Cudurka Aidska iyo BBC-du maxay wadaagaan? Cali SHire
shireali@hotmail.com
waxay wadaagaan waxay jecelyihiin inay ku faafto
faaxishaddu ama sinadu umadda muslimka si ay ugu helaan sharikaadkooda soo
saara dawooyinka kahortagga HIV inay helaan suuq ay ku gadaan reer galbeedku.
Waxaa aad uga hadlay abu Mohamed maqaalkiisa (widhwidh
online)ee kusaabsanaa dhibaatadda HIV iyo dhibaatadda
aduunka qarbiga ah uu ku hayo cudurkan dilaaga
ah.. waxaana markhaanti madoonto ah in dunidda Muslimka uu aad ugu yar yahay
cudurkani sababta yaraysana waxaa weeye Manhajka ay rumaysan yihiin ee Alle iyo
Rasuulkiisu (scw)uga digeen dhibaatadda galmadda aan sharciga ahayn boqol iyo
afar iyo labaatan sano kahor ayaa allaah subxaanuhu Watacaalaa ugu digay umadda
Muslimka ah inay kafogaadaan sinadda ama galmadda aan sharciga ahayn marka Rabi
kacabiray ereyga ah ha udhowaanina Sinadda waxaa Rabi inoogu sheegay inay
jiraan Wasiilooyin kahoreeya Sinadda intaan lasamayn oo ay ugu horayso ishu
inay Sino latimaado hadaan laga laabin Cawradda haweenka, waxaa ku xigga in
gabadhii ajnebiga kaa ahayd loo dhoola cadeeyo, waxaa kamidda Wasaaisha Sinadda
hadal aan sharci ahayn oo Dumarka lagu akhriyo, waxaa kamida Wasaaisha sinadda
in meel cidla ah lagula keliyaysto haweenay ajnebi kaa ah.
Waxaasoo dhami waa
daariiqyadda Rabi ku ilaashay Sinaada inay dhacdo.Haddaba waxaa wax lala yaaabo
ama murugo weyn igu reebtay ah waxyaalaha ay faafinayaa adeecada uyeerisa
umadda Somaaliyeed xumaanta ee ay leedahay Dawladda ingriisku oo beryahan dame
caaddo kadhigatay inay umadda Somaaliyeed ka jeediso dhaqankeedii suubanaa ee
ku dhisnaa xishoodka iyo akhlaaq wanaaga uguna baaqaysa dadka wax magaradka ah
inay adeegsadaaan Sinadda (Bishardi_ inay isticmaalaan Aalaada loo yaqaan
Kondhobka ama Cinjirka hadaba waa yaabe miyaanay ogayn cidkastoo kaqayb
qaadatay Barnaamijkaa kabaxa adeecadda BBC-du inuu yahay Gaalnimo cad oo loo
badheedhay. Waayo waxaa wax xaaraantimeeya Alle oo qudha waxna xalaaleeya.
Hadaba waayaabe ma anshaxbaa qofka adeecadaa Public ah ee shanta Qaaradood ee
aduunka laga dhegaysanayo kaxayaysiinaya ku dhaca sinadda.una xalaaleeyay
waxmagaradka in laisticmaalo Kondhobka ama Cinjirka? uuna ka badbaadinayo
HIV.Waxaa marag madoonto ah in qof kasta oo ankiraa Dhegaha ka furaysta wax
Alle iyo Rasuulkiisu (SCW) xaraameeyeen inuu ku dhacayo gaalnimo diintana
banaanka kajoogo . Waayo waa wax macluum ku ah Diinta islaamka in Sinaddu ama
Galmmada aan sharcigga ahayn Xaaraam tahay.
Waxaana dhab ah in dadka ficilkaa xun u
badheedhaya inaan loogu cudurdaarayn Jahli ay ku dhaceen. Waayo hadii
laweydiiyo inanka laba jirka ah Galmadda aan sharcigga ahayn waxaa xaqiiqa inuu
ku jawaabayo waa wax xun. Haddaba waxaan leeyahay kuwa Waxaas dadka ku
faafinaya ee Raadinaya aduunka yaraw dib ucusboonaysiiya Towbadiina. Hadaad
gaallo tihiina ubadheedha umadda Muslimka ah oo waxba haku sirina luqadaad ku
hadlaysaan Waxaan hadalkaa ujeedinayaa waa kuwa masrixiyadda ku matalaya
kondhob qaado hadaad galmo rabto!!!!!!!!!!!!!!! ceeb iyo caarba idinkaa leh.ee
ilaahay kabaqa .BBC-dana waxaan leeyahay afkiina oo qudha ku hadla ama ilaahbaa
idin risaaqee wershadaha UK xalaal kaxamaasha oo katanaasula inaad waxkastoo
sun ah oo laydiin yeedhiyo aad ku faafisaan umadda somaaliyeed ee
dhibaatadeedii horeba la ildaran........ .
Wabilaahi Tawfiiq .
Wasalaamu Calaykum Waraxmatulaah
Cali SHire
shireali@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com Dec 21, 2003 Afeef:
Aragtida qoraalka waxaa leh qorayaasha ku saxiixan
QOYSKA ISLAAMKA AH |
GUURKA
»Ganacsiga iyo
Islaamka/Somalia [Dr. Taqi]
»Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu
horeysay? [C/Fatax]
»DIRAASAD: QAADKA IYO WAXYEELLOOYINKIISA
[Prof.Yusuf]
»MAXEEY YIHIIN VITAMINS-KA AAN U BAAHANNAHAY? [Boqor]
»Qaabka aad maal gallinta u samayn karto
[Luqmaan]
CAAFIMAADKA: JABTADA
| AIDS
| CHOLERA |
SOKOROW
|