SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dec 13, 2003

JAMHUURIYADDA DHAAN DABAGAALE

Mohamud Hagi
rage4445@hotmail.com
Melbourne - Australia

waxaa isku kay qaban la,a awooda runta ah ee ay leedahay jamhuuriyada la magac baxday somaliland iyo doorka ay dooni inay ka cayaarto Geeska africa.

Waayo? Asalkeedaba sida ay isku raaceen culimada caluunta siyaasiga ah iyo kuwa qanaanuunkuba waxay dawladi ka kooban tahay saddex walax : 1 - Dhul kaas oo leh xaduud layaqaan 2 - Dad , 3-Dawlad taas oo ka kooban 3 awoodood : awood fulin , awood sharci, awood kala xukun.

Hadaba anoon qormada dheerayn soona koobaya waxaan hubaa in magaca somaliland yahay mid aan macno samaynayn waayo macnaheedu waa dhulkii somalida taasina kama duwana somalida kale ama waa mid laaxina oo u baahan in loo soo celiyo magaca jaran(British).

1- waa xagee xaduuda somaliland?saan wada hubnana maamulka Hargaysa ma wada matalo dhamaan dhulkii Britain xukumi jirtay arintanina waa xaqiiqo biyo kama dhibcaana.

2- waa dadkee dadkuu dooni maamulka hargaysa inuu xukumo oo shacab ka dhigto?saan ognahay maamulkani waa mid ku dheesan Qabiil qabiilka uu masalana waa beesha isaaq oo qaar badan ka mid ahi ka biyo diidsan yahay.waana marag ma doonto meesha ay ka taagan yihiin beelaha ku nool sool iyo sanaag.

3-dawlad : Dawlada somaliland awoodeedu waa Hargaysa ilaa arabsiyo inta u dhaxaysa.Ciidama kasta oo ay dhaqaajiso mara rajo lagama qabo inay gaadhaan sool iyo sanaag ma sheegin inay ciidamadaa ugu talo gashay inay ugu humbaalayso beelaha isaaq ee ku nool Burco iyo nawaaxigeeda.

Maamulka Hargaysa waxay awood u leedahay oo kaliya kow :inay canshuur ka qaadato Dumarka qaadka iyo caanaha ku gado hareeraha wadooyinka magaalada , 2 inay isku dirto Beesha isaaqa dhex deeda dhan, dhanka labaadna inay isku dirto dadka isaaqa iyo beelaha soomaaliyeed ee ooda la wadaaga. haybada iyo awooda Dawlada somali land waxay sooo baxdaa marka ay Dadka taabaalaysan ee soomalida ogaadeeniya gacanta u galinayso tagreega ka taliyo itoobiya. iyadoo geed walbo u fuulay maamulkaasi raali galinta itoobiya.

waxaan hubaa in maamulka hargaysa xasuusnayn qisadii dhex martay sargaal itoobiyaana iyo xubin ciidankii SNM ah . markii xubintii SNM tidhi ciidankii faqashka somaliya waxaan ka dilay intaa ana waxaa naga dhimatay intaa ayuu sargaalkii itoobiyaanka ahaa ugu jawaabay (isku geeyee imisaa dhimatay) waayo sargaalka itoobiyaanka ah soomaali waa u soomaali.

mar ha dii arintu sidaa tahay waxaan qabaa in magaca qudha ee ku haboon maamulka Hargaysa uu yahay

jamhuuriyadii dhaandabangaale(jamhuuriya masnuuca min saraab)

Mohamud Hagi
rage4445@hotmail.com
Melbourne - Australia

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2003

 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD