Waxaan baryahaan danbe soo batay caruuro Soomaaliyeed oo iyagoo qaawan
lagu soo bandhigayo qolalka kala duwan ee Internetka, caruurahaas oo
jaaliyaddaha Soomaaliyeed ee dibadaha ku dhaqan loo waydiinayo taageero
dhaqaale, si xaaladaha caafimaad ee liita ee caruurtaasi wax looga qabto.
Hadaba aniga oo aad u taageersan in dhamaan cidii dhibaataysan ama xanuun/jiro
aad u liidata oo u baahan caafimaad dibadeed loo gargaaro gacan insaanimo,
Muslinimo iyo Soomaalinimoba loogaysto, gaar ahaana caruuraha iyo maatada
Soomaaliyeed meelkasta iyo gobolkasta oo ay ku sugan yihiinba, ayaa hadana
damiirkayga iyo indhahaygu diideen daawashada iyo eegmada caruurtaasi.
Arintaan kor ku xusan oon mudo qalbigaygu ka gilgilanayay oo run ahaantii
ayba ahayn in wakhti hore aan ka hadlo ama maqaal ku muujuyo diidmadayda
ayaa waxaaba maanta soo dadajiyay qormadaydan kadib markii aan arkay gabar
aad u yar oo soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Cawradeeda Qolka la magac
baxay Somalitalk.com taas oo cawradeedii si aad u qalafsan loogu soo
bandhigay halkaasi. Arinkani ma aha markii ugu horaysan een arko waxaanse
oran karnaa wuxuu arinkani gaaray heer aad u fool xun aa mudan in laga hadlo
oo aan indhaha laga qabsan. Qolalka falkaan foosha xun caadaystayna waxaa ka
mid ah Somalitalk iyo Dayniile, oo labadaba laga yaabo in ay isleeyihiin
waxaad samaynaysaan arin bini-Aadanimo iyo Islaanimo laakiin waxay isku
khaldeed laba qodob oo kala ah gaargaar iyo cawrada caruurto oo sidii carwo
lasoo bandhigo.
Sababaha aan u arko in arintaasi tahay mid ka soo horjeeda , diinta,
damiirka iyo dadnimadaba loona baahan yahay in maamulayaasha qolalka
internet-ku ka waantoobaan waxay tahay:
1- Cawrada caruurta oo la soo bandhigayo si (public) ah iyagoo qaawan
oo qof kastaa arki karo oo arin aad u xun, ama aanba haboonayn taasna
ayba noqon karto mid hadii aysan ka waantoobin qolalkaasi aanu ku
dacwayno shariikadaha (host)ga ama ay isticmaalaan si looga xiro
qolalkaasi
2- Sawiradaasi inay damiirka iyo mustaqbalka caruurtaasi meel ka dhac
u tahay, oo barito wiilka ama inanta yare ee maanta gargaarka caafimaad
loo doonayaa barri wuxuu noqon aabe ama hooyo, cawradooda oo la soo
bandhigaana maaha mid qabata.
3- Sawiradaan yaa kafaala qaaday in aysan qolyaha (pedophiles) ama
caruuraha qaawan jecel ama (child ponograph) kuwa ka baayacmushtara
caruurta qaawan inaysan koobi ka samaysanayn kadibna ku soo bandhigayn
qolalkooda.
Soomaalidu waxay tiraahdaa “Geed kasta in gubtaa waa hoostaalaa” sidaa
awgeed caruuraha dhibaatada caafimaad daro hayso gobolkasta iyo dalkasta
oo caalamka dushiiga saaran way ku sugan yihiin una baahan yihiin gargaar,
laakiin qaabka codsi ee aan caruurteena Soomaaliyeed ee dhibaataysan ugu
soo bandhigno qolalka internet ku waa mid khilaafsan dhamaan qaabanka
codsi ama gargaar ee caalamka laga yaqaano, meesha keliya ee caalamka
qofku ku tuugsado oo soo bandhigo dhaawaciisa waa dalka hindiya oo iyaduna
dhamaan dadka damiirka leh uu qalbigoodu diido waydiisashada caynkaas ah,
maxaad moodaa inagoo Muslim ah oo la doonayo inaynu si huwan oo Akhlaaqda
Islaanimo iyo damiirka Soomaalinimo la doonayo inaynu dhowrno oo shay
kasta xadkiisa iyo xaqiisa siino.
Sidaa awgeed caruurteena waynu taagiiri laakiin waa in la dhowro
xaqooda oo la asturo cawradooda.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa in hadii ay qolalka internet-ka ee aan kor
ku xusay ay ka waantoobi waayaan laga qaadi doono talaabo waafaqsan waxa
ay samaynayaan oo ah in Caalamku uusan raali ka ahayn kana noqon doonin
soo bandhigista caruurta qaaqaawan, Hadii islaanimadii iyo Soomaalinimadu
ina celin waydana sharciga u degen shabakadaha internet-ka uu awood u
leeyahay in laga xiri qofkasta oo qolkiisa ku soo bandhiga caruur qaawan
oo cawradoodu dibata taalo.
Waxaan filayaa in dad badan oo Soomaaliyeed jiraan gaar ahaan
Jaaliyadda dibada dalka ku sugan ay jecelyihiin taageero iyo gacan inay ka
gaystaan waxtarka caruurta soomaaliyeed ee tabaalaysan laakiin aysan
jeclaysan qaabka qaawan ee ubadkeena loogu soo bandhigayo internetka.
QORAALKII HORE EE JABARTI....GUJI
Jabarti M. Aw-Osman
Jabarti2020@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Ugu horayn walaal jawaabta waxaan u deyney akhristayaasha, maadaama aan
halkan daabacadeeda gacanta ku hayno ayaanaan rabin in aan jawaabta ku
talax tagno, waxaanse ku xusuusineynaa in ay ku haboonaan lahayd in aad
waqti badan ku bixisid sidii aad uga gilgilan lahayd kuwa sababta u ah in
carruuteenii sidaas u tabaaloobaan, kuwa waddanka ku aasay
sunta loo
malaynayo in ay cuduradan cusub sababta u yihiin. Tan kale walaal
maahmaahdii Soomaaliyeed ha ilaawin ee macneheedu ahaa: "haddii dani
timaado quda qarsi ma jiro". Balse inta aadan dhaaran tab aad
ciyaalkan ugu gargaareysid keen. Qoraalkaagana kuma xusna qorshe ka
fiican ka aad xustay in aan soo bandhinay.
Tan kale waxaan kaaga mahad celineynaa sida dhiiran ee aad qoraalka aad
nagu canaananeyso noogu soo dirtay, waxaana cad kalsooni aad ku qabtid
SomaliTalk.com in aad noogu soo tebisey arin canaan ah adigoo ku kalsoonaa
inaan sida ay tahay kuugu soo daabaci doono, waana kaaga mahad celineynaa
taas. Waana meesha aan k afileyno in ay kasoo bixi doonto Soomaali si xor
ah wax isugu sheegi kara, is dhaliili kara, is canaanan kara, waxa ay isku
canaananayaana uu yahay wax u qabadka bulshada.
GABAR
YAR OO AAN KAADIDA CESHAN KARAYN
Maryan waa gabar 15-bilood jir ah, waxay ku dhalatay ayada oo aan kaadida
ceshan karayn isla markaasna ka jirran xubnaha kaadi mareenka, waxayna u
baahan tahay qalliin iyo kaalmo....
Guji... |
Ugu dambayntana wixii talo iyo nasteexo ah ee kujira qoraalkaaga
waa qaadanay, una fiirso walaal xaqiiqadii intii aanaan helin qoraalkaaga
ayaan cawrada gabada
qarinay
codsi aan ka helay akhristayaasha awgeed, anagoo markii hore ujeedadanadu
ahayd inaan si cad dadka u tusno xaqiiqada rasmiga ah ee gabadhan yar.
Hadda yeynaan xooga ku jeedin jawaab iyo mudac iyo mudac calee, ee aan ku
jeedino sidii aan gabadhan yar wax ugu qaban lahayn, intii aan bini
aadamku awoodo. Dhankanaga wixii aan markii hore ku gafney Saamax ayaan
golaha weydiisanay, Allaha awooda sare lehna cafid ayaan ka baryeynaa.
-dhammaad-