SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

December 16, 2003

 JIDKII LAGU GAARI LAHAA XAL WAARA: WAA KAA , UGU DAMBEYNTII"

Awes S.Cusmaan
awesosman@hotmail.com
thenewsomaliagroup@hotmail.com 

Waxaan isku dayayaa inaan mucjisad sameeyo oo aan soo bandhigo jidkii lagu gaari lahaa xalka  mushkiladda  siyaasadeed  ee somaliya oo muruq iyo madfac wax ka tari waayey.

Talaabta ugu horeysa ee xal u helidda  mushkiladda somaliyeeed ee dheeraatay waxay tahay in marka hore loo aqoonsado  dagaalada sokeeye ee dalka ka dhacay ka dib markii waddanka laga saaray xukuumadda rajiimkii hore iney yihiin barakac siyaaadeed ee caan ku ah waddamada ay ka taliyaan diktaatooro xukun ku raagga laakiinse qaabka afgambiga u dhacay iyo isdilka waaliga ah baa noqday mid xannuun badan hase yeeshee dilaaga iyo ladiluhuba  waxey ka mid yihiin natiijooyinka dawalad la'aan ku yimaada  taasi mecnaheedy waxay tahay  barakaca somaliya ka dhacay inaaney aheyn cajaaib cirka ka soo degatay ee waa dhibaatooyin siyaasadeed  hore  dunida uga dhacay  una baahan  xal siyaasadeed fudud.

Waxa mar walba wanaagsan in marka la xalinayo dhibaato aan lagu dabaqin qawaaniinta caamka ah ee loo fiiriyo  xaaladaha ay ku sugan tahay  iyo daruufuaha xukuma dhibtaa.  Marka aan u soo kacno  mushkiladda somaliya waa inaan ka eegno xididada  dhibaatada ka soo unkatay  kadibna farta ku fiiqno qeybaha muhiimka ah ee ka dhigaya mushkiladda  somaliaya mid ka duwan dhibaatooyinka dunida ka dhaca .

Haddii aan ku dabaqno mushkildda siyaasadeed ee waddankeena  baaritaan , waxaan arkeynaa in loo baahan yahay  in la qaado talaabooyinkan degdegga ah :

1) Waa in xaaladda  uu waddanka ku sugan yahay ilaa iyo maanta dhinaca awoodda siyaasadeed  ee koox walba loo daayo  sideeda ( ilaa iyo inta xukuumad cusub eek u meel gaar ah ka meel marin doonto  siyaasadda awood qeybsiga ee cusub)

2) In baaritaan dheer lagu sameeyo faaiidooyinka iyo khasaaraha ka soo gaara kooxaha somaliyeed ee siyaasadda  isku hirtinaya xaaladda waddanka maanta ku sugan  yahay  iyo marka dawlad loo dhan yahay la dhiso.

3) In baaritaan weyn lagu sameeyo sababaha  iyo ilaha ay ka imaaneyso cabsida siyaasadeed ee ku jirta koox walba  iyo sidii loo siin lahaa damaanaad ay qoriga ku tuuraan

Haddii aan unimaad is hor fadhiga siyaasadeed ee aan 14 sanno ku raagnay iyo sida qodobada aan kor ku soo sheegnay loogu adeegsan karo   in xal lagu keeno waa sidan:

• Asbaabaha ugu waaweyn ee dawlad la'aanta iyo khalalaasaha muddada  dheer na heysta waa laba midood :

a) xumaatada nadaamka xukuumadda rajiimkii hore oo sii fogaatay.

b) Iyadoo markii la afgambiyey xukuumaddaa  hore loogu fashilmay in la dhiso xukuumad loo dhan yahay ee cusub , lana adkeeyo aminiga  iyo  xasiloonida.

Sababta kaliftay in labadan qodob ay noo horseedaan baaba'a ayadoo bulshadda somaliyeed ay wada arkayaan waa mujtamaca somaliyeed oo  aan helin tacliinta aasaasiga ah iyo ilbaxnimo  fahamsiin karta  farqiqa u dhexeeya  xukuumad waqti gaaban jireysa iyo waddan joogto ah . Waa xaqiiqa caan ku ah waddan walba oo uu madax ka yahay  diktaatoor  danaha rajiimkiisa lid ku noqda danaha bulshad weynta uu xukumayo.

Horumarka dhinaca tacliinta oo  bulshaddu gaartaa waxaa loo arkaa  talaabo  ku wajahan faragelinta awoodda iyo nadaamka rajiimka .

Waa fikrad siyaasadeed  qaldan dib u dhigtay waddamo badan . isla fikraddan baa keentay in ay boqoro ka gaabiyaan dhisidda ciiddan adag oo horumarsan , ayagoo u baqaya kursiga xukunka ( ciidan xoog leh waa ku soo jeesan karaa boqortooyada).

Sababahaa raqiiska ah baa noo horseeday in  jiil dhan oo mujtamaca somalida 1973 – 2003 ay seegaan tacliin aasaasi ah iyo xadaaradda lagu gaari karo nolol horumarsan.

Xaqiiqada siyaasadeed ee kale ee  naga muteysan dadaal xoog leh inaan xsaabta ku darno waa dakhliga dhaqaale ee waqti gaaban ku soo galaya hogaamiye kooxeedyada guud ahaan iyo xukuumadda ku meelgaarka ah  gaarahaan.  dakhligaa oo ilo dhaqaale  joogta ah noqday waxaa la amminay in  dhismaha xukuumad loo dhanyahay xirayo ilahaa oo dhan.

Rajiimka kooxaha iyo xukuumad ku meel gaarka ah  waa iney  garwaaqsadaan in faaidada kaga imaaneysa marka la dhiso xukuumad loo dhan yahay ay kaga badan tahay  dakhliga ka soo galaya aagaga ay ka taliyaan  - faaiido qaran  oo kaafisa in madaxweynaha , qaraabadiisa, qabiilkiisa , asxaabtiisa iyo dhamaan ummadda somaaliyeed ay helaan  waxbarsaho wanaagsan, daryeel caafimaad , amni adag , shaqooyin wanaagsan  halka maanta uu helayo  faaiido ku siman inuu si qarsoodi ah  uu jeebka u buuxsado lacag aan xalaal aheyn .

Waxaa kale oo meesha yaala cabsida siyaasadeed ee heysata kooxaha somaliya ka jira taasoo ah in haddii hal koox ay u soo baxdo awooda waddanka ka talisa iney dib u celineyso wacyiga siyaasaddaeed ee lagu jiro oo ay soo celin doonto tii hore ee ay kooxaha intooda kale ku noqonayaan xaaladdii hore ee mucaaradnimada , dhufeysna ay ka soo galayaan dhulalka deriska la ah somaliya.

Xalka arrintan ineysan marnaba dhicin waa iyadoo la abuuro siyaasad awood qeybsi ay cidina  heleynin awood buuxda oo ay ku xayuubiso xuquuqda dadka kale .

xalkaana wuxuu nagu qasbayaa in gobol ama laba waliba uu yeesho xukun hoosaad u gaar ah lehna ciidan booliis , nadaam xukun u gaar ah ariimhihiisa gudaha , sportiga iwm halka barnaamijyada aasaasiga u ah qaranka sida lacagta , ciidanka xoogga dalka , siyaasadda arrimaha dibedda iyo madaxtooyada ay u dhexeyn doonaan qaranka guud.

Tani waxey difaaceysaa gobolada haddii madaxweynaha iyo rajiimkiisa ay la soo baxaan xukun mirqaan  uuna yeesho qabiileysi . Qaabka hab dhismeedka xukuumadda Isutagga Imaaraatka Carabta waa mid lagu daydo..

Halka dhismaha xukuumad mideysan dunida inteeda kale u baahan tahay in si degdeg ah hubka looga dhigo kooxaha hubeysan  oo dhan , somaliya waxaa ku haboon nadaam ka geddisan kaa  . dawladda ku meel gaarka ah baa waxey la shaqeyneysaa xukuumad hoosaadyada gobolada si ay y habeyso maleeshiyooyinka ka dhisan aagagaa , la tababaro , laga saaro kuwa akhlaaqda daran, kuwo cusub lagu daro , loo qoro boolis asluub leh.

Waxaan mareynaa marxaladda ugu xun ee taariikhda somaliya , waxaana imtixaan ugu jirnaa waayaha iyo nolosha marka waa inaan muujinaa adkeysi iyo samir xoog leh. Waa inaan u sabarnaaa urta iyo qoyaanka wasakhda leh ee ka soo butaaceysa qawaaniinta  aan u isticmaaleyno si aan isbedel uga keeno  wadciga somaliya . Dhibta ugu weyn ee maanta na heysataa ma aha keliya dawlad la'aan iyo amni xumo ee waa in indheergarad somaliyeed kasta uu gacmaha kor u taagay , is dhiibay kana deeyriyey  inuu xal keeno markaa uu sugayo in isbedel ay keenaan qaar kale oo somaliyeed . qaarkan kale ee indheergaratada  weligeed ma imaaneyso waayo ayagana waxey ka sugayaan isbedel  qaar kaloo somaliyeeed ee aan la aqoon. Waxaan ka codsanayaa indheergaradka somaliyeeed meel walboo uu joogo inaan is gacan qabano si aan uga shaqeyno sidii loo dhisi lahaa dawlad somaliyeeed leh nadaam  cadaalad ah oo ka jawaabaysa mushkilad iyo suaal kastoo imaan karta , kana qosol siin doonta beel kasta iyo shakshsi kastoo somaliyeed.

Wixii tegey teg. Halka dad badani Markey arkaan wax cusub is weydiiyaan side ku dhacday . aniga waxaan arkaa RIYO, waxaana is weydiinayaa maxey run u noqon weyday .

Aan wada shaqeyno  si aan mar dhaw u nafasno , uguna dhawaaqno : WAA KAA , UGU DAMBEYNTII"

Awes S.Cusmaan
awesosman@hotmail.com
thenewsomaliagroup@hotmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com Dec 16, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD