iyo mid mustaqbalkaba u yeesha iyo weliba
nuglaanta ay u nuglaaneyso gabadhu cudurada la xiriira hakashada
taranka. Haddaba hadey arintaasi heysto xubnaha ugu muhiimsan ee
bulshada oo ah gabdhaheena taranka iyo tiraabta aan ka sugeyno
miyaaney aheyn si cad oo wadajir ah uga hortagno innaga oo gacmaha is
haysana??
1.Miyaaney aheyn in indheer garadkeena culimada diiniga ah iyo
cilmaaniyiinteena inay mawqif cad iska taagaan??
2. Miyaaney aheyn in abwaaniinta iyo inta ereygooda ummadeenu u
dhaga nugushahayba ku baraarujiyaan bulshadeena ciribtirka caadadan
fircooniga ah?? Taas oo aan dhab ahaan qabo xataa inay diiniyan ku
wanaagsan tahay in aan khilaafno dhaqankii fircoon.
3. Miyaaney ku habooneyn in qalinka iyo qawlkuba qalaan qeexaan
qiraan in qasaarihiisu aad uga badan yahay qiinmahiisa, wax qiil ahna
uusan ku laheyn diinteena muqadiska ah.
4. Miyaaney habooneyn in aynu qeexno dhaqanka gudniinka sunnaha ah
xaduudka uu leeyahay?.
Marka hadii aan isla qirsannahay arimaha aan kor ku soo xusay oo
dhan waxaan codsaneynaa aniga oo ku hadlayaa magaca ragga iyo dumarka
soomaaliyeed ee maskaxda, muruqa iyo maalkaba u huray wacyi galinta
falka isaga ah iyo wax u sheegga dadkeena gaar ahaan aqoon yahanka iyo
indheer garadka iyo guud ahaan ummadeena somaliyeedba meelkasta ay
joogaan in ay gacan iyo garabba ka geystaan la dagaalanka iyo
dabargoynta falkan fircooniga ah.
Waxaan hadalkeyga ku soo gunaanudayaa guusha iyo mira gurshadu waa
mid u soo hoyaneysa umadeena ku dheehidda iyo ku dhaqanka cilmiguna
waa mid kobcineysa korna u qaadeysa caadadeena soomaaliyeed.
Wabilaahi tawfiiq!!
Waa walaashiib Caasha Cumar Geesdiir
Asha_omar@hotmail.com