SOMALILAND WAA BUUR
BUURTANA DABAYSHU MA RUXDO, jawaab qoraalkii Fahad Yaasiin
liban samatar dhammal /Amen Bulhan:
waggarr1955@hotmail.com
ama Maxamad Cali weerarw@hotmail.com
Salaamu calaykum wa raxma.
Sannadguuradii
koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray
Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood
Asad
|
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi
uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay
awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka?
Fahad
|
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa
nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga
somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa
in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka
camiran ee Somaliland"
Salahudin
|
"Miyaan
niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la
raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka
mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo
ONLF" Diridhaba
|
Kuwii
sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta
loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo
dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan"
Asad |
"Shacbiga
Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay
is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "
Faysal
|
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin
booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay
guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii
kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey"
XagarYare
|
Mid ka mid ah biibiilayaasha ka sanqadha saxaafada
Soomaaliya ayaa dhawaan wuxuu ku soo qoray meesha uu leeyahay ee uu Somalitalk
ula baxay, maqaal ku sheeg uu isu maleeye in uu ka caqli badin karo dadka uu wax
u qoraayo.aniga oo huba in aanay kolay socdaalkaa uu ku tagay Somaliland waxba
ka bedelayn wixii ku qufolnaa,oo ay u soo qorshaysnayd wixii uu ku qori lahaa
Site kiisa xasadka iyo cadaawadu buuxisay ayaa wuxuu ku tagay somaliland socad
raad gadasho iyo basasnimo isugu jiray .socdkiisa oo ujeeda badan lahaa,waxaa
ka mid ahaa inuu yidhaa waxaan soo ogaaday in shacbiga Somaliland doonayaan
somaliwey( laakinse sidii dhalaankii qururaxa loo karinaaye isku sasabayaan
magaca Somaliland),iyo in aan waxba ka jirin xasuuqi uu Afweyne u gaystay
dadkaa,waxyaalaha kale ee u qarsoonaana Illahayba og.
Ninkaasi oo la yidhaa Fahad Yaasiin wuxuu tifatire u yahay Websiteka Somalitalk
oo ku talaxtagtay cayda ,xasadka ,beensheega iyo habaarka Jamhuuriyada
Somaliland,wuxuu sitekaasu kulmiye canaasiirta ay ka midyihiin hadhaagi
Afweyne, dhafoorqiiqi, Qaar yidhaa waxbaanu Xabashi dhul ka xoraynayna oo qayb
weyn ku lahaa burburkii Somaliyadii xijaabatay iyo kuwa Somaliland u dhashay oo
uu Cabdilahi Yusuf marin habaabiye.
Waxaa hadaba layaab leh ninkaa masuulka ka ah Websiteka Somalitalk ee maanta
isdhuubya sida uu ugu ogolaaday bogiisa qoraalada anshaxa iyo usluubtaba ka
arradan ee uu ka mid ahaa kii ay qoreen kuwa isku magacaabay
XARUNTA DIRAASADKA
GEESKA AFRIKA,,.... oo aan hubo in ay Islaanimada kaga baxeen waxa ay ku
hadlaayeen hadii aanay ka toobad keenin,sow uma eeka inuu ka mid yahay ururkaa
lana qabo qudhunkaa ay walaaqanayaan,xoriyatal qowlkuna xadbuu leeyahay uu
garan karo qofkii wax isku falaya .hadaba sideebay niyada shacabka Somaliland
uguba soo dhici karta iskada isutag oo, in ay agmaraanba dadka masuulka ka ah
Siteka iyo kuwa wax ku soo qoraba.
Wuxuu qofkaasi qoraalkissi ku bilaabay sidan """ Bishii 8aad ee sanadkan ayaan
booqday halkii W/galbeed aanu u niqiinay"""" meel kalana wuxuu qoray """waxaan
booqday Boorame ,Barbara ,Burco.""".
Suaasha meesha soo galaysa waxay tahay hadii aad ayo tihiin ??? sow iskama
cadda inuu dad gaar ah oo ay magacaa isla yqaanaan u waramaayo,waxayse runta
aanu qofkaasi beenin karin tahay in goboladaas uu tagay la odhan jiray Awdal,w/galbed(Hargaysa),
iyo Togdheer,laakinse waxaa ka muuqtaa sheekadiisa in qorshaha magac bixintiisa
soo jiray sirna u ahaa dadka qaar,markii dambe ee Somaliland tashatayna afka
laga galiya UN TA iyo saxaafada Caalamka oo caroogyada ay kamid yihiin
IRIN,BBCda, Wakaaladaha wararka qaarkood ay socodsiiyiin arinkaa.laakin Ilaahay
amarkiisi soconwayday.
Ninkaasi wuxuu raba oo kale inuu ku khawaysiiyo kuwa rumaysta xashiishkiisa uu
qoro in Mudane
Faysal Cali
Waraabe ku kali yahay mayal adayga guni isutaaga
Somaliland ,wuxuu meel kaga dhacay mihnada saxaafada markuu xusi waaye in
mudane Faysal u codeeyeen kumaankun qof,kuwaasi iyo qaar badan oo kale oo
asxaabta kale u codeeyba way ka sii xag jiraan Faysal cali waraabe.
Wuxuu qoray """Madaxweynahu waxa uu ahaa DHALANTEEDKAN ka hor sarkaal ka tirsan
nabad sugida oo caawin jiray dagaalyahanka SNM""" waxaa halkaa ka cad inuu weli
liqi kari la'yahay dhabta ah in Somaliland dawlad tahay,waxaan meesha qaban
sida meel uu dhalanteed ku sheegaayo inuu hadana nidaam ,kala dambayn iyo
shicibka oo amarka u hogaansan ka markhaati furo.MA DHALANTEED AYAA WAX
NIDAAMIYA.
Markuu ninkaasi dhex mushaaxaaye sheeko baralaydiisa wuxuu iswaydiiye su'aasha
ah """ ma runba in gobladaasi uu goostay '''' wuxuu isugu jawaabay """' Marka
la iska ilaawo dawakhinta warbaahinta Somaliland,iyo dano gaarka madaxda
siyaasada waxa shacabka dhab ka ah soo celinta calanka Soomaaliyeed"""" marka
hore suxfi ma ihi oo u hadlimaayo saxaafada Somaliland inkasta oo aan ogahay in
aanay isku shuqlin,iskuna lurin,waqtina iskaga lumin la yooyootanka warbaahinta
hinaasaha iyo xasdka ku qotonta.wuxuse ninkaasi murankiisa ku saleeye khayaal
uu maskaxdiisa ka samaystay oo ahayd aqoonyahan Somaliyeed ayaa iiga sheekeeye
dhacdo nacnacdan ku dhamaatay ''SOMALILAND WAA BEER,BEERNA QADADA LAGU SUGA"
Ninkaas hadii u saxafi yahay waxay ahayd sidii la arki
jiray inuu maykarafoonkiisa qaato oo magaalada la dhexmaro oo uu waydiiyo dadka
ra'yigooda,waa dhab inuu heli lahaa qaar yidha Somaliweyn ayaanu doonayna oo
horeba shirki carta Suldaan iyo siyaasiyiiniba way ka qayb gashay oo taasi wax
sir ah maaha ,laakin waxaan huba in qaar badani makarafoonka kaa kala jebin
lahaayeen.muhimada kale ee socdaalkiisa uga jeeday waxay ahayd inuu hoos u
dhigo waxyeeladii Afweyne iyo qoxooti ku sheego dadkaa u gaysteen,iyo inuu
isbarbar dhigo xasuuqi habaysnaa ee askarta Afweyne,jabahada Somali galbeed
halka wadeen iyo dagalkii sokeeyeee 1994.
xasuuqa --taalada loo dhisay--- iyo sidii Afweyne u maamulay iyo xadiga
khasaare ee naf iyo maalba lihi idinkuna aydaan dhaadayn waa sababta u weyn ee
aan dadkaasi mar kale masiirkooda gacanta u gelin karayn cadow aan naxayn.
Markii aan akhriye midhkan kale """dadka ay ku wayntahay midnimada Somaliya
waxaan ugu BUSHAARAYNAYA ineysan dhici doonin Somali oo kala go'da Illahay
idinkiis""" waxaan xasuustay maqaal adiga laguu nisbeeye oo af carabi kuqoran
oo aan intan ka soo qatay.
Hadaba markaad asxaabtaada u bushaaraynaysay miyaad ilowday wuxuu Somalida
Madaxweynahaasi ugu bushaareye ee aad adigu ka soo werisay.Anigu ma ihi
faalaye,cilmulqaybkana Ilaahayba og, ee intii awalba idin la socotay oo
qaarkood toobad keeneen mooyaanay wallay kaa tahay cid kale oo aad hunguraysa.
Nabad galyo