SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAANSO

MAANSO TAAGEERO


MAANSADANI MAGACEEDA LA YIRAAHDO TAAGEERO WAXAY TAAGEERAYSAA ABWAANKA 
MAXAMED IBRAAHIM WARSAME HADRAAWI AMA GEED QOFBA KUU NAANAYSTIISA U YAQAAN , WAXAANAN KU TAAGEERAYAA KUNA HAMBALYAYNAYAA SOCDAALKA NABADA EE UU WADO.  MAANSADAN WAXA TIRSHAY ABWAAN ABDULRASAK JAMAC BOTAN WALANWAL


TAAGEERO WAXAY TIRI.
----------------------------

----halgamaa wadaniya
halyay weeye qaaliya
hadraawi.

---------heesaa muwaadina
hobal weeye caanoo
hibo eebe siiyay
hadraawi.
--------halyay weeye qaaliya
hadafkiisa lagu xaman
hal adaygna loo dhali
hadraawi.

--------halyay weeye qaaliya
haybinaaya ummadyay
horumarka dalkaagiyo
hayb inaad ka baydhaan
hala aydun noqotaan
heshiis aydun gaadhaan.

-------hayeeshee dadwaynow
halkuu hiigsanaayiyo
hadafkiisu wuxuu yahay
hanan wayde suu rabo
hadal kuguna duxi waa.

------hilankii uu kula rabay
hareertaad ka maraysaan
haanbuu dhaamiyaa weli
hoosta ay daloosheen
hadba ay dilaacshaan
hebelada xildoonkee
haan haanta kaa dhigay.

------hada iyo dareenkii
howsha maanta uu wado
hirgashow alahayow
hadeeyow ufuli baan
had iyo goor ugu duceeyaa
hambalyaan u dirayaa
heesta aan ku soo xidhay
hareertaan ka joognaa..
....................................

maansadu ha iyo ma e
hadraawina waxaan idhi
milgahii ma aad gabin
marinkii abwaankee
maalintay xun tahay uu
madasha waanin jirayee
midho ama miro nabad tilmaamiyo
murti laga mafsuudo
marin jiray wixii dana
martay waajibkaagii
mahadsanidna lagu yidhi
mowqif kula wadaagnee.

dhamaad
by, abwaan abdulrasak jamac botan walanwal
abu dabi.
abdulrasak3@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD