Dahabo
Shire oo ah hooyo Soomaaliyeed oo 35 jir ah oo dhabta ku haysa gabadheeda
yar ee aadka u gaajaysan ayagoo markaas joogey cisbitaal kuyaal xerada
qaxootiga ee Dhadhaab (Sawirka AP Sep 28, 2000)
Maanta (Dec 18, 2003) ayaa radio VOI warbixin dheer ka
bixiyey sida ay ilaa hadda Soomaalida Qaxootiga ku ah Dhadhaab ay
rajadoodu u liidato, rajada ay ka qabaan nabadda.
halkan dhegeyso.... Guji |
War-1-19-Decembar,Mbagathi.Nairobi.
Maanta (Dec 19, 2003) ayaa dagaal gacan ka hadal ah ku dhexmarey
Intercontinential Hotel Axmed shiekh Mashruuc Loxos ah guddoomiya KMG ee SPM/SRRC
iyo Xiirey Jawle oo ciidanka ilaaliya
Maxamed Qanyare Afrax ka dib markii loo
diidey Axmed Mashruuc in uu fariisto kursiga SPM/SRRC oo wali uu Diidan wiilka
uu dhaley marxuum Aden Gabyoow ee Cabdirashiid Aden Cabdullaahi Nuur oo isna
wali ku doodaya in uu dhaxal u helay kursiga Aabihii Marxuum Gabyoow.
Geeridii marxuumka ka dib ayaa wareer iyo buuq badani ka
dhashay oo beesha absame go'aamin kari wayeen kusigaasi Guddoomiye nimda,
inkastoo shaley ay u saxiixeen guddiga fulinta iyo odoyaasha beesha absame in
uu guddoomiye KMG sii Noqdo Muddane
Axmed Sheekh
Loxos, walow uu ku qancin cabdirashiid Aden Gabyoow .
Dagaalka noocan ayaa hogaamiyayaasha siyaasada ku xaliyeen in aysan labaduba
soo fariisanin kursiga Guddoomiyaha SPM/SRRC iyagoo ayan la soconin Odayaasha
beesha iyo Guddiga IGAD.
Cabdirashiid Aden ayaa ku soo horeeyey qolka shirka waana loo diidey kadibna
wuu iska tagey
dagaalka gacan ka hadalka ayaa sababey markii loo diiday ayaa qola xoog looga
soo saarey isagoo aflagaadeynaya Qanyare ,ka dib Axmed Loxos Yaa isku dayey
garuun uu sitey in uu Qanyare madaxa kaga dhufto ,waxaa gacanta kaga leexiyey
Xiirey oo albaabka kolhore ay ku wada dagaaleen axmed Loxos ka dib gacan ayaa
la isku qaadey ,booliska ayaa yimid oo u kaxeeyey saldhiga booliska.
Agaagarka hotel iyo gudahiisa ayaa la soo dhoobey booliska kenya oo isugu jira
ku dhar cad iyo kuwa dariiska qaba, baaritaan kadib waxaa ay ogaadeen in dagaal meel
fog uusan jirin ,kolkii ay baxeen ayaa waxa duulaan soo qaadey labo nin
iyo gabar oo ka socda Axmed looxos oo waqtiagaa ku xirnaa saldhiga booliiska
Cabdi iyo Geele, iyo jawaahir,gabdhii ayaa aflagaado cod dheer iyo
hanjabaad ku sameeyey hotelka gudahiisa iyo banaankiisa Maxamed qanyare oo
dagaalka u bedelay Murursade iyo Ogaadeen, nasiib wanaag buuqa kolkii la mawqley
ayaa si aayar ah boliis u qabtey una ka xeeyey saldhiga.
laba yaqaan goorta la soo deynayo iyo in maxkamamad la gayn doono.
War-2-19-Decembar,Nairobi.
Hogaamiyayaasha Shirka :-dawlad waa in aan dhisnaa ama ka tag.............
Hogaamiyayaasha soomaalida ee ku sugan madasha shirka ayaa soo saarey qoraalka
ku kooban shirkii maalmaha ka socdey Intercontinential Hotel oo ku yaala
magaalda nairobi.
Qoraal ayaa ka tarjumaya Fikradaha hogaamiyayasha siyaasada soomaalida ee ku
sugan madasha shirka iyagoo ka shirka maalmahan looga hadlayey qoddobo dhawr ah
oo ku saabsan arrimaha shirka Nabada soomaalida ee haatan ka socda Kenya.
qoraalkan ayaa waxaa kaloo ka hadlayaa taariihda shirka iyo marxaladii kala
duwaa ee uu soo marey ,wajiyadii 1-aad iyo labaad ee shirka iyo caqabadii laga
soo gudbay.
qoraalka ayaa qeexay haddii kulanada la qaban waayey in ay diyaar u yihiin in
la dhiso Dawlad ama shirka lagu kala tago.
Qoraalka hogaamiyayasha oo rasmi ah waxa uu u qoran yahay sidan.
<><><>
Somali National Reconciliation Conference Shirka Dib U Heshisiinta Soomaaliyeed
Nairobi, Kenya
Guddiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed
WAR-GUDBIN
Maanta oo ay taariikhdu tahay 19kii Disember 2003, waxaa magaalada Nairobi shir
degdeg ah isugu yimidGuddiga Hoggaamiyeyaasha (Leaders Committee) ee Shirka
Dib-u-heshiisiinta Soomaaliyeed ee ka socda dalka Kenya kuwaasoo ah
Saxiixayaashii Heshiiskii Joojinta Colaadaha ee lagu saxiixay magaalada Eldoret
27kii Oktoobar 2002 kaasoo ay soo dhaweeyeen Golaha Amniga ee Ururka Qarammada
Midoobay, Ururka Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.
Dood dheer kadib, iyadoo la tixgeliyey muddada dheer ee Shirka Dib-u-heshiisiintu
socday iyo xaaladda adag ee ummadda Soomaaliyeed ku sugan tahay gudaha iyo
dibeddaba; Guddiga Hoggaamiyeyaashu waxay guddoonsadeen arrimaha soo socda:
Inaan sinna loo oggolaan karin in tirada Hoggaamiyeyaasha (Leaders Committee)
laga badiyo 24kii Saxiixay Heshiiskii Joojinta Colaadaha ee Eldoret. Waxaa
tiradaas lagu soo kordhin karaa oo keliya Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ahaa
Madaxweynihii DKMG ah ee waqtigeedii dhammaaday. Muddada dheer oo annu dalka
Kenya joognay waxay ahayd in aannu Dowlad Qaran oo loo dhan yahay ku dhisno
halkaan ee ma ahayn in la abuuro ururro siyaasadeed oo cusub (creation of new
factions). Waxay taasi ka soo horjeeddaa nidaamkii uu shirku ku soo socday.
Haddii aannu nahay Guddiga Hoggaamiyeyaasha Shirka, waxaannu si weyn u soo
dhaweyneynaa talada "Retreat-ka" oo ay soo jeedisay Beesha Caalamka, taasoo
loola jeeday wadatashi gaar ah oo ay yeeshaan Guddiga Hoggaamiyeyaashu si
laysugu soo dhaweeyo kala fogaanshaha dhexdooda ah. Hase yeeshee, waxaanaan
marnaba oggolaan doonin in Shirka "Retreat-ka" laysugu keeno tiro
hoggaamiyeyaal siyaasadeed ah oo ka badan 24kii Saxiixe iyo Cabdiqaasim.
Kadib markii la tixgeliyey talooyinkii IGAD iyo Beesha Caalamka, waxaa Shirka
Dib-u-heshiisiinta dib loo dhigay muddo 4 jeer ah, taasoo lagu doonayey in
Shirka dib loogu soo celiyo 4tii Hoggaamiye Siyaasadeed ee Saxiixayaasha ka
midka ahaa oo ka baxay Shirka. Haddaba, haddii aannu nahay Guddiga
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee Shirka, waxaanaan oggolaan doonin in mar kale
Shirka dib loo dhigo, taasoo khatar gelin karta Shirka, keenina karta inuu
burburo oo lagu kala tago.
Iyadoo la tixgelinaayo muddada dheer ee uu shirku socday, kharajka faraha badan
ee Beesha Caalamku ku bixisay iyo baahida weyn ee ummadda Soomaaliyeed u qabto
Dawlad Qaran, waxaa la guddoonsaday, haddii ragga Shirka ka baxay dib ugu soo
noqon waayaan goor habboon, in inta badan ee weli ku sugan Shirka iyo
wufuudooda ay dhisaan Dawlad Qaran oo loo wada dhan yahay.
Waxaannu si xushmad leh uga codsaneynaa dalalka IGAD iyo Beesha Caalamka inay
Dawladda dhismi doonta aqoonsadaan una fidiyaan taageero wax ku ool ah, ilaa ay
Dawladdaasi cagaheeda isku taageyso.
Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto, haddii aannu nahay Guddiga
Hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed, waxaa naga go’an oo inagu ballan ah in aannu wax
kasta ka hormarinno sidii loo soo celin lahaa Qarannimadii, karaamadii iyo
jiritaankii ummadda Soomaaliyeed.
Waxaannu, si aan la soo koobi karin, ka mahadcelineynaa taageeradii iyo
kaalmadii lama illoobaanka ahaa oo ay noo fidiyeen Beesha Caalamka iyo dalalka
IGAD muddadii dheereyd ee uu Shirkani socday.
(Waxaa saxiixay Guddiga Hoggaamiyeyaasha)
dhamaad.
Abdikarim Aden Hussein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com
MAXAY JARAA"IDKJA CAALAMKU KA QOREEN SOOMAALIDA