Dec 15, 2003
SOOYAALKII TAARIIKHEED EE SOMALILAND .pilot
Cali
diiriye nuur pilot:::::::london
liibaan33@hotmail.com
Bal marka hore waaa hagaaaag, Umadaan dhibaatadda haysataa waxaay soo
taxnayd muddo dheer,Iyadoo ku hamiyeysay in ay kagga baxdo gobanimadii
lixdankii ay qadatay. Nasiib daro se, Waa la hanan kari waayey, Waxaayna ku
luntay lix maalmood guduhood, Dhibtii umadane waa ka sii kordhaysay halkii
hore. Jamhuuriyaddii soomaliyeed sagaalkeedii sanadood ee ugu horeeysay
maamulkii rayidka ahaa waxaa astaan uu ahaa maamul-xumo, Cadaalad
daro,eex,Musuqmaasuq iyo doorashooyin la baabi,iyey, Waxaana laga dhaxlay
xukunkii macagaga ahaa ee malitari ee ka talinayey dalkii 21ka sanadood una
hogaaminayay alla ha uu naxariisteee siyaad bare, Waxuuna taliskaasi gaar
ahaan geyeysiiyey umadda reer somaliland xasuuq issir raac ah(ethnic-cleansing):
Bur-burin hantidii umadda, Kufsi iyo xadhig iyo argagax. Waxuuna u kale
qaxiyey afarta beyna-jaho ee caalamka.Waxuuna baabi,iyey magaalooyinkii
waaweynaa iyo tuulooyinba, Waxuuna ku milmay hantidii umaddu lahayd mood iyo
noolba miyi iyo magaalaba, Waxaa iyana mustaqbalkoodii qabri madoow lugu
riday facyaal idil oo soo kacayey.Umada reer somaliland waxaay ka dhiidhisay
afadaas ku habsatay waxaana ka dhashay halgankii xaqa ahaa ee SNM,1981kii,
Halgankaas waxaa ku baxay nafo badan oo khaali ah, Waxuuna ka tagay naafo
iyo dhaawac aan la koobi karin rajo iyo agoonba.
Aqristoow waxaa mahad ilaah ah in umadaan oo SNM hogaaminayso ku
guuleysatay in ay dalkii(somaliland)Gacanta ku dhigto isla markiibane
nabadeyso beelihii la kale irdheeyey, Iyagoo isku duubanna la soo noqdeen
qaranimadoodii aynna ku dhisteen burco 18 may,1991kii dowladii 2aad ee
hamhuuriyadda somaliland, Waxaa iyana halkaasi lugu sharciyeeyey luguna
aqoonsaday ururkii xoriyadda dhaliyey ee SNM iyo dooorka iyo xaquuqda uu ku
leeyahay jamhuuriyadda somaliland.
Waxaay somaliland iminka xor ahayd 13 sanadood waxaanna soo maray laba
maamul oo ay kale hogaaminayeen alla ha uu wada naxariistee Cabdiraxmaan
tuur iyo iyo ibraahim cigaal Waxaa labada maamulba ka dilaacay dagaalo
sokeeye oo hakiyey geedi.socodkii qaranimadda,Dhaawac badane uu geystay
midnimadii iyo hurumarkii umadda, Hase ahaatee waxaa lagaga soo kabtay
dedaalkii nabad raadinta bulsho-weynta somaliland iyo xubnaha ururka SNM oo
dadaal muujiyey
Waxaa dalka ka abuurmay intii ka danbeysay shirweynahii boorama ee 1993
nidaam uu san-saan eg
kii siyaad bare oo isku cunaduubay hay,adihii dastuuriga ahaa ee qaranka
ee sharci dajinta, Garsoorka iyo maamulka, Waxaa si gabasho lahayn looga
tilaabsaday Axdi-qarameedkii, Waxaana layska indha tiray dastuurka iyo
sharuucda kale ee dalka, Waxaan jirin aragti siyasadeed oo qeexan,Mid gudeed
iyo dibadeed toona, Waxaa laga soo qaaday sadonkii sanadood ee ugu danbeysay
ee tariikhdii khalafsanayd ee la soo maray waxaan dhicin, Sidii wax laga soo
toosay hurdo, oo anay dhicin waxii soo maray dadkaan ee uu ka midka ahaa
halgankii hubeysnaa ee SNM, Taasina waxaa laga dhaxlay siyaasad dhalanteed
ah oo aan salka ku hayn xaqiiqadda taal somaliland iyo daruufaha ku xeeran.
Waxaayna keentay gebi-dhaclayn naanays ku noqota dadka iyo dalka somaliland
beelihii kale irdheysa,Diris wanaaga dhawacda, Aqoonsigii loo
hanqal-tagayeyna fogeysa.
Aqristoow waxaa la cabudhiyey dimoqraadiyadii umadanni uu soo halgantay
ee SNM ku soo ababisay dadkeeda, Waxaa dib loo soo nooleyey siyaasadii ku
dhisnayd qaybi oo xukun, Iyadoo laga takoorayo golayaasha xubnihii xaqa uu
lahaa hadii loo aaneeyo in ay mucaarad yahiin, Waxaay taasi wiiqday
midnimaddi beelaha reer somaliland, Calool xumana waxaay ku beertay madax
dhaqameedyadii Dadka badankooda kalsoonidii dadweynahana way dhawacday.
Waxaay umadani ku xad gudubtay xaquuqal insaankii xoriyatul-qowlkii iyo
xaquuqdii kale eee muwaadinka. Waxaa lagu kacay iska xir-xir (arbitrary
arrset), Iyadoo loo adeegsanayo hay,adahii cadaadiska sidda NSS-Tii la
xaraantinimeeyey, Loona cuskanayo xeerka sharci daradda ee deg-dega
(emergency law) ee gudiga nabad galyadda. Waxaayba arintu mareysaa ururkii
dalkaan xoreeyey ee SNM, Ma Shiri karo.
Aqristoow haatan iyo intii xukumadii cigaal jirtay siyaasada arimaha
dibadu waa mid aanba jirinba iyo mar ay jaho wareersanayd, Waxaa intaas
dheer dadaal la,aan iyo aqoon la,aan ka muuqanaysay hergilinta siyaasada
dibadda ee somaliland waxaa cawda loo gooyey jaaliyadihii somaliland ee
dibadaha, Waxaana si ula kac ah looga faaiideysan waayey xafiisyadii SNM ee
dibadaha oo badankoodii isu badalay ergooyin (missions) somaliland ee
dalalka ay joogeen, Siyaasadaas oo mudadii halganka lugu jiray abuuray
xiriiro badan kasbadayna kalsoonidii dowladahii ay la shaqeynayeen, Waxaayna
taasi keentay isku xirnaantii siyaasada dibadda iyo joogteyn la,aantedaba
(continuity & consistency of foreign policy) sidaa darteed waxaay xukumadda
garan weysay mudo dheer meel ay ula dhaqaaqdo siyaasadii dibadda iyo meel ay
kaga bilowdo xiriirkii diblomaasiyadeedba la yaabna ma laha in aan ilaa
maanta la hayn aqoonsi,Gargaar dhaqaale iyo cid beesha caalamka ah oo la
saaxib ah dalkaan yar. Dowladda somaliland waxaay aad isugu mashquulisay
arinta midnimadda soomaliyeed halkii ay dagaal uu gali lahayd hurumarinta
danaha somaliland ee aqoonsigu kow ka yahay waxaana iminka xukumadda riyaale
xadhko lagaga hayaa ka qeyb galka shirka kenya ee loogu ololaynayo
midnimadda somaliyeed, Hayadaha caalimiga ah(UN Agencies and NGO,s) iyagana
lagama faaiideysan, Halkii danta guud loogu adeegsan lahaa waxaa xubnaha
xukumadani door bideen in ay fushadaan dano soke oo gaar ahaaneed. Waxaa
kale oo dowladu abuurtay kooxa daneed oo ku qadhaabta somafalka, Arimahaaas
iyo hab-dhaqanadda foosha xun ee dowladu waxaay lumisay haybadii somaliland
ku lahayd beesha caalamka ee mucaawinooyinka bixisa. Waxaase ka sii daran
taas in aanu dowladu weli fahmin in ay hay,adaha caalamiga ah yahiin
danjirayaasha dalalkooda ayna waajib tahay in si mas,uulnimo ah iyo qadrin
leh loola dhaqmo loogalana xisaabtammo barnaamijyadooda iyo wax qabadkoodaba..
Xukumadanni jaangooyo iyo siyaasad dhaqaale oo aanay lahayn ka sokoow
waxaay xalaalaysatay ku takri falka hantidda yar ee umadan, Waxaayna
jideysatay in aan cid xil uu haysa la xisaabin, Waxaa iyana la curyaamiyey
hay,adahii ku shaqadda lahaa dhaqaalaha sida hantidhowrka iyo xisaabiyaha
guud, Baankiina waxaa loo isticmaalay sidda qasnad gaar ah oo qof leeyahay.
Waxaay taasi umadani uu horseeday sicir barar,Maciishada oo adkaata,Shaqo
la,aan,Musuqmaasuq aan xad lahayn,Dhaqan xummo iyo dhaqaalaha oo guud ahaaan
burbura. Ma muuqato mustaqbalka dhow si fudud oo loogu kaban karayaa,
Dowladuna maanka kuma hayso mana hayso barnaamij lagaga bixi karro.
Halkii wax soo saarka lagaga dhiirin lahaa dadka reer somaliland loona
sameyn lahaa wixii dhiirin lahaa Waxaaa dowladu uu hanqal tagtaaa helidaa
mucaawinoo aan barnaamij lahayn oo iska noqota wax jeebka lugu shubto. Ma
jirto siyaasad ganacsi oo qeexan, Waxaanna isku dhex daadsan heerarka
ganacsi min soo dejin/dhoofin, Ilaa tafaariiqda, Taaas oo jahowareerisay
ganacsatadii iyo dadweynahii wax iibsanayayba. Tiaradda xukumadda xad
dhaafka ah ee aan ku salaysneen qaab dhismeed cayiman, Waa mid hunug
dhaqaale ku haya dalka abuurayna siyaasadda murugsan ee dowladda. Waxaaay
somaliland ku faantaaa nabad galyadda maxayse tahay faankaa badan sidaan la
socono bartamaha magaalada hargeyso waxaa lugu toogtay taliyahii ciidanka
boliska qeybta taraafikadda. Taasi ayaa ka marqaati ah ina aanay haba
yaraatee siyaasada somaliland ay qasan tahay, Waxaayna ku guul dareysatay
dowladda iney maamulka gaarsiiyaan gobolo iyo degmooyin badan, Waxaayba
arinta mareysaa in gobolada bariga anay gacanta ugu jirin dowladda, Sida aan
la socono goboladda bariga waxaay hoos tagaan degaanka buntaland iyadoo
xagga siyaasada meel xun ay haatanba mareyso ayaan waxaan dhamaanteenba wada
eegi doonaa meesha ay cagga dhigato siyaasad qalafsan ee reer somaliland,
Aqriste maanta qoraalkii intaas ha inoo joogo waana inoo mar kale ee
dhamaantiinba waxaann idin leeyahay nabadiino iyo noolikulante dhamaanteen..
Qore Suxufiga caanka ah
Cali diiriye nuur pilot
London
liibaan33@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 15, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan