SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 

NIMAAM HADLIN HOOYADIIS QADISAY

Hassan Dhooye (abu xafso)
email:
quudhsidiid@hotmail.com

Marka hore waxaan ilaahay uga mahad celinayaa inuu fursad ii siiyey inaan soo gaaro iyadoo laga hadlayo si cadaan ah oo aan gabasho lahayn waxa loo yaqaan Qabyaalada siiba nooceeda “Quursiga” oo ah aabahay baa aabahaa ka fiican/anagaa idinka tiro badan/ anagaa idinka dhaqaalo badan iwm.

Shaqsi ahaan anigu waxaan isku tuhmayaa in aan ka fayoobahay Qabyaalada teeda xun oo ka daran cudurka dilaaga ah ee Aids-ka ama cudurka Kansarka ah, Sida aan u haysto hadii la igu waafaqo, hadaan wax yar sharaxo, waa laga yaabaa inuusan qofna kuu dilin waxaad qabtaa Cudurka Aids-ka ama Kansarka, Laakiin waxaa dhacday oo wada ogsoon yihiin inteena badan inaan isu dilay waxaad tahay(Madhibaan,Daarood,Hawiye,Isaaq,Raxanwayn iwm) waxaan kaloo jecelahay inaan wax ka ciribtiro Cuduradaas aan soo tilmaamay intuusan xaqu ii imaan (Geerida) in shaa Allaah.

Hadaan u soo noqdo dantaan ka lahaa qoraalkaan waxaan kaqayb galay sanadkan bartamihiisii laba shir oo kadhacay magaalada Minneapolis Jaamacada Minnesota iyo mid ka mida ah xarumaha Soomaaliyeed ee Magaalad Minneapolis 2003-gii. Waxaan nasiib u yeeshay inaan oraah ka dhiibto aan ku cabirayo dareenkayga markaas, waa markii iigu horaysay oo aan maqlo ama arko sheeko iyo shaahid dad leh “Waxaan nahay Madhibaan ama Midgaan iwm” waxayna keenayeen su’aala ah “Maxaad xaqayga u duudsiday? Maxaad I dheertahay? Maxaad ii guur soocday? Maxaad……..? Maxaa..? Iwm”.

Hadaba Akhristayaal shirarkaas waxay ka badaleen dareenkayga wax badan oo uu ka Midyahay qoraalkan inaan idiin soo tabiyo, waayo inuu dulmi jiro waan isku waafaqsanahay inteena badan, laakiin waxaa adkayd xagee laga bilaabaa xalka? Ama se xalku waa xagee?” Yaa dulman?” Yaa wax dulmaya?” Dulmi intee leeg baa jira?” Dad iyagu is dulmayaa majiraa?” Haday jiraan ma ogyihiin?” hadaysan ogayn sidee loo ogaysiin karaa?” Su’aalahaas iyo kuwa kaloo badan waxay naftaydu is waydiinaysay mudo dheer laakiin jawaab qancisa may u helin.

Shirarkaas kadib waxaa caam noqotay in si cadaan ah looga hadlo dadka la hayb ama Guur sooco. Hadaba, waxaan leeyahay “Nimaan hadlin hooyadiis qadisay” Oo aan ula jeedo hadaysan hadlin dadka dulman ama la yaso cid ku oranaysa hoo libintaan majirto, taasna horay baa looga maahmaahay oo Somaali baa tiri (libin ninkii holiyaa hela) oo macnaheedu yahay guul ninkii doonaa hela. Waxaan si gaar ah ugu mahad celinyaa dadkii soo abaabulay shirarkaas iyo bogaga internet-ka iwm oo arimaah looga hadlo iyo dadka kale ee figradahooda soo cabira jecelna in arintaan xal waara laga gaaro, waxaana idinku sii boorinayaa inayd naan daalin ee isku aad u wadaan howshaan. Ugu danbayntii waxaan rajayeynayaa in ilaahay idankiis laga guul gaari doono dadaalkaan, walibana si maskax iyo cilmi ku dhisan, qoraalkaana waa kii iigu horeeyey ee manoqon doono kii iigu danbeeyey in shaa Allaah.

Hassan Dhooye (abu xafso)
email:
quudhsidiid@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2003

 »ALLA MA ANIGAA NASIIBKAAS LEH ( DIO MIO!) [Eelay]

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD