QAABKEE AYAY U WADA HADLEEN WARIYAYAASHII
HOLLAND KU KULMAY?
XagarYare
xagar91@hotmail.com
SomaliTalk Germany
December 22, 2003
Bishan
aan ku jirro horaanteedii ayaay wariyayaasha idaacadaha iyo shabakadaha
Internetka ka hawlgala badi wadamada reergalbeedka ku kulmeen dalka
Netherland.
Waxaa
kulanka qabanqaabisay hay'ad u xilsaaran abaabulka guud iyo kawarhaynta
danaha soomaaliyeed ee dibadjoogta oo marka magaceeda lasoo gaabiyo layiraa
"SONECA".
Qaabkii soo dhowaynta.
Maqribnimadii markaan gaaray waxaa iridda hoteelkii igaga horyimid nin ii
sheegay in uu u dhashay dalka ERITREA gudiga qaban qaabaduna u magacaabeen
inuu soo xero galiyo habaqlaha martida ,wuxuu ii gudbiyay hoolka soo
dhowaynta gaarka ah halkaasoo ay sii fadhiyeen wariyayaashii kulanka
yimid,waxaa markii iigu horaysayba iga hortimid gabar" walaal soo dhowaaw
waxaa la iyiraahdaa siciido sheekh axmad (VIP) radio sagal".
Waxaa ay si naxariisleh ii gudbisay miis ay
fadhiyeen dad aan aad u maqli jiray aragoodana aan aad ugu farxay.
-Ikraan cali kaar "SWEDEN"
-Axmad Bille Rafle Guuleed "Denmark"
_ iyo musharixii hore ee duqa magaalooyinka
mataanaha ah ee MINIAPOLIS/ST.PAUL, Minnesota, U.S.A Mudane Mohamuud
Wardheere.
-Siciido VIP waxaa maalintii danbe la ii
sheegay in ay wax ku lahayd fikirka ah in ay wariyayaashu kulmaan, waxaanan
taas ku ogaaday furitaankii labaad ee kulanka oo mahad naq balaaran gudiga
qaban qaabadu halkaas uga soo jeediyeen
Maalinimadii
labaad sagaalkii subaxnimo waxaa nooyimid labanin oo cadaan ah.
waxaa nalaku baray Pieter De Vink oo ah wariye
aad looga danbeeyo dalka nietherland iyo Mr Tony Wilkson oo isnna ka socda
dalka ingiriiska.
Waxaa islamarkiiba makarafoonka la wareegay
Mr Tony Wilkson,.
Wuxuu yiri "waan ku faraxsanahay in aan
wakhtigayga maanta laqaato wariyayaal da,yar oo soomaaliyeed, waxaanan idin
waydiinayaa dhowr su,aalood inta aanan idiin bilaabin duruusta iyo
casharadii aan ku soo talagalay in aan idin siiyo . Su,aashaas jawaabteedii
oo aan maanta kaga hadlaayo qoraalkeenna .
waxaa ay nagu qaadatay sadex saacadood ka
shaqaynteedii, wariye walba waxaa
lasiiyay 15 daqiiqadood uu su'aashaas jawaab kaga bixiyo,waxaa ayna hayd
su,aashaasi.
MAXAAD U GO,AANSATAY inaad wariye NOQOTID?;
WAXAA JAWAABIHII WARIYAYAASHU BIXIYEEN OO SIDAN U DHACDAY UGU HORAYSAY
SICIIDO VIP WAXAYNA TIRI:
Waxaan aad ugu degaalamijiray xuquuqda
dadka ladulmo sida haweenka iyo qabaailada laga tirada badanyahay, waxaa
ayna ila noqotay meesha kali ah ee aan qaylo dhaantayda ka tabin karo in ay
tahay anigoo wariye noqda. waxaan
kaloon is iri kuwa ladulmo wariyaha soomaaliga laftiisa ayaa kamid ah,isagoo
la caburiyay,laguna qasbay in uu isku mashquuliyo warar aan dan u ahayn
saxaafadda xorta ah balse in gaara u adeegta.
WARIYIHII
2aad=waxaan rabay inaan caan noqdo.
wariyihii 3aad =waxaan rabay in aan bulshada xag siyaasadeed ka
dhex muuqdo anigoo siyaasada aad u xiisayn jiray.
WARIYIHII 4aad=inaan ka agdhowaado luuqadaha caalamiga ah oo aan u
arkaayay in wariyanimada laga dhex helaayo.
WARIYIHII 5aad=inaan bulshada macalin u noqdo,waxaanan is tusay
waxa aan doonaayo in ay dadku bartaan in aan wariye nimada u adeegsan karo.
WARIYIHII 6aad= markaan
ardayadda ahaa idaacadii radio muqdisho ayaan aad u dhagaysan jiray,waxaan
dabeed jeclaystay bal anigana in markayga laydhagaysto.
WARIYIHII 7aad= waxaan
xasuustaa in ay ahayd gabarta aan u bixiyay xidigta saxaaffadda dhanka
hablaha WARIYE ikraan cali kaar,waxayna tiri:
waxaan u shaqeeyaa hay,ad ku hawllan dadka
soomaaliyeed ee aan dalka ay yimaadaan wax ka qabsan karin caawisa ama garab
gasha annakoo u fududaynna waxa ay qabsan kariwaayaan,
waxaan is iri armaad wariye noqotaa si,ay
kuugu sii fududaato in aad si cod dheer leh u gaarsiisid dadka soomaaliyeed
fariinta aad rabtid in ay helaaan,.
WARIYIHII 8aad= waxaan
yaraantaydii aad iskugu mashquulin jiray in aan wax ka ogaado fikir ahaan
iyo karti ahaanba waxa ay ku kala duwanyihiin madawga iyo caddaanku,waxaanan
is tusay in aan labadan qawmiyadood ku dhex gali karo gooni goonina wax uga
waraysan karo anigoo laba arimood mid noqda .
waa tan koobaade inaan jaajuus (ciidamada
sirta)noqdo ama aan wariye noqdo,
WARIYIHII 9aad= aad
ayuu nooga qosliyay oo wuxuu yiri"markii aan iskuulka dhiganaayay ayaan
gabar soomaaliyeed oo aniga ila quruxbadnayd aad u caashaqay,kadib markii
aan fariintaydii jacaylka gabadhaas u sheegtayna ,waxay ii caddaysay in ay
jeceshahay nin wariye ah balse aysan muuqaalkiisa wali indheheedu qaban ee
codkiisa oo kaliya taqaanno",waxaan maalintaas wixii ka danbeeyay is
waydiiyay ma haboontahay in aad wariye noqotid,
markiise aan wariye noqday waxaa ii baxday in
hawlaha i horyaalaa ay ka bari weyn yihiin jeceelkaygii iyo gabartii
bilicdasamayd,ee aan aflibaax dhexgalay la iigana baahanyahay inaan ka
dabaasho.
Markii ay arintaasi dhamaatay ayaa waxaa
markale si darandooriya su,aalo iyo jawaabo noogu boobay labadii wariye-
PIETER iyo TONY WILKSON, waxaa ayna u dheceen sidatan.
A)Saaxiibayaal ma ku heshiinkarraa in ay wariye nimadu ka wayntahay shaqo
lacag lagu sameeyo oo kali ah?
B) aniga PIETER ahaan waxaa ay dadka reer holand iga sugaayaaan in aan
qalo mawqifka siyaasiga iyo siyaasadda ee bal iisheega oo maxay wariyaha
soomaaliga ka sugayaan soomaalidu?
C)
saw maaha shaqada wariye nimadu U sawir siday ahayd waxaad aragtay?
una sheeg sidooda waxaad maqashay.
ogaadana hadaydaan dayicin warshada wararka
samaysaa waa warshad lacag samaysa, ogaadana goolkasta oo aad usocotid
hanoqon wariye beenaale ah, hana
moogaanin in astaanta ugu weyn ee wariyuhu tahay dulqaad.
iyo ruux kala haadin kara ujeedada uu
damacsanyahay ruuxa uu la sheekaysanaayo.
Shirka oo socday sadex maalmood waxaa
lamagacaabay gudi daba gala go,aamadii halkaas ka soobaxay, iyadoo marlabaad
dib laysugu soolaaban doono, dalka lagu qaban doono waxaa go,aamin doona
gudiga loo xilsaaray.
Waxyna isku dhaarsadeen wariyayaashu in ay
iska ilaaliyaan u adeegidda dagaal ooogayaasha.
QORE: XAGAR YARE
xagar91@hotmail.com
December 22, 2003
Faafin: SomaliTalk.com |
germany
XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio
kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay
dalka Jarmalka.
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|