December 17, 2003 Xeraale
oo maanta xasiloon ka gadaal dagaalkii cuslaa ee shalay
Wararka naga soo gaaraya degaanka xeraale ee gobalka galgaduud waxay
sheegayaan in maanta wax dagaali halkasi ka dhacin,oo qolo waliba ku
mashquulsantahay mayd aasid iyo dhaawac gaysaho isbitaal maadaama degaanku
dagaalku ka socdo aanay lahayn wax dawoyina iyo isbitaal toona.dagaalkaasoo
iskiis u istaagay oo ayan jirin waxxabbad joojin oo laga
dhexshaqeeyay,dirirtaasoo udhexaysa beelaha Mareexan iyo Fiqimuxumed(Dir).
Dad badan ayaa ka ka argagaxsan sida caqli xumada ah ee beelahaas wallaalaha
isu gumaadayaan,taasoo ay ugu wacantahay qalabaka lagu dagalaamayo oo ah mid
aad uculis isla markaana degaanka lagu dagaalamayo ayan lahayn meel lagu
gabaadsado.
wararkii ugu dambeyay waxay sheegayaan in dhimashado ay kor usii kacayso,oo
dhawac badani intii loo sii waday isbitaalada ay jidka ku geeriyoodeen,walina
ma jiran wax dadaala oo laga dhexwado beelahaas isqoonsaday oo ay sabab uahayd
aano qabiil,taasoo dadbadani ku tilmaameen inayan waafaqsanayn dhaqanka iyo
diintaba in laisku fiirsado walaalo sidilaya.
Waxaa maanta walaac ka muujiyay dagaalkaas lagu hoobtay ee Xeraale Xarunta
Dr.Ismaaciil Jumcaale oo ah ah hay,ad udooda xuquuqda aadamaha,waxayna ka
codaseem beelaha isdilaya in si shuruud la,aana loo joojiya dagaalkaas aan
micnaha ku fadhiyin isla markaana la ilaaliyo nolosha dadka rayidka ah ee aan
waxba galabsan sida dumarka iyo caruurta lagu dul dagaalamayo.
Cabdi Xasan Somalitalk.com/Muqdisho
abdi172@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 17, 2003
Baaq Xabad Joojin
Dagaalka Xeraale
Golaha wadatashida soomaaliyeed ayaa..
Guji
Faahfaahin: Dagaalkii lagu Hoobtay ee Xeraale
Wararka ugu dambeeyey ee dagaalku
waxay sheegayaan in ugu yaraan 45 qof ay dhinteen, 75 kalena ku dhaawacmeen
kaddib markii..
Guji
.
FOGAANTA U DHEXAYSA
MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....
....
Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|