SomaliTalk.com DALSAN

Allah Is Great |

      Home  | Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi | Search
 

XASILLOONI-DARRADA AF-SOOMAALIGA
Cilmibaaris: uu soo tebiyey Cabdiraxmaan “Barwaaqo” Guji


SHURUUDA QORAALADA KUSOO BAXAYA SOMALITALK


kaah

 

 

 YAA LA GUURSADAA?
Cali Maxamed Xaaji (Cali Catoosh)
Karachi-Pakistan
Email: atoosh1@yahoo.com

 

Dowlad laaan, daryeel alaan, iyo daris ka damqada darxumada soomaaliya la dagatay ayaa ah sulaha boqolaal soomaali ah ay is weyndiinayaan, balse waxaa soo kordhay suaal kaloo iyadana mudan tixgeliteeda taasoo aan u doortay cinwaanka maqaalkaygan YAA LA GUURSADAA??

Marka hore bal aan yara bidhaamiyo si kooban sida uu ahaan jiray guurka soomaalida ee barisamaadki. Guurkaaasi wuxuu ahaan jiray mid si qiimo iyo qaayo badan ku dhici jiray ahaan jirayne mid ka dhoco meel fagaaro ah loona samayn jiray cayaaro, tartamo iyo madadaalo kalo sidoo kalana gabadha waxaa laga bixin jiray hanti farabadan taasoo la siinjiray waalidkeed, waxaa ducaynjiray qaraabada oo gabadhooda laga siinjiray yardo, waxaa la samayn jiray waliimo taasoo ah sunna uu inoo jideeyay Nabigeena Nabadgalyo iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee markuu ku yiri saxaabigi R.C guursaday (gowrac riba alaha ka dhigee), isla markaana waxaa si wada jir ah u wada maamuusi jiray culumo iyo caamo, gun iyo gob, rag iyo haweenba, kaasoo akhiritaankana noqonjiray mid loo aayo oo ku taagan tiir adag. Hadaba guurkaas sidaasi soo ahaan jiray manta maxaa ka qaldamay? Si aan u fahano meesha bada ka qurunsantahay aan u kala qaadno guurka manta laba qaybood, maadaama soomaalida ay ku kala noolyihiin qurbo iyo wadankeeni hooyo:

1. Guurka dhulkeenii hooyo:

Waxaa baryahaan danbe uu noqday guurka gudaha soomaaliya mid sidii dhaqankeena soomaaliyeed ee qaaliga ah aan ku soconin ee wata waxyaaba fara badan ee diin iyo dhaqn toona sal iyo raad ku lahayn sida guur aan laga warqabin oo qarsoodi intuu ku dhoco misna qarsoodi ku dhamaado taasoo ka soo horjeedo xadiith-kii nabigeena suuban S.C.W oo ahaa (Aclinuu Al-nikaaxa) ogeysiiya dadka nikaaxa, taasoo baryahaan dambe maqlaysid heblaayo waa Saddex-leey, ama waa Afar-leey taasoo loola jeeda sadax nin ayaa horay u soo furtay, iyadoon laga warqabin, iyadoo gabdhiina halhays ka dhiganayso oraahda gabdhaha badankood ay manta adeegsadaan oo dhahaysa (HADII LAI FURO FEER MAA IGA JABAYSO) taasoo macnaheedu yahay furitaanku wax dhib ah iima keenaayo oo hadii manta laI furo baritaan mid kala helayaa, saadambana mid kala, waase yaabe ma ilowday gabar nimada sharafteeda iyo in Ilaahay intuu xaaleeyay uu ugu nacbeen badanyahay furitaanka.

Waxaa Sidoo kalana dhanka wiilsha aad maqalaysaa wiilkaasi waa labaale oo macnaheedu yahay laba xaasbuu qabaa iyadoon midoonna guri u joogin oo reeraheeda la joogto, hadaba iyagoo aminay oraahda baryahaan dambe soo shaac baxday ee tibaaxaysa (BADA MALAAY KUMA YARA) oo ay macna ahaan ula jeedaan gabdhaha waa badanyihiin ee midba maalin qabo siina daa maalinta xigat, hadaba isku soo wada duu duube hadii ay gabdhihii iyo wiilashiiba kala yihiin sidaasi, yay gabdhihii guurdonka ahaa ay guursadaan, ma khiyaanoole saddex qabaa oo aan laga warqabin, midna meel ku sheeginaa mise waxay guursataa labaale aan laga warqabin oo midba meel ugu been sheegaayo, sidoo kalana wiilkii guurdoonka ahaa ma wuxuu guursadaa gabar afar ama 5 horay u soo furtay ee waalidkeed gabarnimo ku ogyihiin iydana xaalkeeda bariga dhexe yahay, mise wuxuu guursadaa gabar bilooyin ka dib lagu dhihi doonaa anaa hortaa guursadee ii fur waa xaaskaygee tolow waa yaabe yaa la guurrsadaa !!!!!!!!!!!!!!!!!

2. DHANKA GUURKA DIBADA:

Inkastoo aan ku noolahay qurbo kana warqabo inbadan oo ka mid ah guurkii dibada sida uu u fashilmay, oo qabkii rageed iyo hadana waa yaabe maxay ka duwanyhiin kuwa gudaha soomaaliay? Waxaa jiro guur badan oo aan loo aayin oo ka dhacay dibadaha kaasoo badankiisu ku qotomay khiyaali aan meel dheer gaarsiisanayn, hadase waxaasi oo dhan waxaa so wehliyay wax layaab leh waa saaxiibka galmada AIDS kaasoo aan filaayo in in badan ay maqleen hadaysanbe arkin dad uu cudurka haayo, cudurkan oo si dhab ah aan looga baarin wadankeena hooyo balse hubaal ay tahay in uu jiro oo laga helaayo dad badan ee sida cudurka ha ahaadaan kuwa dibada ka keenay oo wadamo ay soo masaafuriyeen ama kuwa dariskeena ka keenay ha ahaadaane waase mid dhibkiisa leh, hadaba gabdhaha soomaalida ee dibadaha soo aaday iyo wiilashaba waxaa la soo gudboonaaday arimihii hore ee guurkooda carqaladaynjiray kuwa ka daran oo ka xanuunbadan, hadaba gabadhii ma waxay guursataa iyadoo nadiif ah wiil intii hagoogato ku hayb ah, oo aan dhowsanayn, mise wiilkii wuxuu guursadaa gabar intii socoto oo suul leh ku saan ah yacnii aan dhowsanayn waa yaabe yaa la guursadaa??

Hadaba walaalkeyga iyo walaashayda qaaliga ahaydey bal talooyinkaag dhugo oo dhuux yaysana ku dhaafine dhaxal gal ka yeel:

Talooyinkayga Dhallinyarada guurdoonka ah ee ku nool Dhulkeenii hooyo ka taxadir qufka aad rabtid in aad u dooratid mustaqbalkaaga, rabtidna in uu noqodo lamaanahaaga nolosha, ogow in ay ilmahaaga kaaga baahanyihiin hiil mar qura waana marka aad dooranaysid lamaanahaaga mustaqbalka, hadaba haku xulan lamaanahaaga qabiil, lacag, qurux eek ku xulo Diin, dadnimo iyo dabeecad. Ka digtoonow mid hadhow markay xeera iyo faldhaan kala dhacaan lagu dhihi doono anaa horay u qabay maba furine goormaad guursatay ama anuu horay been iigu sheegaye adigana makuugu soo daray. Iska ilaali guurka sahlan ee fudaydka kuugu soo galo ka baaraan dag oo waqti sii ka fekerkiisa, maxaa yeelay dagdagsiino door ma dhasho, ee hubi kana salgaar u jeedada iyo gunta ka dambayso haanshaalaynta huwan hiinfaha aan hor u socodka ahayn.

Talooyinkayga Dhallinyarada guurdoonka ah ee ku nool Dibadaha Ogow qufka guurdoonka ohow warka warkii hore ka soo tag ee bal wax wareyso kana war sug waxa kaaga yimaada wardoonkaaga iyo waaya aragnimada kuwii kaa horeeyay ee kabaday sibir ka dib markii aay ku guuldaraysteen guurkii ay u hanqaltaagayeen.

Culimada Islaamka ee casrigan hada aan ku noolnahay waxay ku fasireen xadiiskii uu wariyay Abi-hurayrah ee ahaa: (ABI-HURAYRAH R.C WUXUU WARIYAY IN NABEGEENA NNKH UU KU YIRI NIN GUURSADAY HAWEENEY ( MA ARAGTAY IYADA?) SAXAABIGII WUXUU YIRI MAYA? MARKAASUU NABIGEENA NNKH KU YIRI (ORODOO SOO FIIRI) waxaa wariyay Muslimin. Hadaba culimada muslimiinta qaarkood ee manta jooga waxay u tawiiliyeen xadiskan in nuxurkiisa laga qaadankaro in labada ruux ee is doonaya ay isbaaraan sida baaritaanka dhiigooda, maxaa yeelay waxaa jiro cuduro fara badan oo sababi karo awlaad laaan sida hadii ay labada ruux ee guurka iska doonayo ay wada sidaan cudurkaas, muhiimada baaritaanka marxaladaan aan hada ku jirnana waxaadba moodaa in ay labada ruux ee raba in ay is guursadaan ayba muhiim tahay in ay is baaraan sabatoo ah Illaahbaa garanaayo qufkeebaa si un ku qaaday cudurka dilaaga ah ee AIDS, hadaba is baaridu wa shay muhuum ah ee aan kula talinaayo khaasatay dadka dibadaha joogo maxa ayeelay iyagaa haysto baro caafimaad oo ay si wanaagsan isagu baari karaan hadaba waa talo muhiim ah ee bal ku dadaala.

Walaalahayga qaaliga ahow waxaan isku dayay in aan soo kobo dareenkayga ku aadan dhalinyarada faraha badan ee guur doonka ah oo baryahaan dambe shakiga weyn soo galay ka dib dhibaatooyinkaan kor kusoo xusay dabadeed taasoo kaliftay in inbadan oo ka mid ah ay isweydiyaan Yaa la guursadaa, taasoo aan filaayo in akhristayaasha ay fahmi doonaan cinwaankan sababta aan u doortay in uu yahay muhimadiisa manta hadaba hadii aad ku aragtaan dhaliilo iyo waxyaabo rayi ahaan kula qalafsan waxaan rajaynayaan in aan talooyinkaada iyo tusaalooyinkaada lab furan ku soo dhaweyndoono waana mahadsantihiin aqristayaasha sharafta mudan..

Waa walaakiin Cali Maxamed Xaaji (Cali Catoosh)
Karachi-Pakistan Email: atoosh1@yahoo.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 18, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

 

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD