Ganacsiga iyo islamka/somalia
Dr.Taqi
Hordhac
Mowduucaan oo noqon doono mid taxanaa oo ku
eegi doono islaamka iyo waxa uu kaqabo ganacsiga iyo ganacsiga somalia
xiligan halka uu maraayo iyo fursadaha ganacsi ee wadanka kajira iyo qaababka
looga ganacsankaro wadanka gudihiisa, dibadiisa iyo isbedelka ganacsi ee
wadanka kuyimid, anigoo si,xaqiiqda kusaleesan uga warami xaaladaha ganacsi
ee wadanka kajira iyo xiligan casrigaa.
Waxaa hubaalaa in diinteeda islamka si
faahfaahsan uga hadashay faa,iidooyinka iyo xeeladaha ganacsi, aayadaha
kawaramaayo aad ayey ufarabadan yihiin. Diintu waxay kumagacowday ganacsiga (raadin
fadliga Ilaah). Aayadaha kawarami ganacsiga waxaa dabasocda aayadaha
faraa,isha sida; jihaadka, zakada, taqwada. Eebe wuxuu suuratu Al-muzamil
kusheegay aayada ugu danbeesa “Ilaah waa ogyahay kuwa socda dhulka oo
raadin fadligiisa (ganacsi) iyo kuwa jihaadaayo” meelo badan ayaa
qur,aanka looga xusan ganagsiga; aayad kastaa waxay kutilmaamtay ganacsiga
fadliga Illah. Waxaa halkaa laga garankaraa qiimaha iyo faa,iidada uu
islaamku siiyey in laganacsadaa. Sidaa si,lamidaa ayaa diintu udajisay
wadiiqooyin lagu ganacsankaro oo marideedu waajib tahay. Reer Qureesh markay
nabiga kucaasiyeen Ilaah wuxuu xasuusiyay in nimcooyin badan lasiiyey oo
umadaha kale lasiin, waxaa kamidaa inay kacaado yeesheen inay safraan
xagaaga(dhanka shaam) iyo jiilalka (dhanka yaman) ganacsi ahaan; Ilaahna
kanabad yeelay gaajo iyo cabsi. Waa suurada kaliyaa ee ruq,aanka looga xusan
magaca sharafta badan ee reer qureesh – inay umada uga duwanayeen ganacsi –
magaalada ay degaan uleeyihiin reer qureesh ee Makka al mukaramah wax dalagaa
kamo soobixi jirin misana waxay ahaayeen dad hodanaa!!
Sidoo kale Illah markuu waajib yeelay
gudashada xajka wuxuu amray nabbi Ibrahim cs inuu ummadda
ogeesiiyo xajka si ay uyimadaan iyagoo lugeen iyo kuwo bog dheer dhamaantood
iyagoo u,imaan nacfigooda (ganacsi) ayna xusaan magaca Eebe maalmo kooban.
Maalinta Ilaah waajib yeelay midka ugu danbeeya shanta arkaan ee islaamka waa
xajkee Illah wuxu kuxusay isla aayadaas ganacsi –runtii mayara qiimaha uu
siiyey islaamku in laganacsadaa- shayga kaliyaa ay umadi kuhor marto waa
ganacsi sidda xiligan lagagaran yahuuda inay ganacsiga aduunka barkiis
heestaan taasoo usaamaxday inay kunoolaadan dhulka islaamka iyagoo tiroyar
cadaawo badan. Wax kastoo umadi usir ahaa way lasoo ganacsi tagtay tusaale
ahaan, aalada computer-ka qaabka uu kubilaamay iyo sida uu hadda maraayo
waxaa gaarsiiyey waa ganacsi, waxa dunidan baaxada weyn isku furaayo waa
ganacsi haddii uu ganacsi jirin majireen is aqoonsiga umadaha. Waxa isku
xiraayo aadanaha kala jaadka, diinta, afkaa, dhaqankaa, fikirka waa ganacsi.
Umadaha horumarka isku sheega-Word development- xiligaan ayey kubaraarugeen
arinkaan oo waxay ulabaxeen Globalization – macnaa isku furan dunida balse
islaamku xilli horuu arinkaas u,ogaa oo arkaanta gudashada xajka kumuujiyey
waxa maantay looyaqaano”Globalizaion”wax kucusubna maahan. Waxaa Bukhaari
laga wariyey in musliminta ganacsigoodu isugu keenanijiren moosinka xajka,
taasoo markii danbe shaki galisay inay labi niyo suuragal aheen macnaa inay
xaj iyo ganacsi iskuwadaan wallow markii danbe suuratu baqara lagu sheegay
inaysan wax dhibaa kujirin arinkaa.
Dhanka sunada iyo ganacsiga sidda lawada
ogsoonyahay asxaabta kuwooda ugu magac iyo maamuus dheer waxay ahaayeen
ganacsato sida, Abuubakar sadiiq, A/raxmaan bin cowf iyo rag kaloo fara badan.
Nuurka islaamku wuxuu kuxirnaa dhaqaalahooda. Waayo xiliyada jihaadka aalad
kastoo jihaadka loo isticmaali iyagaa keeni jiray sidaa ayuuna islamku iskaga
difaaci jiray gaalada – maahan in maantay lalayaabo wadanka marekanka waayo
warshada dadkaa iska leh wax dowladi leedahay maahan sidaa ayuu islamkuna
ahaa oo uu umadax bananaa ganacsiga .
Ganacsiga siyaabo badan ayuu kuyimadaa
maahan oo kaliyaa mid kuxiran lacag oo kaliyaa ama mid badeeco intii maal
laga sooqaado meel kale aysan oolin lageeyo –luqada Arabiga waxaa looyaqaan
ganacsi “tijaaro” taasoo macnaheedu tahay hodanimo, halka luqadaha qaar
looyaqaano horukac iyo siyaalo kalaba. Sifayaashaa iyo kuwa kaleba waxay
daliil iyo tusaalooyin uyihiin qiimaha iyo ahmiyada uu leeyahay ganacsiga.
Hadaba waxaan maqaalada danbe uga
waramidoonaa haduu Qaadirka ogolaado ---The most popular forms of small and
large business enterprise in whole Somalia oo wadanka fadiido uleh waxaa
kamidaa qeebahaas 1-service company. -2- retailing.-3- manufacturing
company.--4- wholesaling and industrial company oo xiliyadan danbe caan kusoo
noqon wadanka. Sidoo darteed dhamaantood mid midaan usoo qaadan wadanka
kudihiisa iyo siday ukala ahmiyad sareeyaan taasoo usaamixi cidii dano kaleh
inay wadanka maalgalin kusameesato iyo siday ukala dooran laheed intaba.
QORAALADII HORE EE DR. TAQI
Dr.Taqi Bashiir
taqibashiir@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2003
»Yaa
Sameeyay Diyaarad Matoor leh tii ugu horeysay?
[C/Fatax]
»DIRAASAD: QAADKA
IYO WAXYEELLOOYINKIISA [Prof.Yusuf]
»MAXEEY
YIHIIN VITAMINS-KA AAN U BAAHANNAHAY?
[Boqor]