December 18, 2003
Daan-Daansiga Maamulka Hargaysa Ma ka Siidarayaa?
Qoraaga: Max’med Qamaan – USA
12/18/2003 7:20 AM
Waxaa wali xabsiga dhexe ee magaalda Harar ku
jira Cabdullaahi Xaliye iyo rag badan oo lamida oo lagu qafaashay Hargaysa
iyaga oon cidna wax dambi ah ka galin. Sida la xasuusanyahay, dadkaa waxaa
qafaashay Mr. Cigaal oo Itoobiya kaga dalbaday kalsooni iyo kaalo dhaqaale.
Hada waxaa magaalada Hargaysa ku xasuuqan boqolaal qof oo rayad ah oo sugaya in
Itoobiya lagaga macaasho iyagoo laga been-abuurayo oo lagu masabidayo waxayna
shaqo ama lug ku lahayn. Hadaba nasiib daro, taariikhdan “qafaalashada” habka
cusub ee qab-qablayaasha gobolada Waqooyi (Cigaal iyo Riyaale) ka hirgaliyeen
magaalada Hargaysa bilowgii 90-shanaadkii walina sii socda, waa mid ka
fajicisay wax garadka iyo waayo aragga Umadda Somaliyeed. Waxay dad badani ka
wal-walsanyihiin cawaaqib xumada falalka waxashnimada ah ee Qab-qablayaasha
Hargaysa caadaysteen.
Marka intaa laga gudbo, waxaa mudan in layswaydiiyo,
ujeedooyinka ama hadafka ay Hargaysa ka leedahay dhaqankan foosha xun ay wali
ku sii-socoto tan iyo intii ay samaysatay maamulka sida dilaalka u dhaqma.
Hadaan, su’aalo toos ah is-waydiino maamulka Hargaysa ama hadaan carabkaba ku
dhufano dadka Isaaqa oo ka gaabsaday inay cambaareeyaan Qab-qablayaasha
hormoodka u ah, ma ka maarmi karaan dariskooda? Mise in lala xisaabtami doono
ayaan qorsha ugu jirin?
Arrintu si kastaba ha ahaatee, waxaan maqaalkan
ku eegi doonaa xidhiidk ka dhaxeeya dadka Daaroodka, gaar ahaan dadka
Absamaha iyo dadka Isaaqa kuwaa soo muda qarniyaala isa soo garab deganaa.
Malahayga, qarniyaal kalena isa-sii garab deganaan doona. Waxaa kale oon isku
deyi doonaa inaan soo bandhigo danta ama danaha ka dhexeeya (jiray)
labada dhinac.
Taariikhdu iyadaa isa-soo cel-celisa
W axaa,
badanaa caado ama la arki jiray inay soo noqdaan wixii taariikhda mar horay u
soo maray ama soo dhacay (xumaan/samaan). Laakiin, nasiib daro, Aadamiga ayaa
iska hal-maama oo xusuustiisa ka daysta inuu isku mashquuliyo ama wax ku
qabsado wixii tagay ama la soo maray. Hadaba, hadaan, wax yar oo gaaban, dib
ugu noqono taariikhda, shalay ayey ahayd markii dadka Isaaqu, dadka Absamaha ku
cambaaraynayeen qaxootinimo, af-lagaado iyo sumcad dil faro badan oo aan dadka
Absamuhu marnaba ka sugaynin ama ka malaysanaynin –1977.
Waxaa taa xigay in dadkii Isaaqu soo qaxeen oo
dhul iyo degaan Absame magan u soo noqdeen -1988. Xilligaa, dadkii Absame gacmo
furan iyo walaaltinimo wayn ayaa qaxootigii dadka Isaaqa lagu soo
dhaweeyey.Waxaa meesha laga saaray in dad soo baro kacay oo Somaliya oo dhaqan,
diin iyo luuqadba la wadaago lagu wiirsado ama lagu jees-jeeso. Arrintu si
kastaba haw dhacdee, waxaan ognahay in qaxootinimadu ayna ahayn shay dookha
balse ay tahay musiibo Rabaani ah oo Eebe adoomihiisa cida uu isagu u garto ku
salido,cidna lagu ceebayn karin. Hadaynu tusaale yar soo qaadano, Abwaan Dubad
Hiirad, isagoo tilmaamayo waayo aragnimada Adamiga iyo sida marxaladuhu isu
bedeli karaan,
waa kii lahaa:
“Adoo xalay dib jirey caawa, waa lagu durduuraaye
Dayr iyo xagaa laydhu, ways daba maraysaaye
Hadduu doobke buuxsamo inuu, daato waw halise
Durbana wuu kibraa sedo, ninkay dacasha saartaaye”
Runtii, muuqaalkan aan sida kooban u guud maray,
sawir buuxa oo waafiya kama bixin karo, xidhiidhka soo taxnaa qarniyaal ee
darisnimado, dhaqan-dhaqaale iyo supposedly dhalasho ee ka dhexeeya
beelaha aan kor ku susay. Maadaama, Isaaqu hada uun ay is-moodsanyihiin inay
salka dhulka dhigeen, wuxuu caqliga habooni ‘conventional wisdom’ ku
talin lahaa nabad iyo is-xaqdhawr inay ka shaqeeyaan oo “daan-daansiga” iyo
“danaystenimada” ay ka guuraan. Waxaynu la wada soconaa, in maanta aduunku isu
wada baahanyahay oo lagu jiro xili lagu tilmaamo “global village age” oo
lagu macaamiltamo: qaado ana isii –quid pro quo. Xaqiiqada se
markaan u leexano, siyaasiyiinta gobolada Waqooyi Galbeed, waxay dan
moodsanyihiin inay dariskooda kula dhaqmaan siyaasad faashil oo
dhiig-miirtenimo iyo danaysi asaaskeedu ahaa. Hadana, is-qafaalasho iyo is-iibsi
lagu sii qurxiyey.
Maxaa Absame la gudboon?
W aa
hagaag, si loo soo af-jaro siyaasad damaca iyo danaysiga ku salaysan ee
maamulka Hargaysa caadaysatay, waxaa lagama maar-maana in Absame qaado
talaabooyin dhawr ah oo is-daba joog ah oo isugu dhafan siyaasad,
dhaqaale iyo degaan. Dabcan, taallaabooyinkan, waxaa loo kala
horaysiinayaa amaba loo kala qorshaynayaa sida ay u kala mudanyihii oo ah: a)
kuwo deg-dega oo la xidhiidha dhacdooyinkan maanta taagan iyo b) kuwo ku
abaaran wakhtiga fog ee soo socda –strategic’ ah.
Mar hadii, ay cadaatay in Hargaysa ayna abaal iyo
darisnimo-toona tix-galinaynin, waxaa Absame la gudboon inuu ku talaabsado
sidii uu ku tiirsanaanta Berbera/Hargaysa uga maarmi lahaa gabi ahaabana loona
go’doomin lahaa Hargaysa si deg-deg econo-politically. Si ay
arrimahaasi u hirgalaan, waxaa lagama maarmaana in la qaado talaabooyinkan soo
socda:
1) Waxaan ku talinayaa in marka ugu horaysa la joojiyaa
cadaawada Absame iyo Itoobiya ka dhex oogan Isaaqana u noqotay fursad dahabi ah
iyo lacag adag oo marba intay doonaan laga soo sarifo Itoobiya. Waxaan,
aaminsanahay, in labada umadoodna (Absame/Tigrey) ay dan wayni ugu jirto inay
heshiis iyo is-af-garad deg-dega yeeshaan, islamarkaa baal cusub oo wax wada
qabsi ah uu u bilaabmo –it’s overdue. Marka taa la helo, waxaa meesha ka
baxaysa, danta koowaad ee Qab-qablayaasha Hargaysa ka leeyihiin soo
qab-qabashada iyo qafaalashada dadka shacabka ah oo sidaan horayba u soo
tilmaanay ku dhisan siyaasad “danaysi iyo dilaalnimo”.
2) Waxaa Absame la gudboon inuu u dhaqaaqo sidii uu
Daarood wayne wax ula qabsan lahaa. Marhadii siyaasada Hargaysa ka dhamaan
la’dahay Soomalinimo nacayb ama cunsurinimo, waxaa Absame ku qasbanyahay inuu
cida maanta ay isku danta iyo dareenka yihiin ay wax la qabsado. Waxaan dadka
Daaroodka ku baraarujinayaa in ay arrintan si xasaasi u qaataan, ugana qaataan
tallaabooyinka ku haboon. Tusaale ahaan mar’uu gabyaagii caankaha ee Xarbi
Ismaaciil ka hadlayey, amuur tan-faraaruqa oo soo food-saartay tolkii, kadibna
niman ay markaa loolan siyaasadeed lahaane ay ka faa’iidaysteen oo xaalada
maanta Daaroodku taaganyahay oo kale ah, ayaa waxa gabaygiisii ka mida ahaa: “Dheeliga
tolkeed baa cilaan loogu soo dhacaye, hadaynaan ku waa soo dhawayn
dhimanay Boosowe” .Waxaan qabaa, dekadaha Laas-qoray iyo Boosaaso, ayaa
ka mudan in waxna laga keeno, waxna laga dhoofiyo meesha Berebera ganacsi lala
yeelan lahaa. Arrintani, waxaan aaminsanahay waxay ahayd in mar horeba loo hawl
galo oo Harti iyo Absame, igoo xeerinaya isbedelka geyiga iyo meeqaanka maanta
Daarood taaganyahay, isku soo durkaan waxna wada qabsadaan. Anigu, shaqsiyan,
kalsooni wayn ayaan ku qabaa in Daarood guud ahaan, gaar ahaan Kabla-lax inuu
maanta arrinta u heelanyahay.
3) D hanka,
degaanka, dadka Isaaqu wuxuu tubanyahay suuqyada Jig-jiga, magaalo
madaxda Absame. Waxay uga ganacsadaan siday doonaan. Inta badan, dadka
qaadka soo mariya Jig-ga ama gaadiidka u kala goosha Jig-jiga iyo Hargaysa, waa
dadka Isaaqa. Waxay deganyihiin Xarshin iyo Gaashaamo Bari oo si sharci-daro ah
ay ku deganyihiin. Waxaa xusid mudan, in xoolalayda Isaaq qiyaastii 90% ay ka
talowsanyihiin xuduuda oo ay deganyihiin hawdka gobolada Absamaha sida Jig-jiga,
Dh/Buur iyo W/Dheer. Waxaan aaminsanahay, in Absame xaq u leeyahay in uu
Isaaqa ka soo saaro xuduuda oo lagu soo cidhiidyo Hargaysa, buura aan biyaha
layn iyo Berbera. Markii taasi meel marto, ayaa, waxaan hubaala in Isaaq
yaqiinsan doono wax malaha maanta intooda badani wakhti ay kaga fikiraan u
haynin.
Gabagabadii, waxaan jeclaan lahaa inaan runtii
qoraalkan loo qaadanin kicin iyo abaabul dagaal. Balse loo qaato wacyi galin
iyo xisaabtan dhab ah oo lagu muujinayo muhiimada xidhiidhka dhaqan/dhaqaale ee
Absame iyo Isaaqa ka dhexeeya. Waxaan jeclaan lahaa inaan muujiyo in is-xaq-dhawrka,
derisnimo wanaagga iyo wax is-dhaafsiga laba dhinacba ay dantu gugu jirta sidaa
darteed ay laba dhinacba iska xilsaaraan hagaajintiisa. Yase yeeshee, waxaan
aad uga xumahay inay u muuqato in dadka maamulka Hargaysa oo dadka Isaaqu
hormoodka yihiin arrimahaas ay wali ka caga jiidayaan inay gar-waaqsadaan
gafafka joogtada ah ee shacabka Absamaha loo gaysanayo. Waxay u muuqataa inay
ka raali yihiin (maamul iyo shacaba) in is-qafaalashada, dhiig-miirashka iyo
danaystenimada ku sii wadaan dadka Absame. Mark hadii arrintu sidaa tahay,
waxaan aaminsanah inay haboonaatay in lagu taliyo in umadda Absame iyo
Daaroodba guud ahaan inay xaq u leeyihiin inay is-difaacaan oy danahooda u soo
noqdaan.
Max’med Qamaan –USA
Qaman73@hotmail.com ama la xiriiri:
Dheman@mowd.org
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com Dec 17, 2003
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|