Sidee
Saddam Hussein loo qabtey?
Ahmed Osman Farah (Zahid)
Karachi-Pakistan
axmedshiino@hotmail.com
Tel: 00-92-300-2252724.
Tan iyo intii maamulka madaxwayne bushi iyo
xulufadiisa Ingiriiska ay ku soo duuleen dalka ciraaq awoodiina ay ka rideeen
madxwayne Saddam Hussein, waxaa waddanka ciraaq soo wajahay qaraxyo arxan darro
ah oo ay mawaadiniin reer ciraaq ah ugu hurayaan sidii ay dalkooda uga saari
lahaayeen cadwga xoogga ku hasyta ee maraykanka iyo ingiriiska, qarxyadaas way
kala cusalaayeen oo waxaaba ugu darnaa kii lala beegsadey dhismihii xarrunta
qaramada midoobey ay ku leedahay magaala madaxda Baqdad, waxaa taas ka drnaa
qaraxii uu ku dhintey hogaamiyihii shiicada Al Hakimi kaas oo lagu dhex
qarxiyey masaajid dhexdiis, dhamaan qarxyadaasi waxay bilaabeen markii Saddam
laga eryey Baqdad.
Dadka qaarkii ee adduunka ayaa aaminsan in
qaraxyadan uu maleegey hogaamiye Saddam, dhabarjab ayay u ahayd Saddam ka
gadaal markii la laayey labadiisii wiil ee uu aadka u jeclaa ee Uday iyo Qusay,
iyo weliba saraakiishii dawladiisa oo maalinba maalinta ka dhamaysa isu
dhiibaysey ciidamda maraykanka.
Akhristo
bal is waydii maxaa saddam adduunka oo dhan isugu tageen?, waxaa ku soo baxaysa
mararka qaarkood jawaab ah in marayku ka dhiganyhay qof leh igu soo wareeji
hubkaaga si aadan hadhow to isga kay celin, yaab waaye taasi mana ahan wax
caqli galah, Saddam iyo maraykan sida muuqata taas ayay isku diidanyihiin oo
adunku markykana ula jebeiyey waddan ay carabta iyo guud ahaan islaamku hoos
harsanyey, akhriste waxaan halkan rabaa inaan ku soo kobo sidii maraykanku iyo
xulufadiisa ay u heleen nin ay ka harsanwaayeen muddo fara badan.
Ilaa iyo maalinkii saddam ka baxay caasimadda
Baqdad, ciidamda isbahysigu waxay saddam ka raadinayeen magaalda uu ku dhashey
ee Tikrit.
Sida uu sheegey nin ka mid ah dadka aadka u
nceb saddam, maalintii ugu damesey ee ay ciidamda isbahaysigu gacan buuxda ku
dhigeen Baqdad, waxuu sheegey in uu arkayey Saddam iyo labdiisa wiil oo saaran
baabuur oo ag jooga masaajid ku yaalla Baqdad, hase ahaatee in yar uun ka dib
ay wiilashiisu raaceen baabuur cad oo ay u dhaqaaqeen dhinaca magaalda mousil
ee wiilasha ilam saddam iyo wiil ay dhaleen lagu diley Jullydii ina dhaaftey ee
sandkan, sadaam iyo dhowr qof oo la socdona isagoo xiran qamiis cad inuu u
dhaqaaqey dhinaca magaalda tikriit.
Mid ka mid ah hogaamiiyaasha ciidamda
isbahysiga ayaa sheegey inay aad ugu daaleen dhaqaale badan ku baxey sidii ay
ku heli lahaayeen Saddam.
Saddam Hussein madaxwaynhay ciraaq waxaa lagu
yaqaanaa nin adag oo militeri ah isagoo noloshiisa ku dhamaystey xilli qalafsan
oo aad u dhib badan, waxaa lagu sheegaa inuu yahay nin neceb yuhuudda, isla ,markaana
jecel in carbtu ay si wada jir ah ula diriraan yuhuudda.
Ciidamda isbahysiga mudoo bilo ah ayay saddam
ka raadinayeen magaalada uu ku dhashey ee Tikriit, daka tikriit deggan saddam
aad ayay u jecelyihiin, nin la yiraahdo Sohayb Abdul-Rahman waxuu u sheegey
saxaafadda adduunka inuu saddam aabahood yahay hadii ay reer tikriit yihiin,
sidaas ayaa keentey in ciidamda maraykanku ay aad ugu mashquulaan raadinta
saddam ee tikriit.
Ciidamad isbahysiga si ba’an ayay halkaas ugu
daaleen iyagoo si is daba jog ah u raacayey waddo waskhaysan oo geeyneysa meel
aan waxba oolin, waxay qaar kamid ah oo saxaafadda la hadalaya sheegeen inay
dhowr jeer ku laalaabanyeen laakiinse ay ku hungoobayeen, waxaa dheeraatey
raadintii macalinkii maamulka bush sida ba’an u doonayey, heer ayba ka samreen.
Asbuucyadii ugu dameeyey qaar ka tirsan
sirdoonka maraykanya ayaa loo direy meesha laga baarayey saddam, waxay
sirdoonku sheegeen inay halkaas kula kulmeen dad badan oo ay ka wareesteen
meesha macquulka ah ee ay ugu hagaagi karaan saddam laakiin ma siinayn warbxin
buuxda aan ka ahayn uun inay dhahaan waxaa laga yaabaa inuu tikriit joogo,
waxaaba xitaa jirtey dad ka mid ah dadkaasi ay sirdoonku waraysnyeen in la
xirey iyagoo lala tagey meel gaar ah, waxaa la sheegy in shabaabkaas la xirey
lagu khasbey inay sheegaan meesha saddam ku gabanayo, lama yaqaan sida ay ula
dhaqmeen dhalinyaradaas laakiin sida afkooda ka cad iyaga oo ciqaabaya ayay ka
heleen war macquul ah oo u sheegy in saddam laba guri oo ku dhex yaal beer ay
ka baxaan Orange iyo Laymuunta uu ku dhuumanyo, labadaas guri waxay ku yaalaan
tuulo la yiraahdo ADWAR oo dhowr mile uun u jirta magaalada saddam ku dhashey
ee tikrit, ADWAR waa magaalda uu ku dhashey mid ka mid ah raga ay sadaam isku
xeel dheeryihin oo la yiraahdo Izat Ibrahim.
Maalinimadii sabtida 13-Dec.03, ayaa ciidamo
dhan 600 oo askari oo uu u hogaaminayo ninka la yiraahdo Maj. Gen. Raymond
Odierno oo ah taliyaha qaybta 4 aad ee ciidamda dhulka isbahysiga, waxay ku
dhaqaaqeen hawlgal ay la beegsanyaan labdii guri ee ku dhex yaalay beerta,
gurigaas waxuu ka koobanyahay hal qol oo jiif ah, oo ay surnaayeen dhar, dharka
waxaa ka mid ahaa kuwo cusub laakiin aan boshqdaysanyn, waxuu gurigu leeyahay
hal jiko, jikada horteeda waxaa ka qodan god yar oo ilaa 6 feet oo hoos ah ,
godku waxuu leeyahay dabool iyo tuubbo loogu talagaley in ay hawada siiso godka
qofka kujira.
Ciidamda isbahaysiga iyagoo sii wata
hawlgalkii oo jooga isla gurigaas ayay arkeen labo nin oo ka cararya deeyrka
gurigaas, ciidamda waxay horey u soo galeen guriga gudihiisa waxay kor u
qaadeen roog yaaley dhulka, roogaas waxaa ka hooseeyey godkii oo ay
dusha ka saarantahay bir, godkaasi oo ay
sheegeen inuu aad u waskhaysnaa, ayaa waxaa geli karey keliya hal qof, godkii
ayay sii galeen hase ahaateen markii hore ma garanyn qofka godka ku jira waayo
waxuu ahaa nin timo jactadan isla markaana leh gar wayn oo ay u xirantahay
baastoolad, ciidanku iyagoo la yaaban ninkan aan la garanaynin ayay waydiiyeen
qofka uu yahay, ayuu qofkii aad moodid inuu wareersanaa waxuu bxiyey jawaab ay
ciidamda isbahaysigu la yaabeen waxuu ninkaasi u sheegey inuu yahay Saddam
Hussein laakiin wax rasaas ah kuma ayayn ridin askartu, isagauna ma isticmaalin
baastooladii u xirnayd.
Maj. Gen. Raymond Odierno oo ahaa taliyihii
watey guutadaas heshey sadaam ayaa isagoo si aflagaado ah u hadlaya yiri “
waxaan u qabaney sidii jiirkii oo kale”.
Fikrad ahaan way adagthay in qof god keligii
ku jira uu muujiyo is difaac, haddana dadka sadaam aadka u yaqaaney kama aysan
farxin siduu ula shaqeeyey askartii baaraysey.
Ciidamadu waxay wadyiiyeen saddam su’aalo
dhowr ah, waxaa lagu yiri inuu sheego cidda uu yahay, waxuu madxwayne saddam ku
jawaabey “Waxaan ahay Saddam xuseen, Madaxwaynahay dalka ciraaq, waxaana diyaar
u ahay wada xaajood”, sidaas waxaa sheegye Maj. Gen. Raymond Odierno. Mid ka
midh askartii ka qaybqaadatey weerarka lagu ugaarsanyey saddam ayaa sheegey in
markii saddam uu isu sheegy ciidamda is bahysigu ay ugu jawaabeen saddam
xuseen“Madaxwayne bush ayaa ku soo salaamayey.
Waxay kaloo sheegeen in mundulkii saddam uu
ahaa mundul ka kooban hal qol jiif, hal jiko, qolkaas waxaa oolaa hal kursi, ha
sariir.
Askartu waxay qabteen laba qori oo hubka fudud
ah, hal baastoolad, Gaari taksi oo ku dhex jirey guriga, iyo boorso gacmeed ay
ku jirto lacag dhan Toddoba boqol iyo konton kun oo doolarka maraykan ah
($750,000 USD).
Askartu waxay sheegeen in aysana halkaasi sii
joogi karayn sababtoo ah meesha oo aan nadaafad fiicnayn, oo ay ku tilmaameen
in halkaasi ay uraysey islamarkaana garaashku ka fiicanyahay, sidaasi daraadeed
saddam waa la duuliyey abaarihiin 9:15, saacad iyo xoogaa uun ka dib markii la
heley, waxaa soo qaadey diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah oo loo yaqaan
Helicopter, inkastoo aysna sheegin meesha ay geeyeen haddana mid ka mid ah
askarta ayaa saxaafadda u sheegey inuu joogey garoonka caalimiga ah ee Baqdad
halkaas oo ay joogaan in badn oo ka mid ah xubnihii dawladiisa oo iyagu horey
isugu dhiibey ciidamada isbahaysiga.waxaa la sheegey in saddam uu ciidamada
maraykan la hadlayey isla markana ku caawinayey inay baraan, laakiin uu u
muuqdey nin daalan oo ay dhaaftey jaaniskiisii uu dunada ku lahaa, taas oo u
soo hoyday ayaan daro soo bilaabantey ilaa maalinkii la eryey, haba ugu daraato
manta oo isgaii la qabtey waxaa haddana soo dhaaftey maalinkii uu waayey labdii
wiil ee uu dunida ka weheshanayey.
Waxaa intaas dheer in saddam hussien uusan
jawaabo qanciya siinin maraykanka iyo xulafadiisa, tusaale ahaa mar la
wadyiiyey xaaldiisa inuu ka warramo waxaa ku jawaabey madxwayne saddam “Waan
murugaysanhay waayo dadkaygii ayaa dhibaataysan”, waxaa kale oo jirtey in la
siiyey galaas biyo ah laakiin saddam waxuu yiri “Markii aan biyo cabbo waxaan
aadi jirey musqulka, laakiin sideen u aadaa musqul anigoo dadkygii
dhibaataysanyihiin”,
Waxay intaas ku dareen isbahysigu in haddi ay
su’aalaha ku badin lhaayeen uuba warbixin dheer bixin lahaa.
Guddiga u taliya haatan dalka ciraaq ee uu
maraykanku dhoodhoobay ayaa waxy soo booqdeen saddam, isagoo ku jiifa sariir oo
xiran go’ iyo jaakad.
Mouwafak al-Rabii oo ka mid ah golaha u taliya
haatan ciraaq ayaa sheegey in saddam markuu soo booqdey uu ahaa nin cabanaya
isagoo u hadlayey si geesinimo leh oo aadba moodin inuusan ahayn maxbuus u
gacan galey cadwgiisa koobaad ee dunidan,
Xubnahaas ka tirsan golaha waxy ku wareeriyeen
sadaam su’aal la xiriira shirqoollo iyo xasuuqyo uu u geestey, iyagoo
waydiinaya maxaa kugu khasbey inaad layso dad fara badan, laakiin Mouwafak al-Rabii
waxuu yiri saddam waxuu ahaa nin aan u joojinaynin eedamayhaas ceebna u arkin,
waxuu intaas ku daray in sidii caadadiisa ahayd uu adeegsadey erayo cay ah,
isagoo ugu damyntii ku tilmaamey ninka madaxda u ah mafiyada aduunka.
Ugu damayntii akhrista waxay dadaal dher ka
dib maraykana iyo xulufadiisu ku guulasyteen helitaan ninka ay mudada ku
daaleen, dad qaar ayaan aaminsan in dhowr saddam ay jiraan sidaasi daraadeedna
aan ninkani ahayn saddam hussienkii saxda ah, inkastoo maraykanku baareen DNAda
saddam islamarkaana noqdey saddamkii saxda ahaa.
Dada badan oo reer ciraaq ah oo u badan
shiicada ayaa dabaal deg u sameeyey soo qabashada saddam Hussein, laakiin dadka
muslimiinta adduunku aad bay uga niyad jabeen qabshada halyeeygaas carbeed oo
ay runtii hoos harsanyaan dad badan oo islaam ah.
Saddam waa leeyahay sifadiisa xun ee xasuuqa
la xiriirta laakiin manta ku farximayno qabshadiisa waayo waxuu inoo dhaamaa
kan qabsadey iyo kuwa hadda loo dhiibey ciraaq oo iyagu iska iibiyey gaalada.
Lama yaqaan meel lageeyn doono saddam maadaama
ay heleen dad aad u doondoonayey muddo dheer, haddana nin u Hadley golaha
hogaanka ciraaq ayaa sheegey in saddam lagu maxkamadynayo dadlaka ciraaq
gudihiisa, taasna waxaa soo dhoweeyey dad fara badan oo shiico ah kuna
andacoonaya inuu saddam dhibi jirey markuu xukunka haystey.
Madaxwaynahay maraykanka Bush waxuu soo
jeediyay in saddam la toogto maadama uu yahay dhagarqabe xukunkiisuna iska
cadyahay, waa wax iska cad in saddam la toogan doono taasina wa mid saddam u
fiican waayo saddam in hal mar la dhaafiyo nafta ayaa u hagagsan intii lagu
silcan lahaa xabsigii la dhigey.
Dad badan oo yaqaaan saddam Hussein ayaan
sheegey inaysan suurta gal ahayn in xitaa haddii saddam la qabtey ay
dhamaaanayaan qarxyada laakiin ayba ka sii darayaan, reer ciraaqna muddo qarxyo
la dhibtoonayaan, hogaamiyaasha adduunku waxay cadeeyeen sida ay ugu
farxsanyihiin in saddam la qabto, wadamada carabta saddam qabshadiisa aad bay u
soo dhoweeyeen.
Wargaysyada adduunku guud ahaan waxay sawirro
kala duwan ka bxiyeen qabshada saddam, kuwo badan oo ka soo baxa yurub iyo
wuqooyiga America waxy sheegeen in qabshada saddam ay soo afjarayso hawlgalkii
maraykanka iyo isbahysigiisu ka wadeen ciraaq, laakiin mid taas ka geddisan
waxaa qorey wargaysyada carabta oo sheegey inaysan suurtoobaynin in maraykanu
uu si cayaar ah uga baxaynin ciaaq, ujeedadiisuna aysan ahayn qabshada saddam
ee ay uun ahyad ka faa’idaysiga khayraadka iyo macdinta ilaahay ku glaaday
dhulka reer ciraaq, dadka adduunku weli waxy ka fekeraan dalka ku xigaya ciraaq,
dabcan waa waddankii aan amrikaanka hawlihiisa fulin,
Iiran waxy durba bilowdey inay diyaariso
warbxin ay u dirayso maxkamadda adduunka oo ay ku furayso kiiskii dagaalkii
1980kii u dhexeeyey iyada iyo Saddam Hussein,
Saddam waxuu dagaal ba’an ku qaadey dalka
iiraan kaas oo ay ku nafwaayeen malaayiin dad ah oo labada dhinac ah,
dagaalkaasi waxuu socdey muddo 8 sano ah, labo sano uun ka dib markii la soo
afjarey dagaalkiii iiraan iyo ciraaq, ayaa saddam waxuu 1991 weerar ku qaadey
dalka deriska ah ee Kuwait oo saddam aaminsanyhay inuu yahay gobol ka mid ah
dalka ciraaq, hase ahaatee maraykanka iyo xulafadiisa ayaa saddam weerar xun ku
soo qaadey iyagoo ka saarey dhulkii uu ku duuley,
Khrista waxynu dhowrnaaba waa meeshii uu ku
dameeyo Saddam Hussein, ma wadadii wiilashiisa ayuu mari mise sida Abdallah
Ojalankii kurdistanka ahaa ayaa warkiisa la waayayayaa?
Saddam Hussein waxaa la cirib tirey magaciisii,
waayo waxuu ka tagey uun gabdho aan ku batirsanaynin.
Wabillaahi Toufique
Ahmed Osman Farah (Zahid)
Karachi-Pakistan
axmedshiino@hotmail.com
Tel: 00-92-300-2252724.
Date: 15 December 2003. | Daabacaad: Dec 20,
2003
Faafin: SomaliTalk.com Dec 20, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
»SADDAAM
XUSEEN: DIKTAATOORKII NASIIBKA XUMAA [Fahad]
»MA KU GUULAYSTAY
MARAYKANAK CIRAAQ ? [C/Raxman]
MAXAY JARAA'IDKA CAALAMKU KA QOREEN SOOMAALIDA
|