SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Reer Caabudwaaqwow Colka joojiya

Siciid Xasan dhegacade
sdhegacade@hotmail.com

Waxaa laga hayaa nin soo jireena Rag waxuu walaalow ku dhaamo lawaa,walina aduunka laguma hayo qolo ama dad ku kobcay dagaal iyo rabsho,balse natiijadeedu waa shalay iyo baaba,aduunyo iyo mid aakhiro.


Waxaa Xasuusinayaa qolada la yiraahdo mareexaan oo mooday waxwalba in lagu xaliyo qori caaradii,in horteen taas lagu hungoobay oo ayan jirin qabiil intuu qabiil kale maquuniyay hantidiisi iyo degaankiisi la wareegay,war sow kuma cibra qaatadaan xitaa idinkoo isticmaalaya hantidii iyo xooggii qaranka Soomaaliyeed inaad maquunin waydeen qabiil kaliya oo waliba aan haysan wax hub iyo hanti toona balse aakhirkii markaad rag iyo xoolaba ku beesheen aad barqo cad kahuleesheen.

War bal dib isugu noqda oo bal faaidadaad kahelaysaan dagaal miisaama,waxaad kalo falanqaysaan gardarada aad maalin walba aad cid islaameed aad guryahooda iyo maatadooda uweeraraysaan idinkoo caqligu idin siiyay inaad tikniko iyo baabuur gaashaaman aad waxwalba ku hantiyaysaan.


Waxaad Ogaataan in qof nafi ku jirto uuna marna qaadan gardaro iyo Xadgudub,waa markii 7aad oo soo weerartaan Magaalada Xeraale oo sida lawada shaaciyay aad marwalba aad uga carartaan maydkiina iyo tiknikadiina oo runtaan idiin sheegayaaye reer xeraale waxay maanta ku dagaalamayaan waa hubkii ay idinka furteen,hadaad idiniku Barre hiiraale Iyo ina Biixi idiin soo daldalaan lacagta ay kasoo baadaystaan Dekadda magaalada Kismaayo ogaada wiilal yaasiiman ayaa sidii shalay tooray ku furan dabadeedna idinkula jeedsan.

Xisaabtama yaa magaalada Caabudwaaq aasaasay waad ogtihiin ninkii u horeeyay oo guri ka dhista degana inuu ahaa nin reer fiqi muxumeda,dad jacayl dartiina uu idinku soo dhaweeyay idinkoo ka soo haajiray caro hiiraan,xisaabtama nabad jacayl dartii waatii ay go,aan ku gaareeni in degaankii ay ab iyo isir ulahaayeen sida balanbal iyo Caabudwaaq intay ka bakhooleen xaarxaarteen meesha maanta aad ku haysataan ee Xeraale,xisaabtama oo bal iswaydiiya xeraale xitaa halcariish ma kuleedihiin iswaydiiya inta qoys oo ku noolayd balanbal iyo caabudwaaq oo maanta cidla ka jooga guryahoodii iyo xoolahoodii,marka waxaan ahayn waa kaa tikniko badanahay oo aad u qaadan la,dihiin heshiis iyo nabad oojira sheega,waxaad ku socotaan wadadii ina Galayr ee ahayd *Markaan rag hayay talo ma hayn,maantoo talo hayana rag mahayo*waxaan idiin leeyahay dagaal lagama macaashee reer mareexaano colka iyo weerarka joojiya,waana ogtihiin idinka iyo reer fiqi muxumed qarniyaal baad ku dagaalamayseen Gedo,walina taariikhda laguma hayo midaad ka macaashteen,marka yayna idin hodin haysashada isha dhaqaale ee dekada Magaalada Kismaayo oo gooray noqotaba dadkeedu idinka xoraysan,siday dhawaan Garruhu idinka xoraysteen magaaladoodii ceelwaaq oo aad boobka kuhaysteen in dhawaale,waxaan idin leeyahay ma jirayso in qabiil qabiil kale dhulkiis xoog ku haysto oo la wada baray Baaruudda boowayaal.

Wabilaahi towfiiq
Siciid Xasan dhegacade
sdhegacade@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

QORAALKII HORE EE DHEGACADE..

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD