SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - 2003
 Somalia: Maxay ku sagootiday sanadkii 2003-da:

Hassan Salahudin

Leicester, UK

hassanabdillahi@hotmail.com

SomaliTalk.com | Dec 20, 2003

Aduunku waa ayaanba ayaan, maalmahana Ilaahay baa aadamaha ku dhex wareejiya dadku kala ayaan badan, akhristow ma taqaanaa aadamiga kuwa ugu dhibta iyo riifta badan, aan kaaga jawaabee waa ambiyada, dabadeedna waxa ku xiga dadka kuwa xaga wanaaga ku sii xiga, sida ay u kala wanaagsan yihiin baa aadamiga loo kala dhibaa, waa xadiis saxiixa oo ka sugnaaday hogaamiyihii muslimiinta Nabi Muxamed(NNKH), Ilaahay ma haligo qawm ilaa iyagu ay is haligaan, waa aayad ku xardhan kitaabka quaraanka kariimka ah.

Colaadaha hubaysan iyo dagaalada sida arxan la’aanta ah la iskugu gumaaday wadanka Somalia dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxay uurxumo iyo tiiraanyo kaga tageen muwaadin kasta oo soomaliyeed gaar ahaana inta ay ku jirto damiirka iyo dadnimadu,dagaalo ku salaysan qabiil iyo beelaysi oo cidina ay cilinkooda saari wayday ayaa gilgilay gabi ahaanba geeska Africa xalkooduna ilaa hada uma muuqdo shacabka, aqoonyahanada iyo guud ahaanba umada soomaliyeed inta nabada jecel oo mudo dheer isha ku hayey bal in mar uun uu soo muuqdo san saan nabadeed oo lagu soo afjari karo colaadahaas, shirarka dib u heshiisiintu way tiro beeleen oo waxaabay kor u dhaafeen dhawr iyo toban shir ummada soomaliyeedna dhagahoodu way ka daaleen shir baa la qabanayaa lagu heshiisiinayo hogaamiyayaasha jabhadaha hubaysan, kii u dambeeyey oo sanad jirsaday waxa uu ka socdaa agagaarka magaalada Nairobi ee wadanka Kenya, rajadiisuna wax saas ah ma sii dhaanto kuwii isaga ka horeeyey, ujeedadaydu maaha inaan ka waramo shirarkii dib u heshiisiinta ee loo qabtay hogaamiyayaasha kooxaha soomalida oo sida aynu ka wada dheregsanahay dhamaantood ku dambeeyey fashil iyo is af garansho waa, qormadan waxaan ugu tala galay inaan akhristayaasha ku xasuusiyo si guud mar ah Somalia waxay ku sagootiday sanadka gaba gabada ah ee 2003-da, Soomaalidii horaa laga hayaa Ilaahayow sanadka soo socda horaadadiisa iyo ka dambe dabeedadiisa ayaanu kaa magan galnay, Allow ma tahay kalmad weyn oo u baahan in la baro jiilasha soomaaliyeed ee soo koraya oo intooda badan uu afsoomaaligu socod barad ku yahay.

1-Colaado Hubaysan oo halkoodii ka sii socda,

2-Macaluul gobolada Somalia Qaarkood ku baahday

3-Quxuuntiga Soomaalida ee dibadaha u soo yaacaya oo sii siyaaday, iyo biyaha yemen iyo libya oo noqday xeebtii geerida muhaajiriinta soomalida.

4-Goboladii ka goostay Jamhuuriyadii Somalia la odhan jiray oo si adag ugu sii adkaystay mawqifkoodii ahaa in aanay waligood dib ula soo fadhiisanayn goob iyo googol midna koonfur,

5-Shirkii dib u heshiisiinta hogaamiyayaasha kooxaha Soomaalida ee ka socda wadanka Kenya oo sanad jirsiday asee aan soo koordhin wax ididiilo iyo rajo ah inaba.

6-Dawladii Cabdiqaasim ee sanadkii 2000-kun lagu soo dhisay tuulada carta ee Jamhuuriyada Jabuuti oo si wanaagsan ugu dhex milantay raadkeediina la waayey shirka dib u heshiisiintay qab qablayaasha dagaalka ee ka socda Kenya.

7-Saydarada ay la maagan yihiin gumaysiga xabashidu gayiga soomalida oo sii kordhay sanadkan 2003-da iyagoo taageero ka helaya hor joogayaasha kooxaha soomaalida qaarkood.

8-Dawlada Maraykanka oo dhawr jeer laga maqlay badhtamihii sanadkan 2003-da hadal hayn ah inay Somalia gacan bir ah ku qaban doonaan tuhun laga qabo awgeed inay ku gabanayaan kooxaha argagixisada ee taageera ururka Al-qacida.

Qodobadaas aan kor ku sheegay oo dhamaantood aan ku rajo waynahay inaanay ka farxinayn muwaadiniinta soomaaliyeed iyo shacabka nabada jecel ee ku sugan gudaha iyo dibada Somalia ayaan ku soo koobay wixii ay Somalia ku sagootiday sanadkan 2003-da. Rajada laga qabo nabad ka aslaxda geeska Africa haadaan dheer bay ku dhacday, xaalada shacabka liita ee soomaaliyeedna maalinba maalinta ka dambaysa waxay sii galaysaa booraan afkii laga qafilay, dadka u dhaba gala diiradana ku haya siyaasadaha dahsoon ee gumaysiga xabashiduna waxay aaminsanyihiin in aanay fogayn markii lagu arkayey gobolo Somalia ka mid ah calanka Ethopia oo si wanaagsan uga dul babanaya iyagoo waliba taageero hiil iyo hooba leh ka helaya quwado waaweyn oo shisheeye. Sanadka 2004-ta Ilaahay ha uga dhigo shacabka Soomaaliyeed kii ay ka dhalan lahayd dhulkooda nabad waarta oo soo afjarta dirirta dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay sida joogtada ah uga socotay geeska Africa.

Waa Walaalkiin Hassan Salahudin
Global Media Group
Uk.
hassanabdillahi@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE SALAAXUDIIN

Faafin: SomaliTalk.com Dec 20, 2003

 Afeef: Aragtida qoraalka waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

QOYSKA ISLAAMKA AH  GUURKA

»Ganacsiga iyo Islaamka/Somalia [Dr. Taqi]
»
Yaa Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay? [C/Fatax]
»DIRAASAD: QAADKA  IYO WAXYEELLOOYINKIISA [Prof.Yusuf]
»
MAXEEY YIHIIN VITAMINS-KA AAN U BAAHANNAHAY? [Boqor]
»Qaabka aad maal gallinta u samayn karto [Luqmaan]
CAAFIMAADKA: JABTADA | AIDS | CHOLERA | SOKOROW

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD