SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dec 13, 2003

 Qiyaadadoon, Qabiildoon, Qalindoon, Quurdoon, Qurundoon VS Qarandoon

Abdallah Moallim Mahamud
Moallem10@hotmail.com

Wejiga shirka miyaa isbedallay ? Ma hogaanki shirka ee martida loo ahaa ayaa tala kale u baxday misa dhicitaanki Danial Arab Moi Madaxweynihi hore ee Dalka Kenya ayaa dowr ka ciyaartay sababna u noqday Dowladda kenya ee cusub oo aqrisato Dowlada Itoobiya qaabka ay dooneysa in shirka dibuheshiisiinta soomalida loo wado in ay meel ka dhac ku noqonayso sharafka martigelinta oo mas’uuliyadiisa ku dhacayso dowladda Kenya oo iyada ay gacanteeda ku dhacdo lacagaha ay dowladaha deeqda bixiyo ku bixiyaan in shirki afar iyo tobanaad ee Soomaliweyn la isugu keenay guul laga gaaro? Misa qaab xumadi loo maamulayay Shirweynaha dibuheshiisiinta ee Soomaalida tan iyo inti uu socday ( iyo is-jiid-jiid aan dhamaan oo u dhexeeyay koxaha soomaalida dhexdooda oo dhinac ah iyo wakiilada shirka ee dowlada kenya iyo Itoobiya oo waagi baryaba inti uu shirka soomalida socday la soo baxayay ajandayaal iyaga isku dhacayo, dhibaatooyin farabadana ku soo kordhiyay khilaafaadki awalba hogamiyayaasha soomalida u dhexeeyay) ayaa deeq bixiyayaasha u cuntami weysay oo iyaga gacan ku leh isbedelka ka muuqanayo qaabka loo sameeyay casumaadi hogaamiyayaasha Soomalida loo fidiyay ee ugu danbaysay kana soo baxdo dowldaha IGAD ee iyaga daadihinayo maareynta shirweynaha Soomaalida? Misa Ku dhawaaqidi ay Dowlda Jabuuti ku dhawaaqday in shirki fashilmay ayaa dowlada Kenya ku baraarujiisay shirka oo fashilmo in ay weji gabax ku tahay dowlad ahaan waa Kenyee? Misa Madax adeega hogaamiyayaasha shirka isaga tegay gacantoodana ay ku jirto asbaaba badan oo keeni karo in aanan shirkaas guul laga gaarin iyaga oo aan goob joog ka ahayn gunaanadkiisa ayaa abuurtay in ay dowlada kenya iyo deeq bixiyaasha ku dhalato in ay dib u lafa guraan amuuraha sidaas darteedna ay qaab cusub la soo baxaan? Misa waxaa iyadana isbedalka socdo dowr ka ciyaartay dowlada Ugaanda oo iyada hadda dhow la wareegtay hogaanka dowladaha IGAD ku abtirsado?.

Markaan u noqono xaqiiqada isku soo duub geddigoodba su’aaladaha kor ku xusun iyo kuwa kalaba waa sababa abuuri karo in uu isbedal ku dhaco qaabka maaraynta iyo hab dhaqanka dowladaha gacanta ku haaya maareynta Shirka dibuheshiisiinta ee somaalida uga socda dalka kenya oo ay ku jiraan deeq bixiyayaasha laakin waxaa isweydiin mudan Soomaaliweyn raja intee la eg ayey ka qabtaa in uu isbedal ku yimaado garashada hogaamiyayaasha Soomaaliyeed oo garto in ay maslaxadooda gaarka ah ka hormariyaan danta dadka iyo tan dalka Soomaaliyeed guud ahaan iyo in aynan Soomaliweyn maanta u laabnayn dhibaato hor leh iyo dibandaabyo u dhexeyso rag isjiid-jiidkooda ku kooban yahay dan shaqsi iyo damac doqoneed oo aan loo meel dayin.

Ma badna rajada laga qabo in guul laga gaaro kulan dhexmaro rag sifahooda yahay Qiyaadadoon, Qalindoon(lacag) ,Qabiildoon aan dan qabiil ku maqnayn, Quurdoon iyo Qurundoon, ma badno rajada laga qabo in ay heshiis iyo balan wada galaan hogamiyayaal caadaystay fulaan haddii uu intaa helo anigana waa in aan helaa in ka badan ama u dhiganto haddii kale balanki waa ka baxay ,ma badno rajada laga qabo wanaag dhinacooda ka yimaado rag caadaystay fulaan haddii uu kooxdaas la saftay anigana kooxda kale dhexdeeda iga fiiri iyagaan beryahan il kaliya wax kuwada aragnaa..

Soomaaliweyn maanta kuma badno cid kalsooni ku qabto hogaamiyayaasha lagu shirinayo gogasha taal Nayrobi Xerada doofaareey(Mbgathi) walow labadi maalmood ee u danabeeyay ay arrimaha Soomaalida ku soo kordheen raja ah in casumaada loo fidiyay hogaamiyayaasha Soomaalida lagu soo daray hogaamiyayaal magacyadooda la xusay laguna yaqaan in ay yihiin Qaran doon oo iyada ah sifaha kaliya ee shaqsiga sito laga filan karo in uu ku dadaalo ,dowr wacanna ka ciyaaro sidi loogu raxman lahaa dadweynaha soomaaliyeed oo ay korkooda caada ka dhigteen in ay isku dilaan koox yar oo dad qalata ah oo aan doonayn in dalka Soomaaliya dowlad caadil ah ka anbaqaado.

Soomaaliweyn waxay maanta ka tala sugaysaa meel walba oo ay joogto wixi ka soo baxo wada hadal u dhexeeyo Qarandoon oo ay ka soo horjaadeen Qiyaadadoon, Qalindoon, Qabiildoon, Quurdoon, Qurundoon oo dhinac ah oo haddana aan iyaga heshiis ku ahayn shey kaliya iyo dowlada badan deris ha ahaandeen meel fogsa ha ka yimaadaan oo iyagana dhinac ah wax walbana ku salaynayo maslaxdooda ,maslaxadoodana aynan wada kaliya ku soo wada aroorin. Taas waxaa shirka u dheer in aynan beesha caalamka waxba ka qaban karin cid alle ciddi sabab u noqoto in uu shirkaas fashil ku dhaamaado ilayn maanta ma jirto wax layiraa beesha caalamka waayo adduunweynaha maanta waxaa u gacan sareeyo dowlada Maraykanka iyadana howlaheeda kama badno xal u helida albaabada naarta ah oo ay mar kaliya isaga wada furtay dalalka Ciraaq iyo Afgaanistaan.

Dhamaadka shirka wuxuu u muuqdaa sidi bil shan iyo toban ah oo ka dhexmuuqato cirka oo aan caad lahayn.Tani waa aragti ku salaysan muuqaalka qaabxumida ay leeyihiin hogaamiyayaasha Soomaalida horboodayo intooda badan ee waxaan ilaaheey ka baryaynaa in uu dalkeena nabad ku soo dabaalo iyo in uu hogaanka gacanta u geliyo hogaamiya caadil ah.

Abdallah Moallim Mahamud

Moallem10@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE MOALLIM


Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2003
 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD