SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dec 13, 2003

NIN AAN KUU HIILIN DOONIN YAANU KU HODIN!

 DAAHIR MOHAMED GUULEED
 daadir66@hotmail.com

Waxaa mahad balaaran iga mudan inaan halkaan uga soo tabiyo usradda ama bahda somalitalk.com ee sida qiimaha leh shacabka soomaaliyeed uga haqabtiro wararka, waraysiyada & guud ahaan soo bandhigista maqaalada ku qoran afkeena hooyo ama qadaadba . mar labaad waa ku mahadsantihiin,

Marka hore waxaan allah kaga mahadinyaa dhamaan nicmooyinka faraha badan ee uu inagu galadaysatay waxaan kaloo allah uu ku mahadsanyahay inuusan inaga yeelin sida xooolaha oo kale ama xayawaanka uuna na siiyay garasho dheer ah ee ka duwan khalaaida kale ee dhan, allah wayne waxa uu yiri: Waan karaamaynay bani, aadamka waxaana ku xambaaray barriga & badda waxaana ka hormarinaya ama ka fadilay kuwo kale ee khaaliqdeena aan abuuray ah ,

Intaa haddii aan ka gudbo waxaan u soo dhaadhacayaa maqaalkayga aan ku magacaabay NIN AAN KUU HIILIN DOONIN YAANU KU HODIN waxaan marka hore ku bilaabayaa xadiiskii quduskga ahaa ee allah uu ku yiri : Waxa aan iska xaaraantimeeyay inaan adoomayda dulmo ee adinkuna ha is dulmina ,

Waxaana ugu jeedaa in maalamaha aad maqalaysid in dadka degan gobolada waqooyi aan si kale u iraahdee maamulka iskii isu magacaabay & taageerayaashiisu inay hanjabaad cidlo ah & warwareeg ay ku hayaa shacuubta ku teedsan degaamadooda waxaan leeyahay nin ku furi doona yaanu ku guursan nin kaa carari doono yaanu dagaal ku galin , nin aan kuu hiilin doonin yaanu ku hodin ,'

Maalamahan walow fursad badan aan u helin fariisiga muraayadan qoraalka horteeda haddana waxaan la socdaa in xaaladu meel xun marayso oo maamulka isku magacaabay waqooyi galbeed uu ka soo buriayay dadkii soomaaliyed ee reer koonfureedka ahaa ee ganacsiga ku haysta magaalooyinka ay degaan dadkaan qabiilku uu madax maray ee dega HARAGAYSA & BURCO waxaa dadkii laga soo raafay ay u badnaayeen dad waayeel ah caruur & haween sida aan ka warqabno waxaana baabuurtii ay saaraayen kula qalibmeen meel xoogay u jirta magaalada GAROWE ,

Waxaa wax lala yaabo ah ninka xabashiga ah ee Maqale ka soo haajiray inuu siduu doono ugu noolaado maamulka QUDHMISKA ah ee ka jira hargaysa uuna ku noolaan waayo kan soomaaliga ee ka yimaada koonfurta soomaaliya, bariga soomaaliya ama galbeedka soomaaliya waxaas wax aan soomaalida dhaqankeeda ku cusub noqotay in markii shanaad dad safar ah ee ka yimid gobolka galbeekda soomaaliya " OGADENIA" loo dhiibo xabashida ay halganka kaga soo horjeedaa shacabka mujaahidka ah ee ogaadeenya taas oo naxariis darro ah aargoosina u ah kuwa gaalada ah ee shacabka soomaalida ogaadeenya ,

Waxaa maamulka qudhmis ee ka jira magaalada hargaysa uu aqoonsi caalami ah kaga raadinayaa inuu xirxir shacabka soomaaliyeed ee qaar safarka yahay gaar ganacsadayaasha si markaa loo xalaalaysto xoolahooda loona dhaco maalkooda & muruqooda waxaa loogu marmarsanayaa maatidaa sidii ari xaraas ah baabuurta laga buuxinaayo waxay dileen dad ajanabi ah ee marti noo ahaa maamul ahaaneeta taas oo aan wax ka jiraa jirin oo ah been sal & raad toona lahayn qorsha dilka waxaa fuliyay sirdoonka INA RIYAALE KAAHIN madaxa maqaarsaarka ah ee lagu danaysto kana soo jeeda beelaha midnimada soomaaliya taageeray ee reer AWDAL waxaanan leenahay afhayeen uma noqon karo beesha uu ka dhashay ee reer BOORAMA ,waxaana ka go,an dadka reer awdal walina yihiin qayb ka mid ah jamhuuriyada xalaasha ah ee"THE REPUBLIC OF SOMALIA "

Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood Asad
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

 Waxaan arkaynaa sida deenteenu u diiday dulmiga & noocaydiisa kala duwan waxaan aragnaa maamulka iskii isu magacaabay oo aad moodo inuu maalmahaan guuxiisa ka dheeraynayo ka dib markii magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool ee jamhuuriayada soomaaliya laga xusay jabkii loo gaystay madax maqaarsaarka ah ee magaalada HARGAYSA ninka lagu magacaabo RIYAALE KAAHIN oo ahaan jiray nin askari soomaaliyeed ah kana mid ahaa raggii lagu laayay reer waqooyiga uu hadda horkacayo walow awrka lagu kacsanyo waxaan xooga looga saaray isga kuwii qudhmista ahaa ee waardiya ahaa isgoo laga laayay xayn ka mid ah dulmiilayaashii la socday ee gardarada cad ugu yimid shacabka reer laascaanood ee geeiyada ah , ha layaabin reer laascaanood waxa ay ahaayeen ansaartii SAYID MOHAMED ABDILE HASSAN ingriis ka xoreeyay dalka kan aan nabada ku daaqayno ,

Kadib markii laga cayrsahay magaalada laascaanood oo ninkii isaga ka horeeyayba uusan waligii ku seexan weerar magaalada maadama nin caaqil uu ahaa aqoona u lahaa waxa uu ina cigaal go,aansaday inuusan booqasho & degaal ku aadan laascaanood , ceerigaabo ,badhan , boohoodle & laasqoray maadamo dhulkaas aysan khariirad wadaagin dhaqan IWM waxaan wax lala yaabo ahayn in aad arkaysid sida uu ugu dhiiran yahay RIYAALE inuu aado degaan uusan lahayn illeen dadkiisii kuma gubanayaa warhooy dadkano NIN AAN KUU HIILIN DOONI YAANU KU HODIN markii magaalada laascaanood xabadda lala dhacay WAARDIYAYAASHIISII lana laayay qaarkood waxaa meeshaa ku dhamaaday waa waardiayashii beelaha bariga burco dega ee heshiis hore kula jiray beelaha sool taas oo markii dambe ay ku soo cawdeen waxaan doonayanaa inaan hagaajino xariirkii uu ku dheelay ninmaan degaankaan u dhalan balse arima siyaasdadeda laga leeyahay,

Waxaan u soo bandhigayaa dadka ku abtirsada qabiilka ISAAQ ma doonayno haddii la idin yiraahdo ma degaan aadan lahayn ayaa la sheegtaa BOORAMA ma lihid LAASCAANOOD ma lihid CEERIGAABO ma gaydid, BUUHOODLE ma lihid AWAARE ma lihid war dadka soomaaliyeed dhamaantooda khaladkii waa arakaan markaa gaalada horsocotaan ilaa ingiriiskii - ilaa maanta oo lagu jiro qarnigii 21 ayaad horsocotaan oo aad basaasin u tihiin axmaaro , isreal & maraykanka ,dadka aan qiimaha farabadan la siinin waxaa ka mid ah kuwo shaaha caleenta ka dhuuqi jiray ee qaarkood ku noolyihiin KARACHI pakistan oo aad moodo in uu dagaal u xaydxaydanyahay isaga oo aranaa ama tirinaayo inta awooda ah ee qabiilkiisu leeyihiin waxaan ku leenahay armaad carartaa marka ragga aad isku dirayso oo aad u soo birman waydaa waxaaan kaa la mid ah INA WARAABAHA jooga FINNLAND oo aad mood in uu jecelyahay dagaal waxaan ku leenahay nin adiga kaagama daba xumo waayo waxaa dhinac walba kaa xiga kuwii kuu qabayn jiray tan & Ahmed_guray sayid mohamed abdile hassan oo ahaa mujaahidkii waynaa ee awowyadaa & gaaaladii ay gadhwadeenka u ahaayeen ka xoreeyay dalka soomaaliya ama guud ahaa THE HORN OF AFRICA Waxa uuna ahaa sayidku nin ku dayasho fiican dadyawga soo kacaya & kuwa jooga .

Haddaba waxaan ku soo gabagabynayaa waxaa jira dadka gobolka waqooyiga soomaaliya dad degan oo dhanka wanaagsan wax ka eega marka laga reebo inta dhanka xun wax ka eegta ee ay horkacayaa kuwa maangaabka ah ee uu ka mid yahay INA WARAABE & DIREDHABO oo labadoodu inay wax soo qoraan mooyeen hiil & hoo aan laga suagayn marka aad dhiirigalin ku samaysaa qabiilkina waxaa jira kuwo adinka horeeya ee dhanka wanaagsan wax ka eega ahna caaqiliinta oo marka kasta jooga goobaha shirarka nabadda lagu hayo si kaalinta gobolkooda wax u helaan waan mar kasta oo shir uu dhacaya jooga aqoonyahda reer waqooyiga ganacsatadooda ,

Waxaan ku soo gabagabaynayaa inay jiraan dad gobolka u dhashay ee leh culumi & caamo, oo ku dagalamaya soo celintii midnimadii somaliweyn , karamada gobolada reer waqooyi ka dib markii ay gacanta gashay kuwo danaysatayaal ah ee aan matalin shacabka waqooyi oo burcad ah una adeega danaha amxaaro qudhun leey waxaad moodaa in maamulkaan dhiig miiradka ah ee xishood darida la liicaya in uu dakano abuur yahay la soco ficil walba oo xun waxa uu leeyahay mid la mid ah ee lagu abaal mariyo markaad wax disho, waa sidaa oo kale markaad wax dhacda , sidoo kale markaad degaan aadan lahayn ku soo duushu sidaa oo kale ayaa lagugu abaal marinaya :

Gabagabdii maqaalkayga waxaan ugu baaqayaa indheer garadka reer waqooyi inay ka fiirsadaan ficiladda xun xun ee uu ku kacayo maamulka maqaar saarka ah ee ku tagay fidmawadihii waynaa CIGAAL kaas oo noqday KUD ka guur QANJE se u guur waayo ina RIYAAL dan kama laha haddii la is dilo oo dagaal la bilaabo waayo waayo waxa uu isagau aaminsahaya inuusan DHIBANE noqondoonin ee uu yahay qabiilka markaa dhabarka ka taabta illeen nin madax banaan ma ahee waxaan ku leeyahay caaqiliinta reer waqooyiga yaaney dhagaysan nin aan hiil & hoo galin sida kuwa INA WARAABE & DIRIDHBABO waxaan wax lala yaabo ahayn ina waraabe oo hadaladiisu is lahayn kalana jeedaa marka kasta taas waxa ay ku tusinyasaa caqli yaradiisa waxa uu yiri DEE HADDII WAOOYI XUMAADO CARUURTAYDA AYAAN U XIIRANYYAA CAYRAT FINNLAND WAAN QAADANAYAA marka ninkaas kuu hiilan maayo uusan dagaal ku galin RIYAAL kuu hiilin maayo oo waxaa isna laga sheegay in uu yiri QABIILKA ISAAQ DAB AYAAN DHINACYADA KAGA SHIDAYAA SIDA ANIGA OO TAGAYA GOBOLADA LA ISKU HAYSTO EE CAYN & HIGH-LAND ee maamul goboleedka PUNTLAND makraan dabkaa shidana international passport ayaan haystaa waxaana aadaya aduunka kale

MAR LABAAD WAXAAN LEEYAHAY NIN AAN KUU HIILIN DOONIN YAANU KU HODIN

DAAHIR MOHAMED GUULEED
 daadir66@hotmail.com


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2003
 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD