SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - NAIROBI
War-1-1,December,Mbagathi,Nairobi.
kulanka 9-december oo Mombassa lagu...

Hogaamiyayaasha ka qaybgalaya wadahadalada Nabada Soomaalida ee Kenya ayaa isu diyaarinaya kulankii 9-December oo ka dhici doona magaalada Mombassa,Kenya.

Warar ku dhaw dhaw xafiiska guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa sheegaya in toddobaadkan guddihiisa ay baxayaan xogheynada IGAD ee ka shaqeeya shirka dib u heshiisiinta Soomaalida .

Magaalada Mombaasa oo caasimada Nairobi dhinaca koofureed ka xiga 500-km ayaa lagu wadaa in lagu qabto kulankaasi, inkastoo aan la cadeyn goobta iyo hotelka lagu qaban doon . Magaalada Mombaasa ayaa Soomaaliya la wadaagta Badweynta Hindiya ,waxaana isa goosha doonyaha ganacsi ee badeecadaha kala duwan ,waana Xuduud badeedka Soomaaliya ay la wadaagoto waddanka Kenya.

Hogaamiyayaasha ka geyb galaya shirka ayaa tiradooda lagu sheegay 25-hogaamiye oo ah kuwa saxiixay heshiisyadii kala duwanaa ee lagu ogolaadey in la qabto wada hadal nabadeed.

5-bishan waxaa baxaya kooxda ugu horeysay ee xogheynada ka shaqeeya shirka dib u heshiisiinta.
Guddiga Farsamada iyo fududeynta hawlaha shirka ayaa kulamo joogto ah ku yeelanaya magaalada Nairobi,kulamada ayaa looga hadlayaa qorshaha shirka iyo wajiyadiisa kala duwan ee shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya ee ka socda Kenya.

Dhanka kale wararka ka soo baxaya ergada shirka ayaa sheegaya in ay raali ka aheyn in la casuumo oo kaliya hogaamiyaha siyaasada waayo waxaa loo baahan yahay in lala casuumo ku xigeenadooda si ay ugu wada tashadan arrimaha laga hadlayo oo u baahan go`aan ka gaaris kama dambeys ah.

Dhamaad.


War-2-1,Decembar,Mbagathi,Kenya.
Maalinta AIDSKA Adduunka oo laga xusay.......

Madasha shirka dib u heshiisiinta Soomaalida ayaa maanta laga xusay maalinta AIDka oo ku beegan maanta oo ay taariikhdu tahay 1-decembar,2003.

Xuska maalinta AIDKa ayaa waxaa looga hadley dhibaatooyinka uu dhalinyarada Adduunka iyo malaayiin qof sanad walba u geeriyoota cudurkan oo halista ba`an ku haya bulshada Caalamka.
Xuska maalinta AIDka ee madasha shirka ayaa waxaa soo qabanqaabiyey ururka SAVE SOMALI YOUTH, ugu horeytii waxaa quraan ka akhriyey culumaaudiinka shirka dibu heshiisiinta waxaa kaloo ka hadlay Dr. shariif Saalax Mohamed oo ah gudoomiyaha Bulshada Rayid ee ergada shirka oo sheegay in haddii aan degdeg dawlad loo helin somali badan u la`an doonaan cudarka AIDka ,waxaa kaloo kahadley gabadha Mushaxa Madaxweynaha Soomaalida dawlada Mustaqbalka Marwo Caasha Axmed Cabdala oo sheegtay in ay sii kordhayaan dadka soomaaliyeed ee qaba cudar AIDka.

Ugu dabeyntii waxaa gebagebadii ka hadley goddoomiyaha SAVE SOMALI YUOTH Muddane Cabdirisaaq Maxamed Diiriye oo sheegay in dhalinyarada Soomaaliyeed ku dadaalaan wadadii iyo habkii looga hortagi lahaa cudankan dilaaga ee HIV/AIDS.
Dhamaad.


War-3-1,Decembar,Mbagathi.Kenya.
Cabdiqasim oo sharuudo ku xiray Imaashaha kulanka…………………………

Madaxweynaha Dawlada KMG Cabdiqasim Salaad Xasan warar ka imanaya ayaa sheegaya in uu sharuudi ku xiray wafdi Somali ah oo berri safar ku tagi doona Soomaaliya.
Wararka ka soo baxaya xafiiska guddoomiyaha shirka dib u heshiisiinta Soomalida Kenya ayaa sheegaya in
Madaxweynaha sharuudo ku xiray imaashaha kulanka 9-desember,sharuudaha oo kala ah :-
1-in la aqoonsado 12-ka hogaamiye ee golaha badbaadinta Qaranka.
2- in la casuumo hogaamiye kooxda iyo labo ku xigeenadiisa.
3-in dib loo soo bilaabo qorista iyo ka doodida buuga Axdika iyo dastuurka ee shirka dib u heshiisiinta Soomaalida.

Wafdiga soomaalida ee muqdisho u bixi doona berito ayaan magacyadood la shaacin waxay kaloo la kulmi doonaan dhamaan hogaamiyayaasha siyaasada ee jooga muqdisho oo ka caroodey wadahadala nabada Soomalida ee ka socda Kenya.

9-decembar ayaa la balansan yahay in lagu kulmo magaalada Mombasa oo 500-km dhanka koonfur ka xigta magaalo madax kenya ee Nairobi.

Hogaaamiyayasha siyaasada Soomaalida ayaan la ogey in ay wada iman doonan iyo in kale,in kastoo IGAD ay casuumaad u wada dirtey dhamaan inta ay u oqoonsantahay hogaamiye siyaasadeed.
Dhamaad.
Abdikarim Aden hussein.
Mbagathi,Nairobi.

abdikarimhussein@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD