SADDAAM XUSEEN: DIKTAATOORKII NASIIBKA
XUMAA.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
Saddaam xuseen waa laqabtay.
Beenta naga daa. Yaa kuu sheegay inuu Saddaam yahay. Waa beentii Maraykanka.
War Sawirkiisii ayaa la keenay. Wey cadahay inuu isagu yahay. Hadalaas iyo
kuwa lamid ah, waxay ahaayeen doodihii ay dadka shalay ilaa manta ay isla
dhexmarayeen. Qof jeclaa iyo qof necaaba shalay Sadaam waa la hadal hayey.
Anigu laftayda waxaan ka mid ahaa dadka
wakhtiga badan ku lunshay, 7.Saacadood oo xiriir ah ayuu iga qaatay
raad-raaca warka Saddaam. Waana arin mudan in wakhti intaa ka badan lagu
lumiyo. 8.fiidnimo ee habeenkii Sabtida ayaa gacanta lagu soo dhigay
Madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen, isaga oo ku dhexjiray Sanduuq uu
dhulka hoostiisa dhigtay, oo 7.Mitir hoos u qodnaa, malaha naxashkiisii ayuu
sii diyaarsaday, waxaa loogu tagay sida uu sheegay Afhayeen u hadlay W/Gudaha
ee Ciraaq, iyadoo ay agyaalaan Qori AK. Ah iyo Bastoolad, banaankana ay u
yaaleen Gaari uu isagu lahaa iyo mid kiro ah, sidoo kale Helo-Kabtar, uu
midhaa ugu talagalay inuu ku baxsado.
Goortii ay Askarigii u horeeyey is arkeen,
wuxuu ku yiri hadaladan. ( Anigu waa Saddaam Xuseen, Anigu waa Madaxweynihii
Ciraaq, waxaan rabaa wadahadal. Askarigii wuxuu ugu jawaabay. Anna waxaan
salaan kaaga wadaa Madaxweynaha Maraykanka) Sadaam si sahal ah ayuu isu
dhiibay, mana muujin habayaraatee wax iska caabin ah, lacagtuu sitay mar
waxaa lagu sheegay 750.kun oo Doolar, qaarna weyba ka badiyaan intaas.
Waxaa la tusay qaar katirsan madaxda golaha
talada ee Ciraaq, oo uu ku jiro Cadnaan, iyo Rubayci, waxayna sheegeen
inaysan wax murugo ahi ka muuqan Saddaam, markii la weydiiyey Hubkii la
sheegay inuu haysto, wuxu ku jawaabay, taasi waa beenta uu Maraykanku
abaabulay, dagaaladii Iiraan, Kuwayt iyo Suntii uu Kurdiyiinta ku shubayba,
wuu difaacay. Wuxuu yiri waxaan ahay Madaxweynihii Xaqa ahaa, oo Caadilka
ahaa. Marna wajigiisa naxdin lagama dareemin, aad ayuu u daganaa, sidaas ayey
ku tilmaameen raggii soo arkay.
Inuu Saddaam Xuseen yahay waxaa u xaqiijiyey
Daariq Caziiz oo ahaa ku xigeen-kiisii, hadana Ciidamada Maraykanka ay
gacanta ku hayaan, sidoo kale Baaritaan lagu sameeyey ayaa lagu ogaaday inuu
yahay Saddaam Xuseen, waxaana T.V.yada Caalamka la iska tusay iyadoo uu wiil
dhalin yaro ah uu Carabkii dhacaan ka qaadayo, isaguna uu Garkiisa
taataabanayey, kolkii danbana uu cabaar gacanta ku haystay garkiisa, sidii
qofka mashquulsan.
Wuxuu u muuqday nin daalan, waxaana ka
muuqatay diif aad u liidata, iyo duqnimo saa’id ah, timuhuna waa ay ku baxeen,
wuxuu u ekaa qof caalwaa ah. Su’aalaha taagan waxaa kamid ah, yaa dhiibay oo
ka shaqeeyey in sedan sahalka ah loo helo Saddaam Xuseen. Jawaabtaas hada
iyadoo cad lama hayo laakiin wakhtiga dhaw ayaa ka jawaabaya, waxaanse shaki
ku jirin in dad isaga u dhawdhaw ay arintaa ka shaqeeyeen, warbaahinta qaarna
waxay tilmaameysaa in la dabagalay xiriit Telefon uu uu la sameeyey dad isaga
qaraabadiis ah, waxaa kaloo la sheegayaa in dad dhawaan la qabqabtay ay
tilmaamo bixiyeen halka uu jooga Saddaam.
Aqoonyahanno ka tirsan Wasaarada Caddaalaa
ee dalka Masar ayaa ka shaki qaba in Saddaam Xuseen loo adeegsaday sun, taaso
ay dhici karta bey yiraahdeen in aaggii uu ku jiray la sumeeyey si uusan wax
is difaac ah ama dhaqdhaqaaq ah u samayn, ama in markii gacanta lagu dhigay
la siiyey wax maankiisa dooriya, fikradaasna waxaa ku abuuray raggan
khubarada ah markii ay arkay sida uu u dhaqmayo Saddaam, iyo sida uusanba isu
shideyneynin, waan tuhun maan gal ah.
Saddaam Xuseen oo ahaa Diktaatoorkii ugu
foosha xumaa ee dhawaan soo mara Dunida Carabta iyo Caalamkaba ayey
noloshiisii ku dhamaaneysaa in gacanta lagu soo dhigo isagoo kaligiis ah,
waayeyna cid difaacda ama ilaalisa, Tekriit oo ah halka uu ka soo jeedo, ayaa
manta laga soo qabtay isagoo kaligiis ah, waana halka uu beel ahaan ka soo
jeedok. R/Tikriitna haddii ay shalay ku faanayeen inuu Madaxweyne ka dhashay,
manta isagoo kaligiis ah ayaa laga soo dhex jiitay.
Madaxda Caalamka ayaa aad ugu faraxday soo
qabashada Saddaam Xuseen, Jarmalka iyo Faransiis-ka ayaa ugu horeeyey
madaxdii tahniyada u dirtay Buush. R/Wasaaraha Ingiriiska ayaa ku tilmaamay
soo qabashada Saddaam guul ay gaareen R/Ciraaq, Buushna wuxuu qarsan waayey
farxadiisa, waxayna u tahay guulaha uu ku faani doono mustaqbalkiisa
Siyaasadeed, waxaana la tilmaamayaa iney tartanka doorashada wax weyn u
kordhin doonta.
Madaxda Carabta ayaa iyaguna hal eray kuwada
hadlay oo ah, waa in shacabka Ciraaq talada lagu wareejiyaa, Ciidamada
ajnabiga ahna ay wadanka ka baxaan, waxayna marnaba soo qaadin waxa ku dhacay
saaxiibkoodii Saddaam ee ay shalay dhihi jireen waa Geesigii Carabeed, waa
Hogaamiye Carbeed, waxaad mooda iney cadaatay nin dhintay kabihiisa dhaama.
Saddaam Xuseen noloshiisa oo dhan waxa uu ku
qaatay hal xiraale, hadana waxa uu ku dhamaystay hal xiraale, ilaa iyo hadda
lama fahmin sababtii uu 8.Sano ula dagaalamyey Iiraan, Sababtii uu u qabsaday
dalka Kuwayt ee dariska la’ah, sidoo kale lama fahmin, waxa keenay sidii
sahalka ah ahayd ee Bagdaad ay u gacan-gashay, hadana waxaan la garan sida
fudud ee uu Saddaam ku gacan galay.
Xusuusnow in soo qabashada Saddaam Xuseen ay
wali tahay, warka Maraykanka, maxaa yeelay mahayno ilo kale oo arintaa
cadaynaya, waxaase hubaal ah in maalaha soo socda ay si weyn u kala cadaan
doonto.
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
Faafin: SomaliTalk.com
Dec 19, 2003
»Yaa
Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay?
[C/Fatax]
»DIRAASAD: QAADKA
IYO WAXYEELLOOYINKIISA [Prof.Yusuf]
»MAXEEY
YIHIIN VITAMINS-KA AAN U BAAHANNAHAY?
[Boqor]