SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
MA KU GUULAYSTAY MARAYKANAK CIRAAQ ?
QORE: CABDI RAXMAAN MAXAMUUD OO AH QORAA KU TAKHASUSAY ARIMAHA BARIGA DHEXE

FIIRO GAAR AH MAQAALKA HORTII

(waxa la qoray maqaalka ka hor intaan la qaban sadam xuseen balse waxba iskama badalin aragtida qoraaga ee maqaalkani xambaarsanyay,arinta qabashada sadaamna waxaan ku falanqayn doonaa maqaal dhawaan soo bixi doona )

Bilo dhawr ah ayaa ka soo wareegay duulaankii gardarda iyo damacu ku ladhnaa ee maraykanku ku qabsaday dalka ciraaq .weerarkaas oo uu kaga talaabsaday sharciga dawliga ah iyo kaalinta qaramada midoobay oo ahaaa ka waantawga kali ah ee bulsha waynta caalamku ka dhaxashay labadii dagaal wayneee caalamiga ahaa ee ay ku riiqdeen dad lagu qiyaasay ila 60milyan oo ruux mudo 25 gudahgaood ah (1914-1939)

Sababta ugu wayn ee dagaaladaasi dhalisayna waa dawladihii ku loolamayay awooda iyo khayraadka caalamka oo mid waliba damacday inay ku meelmariso danaheeda jujuub iyo xoog , duulaanka maraykanku ciraaq ku qaadayna waa mid ku abtirsada siyaasadihii iyo habdhaqankii abuuray labadii labadii dagaalwayne , maadama uu taaganyahay sharciga iyo xaqu waa wixii u adeegaya ama waafaqsan danahayga , hadii uu jirayo wax lagu tilmaami karoyo sharci iyo xeer dawli ah waa inuu ku sargo,naadaa rabitaankiisa (maraykanka)dalkii sidaas dood ka celiyana waa falaago naga dhan oo la faquuqi doono,waxa uu mareykanku arintaasi ka gaadhay heer uu u markii ay isku maandhaafeen dagalka ciraaq . faransiiskuna waa quwad caalami ah oo leh codka diidmad qayaxan ee fiitooda . hadaba hadii faransiiska sidaas uu ula dhaqmay waynu qiyaasi karnaa sida dawladaha kale ee isaga ka awooda yar gaar ahaan dunida sadexaad huran(degdeg inay sujuudiisa suxulada dhigtaan weeye)

Quudhsigaa sharciga dawliga ah waxa mareykanka u sii dheeraa kaas mid la mid ah oo oo ku sabsanaa awooda iska caabineed ee ciraaq lag filayo(waa intaan weerarku dhicine)

Waxaynu arintaas ka dareemi karnaa warsaxaafadeedyadii is dbabjooga ahaa ee madaxada mareykanku ku sii odorosi jireen duulaankooda iyagoo si qab iyo isla wayni xad dhaafi ahi ku jirto ku sheegi inuu weerarkaasi ka fududaan doono biyo la qudhqudhinayo, tusaale ahaan wasiirka gaashaandhiga Donald ramisfeld oo ka mid ragii ugu cadcadaa ololaha dagaalkawax uu isagoo la jibaysan awooda uu bidayo dalkiisa ku timaamay dagaalkaasi inuu noqon doono mid ku dhisan maskax oo ka madhan khasaare(smart and lean) dadweynaha ciraaqna waxay nagu soo dhawayn doonaan sacab diiran iyo caleemo qoyan . wuxuu intaasi raaciyay waanu ka xorownay cuqdadii iyo cabsidii fiitnaam(isagoon wasiirku hubsan inuu cagaha la gali doono mid fiitnam ka xun)

Waxay madaxdaasi ku soo gunaanadeen saadaashoodii inay ciraaq u hantiyi doonaan si hawl yar(kani galbay ku kale mooyee) ka dibna si raaxo iyo raynrayn leh u jiqi doonaan batroolka ciraaq (ileen hunguri wad ma arko) sidaasna ku bilaabmi doono casriga kalinimada gacansareynyta buuxda ee imbaraadooriyada mareekanka . ka dib marka ciraaq fariin iyo digniin culus u noqotodhamaan dalalka kale ee calamka ee ku dhago adag atooraha caalamka ( ninkii qayrkii loo xiirayaw soo qoyso adiguna ) sidaas ayaanu jawiga siyaasada caalamku u noqdoay mid kusalaysan ismuquunis iyo awood sheegasho qayaxan.waxaanaa waqtiyadii yaraa ee dagaalka ka horeeyay aad loo sadaalinayay in guusha mareykanku ee ciraaq tahay qadar sugan ( iyo in ciraaq xanfalay qaadatay) marka laga eego xaga isu dheeli tirnaanta awoodeed ee labada dhinac ,

hadab intaynaan gudo galin sida xaaladahu ku danbeeyeen waxa lagama maarmaan ah in inaynu wax ka taataabano danaha iyo ujeedooyinka qotada dheer ( istaraatiijiga ah) ee mareykanku ka lahaa qabsashada ciraaq . waxaynu ku soo koobi karnaa arimahan

1) kaydka batroolka ciraaq ee xaddhaafka ah kaas oo lagu qiyyaso ilaa 300 oo bilyan oo foosto kaydkaas oo mareekanka u suurto galinaya inuu gacanta ku dhigo 63% kayyka caalamiga ah ee shidaalka arintas oo u sahlaysa inuu ku sii kaliyaydto kuna amar ku taagleeyo awooda iyo hogaaminta iyo qorshaynta siyaasadaha caalamka , isla markaasna u isticmaalo kaydkaas cabsi galinta awoodaha kale ee kula loolmaya hogaminta caalmka isuna arka inay mudanyiin ka qaybgalinta qorshaynta aayaha caalamka , sida midawga yurub iyo jaban oo iyadu 95% baahideeda shidaal ka soo dhoofsata dibada , intaas waxa sii dheer isagoo awood u helaya inuu xadido sicirka caalamiga ah ee shidaalka iyo hadba inuu intuu doono ku soo fatahin karo shidaalka ciraaq sooqa caalamka

2) burburinta cududa ciraaq ee ciidan iyo iyo dhaqaale oo mudobadan khatar ku haysay hirgalinta ajandayaasha marekanka ee bariga dhexe . waxaan xusid mudan in ciraq ka qayb qadatay dhamaan dagaaladii carabtu la gashay dawlada yuhuuda ,waxaana la wada xusuusan karaa duqayntii israa,iil ee warshada nukliyeerkaee ciraaq sanadkii 1981 , arintaasi oo muujinaysa cabsida yuhuudu ka qabeen awooda ciidan iyo teknooljiyeed ee dalka ciraaq,waxa intaas sii dheer in ciraaq oo mar walba garab buuxa siin jirtay ururada aaminsan fikrada qoomaiyad carabta ee ka soo horjeeday in nabad iyo xidhiidh dabacsan lala yeesho dawlada israa,iil , waxaana xusid mudan in gacan saraynta israaiil ay tahay udub dhexaadka istaraatiijiyada mareekanka ee bariga dhexe isla maraakaasna waxay kaalin wayn ka ciyaartaa waa (waa isra,iile)hortaga iyo dhicisaynata isbadalada siyaasadeed ee khatar ku keeni kara danaha mareekanka ee bariga dhexe, waxaan arintaas tusale u noqon kara kaalintii ay israaiil ka ciyaartay curyaamintii awoodii Jamaal cabdi naasir ka dib markii ay kaga adkaatay dagaalkii 1967 madaxwaynahaas oo horseedka ahaa himiladii qaranimada carbeed oo wakhityadiisii halis wayn galisay danaha mareekanka ee gobolka , waxa isla muuqaalkaas leh weerarkii israaiil dhawaanahan ku soo qaaday dalka suuriya ee ahaa duqaynta bartilmaameedyo gaar ah . weerarkaas oo ahaa fariin mareekanku rabay inuu gaadhsiiyo dalka suuriya nuxurkeeduna ahaa hadii aanay suuriya ula dhaqmin arimaha dalka ciraaq si mareekanku raali ka yahay in jawaabtiisu noqon doonto dhirbaaxo isra,iil u gaysato oo kulul

3) burburinta awooda ciraaq waxay mareekanka u suurto galinaysaa inuu dib u qaabeeyo isuguna shaandheeyo qaabdhismeedka siyaasadeed iyo dhaqaaleed ee bariga dhexe iyadoo uu rabo inuu gobolka ka dhiso hanaan siyaadeed cusub oo ku kulma urur la yidhaa midawga bariga dhexe oo dawladihiisu siyaasad iyo dhaqaale ahaanba u midaysanyiin oo israiil madax u tahay uguna cudud roontahay . arintaas oo hirgalaysa ka dib marka heehiis nabadeed maqaar saar ah lagu siiyo falastiiniyiinta dawlada la mood kala qoqoban oo wax awood ah lahayn ,ka dib marka miciyaha laga guro urarada islaamiga ah ee diidan qorshahaas sida xamaas iyo al jihad

4) guul fudud oo ciraaq laga soo hooyaa waxay madaxwayne bush u muujinaysa halyay qaran oo guul soo hooyay arintaas oo ka cawinayasa inuu ku guulaysto doorashada madaxwaynenimada ee 2004ta , maadaama talada ku yimid doorasho mugdi badani ku jiro iyo xaashi tiris muran badani weheliyo arintaasi oo ah mar walba qodax ku mudan , hadaba hadaynu gundhigaas gaaban ku soo koobno falanqaynta ahdaaftii gulufkas mareekanku u abaabulay waxa lagama maarmaan inaynu si gar ah u milicsano gundhigii weerarkaas iyo halkii uu ku biyo shubtay ,sidaynu la wada socono wuxuu mareekanku qabsaday magaalada baqdaad 9-4-2003 ka dib dagaaal qadhaadh oo socday labaataneeyo maalmood,intaas ka dib 1-5-2003 waxuu madaxwayne bush khudbad ka jeediyay markab dagaal oo ah kuwa diyaaradaha xanbaara oo magiciisa la yidha ibraham linkalon isagoo khudbadiisaasku sheeegay in dagalkii ciraaq dhamaaday waxaana markuu hadalaaa jeedinayay ka muuqaday meel dhabarkiisa beegan warqad ama tabeele wayn oo ay ku qoranyiin (hawlgalkii waa lagu guulaystay) bush oo ay ka muuqato kalsoonom iyo farxadi oo xidhan dharka ciidamadiisa cirka ayaa ereyadaas ku celceliyay, hadaba waxa iswaydiin leh manta oo laga joogo lixbilood iyo dheeraad qabsashadii ciraaq . in arimuhu u dhaceen sidii bush muujiyay oo mareekanku ku guulaysatay ciraaq hantayna dhamaan himilooyinkii dagaalkaas looga gol lahaa, jawaabta su,aashaas waxaan jeclahay inaan u daayo xogaha ilaha mareekanka laftooda iyo dhacdooyin maalmeedka ka taagan dalka ciraaq iyo farqiga u dhaxeeya waxa uu filaayay mareekanku iyo wixii u la kulmay

1) waxa uu shaaca ka qaaday abaanduulihii ciidamada mareekanka ee dalka ciraaq qabsaday janaraal tomy faranks in ciidamiidiisa ku sugan dalka ciraaq ay la kulmaan maalintii walba ugu yaraan 25weerar, hadaba hadaynu ku dhufano maalmaha lixdaas bilood 25ka weerar ee maalin walba ciidamadiisa ku dhaca waxa noo soo baxaysa in ilaa intii u ciraaq qabsaday uu la kulmay 4500 weerar iska caabineed, hadaba hadaynu qiyaasno in weerarkii walba uu hal askari kaga dhaawacmo midna kaga dhinto waxa inoo soo baxayaa khasaare dhan 9000 askari oo dhaawac iyo dhimasho ah in loo gaystay ciidamadiisa , waliba waxaynu soo qaadanay tirade ugu yare e suurta galka ah waayo waxaa hubaal ah in weerarada ay ku kaga dhintaan tiro taas aad uga badan

2) waxa laga soo xigtay senator(mudane)richard belton oo ah madaxa gudida koongareeska u qaabilsan arimaha dibada in haysashada ciraaq ay kalifto dalka mareekanka todobaadkiiba lacag dhan hal bilyan oo doolar (1000milyan) sanadkiina 240 bilyan oo doolarwaxa intaas sii dheer 70 bilyan oo doolar oo uu kalifay hawlgalkii qabsashada ciraaq waxa intaas soo raaca 87 bilyan ee kongareesku u ansixiyay bush tariikhdu markay ahayd 30-10-2003si uu ula tacaalo arimaha ciraaq iyo afgaanistaan , kharashadkaas xad-dhaafka ahi waa dhiig bax dhaqale oo oo halis ah oo ay adagtahay inuu ka soo kabto hadaanu xasilin nabadgalyada ciraaq si uu iibgeeyo batroolka oo u soo ceshado lacagahaas (waa sidii qorshahiisu ahaa ) arintaas oo aan hada sinaba u suurto gal ahayn ifafaalaheeduna soo muuqan

3) socdaal xaqiiqo raadin ah oo ku tagay wasiir ku xigeenka gaashaandhiga mareekanku mr paulwolfits bishii sideedaad ee sanadkan dalka ciraaq oo ku sugnaa mudo todobaad ah ka dib booqashadiisaas waxa uu soo saaray warbixin uu ku qirtay inay maamulkiisu galay qaladaad axmaqnimo ah waxaana ugu muhiimsan gafafkaas uu sheegay dhayalsiga iyo quudhsiga awooda iska caabineed ee ciraaqiyiinta ay ka filayeen waxaana aad u kala duwan sawirkaanu markii hore ka haysanay ciraaq eek u talogalkayagu ku salaysna iyo sida xaqiidadau tahay ,sarkaalkan (wasiir ku xigeenka gaashaandhiga )oo ahaa ragii ugu cadcadaa ee dagaalka ciraaq u ololaynayay waxa uu socdaal kale ku yimi dalka ciraaq 26-10-2003 socdaalkiisaas oo ujeedadiisu ahayd inuu inuu caalamaka muujiyo sida ciraaq u xasiloontahay ee ay arimaha gacanta ugu hayaan waxaase la kulmay weerar culus oo lagu soo qaaday hudheelka al Rashiid ee magaalada baqdaad oo uu daganaa halkaas oo uu dirqi iyo faro cidi leh kaga samatabaxay,weerarkaas dhiiran waxa uu ku noqday mareekanka iyo haybadiisii waji gabax waxaanuu dabaysha raaciyay sumacdii booqashadaas looga gol lahaa , sidoo kale weeraradii silsilada ahaa ee lagu soo qaaday saldhigyada booliska la shaqeeya mareekanka xarunta laanqayrta cas iyo diyaaradihii is daba jooga ahaa ee laga soo riday iyo weerarkii lagu dilay 20ka askari ee talyaaniga ah dhamaan dhacdooyinkaasi waxay shaac si buuxda uga qaadeen in xaaladu mareekanka dacar kaga qadhaadhahay intaas waxaa waliba sii dheer iyadoo weerarda iska caabintu maaliba maalinta ka danbaysa sii kordhayaan tiro iyo tayoba sii kordhayaan iyadoo waliba ay soo baxayaan warar sheegaya in kumanaan al qaacida ahi ay ku soo qulqulayaan ciraaq in xaaladahu sii murgayaan waxa ka markhaati kacay taqriir ay soo saartay (c.i.a) xafiiska sirdoonka mareekanka taqriirkaas oo lagu magacaabay(qiimaynta xaalada ciraaq) waxa uu shaaca ka qaaday arimo xasaasi ah oo ka mid yihiin qiyaasta hubka ciraaqiyiinta gacanta ugu jira oo ay ku qiyaaseen ilaa 50.000.000oo qoriiyo ilaa hal malyan oo tan oo rasaas ah , in hawlgalka iska caabinta ciraaqiyiintu leeyahay talis dhexe iyo hogaan midaysan waxaana arintaas muujinaya tobanka malyan ee doolar ee mareekanku ugu balabnqaaday qofkii soo sheega meesha uu ku suganyahay madaxwayne ku xigeenkii ciraaq cisat ibraahiim oo ay ku eedaynayaan inuu hogaaminayo hawgaladaas iska caabinta ,habada akhristaw mar hadii xaalada dhabta ah ee ciraaq maanta ka taagani tahay taas aynu kor ku soo tibaaxnay waxa markhaati ma doon ah in mareekanku lugaha la galay ceel dad liq ah oo ay adagtay sida uu ugab samato baxaa guuli ha damnbaysee( waxa hubaal ah inaan maant a bush guul ku hamiyayn )waxaana in xaalku sidaas yahay cadaynaysa mawqif rasmi ah oo uu muujiyay madaxwayne bush 13-11-2003 isagoo shaaca ka qaaday inuu si buuxda u badalay siyaasadiisii khusay ciraaq oio haatan uu go,aandsaday inuu si degdeg ah talada ciraaq uu ku wareejiyo reer ciraaq taas oo sida uu sheegay 2004ta bisha shanaaad la dhisi doono xukuumad ku meel gaadh ah oo soo qabanqaabisa doorasho qaran iyo dastuur dalka lagu dhaqo, dabacan talaabadani maaha hadiyad si deeqsinimo ah bush uga timi ee waxa ku khasabtay oo sanka ka muday dhirbaaxooyinka kulul ee iska caabinta ciraaqiyiintu gaadhsiisay waxna ka badali mayso weerarada lagu hayo ciidamadiisa intaas waxa sii dheer iska caabinta mareekanku u adkaysanwaayay iskama xejin karto dawlad jilicsan oo isaga ku tiirsan kuna taagan cududiisa ,talaabadanina waa qirasho qayaxan oo si buuxda u cadaynaysa inay fashilantay siyaasadii muquununta iyo awood sheegashada ku dhisnayd ee maraykanka falsafada u noqotay wixii ka danbeeyay waararkii 11 sebtambar waxaana gabagabdii xusid mudan in guuldarada ciraaq ku yeelan doonto saamayn halis ah awoodiisa haybadiisa iyo gacan sarasyntiisa caalamiga ah intaas waxa sii dheer iyadoo la hubo in guuldaradaasi caqabad khatar ah ku noqon doonto mustaqbalka siyaasadeed ee madaxwayne bush iyo xisbigiisa waxaanay qarka u saaranyiin inay iyagu ka caweeyaan booraantii hadimo ee ay ku hawlanaayeen qodisteeda

WAXA QORAY CABDI RAXMAAN MAXAMUUD OO AH QORAA KU TAKHASUSAY ARIMAHA BARIGA DHEXE (-----Bash)
kala xiriir:
madheedh4@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 19, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

MAXAAD KA TAQAAN CIRAAQ.... GUJI

BOGGA MAQAALADA & RA'YIGA

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 

kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



 Doodii gabdhaha Soomaalida Minnesota

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD