SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Waqti kale oo loo cayimay kulanka Hogaamiyayaasha soomaaliyeed.

22/12/2003

Ridwaan Xaaji C/wali.
ridwanhaji@yahoo.com

Nairobi, Kenya

Waxaa galabta lagu soo gaba gabeeyay magaaladda kampala ee xarunta wadanka Uganda shir ay halkaasi ku lahaayeen madaxwaynaha dalka Uganda yuweri musaveni iyo wasiirka arimha dibadda ee dalka Kenya kalonzo musyoka.

Kulankaas waxaa uu ahaa mid looga hadlayay xaaladda uu marayo shirka dib uheshiisiinta soomaaliyeed iyo sidii loo dar dar galin galin lahaa geedi socodka shirka dib u heshiinta soomaaliyeed ee ka dhacaya dalka Kenya.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Uganda Augostino Nshimeya oo galinkii danbe ee manta oo aan kula xiriiray khadka taleefanka isagoo kusugan magaalada kampala ayaa ii xaqiijiyay in kulankaasi uu dhacay galabta isla markaana laga soo saaray go’aano lagu bad baadinayo shirka dib u heshiisiinta soomaaliyeed.

Waxaana ay isla afgarteen in kulanka hogaamiyayaasha loo dib dhigo 9ka bisha January ee sanadka cusub oo ka dhici doona magaaladda Nairobi horayna loogu qorsheeyay in uu ka dhaco magaalada Mombasa ee xeebta.

Maalin ka hor kulanka hogaamiyayaasha ayaa iyadana lagu wadaa in uu Nairobi soo gaaro madaxwayne Yuweri Musaveni ahna gudoomiyaha urur goboleedka IGAD oo la kulmi doona hogaamiyayaasha soomaalida ee Kenya ku sugan.

Dhowr jeweer ayaa dib u dhacyo isdaba jog ah ay ku yimaadeen kulanka hogaamiyayaasha soomaaliyeed loo qorsheeyay ee la xiriira xalinta khilaafka iyo isfahan la’aanta u dhaxaysa hogaamiyayaasha soomaaliyeed ee ku kala sugan Nairobi iyo kuwa jooga dalka soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee shacbka soomaaliyeed oo dawlad la’aan ay hayso mudo 14 sano ah waxaa ay u ooman yihiin dawlad ka dhalata dalka soomaaliya ee dagaalada sokeeye ay daashadeen soomaaliduna waxaa ay ka dhur sugayaan natiijadda kulankaasi waaba hadii uu suurta galee in uu qabsoomo.

Ridwaan Xaaji C/wali.
ridwanhaji@yahoo.com

December 22,  2003

Faafin: SomaliTalk.com  

 QORAALADII HORE EE RIDWAAN

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD