Dec 13, 2003
RAAFKA
SOMALIDA IYO GABAYGA RAAFKA RIYAALE EE S/LAND
A.Dirir
burashadley@hotmail.com
Somalida ayaa waxay dhaqan u laheyd qaxootinimada (Immigration) iyo
magangelydaba ( Assylum) oo ay hadda ku dhaqmaan wadamda horumaray.
Waxaana dhici jirtay qof iyo qoysas wada jira in markii ay reerkooda
gudahiisa ay caadaalad-daro lagula kaco in ay la joogista reerkoodu ay ka
door bidi jireen in ay qaxaan oo ay reer kale ku biireen. Markii ay u tagaan
beeshaas cusubna waxaa lagu soo dhaweyn jiray gacmo furan iyo iyagoo ka mid
noqon jiray beesha ayan magaca ka dhaxeynin oo la mid ah (naturalization).
Taasoo ay marqaati u tahay in qabaa'ilka qaarkood laga dhex helo reero la
leeyahay asalkoodu waa reer kale, waxaa tusaale fiican u ah Ciisaha oo leh
kuwa la yiraahdo waa "Asal" Iyo kuwo kale oo la yiraahdo "Soo Raac" .
Dhinaca kalena, waxaa maganta leyska saari jiray mas'uulyad gaar ah
iyadoo ceeb ma harta ah ahaan jirta in magantaada hoostaada lagala baxo ama
la waxyeeleeyo inta ay kula joogaan inta mar kale ay dhulkoodii kaaga
noqonayaan.
Waxaan xasuustaa markii Siyaad uu ka waday xasuuqa Waqooyiga (S/Land) in
odayaal reer waqooyi ah ay u carareen dhankaas iyo Garoowe. Markiibana,
waxaa ka dab yimid saraakiil laga soo diray Hargeysa oo watay amarka ah in
ay dadkaas nolol ama geeri midkood ay dib ugu soo celiyaan.Odayadii reer
Garoowe waxay si bareer ugu sheegeen in gacan gelinta magantoodu ay ka
horeeyso in iyaga horta laga takhaluso, dabadeedna rajiimkii oo halkaas ay
aheyd meeshii uu xasuuqa dalka uu ka bilaabay waxay dantu ku khasabtay in
iyagoo fara maran ay Garoowe iskaga tagaan si dagaal labaad iyo aag cusub
ugu furmin.
Hadda ka horna Jabuuti waxaa tegay Somaali fanaaniin ah oo islahaa meesha
la idinkama xigo,
wixii ay halkaas kala soo kulmeena waxay ku dhalsay in ay alifaan
riwaayad ay u bixiyeen,
"Hadaadan ilko qorneyn ha ii soo qoslin". Marka Jabuuti oo Somaalida sida
xun waligeedba ula
dhaqmi jirtay oo kuwa Siyaad ka soo cararana gacanta u galin jirtay ayaa
waxaa la garan karaa in ceyrintii Somalida ay la aheyd arrin iska sahlan
inkastoo lagu khasbay in tallaabadaas ay joojiso.
Somaliland oo ku dayaneysa Jabuuti ayaa iyaduna kala saartay Somaalidii
la soo ceyrshay, ka dibna ku dhaqaaqday in ay masaafuriyaan dad ay
yiraahdeen ma aha muwaadiniin?
Maamulka Waqooyiguna ma sheegin cidda ah wadani, maxaa yeelay Somalidu
waxay wada degtaa Itoobiya iyo xataa S/Land oo qolo kaleba daayoo ay Sanaag
ay degaan Majeerteen (Gaheyle) !
Soomana oga maamulkaas in Dr. Gaboose oo ah Qabiilka Dir uu
xisbiyadeeda midkood uu ka ahaa madax ?
Haddaba, sidee bay ku dhacday in dad Dir u dhashay oo la soo musaafuriyey
ay ku dhintaan duleedka Garoowe iyadoo Doktoorka aan tallaabo laga qaadin ?
Mise xaaladda waa mid u eg tii Jabuuti oo la yiri sheegadkeeduna waa
wadani! Waxaa iska cad in Somaalidii ay wax badan ay ka dhuntay oo maanta
keentay in dabadhilifyadii Siyaad ay meel walba hormood ka noqdaan iyagoo
soo xirtay shaarar jabhadnimo.
Waxaase nasiibdarro ah in dad magac- wadaag la ah Allaha u naxariistee
Xaji Faaarax Oomar oo
halheyskiisu ahaa, "Dhulkeyga wax la kala qeybiyo ka yar" in ay maanta ay
diidaan somalilnimadii sida
Eedna oo xumeynta Cigaal dartiis kacaanka u aheyd ilaa Siyaad la rido oo
maanta leh "Somalida muslin-nimo oo keliya ayaa naga dhaxeysa iyo kan kaba
siiba liita ee la yiraahdo Waraabe ee la leeyahay xisbi buu madax ka yahay
oo isaguna sheegay in reer Addis ay xigaalkiisa yihiin.
Waa Yaabe, duulkan , dadka halkeebay ku wadaan!.
Goáankaas foosha xun, waxay dhabtu tahay in Waqooyiga ay u keeni doonto
dhibaato u gaar oo ay dareemi doonaan kolka xoola dhoofinta la furo oo cid
xoolahooda halkaas geyneysa ay jiri doonin iyagoo heysta meel ka dhoofin
jaban oo Itoobiya canshuur ka qaadin oo walibana kafiil lagaaga
baahneyn.Waxaana qosol leh qolo ka mid ahaa Somalidii ku le'etay xeebaha
Talyaaniga, Somalida kale waxba kaga duwaneyn raadsiga magangelyada wadamada
Ferenjiga ah , daadsanna cirifyada Dunida, qaxootigoodii Itoobiya u qaxay
dagaalkii dhexdooda ahaana wali joogo, labo ka mid ah barlamaankoodiina
dhowaan Ingiriiska weeydiistay magangelyo in ay yiraahdaan wax ay illaa
maaanta u baahan yihiin waan mamnuucnay.
Mideeda kale, waxaa si gooni ah nasiib darro uga ah reer waqooyiga in
dadkii sida gaar ah xiriirka ula lahaa Siyaad ay maanta taladiisa ay ka
go'do sida Riyaale iyo wasiiradiisa iyo odoyaashiisaba.
Gunaanadkiina, waxaa wanaagsan in dadku ayan maalin la nool ayan noqon
kana fakiro berii iyo mustaqbalkaba, taas oo inta badan ka badbaadisa qofka
in uu godob uu galo.
Tan maanta taaganna waa mid si gaar loogu heysto reerka intooda badan
kala go'ida jecel inkastoo maamulkaas kooban uu madax ka yahay nin reekaas
aan u dhalan.
Amuurtaan oo dad badan ay ka hadleen ayaa waxaa iigu cad caddaa nin
gabayaa ah oo Hargeysa jooga oo waxii laga oran lahaaba masiibadatana ku soo
qaatay gabaygiisa "Maandhoow Gar daranaa" oo aan halkaan ku leeyahay -
Mahadsanid".
Waa:-
A.Dirir
burashadley@hotmail.com