Dec 12, 2003
WARARKA SOOMAALIDA WOQOOYIGA AMEERICA
- TORONTO: Cajalad Vedio ah oo laga Duubay nin Booliis ah oo Feeraya Wiil
Soomaaliyeed
- ALEXANDRIA:
Soomaali Xabsigii Loo Sii Kordhiyey Kaddib Markii uu Rafcaan Ku Weydiistey
in Xabsiga Laga Khafiifiyo
- MINNEAPOLIS: Abbe Soomaaliyeed oo Lagu Soo Oogey Dacwad la Xiriirta
Dhimashadii Gabadhiisii Lixda Bilood Jirtey
- MINNEAPOLIS: Ninkii Diley Mohamed Ahmed Salah oo Lagu Xukumay 27 sano oo
Xarig ah
- MINNEAPOLIS:
Somali-Canadian Lagu Xiray Minneapolis
Somali-Canadian Lagu Xiray Minneapolis,
& Xaaskiisa oo Beenisey in uusan wax lug ah ku lahaa argagixisada

Fartun Farah, sawirka waxaan ka qaaday Kare11 TV |
Wargeys ka soo baxa magaalada Minneapolis ayaa maanta (dec 12) magcaabay
nin Soomaaliyeed oo lagu xiray Minneapolis, kaas oo sida wargeysku looga
shakiyey Al-Qaida. Magaciisuna waa Mohammed A. Warsame, oo da'diisu tahay
30-jir, waxana uu arday ka yahay Minneapolis Community Technical College,
waxana uu haystaa dhalasha dallka Canada, wuxuuna asal ahaan kasoo jeedaa
Soomaaliya.
Waxaa wargeyskaas oo lagu magcaabo StarTribune waxa uu sheegay in
Mohammed A. Warsame loo xiray arimo la xiriira aqoon uu u leeyahay Zacarias
Moussaoui oo loo xiray Sept.11.
Fartun Farah oo ah xaaska Mohammed A. Warsame oo galabta ka hadashay shir
jaraa'id waxa ay sheegtay in aan ninkeedo wax xiriiri ah la lahayn Al-Qaida.
Fartun oo ay u xiran yihiin muraayadaha indhaha oo madow iyo khimaar
madow oo ku dedan madexeeda waxa ay tiri: waxaan aad u argagaxay markii
ninkaygu isoo wacay Isniintii oo ii sheegay in la xiray.

Dadka ka qayb galay shirkii jaraa'id ee 12/12/03 |
Afhayeen u hadlayey wasaaradda arimaha dibadda ee Canada oo lagu magcaabo
Reynald Doiron ayaa Ottawa ka sheegay in laba sarkal oo ka socda
qunsuliyadda Canada ay Maxamed Warsame kusoo booqdeen xabsiga uu kujiro ee
Minneapolis, laakiin afhayeenku wax faahfaahin ah arintaas kama bixin,
waxana uu intaas ku daray in Maxamed Warsame uu weydiistey arimo gaar ah (shakhsi
ah) in ay ka gaarsiiyaan xaaskiisa. Sidaas waxaa weriyey
CP oo ah warbaahinta Canada.
Waxaa wararku intaas ku dareen mar xaaska la weydiiyey in ninkeedu aqoon
u lahaa Moussaoui, waxa ay Fartuun Farah sheegtay in aysan in aysanba weligeed maqal Moussaoui.
Sida uu cadeeyey afhayeenka wasaarada arimaha dibada Canada,
Talaadada soo socota ayaa maxkamad dhegeysi ah la keeni doonaa Maxamed
Warsame , taas oo ka dhici doonta Minneapolis, maxkamadaas oo la
xiriirta dhegeysi in loo gudbiyo New York City iyo in kale.
ISHA:
CP-CANADA
Tarjumadii SomaliTalk.com | Dec 12, 2003
<><><>
TORONTO: Cajalad Vedio ah oo laga Duubay nin Booliis ah oo Feeraya Wiil
Soomaaliyeed
Daawo halkan ama
halkan
[XUSUUS: Si aad Vedio-ga u daawatid waxaad u baahan tahay
WindowsMedia Player]
Arintani waxa ay ka dhacday xaafadda magaalada Toronto markii ay
taariikhdu ahayd Aug. 4, 2003, waxana
Vedio-ga la faafiyey maanta oo December 12, 2003.
"Kawarama haddii aan Fiidiowgan la duubi lahayn, maxaa igu dhici lahaa"
Jaamac

Jama Said Jama

Waa jaamac markii iligu ka dhacay. |
Soomaali lagu soo eedeeyey in uu u gacan qaaday nin ka tirsan booliska
Toronto ayaa hadda rajaynaya in fiidiyow laga duubay uu cadayn doono in
uusan wax dembi ah lahayn.
Jama Said Jama, oo 21-jir ah, ahna "landed immigrant" ka yimid Soomaaliya,
waxa uu sheegay in bishii August asagoo kala dhicinaya dhallinyaro
dagaalamaysa in goobta ay booliis yimaadeen.
"Sarkaal booliis ah ayaa igu yiri 'halkan imow' markii uu kasoo baxay
gaariga" ayuu yiri Jaamac, "Markaas ayaan istaagey, markaas ayuu booliiskii
qoorta intuu i qabtay uu feer igu dhiftay" ayuu yiri Jaamac.
"Kaddib osla askarigaas ayaa i qabtay, oo dhulka igu dhuftay, kaddibna
igu bilaabay feer madaxa ah, taas oo sababtay in ilig iga dhacay".
Vedio uu duubay qof meesha taagnaa ayaa muujinaya in Jaamac la feeray.
Intii ka horeysey Arbacadii lasoo dhaafay, salkaalka booliiska ah wax war
ah uma hayn in filim laga duubay, waxana uu sarkaalku sheegay wax aad uga
duwan waxa uu fiidiyowgu muujiyey.

Booliiska oo feeraya Jamac |
Qoraalka uu sarkaalku ka qoray wiilka waxaa ku cad in uu sarkaalku yiri
waxaan gacanta qabtay (Jaamac), anigoo keenaya gaariga dhinaciisa, laakiin
feer ayuu soo gamey asagoo igu dhiftay. Markaas sarkaalku wax war ah uma
hayn in filimka laga duubayey uu muujinayo in qofka feerka wax ku dhuftay uu
yahay sarkaalka qudhiisa.
Filimka waxaa duubay qofka aan wax aqoon ah u lahayn Jaamac iyo sarkaalka
booliska midna, waxana filimku muujnayaa in Jaamac uusan wax dhaawac ah
wajigiisu lahayn kahor feerka uu vedio-gu muujiyey booliska oo feerka
qababdsiiyey jaamac.
Waxa booliisku sheegeen in jaamac uu iligu kaga dhacay dagaalka ka
horeeyey intiiba aan booliisku iman. Waxana TV-gu maanta muujiyey Jaamac oo
gacanta ku wata iligii ka dhacay.
Jaamac waxaa markii hore lagu soo eedeeyey in uu sarkaalka farasaaray,
haddii eedayntaas lagu heli lahaana waxaa loo diidi lahaa dhalashada Canada,
waana la tarxiili lahaa. Laakiin waxa uu Jaamac rajaynayaa in
Vedio-gani uu arintaas si degdeg ah u dhamayn doono. Qareenka Jaamacna
waxa uu yiri fiidiyowgani waa cadayn aad muhiim u ah.
Waxaa telefishanka lagu magcaabo CTV uu sheegay in laga yaabo Jaamac in
uu dacweeyo saraakiisha booliska.
Jaamac waxa uu Soomaaliya ka yimid sannadkii 1995, gaar ahaan magaalada
Muqdisho sida uu shegay qareenkiisu.
ISHA: CTV- CANADA
Tarjumadii SomaliTalk.com | Dec 12, 2003
ALEXANDRIA: Soomaali Xabsigii Loo Sii Kordhiyey
Kaddib Markii uu Rafcaan Ku Weydiistey in Xabsiga Laga Khafiifiyo
Wararka ka imanaya magaalada ALEXANDRIA, Va, ayaa sheegay
in Soomaali weydiistey in xabsiga laga dhimo ay maxkamadi Jimacadii
(12/12/03) ku xukuntay xabsi kii hore afar laab ka badan.
Abdillah Abdi waxaa uu xabsiga ku jiri doonaa 37 bilood,
halka uu adeerkiis oo magaciisa la yiraahdo Abdirahman Sheikh-Ali Isse uu
xabsiga ku jri doono 18 bilood, taas oo ah xabsi la xiriira lugtii ay ku
lahaayeen al-Barakat, waa sida warku u
dhigaye.
Abdillah Abdi iyo Abdirahman
Sheikh-Ali waxaa markii hore xabsiga lagu xukumay bishii September 11 ee
lasoo dhaafay, markaas oo Abdillah Abdi lagu xukumay
10 bilood, halka Abdirahman Sheikh-Ali markaas lagu
xukumay 18 bilood.
DAILYPRESS
Tarjumadii SomaliTalk.com | Dec 12, 2003
<><><>
MINNEAPOLIS: Abbe Soomaaliyeed oo Lagu Soo Oogey Dacwad la Xiriirta
Dhimashadii Gabadhiisii Lixda Bilood Jirtey

Said Moussa Gouleed
|
Sida ay faafisay jariidada
PioneerPress
oo kasoo baxda Minnesota, waxaa maanta 12/12/03 dembi lagu soo oogey
Said Moussa
Gouleed dacwadaas oo la xiriirta dhimashadii gabadhiisii yarayd ee
Lixda toddooba jirka ahayd ee sida uu sheegay ka dhacday sidaasna ku
dhimatay Nov. 9, 2002, balse maxkamadu ay ku mudacdey in aysan sidaas u
dhiman.
Warar kale oo kusoo baxay jariidada
StarTribune
ayaa sheegay in Saciid oo markii hore damaanad ku joogey in la amro in la
xiro ilaa laga gaarayo 15ka Janaayo 2004, markaas oo la hor keeni doono
maxkamada dhegeysanaysa xakumidiisa.
Wararkii dabayaaqadii sannadkii hore kasoo baxay dhimashada gabadhan yar
ayaa sheegayey in ay ka dhacday aabaheed oo say sidaas ku dhimatay.
eeg warkaas
hore..
ISHA: PioneerPress / StarTribune
Tarjumadii SomaliTalk.com | Dec 12, 2003
<><><>
MINNEAPOLIS: Ninkii Diley Mohamed Ahmed Salah oo Lagu Xukumay 27 sano oo
Xarig ah
Maxkamad kutaal magalaada Minneapolis ayaa 27 sano oo xabsi ah ku
xukuntay ninkii diley Taxi wadihii Soomaaliyeed.
Salvador Anthony Pacheco ayaa qirtay in uu si bareer ah u diley
Maxamed Axmed Saalax oo Taxi wade ka ahaa magaalada Minneapolis.
Dhanka kale ninkii bishii July ee isla
sannadkan diley Axmed Xuseen Axmed oo magaciisa la yiraahdo
Sylvester Scott
ayaa waxaa maxkamad lasoo taagi doonaa bisha Febraayo ee 2004.
ISHA: PioneerPress
Tarjumadii SomaliTalk.com | Dec 12, 2003
....
Copyright
& Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
Kulaabo bogga hore ee
www.somalitalk.com
|