SomaliTalk DALSAN
Home | MAQAALO | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 WARCELINADII IYO MIRIHII KA DHASHAY QORMADAYDII “CARUURTA QAAWAN IYO INTERNETKA”

Jabarti M. Aw-Osman
Jabarti2020@hotmail.com
KAAH

Waa marka koowaada waxaa mahad aan la koobi Karin oo markasta joogta mudan Allah, marka xigana waxaan u mahadinayaa dhamaan maamulayaasha qolalkii internetka ee Soomaaliyeeed gaar ahaana intii soo bandhigtay oraahdaydii, sida :Puntlandpost, Mudugonline, iyo Somalitalk. Waxaan kaloo mahad iyo taageeraba halkaan ugu soo gudbinayaa laba qol ee aan maqaalkayga gudihiisa ku magacaabay eek ala ah Dayniile.com iyo Somaliatalk.com oo muujiyay in lala talinkaro, figrad loo soo jeedin karo iyo weliba inay talaabo dakhso leh ka qaadayaan wixii talo suuban oo walaalahooda Soomaaliyeed u soo jeediyaan.

Waxay muujiyeen geesinimo, waxaanse leeyahay caruurta oo cowradooda la asturo ma hor istaagi doonto in Jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dibaduhu joogiyaan taageeradoodii Islaanimo, Insaanimo iyo Soomaalinimo ee ay u fidin jireen caruuraha u baahan taageerada dhaqaale iyo dawaynta dibadeedba intaba. Anigoo ka kow ah waxaan diyaar u ahay qofkasta yar iyo wayn oo duruufi hayso inaan taageero gaar ahaan maatada Soomaaliyeed sida caruurta, hooyooyinka iyo waayeelka intaba.

Hadaan dib u yare jaleeco maqaalkaygii iyo warcelinada aan ka helay dad aad u fara badan oo ka mid ah walaalaha Soomaaliyeed waxaan leeyahay waad ku mahadsantihiin warcelintiina iyo talooyinkiinaba.

Talooyinka aan helay waxaa ka mid ahaa:

1-Inaan joojiyo hanjabaada aan u soo jeediyay laba qol ee magacooda aan kor ku xusan, waan qaatay umase jeedin handadaad ee waxaan u jeeday qofku hadii uu walaalow walaalow iyo waano fiican wax ku qaato khayr oo taasi waan sidaan rabay, hadiise taasi dhici waydo waxaan istusay mida lagama fursaanta noqon karta oo ahay in sharciga la maro , maxaa yeelay caruur qaawan in lagu soo bandhigo internetka waa xaaraam sida sharciga uu dhigayo, walow niyadu haba fiicnaato oo taageero iyo gargaar haba loola jeedee. (si aan hagrasho lahayn ayaanan u qaatay taladiina, waanad ku mahadsantihiin).

2- Dad ka qaar ayaa ii soo diray fariimo ay leeyihiin intaad ka hadlaysid caruurta tabaalaysan maad ka hadashid kuwa dibaatada dowlad la’aanta , dagaalada , dilmada maatada, dawo iyo cisbitaal la’aanta dhigay dalkeenii.

Taasi waa figrad fiican hadii aad arki jirteena waan ka hadli jiray oo maaqaalo badan ayaan ku soo bandhigay qolalka kala duwan ee internet-ka, waxaanse ku dari lahaa, carabtu inay tiraahdo (kuli majaal lahaa maqaal) gaabkastaa waxay leedahay hadal mudan marka qormadaydu waxay ku wajahnayd aragtidaydii ku saabsanayd caruurta iyo cawradooda oo internetka lagu soo bandhigo.

Si kastaba ha ahaatee, dhaaman cidii akhriday, fulisay ama talo ka soo dhiibatay maqaalkaygii waan ugu mahadin soomaaliduna waxay tiraahdaa (dadkuna afkay isku gartaan xooluhuna urta) marka inaynu war fiican iswaydaarsano waa lama huraan oo wanaaga iyo wadajirkeena ayaaba ku jira.

Nabadgelyo iyo Nooli kulante dhamaan

Jabarti M. Aw-Osman
Jabarti2020@hotmail.com

CARRUURTA QAAWAN IYO INTERNETKA... GUJI

Afeef: Aragtida Qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 15, 2003


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
  

. FOGAANTA U DHEXAYSA MAGAALOOYINKA SOOMAALIYA....

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah
Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..
Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji
London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji
XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI
BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987
wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD