December 18, 2003 MA NACAYBKA SOOMAALILAND AYAA SOOMAALIWEYN KEENI
DOONA?
Waxaa yaab noqotay in inta badan dadka halka wax ku
qoraa ay colaad iyo weerar toos ah ku hayaan
Somaliland iyo qaara ka mid ah beelah dega dhulkaas,
sida Isaaqa. Wax soo hadal qaadaya ma maqlaysid Xamar
iyo halaaga ka jira ama dhibaatada joogtada ah ee
Cabdilaahi Yuusuf ku hayo Soomaali oo dhan. Qaarkiina
waxaad ku hanjabteen inaad Isaaqa ka saari doontaan
gobolka Soomaalida ee Itoobiya haysato.
1)Marka ugu horaysa, 80% Isaaqu wuxuu degaa gobolka
Soomalida ee Itoobiya haysato. Isaaqa Soomaaliland
degaa aad buu u yarhay marka loo eego inta xadka
dhaafsan. Sidaad ogtihiina Siyaad Bare oo haystay
ciidanka ugu khatarsan wadamada Afrika ayay hadh galay
wado cad marsiiyeen, markaa idinkuna maxaad is
moodeen?
2) Talabaad mawaxaad is leedihiin caqli xumadiina
Isaaq wuxuu raali ka yahay ku xadgub lagu xadgubo dad
Soomaaliyeed haday dhabtahayba? Mise dowlada
Soomaaliland ayay ka amar qaataan Isaaqa xadka
dhaafsani? Saaxiib Isaaqa xadka dhaafsani walaa
Somaaliland baanay aqoon walaa in cid Haragaysa laga
dhoofiyay ayaanan ogayn. Qaarkood Hargeysa iyo Burco
dheguhuun bay ku maqleen.
3) Meel walba waxaad ka ga hadaaqdaan ?Meeday
Soomalinimadii, Walaatinimadii iyo Islaanimadii??
Waa suaal, wanaagsan, laakiin Somalinimo iyo
walaatinimoy xageed ku maqnayd markii Soomaaliland
dadkeeda la xasuuqaya?358000 oo shiicb ah wallaatiinimoy xaageed ku MAAQNAYD
4) Ta afraad hadaad idinkuba dusha ka saarteen Siyaad
Bare khasaarihii wadanka gaadhay oo dhan, dadka reer
Soomalialand miyaanay xaq ulahayn inay yidhaahdaa
Riyaale Kaahin ayaa ka mas uul ah hadii cid la
dhoofiyo iyo hadii cid Xabashida loo dhiibaba.
Ugu danbayn, in la is dhaliilo, oo dawlad iyo dad
khalad kood faraha lagu fiiqaa xumaan ma aha, laakiin
ragiina waa weyn ee aan waxba iskula hadhayn ayaa
layaab noqotay. Ogaadana, markaad sii caytantaan ee
colaad iyo nacayb mujisaan baa, ree Soomaaliland waxay
odhan ?Eeg siday u hadlayaan....waad argrtaan waxaan
sheegayay?. Haday dhabatahay oo Soomaalialnd dhibaato
ku hayso, dadk aan ka soo jeedin beelaha degaanka
dega, taasi waa khalada iyo nus, laakiin idinkuna
aflagaadadiina iyo nacaybkiinu waa khalad kale. Markaa
makhalad baad isleedihii khalad ku saxa? Mise nacaybak
iyo colaada Soomaaliland ayaa midnimo keenin?
sahal samantar gadiid
wagaar55@yahoo.com ama
dalmar_k@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com Dec 18, 2003
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|