S.N.M : Xinifbaaba loo Kordhiyay iyo Xoorrimaadee !
W/Q : Ahmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com
India December 2003
Ayadoo uu banii-aadanku sidiisaba ilowsho badan yahay, ayay
hadana
sidaan aaminsanahay dadweynaha reer somaliland ugu sii ilowsho badan
yihiin,
runtii inaan sidaas idhaahdo maan doonayn hayeeshee waan ku
qasbannaaday
markii aan arkay xaqiiqada dhabta ah, isla markaasna aan u fiirsaday in
badan oo dadweynaha kamid ah.
Bulsho weynta reer somaliland haddii aad dhex qaaddo oo aad qof qof
ugala
sheeekeysato arrimo ku saabsan ururkii xaqu dirirka ahaa si aad u
ogaato
sida ay u arkaan Ururka iyo halgankii xaqa ahaa ee lagula jiray Ina
Siyaad
garba weyne iyo xukuumaddiisii kacaanka ee qabiilku lahaa,
qabyaaladdana ku
shaqayn jirtay, haddiiba waxaad ogaaneysaa ama aad dareemaysaa inay
dadka ku
yar yihiin inta xog ogaalka u ah waayihii ururka shalay iyo maanta,
waxaad
dareemaysaa inay dadka si dhib yar u halmaammeen halgamayaashii
jihaadka ku
shahiiday, kuwa hadda nool, iyo xaasaskii iyo ubadkii ay ka tageen
intii
hoyatay ilaah naxariistiisa hasiiyee, waxaa kaloo aad garawsanaysaa
sida
sahalka ah ee loo ilaaway dhamaan dhibaatooyinkii lasoo maray ayaamihii
tagay sida dawladnimadii 1960kii gebiga laga tuuray,caddaalad darradii
iyo
garba duub u xidhnaantii 1960kii ilaa 1969kii, iyo musiibooyinkii
halista
iyo khatarta huwannaa socdayna intii u dhexaysay 1969kii ilaa 1990,
halistaas oo uu ururkii S.N.M ka bedbaadshey dadka iyo dalka somaliland
horraantii sanadkii 1991.
Xilli hore dad badanoo aanu ka wada sheekaysannay
taariikhdii
S.N.M ayaan su'aalo badan waydiiyay anigoo doonayay bal inaan ogaado
siday
la tahay, mid kastana waxaan waydiinnaayay bal inuu saheego waxyaalihii
dhaliyay halgankii ururka iyo wixii laga dagaalamaayay ? kadibna waxay
dhamaantood ku jawaabayeen oo ay sheegaayeen qaar kamid ahaa
dhibaatooyinkii
ba'naa ee bulshada laga galay sida xasuuqii, dilkii, dhacii, hantidii
lala
wareegi jiray sabab la;aan, cabudhintii iwm ; Inkastoo ay saxsannaayeen
jawaabahaasu hadana waxay ka reebayeen ama ay kusoo dari waayeen arrin
kamid
ahayd dhibaatooyinkii kacaanka kuwoodii ugu halista iyo khatarta badnaa
taas
oo aan hoos ku sheegi doonno, anigu waan ugu horeysiin lahaa haddii
su'aashaas oo kale lay waydiin lahaa .
*
* * *
Sanadkan aan ku jirno bilihiisii hore ayaan baraha internetka
ee
soomaalidu wararka isugu gudbiso midkood ka helay gabay dheer oo xikmad
meel
sare gaadhsiisani ay ku jirto, gabaygaas oo uu tiriyay Abwaan Ibrahim
Xasan
maxamed ( gaagaale ) ilaahay khayr hasiiyee ,wuxuu ka waramaayay arrimo
badan oo muhiim ah oo tan aan sheegaayayna kamid tahay, waxaa ku jiray
gabaygaas murti iyo taariikh anfacaysa dadwaynaha somaliland gaar ahaan
dhalin yarada oo aad mooddo inay xagga madadaalada u
dillaameen.Dhibaatooyinkii dadweynaha reer Somaliland soo food saaray
30kii
sanno ee midnimadii lagu hanqaarmay waxa ugu darnayd halistii iyo
hawshii
naxdinta lahayd ee lagu boobayay reer Somaliland mudadii u dhexaysay
(1979-1990), xilligaas oo la doonnaayay in dadweynihii dhulkii loo
yiqiin
gaboladii waqooyi dhulkooda la dhaxal wareejiyo lagana dhaco si loo
dejiyo
qaxootigii ogaadeenka iyo beelo kale oo loo dal ballaadhinaayay
kacaankuna
hoosta ku watay , arrintan dhul balaadhsigu waxay ahayd mid badheedh ah
oo
duhur cad la rabay dhul dadkii lahaa oo ciiddaas ka badanu joogaan in
la
meersado sidii tulud geel oo kale ayadoo lagu gabannaayo wixii kacaanku
u
yiqiin soomaalinnimo iyo in aan dhulka lakala lahayn waa siday ehelkii
kacaanku aaminsannaayeenee, (walina way wadaan qorshahaasee ! ).
Abaal nin gala la arag, nin gudaase yar , waa maahmaah
soomaali ah
oo caan ah oo murtida iyo xikmadda ay ku holliban tahay ka sokow
tilmaamaysa
abaal xumada ay soomaalidu kula kacdo qofkii ama ciddii wanaag iyo
nimco
dulundulcaynaysa durduursiisa.
Dadkaas kililka shanaad ee Itoobiya ka yimi markii ay ayagoo dagaag ah
guure
iyo geeddi arooryaadba kusoo galeen carradii Somaliland oo xiligaas ku
magacawnayd goboladii waqooyi ee soomaaliyadii hore dadwaynihii reer
Somaliland adduun, taakullo iyo tabantaabo kaleba waxay heli karayeen
si
hagar la,aan ah bay ugu miiseen dadkaas soo geeddiyay ayagoo maanka ku
hayay
walaalnimo iyo fikraddii Somaliweyn ee kacaanku gambiyey. Ayadoo sidaa
iyo
si ka fiican oo aanan hadda halkan ku wada sheegi Karin loosoo
dhoweeyay
dadkaas hadda jamhuuriyadda Ogadenya la baxay ayay arrin naxdin leh ku
kaceen,waxay ka abaal ka dheceen wanaaggii ay dadkii deegaanku ugaleen,
inkiraad iyo garawsho laaan midkay doonto haka ahaatee waxay garan
waayeen
inay dhulka marti iyo qaxooti ku ahaayeen,waxay qiri waayeen isla
markaasna
ay laabta ka ogaan waayeen abaalkii loo galay; Intaas oo dhan intay
maanka
ka saareen ayay dadkii marti galiyey dhib iyo kibir hor leh ka dhex
bilaabeen ayagoo ciidamadii kacaankana taageero ka helaayay.
Bulshadan aan hadda waayihii laysla soo maray in yar uun ka
tilmaamayaa waa kuwii la dajinaayay magaalooyinka, tuullooyinka,iyo
dhulkii
miyiga ahaa ee Somaliland, dajinta magaalooyinka iyo miyiga waxaa usii
dheeraa ayadoo jagooyinkii waaweynaa ee xukuumaddii markaa jirtay
muwaadiniintuna xaqa ulahaayeen si gar darro ah oo aan caqliga galayn
looga
buuxiyay, waxaa loo magaabay bulshadaas xilalkii waaweynaa ee
badhasaabyada,
maayarada,danjirayaasha, wasaaradihii muhiimka ahaa sida arrimaha
gudaha,
goleyaashii sare, warfaafintii iwm. Waxaa guudkooga lagu taxay oo ay
maroorsadeen darajooyinkii ciidamada oo idil,qaxootigaasu markii ay
awooddii
dalka oo idil gacanta ku dhigeen si sharci darro ah ayay bilaabeen inay
isku
dayaan inay si basarxumo ah dhulkii muwaadiniinta u dhacaan dawladdii
kacaankuna ninkastoo wax qaadi karaayay oo kuwaas kamid ahaa hub iyo
saad
kaleba waxay heli karaysay way ku qarqisay xilliyadii 80maadkii.
Gabayga
gef iyo gadood ee uu tiriyay walaalkeen Abwaan Ibraahim meerisyada
dhacdadan
wax ka tilmaamayay waxaa kamid ahaa kuwan :
Galootiga kuwii nagu ahaa, ee mudada gaaban.
Oo golaha qaar loogu daray, ee la garan waayay.
Guddoomiye kuwii laga dhigay iyo jannano geesh haystay.
Danjiriyo wasiir gaadhayee, guri cad loo qeyday.
Qaxootigii wadanigiiba gambiyay ee dalkii goostay.
*
*
* *
Waagaas bulsho weynta Somaliland waxay ku sigteen in
dhulkooda
oo idil la maroorsado , dabadeedna ay ay noqdaan wax la dabar gooyay
iyo wax
bilaa cod ah oo goboladii dadka kale si sumcad xummo ah, dhuumasho iyo
is
gaabinina ku jirto ku jooga laguna diigdiigsado, - Ilaahaybaan sidaas
iyo
xumihii kale ee laynala damsanaaba ka dhigin oo mahadle S.N.M na noogu
gargaarayee Halistaas markii laga dhiidhiyay ee ay geesiyaashii SNM
weerarada isdaba joogga ah ku hayeen dawladdii qabiilku lahaa
,qabyaaladana
ku shaqaynaysay ee kacaanka waxay dadkaas aanu ka hadlaynaa wadeen
tiiqtiiqsi ,kibir iyo afweyne u adeeg. Waxay soo tirin jireen gabayo
meel ka
dhac ku ahaa dadwaynihii deegaanka ee horay abaalka ugu galay,
gabayadaas oo
ay ku qadfayeen dad iyo mujaahidiin kaleba ciddii halganka waday.
Halgankaas xaqa ahaa ee ay halgamayashii SNM wadeen doc ka
wreenka ay dadkaasu ku hayeen waxaa sii dheeraa gabayadaas aan sheegnay
iyo
aflagaadooyin kale oo aysoo tirin jireen qofkii reer Somaliland ah ee
ka
jawaabana jeelbaa lagu qabiri jiray halka ayna iyaga cidiba waxba odhan
jirin.
Taliskii kacaanka oo is bidaayay awood weyn wuxuu u haystay inaan marna
inta
guryaha loogu yimaado aan magliyada loo qaadi Karin hayeeshee taasu
waxay
beenowday sanadihii 1983 iyo wixii ka dambeeyay, markii ay
dagaalyanadii
geesiyaasha ahaa xoogga ku furteen xabsiyadaa dadka laga buuxin jiray
ee
mandheera iyo birjeex ee tabcada laxaadka leh loo dhigay kacaanka, ayuu
gabay dheer oo ay tuducyadanu kamid ahaayeen tiriyay abwaanka weyn ee
Cali
banfas, wuxuu yidhi abwaanku :
Golihii mandheera iyo halkii gaadhka laga toogtay.
Gobannimadu sow maalintii gacan libaax ma aha.
Halkii guurtidii lagala baxay taan ka guin maaha.
Wax loo galaaftaa shacbiga sow kas gudhay maaha.
Waxaanu aragnay gabayo ay halgankaas ku xumaynayaan
nimankii
damaca dhuleed hayay,runtii waxaan la yaabnay waxa nimankaas waxaas ku
kalifay sababtoo ah dhulka halganku kasocday wuxuu dhulkii waqooyi ee
soomaaliyadii hore haatanna ah Somaliland ,xukuumadda lala
dagaalamayayna
waxay ahayd tii kacaanka sidaas darteed waqooyi iska daayee soomaaliya
oo
idi nin aan deegaan iyo gobollo ku lahaynu wuxuu dadkaas hawlahooda
watay
usoo dhex galaayay una aflagaadaynaayay waxay ahayd uun faduul iyo
xasarad
doon sow ma aha ! ? hadaladii ay tiriyeen iyo taariikhdii bulshadaas ee
xilligaa maqaalku kuma saabsana sidaas darteed inagoo aan kusii
dheeraanayn
gabayadoodiina aan halkan ku qorayn ayaynu si kooban u sheegaynaa qayba
kamid ah hadaladoodii oo tiraab ahaan aan ku muujinayno.
Markii weeraradaas ay SNM ku guulaysatay Abwaanka Cali banfasna
murtidaas
kor ku xusan ku tilmaamay guushii la gaadhay ayay nimanka la baxay
Ogadenya
hadaladii ay tiriyeen ku sheegeen in SNM askartii ay laysay askar
huruday oo
lasoo gaaday ahaayeen,markii ciidamadii kacaanku dad shacaba ay ku
laayeen
buurta gacan libaax agteedana waxay yidhaahdeen haddii aad reer hebel
tihiin
annagoo ciddaasa ayaa idin laynay, dalka gabigiisaba waanu idinka rari,
dawladda anagaa leh iyo hadallo kale oo deelqaafka ay lahaayeen ka
sakow
ciddii ka jawaab celisa kacaanku xadhig iyo xasuuq kolba kuu doonno uu
kula
kici jiray.
* * * *
Maanta haddii aad deristo siyaasadda iyo arrimaha
soomaalida wali waxaa hor boodaaya meelo waaweynna gacanta ku haya
kacaankii
iyo intii ay khayaada bareen oo ay kamid yihiin nimanka haysta kooxda
carta
ee wakhtigeedii dhamaaday hadana kali talisnimadii la baray awgeed ay
ku
andacoonaaya inay xukumaan raascasayr ilaa raaskambooni. Dadkii dalka
ku
gelgelimaystay oo ahaa nimankii ay halgamayaashii xaqu dirirka ahaa ee
SNM
hoorka kasoo qubeen waxay ilaa hadda aaminsan yihiin fikradihii xag
jiray ee
kacaankii 21kii aktoobar oo ay ka mid yihiin in aan dhulka soomaalidu
degto
lakala lahayn oo qof kastaa meeshuu doono tagi karo, degi kari isla
markaasna xukumi karo codna ku yeellan karo , waa fikrad ay inta badan
wataan dad aan dhul hagaagsan lahayn ama dhulkoodu qarfo iyo dhul
lahaysto
uu yahay sida dhulka ay ogaadeenya ula baxeen ee ay rabaan inay magaca
beeshooda quruumo badan ku qasbaan.Ayadoo kacaanka fikraddaa xag jirta
laga
waaninaayo ayaa :
Garawso la yidhi dawladnimo , waw gudboonnahayee,
Gobollada udaa baa layidhi ,maamulka ugaara.
Haw adeegsan gaasbaa layidhi beeshaad garan weydo
Geyigaba kadaabaa layidhi, guri collaadeedka .( Abwaan Ibraahin ).
In dadka soomaalida ahi ay dhulalka kala duwan ee soomaalida wada degi
karaan lama diidana waxse laga galiilyoonayaa khayaamada iyo
dhulbalaadhsiga
mataanaha ah ee ay reer kacaan ku hadoodilayaan arrinta soomaalinnimada
ay
ku tilmaameen ee ay rabaan inay meel walba ku xukumaan, haddii uu
qofka
soomaaliga ahi dhul soomaaliyeed ka yimaado tagona dhul kale oo
soomaaliyeed
nidaamku waxa weeyi inuu hab wanaagsan oo sharci ah ku joogo siloo
ilaaliyo
xuquuqda dadka kolba deegaankii la joogo leh iyo xuquuqda qofka kale ee
qaybta kale ka yimi.
In aynu khayaamooyinkii kacaanka si qoto dheer usoo bandhigno
ujeedadeennu
ma aha hayeeshee inaan wax ka tilmaanno waxa inagu riixay dib u
jalleecidda
waayihii shalay ee mujaahidiintii SNM iyo sida ay maanta dadweynaha
reer
somaliland badhkood u ilowsan yihiin, Mujaahidiintii iyo halgamaayshii
Snm
lama ay mid ahayn jabhadihii kale ee kacaanka mucaaridka ku ahaa, waxay
ahaayeen nimankii hadh cad ugu soo galay kuwii 1969kii burburiyay
qarankii
soomaaliyeed ee rayidka ahaa guryihii iyo beerihii quruxda badnaa ee ay
ku
daansha daanshoon jireen ee teeriyada ku joojay, SNM wuxuu ahaa ururkii
ugu
cududda iyo awoodda weynaa ee guud ahaan dalkii soomaaliya dhexdiisa ka
halgamay ururkaas oo aan la barbar dhigi karin kuwii yaryaraa ee
meelahaa
wax ka tuurtuuri jiray sida SSDF oo markii ay awood waayeen aakhirkii
isdhiibay.
Haddii aad ururadii halganka kala hor yimi siyaad barre deristo
dabadeedna
aad barbardhigto xaqu dirirkii SNM waxa markiiba kuusoo baxaysa sida ay
ukala halgan iyo hawl qabad badnaayeen inkastoo ururada qaarkood aan
arrinkooda halganba lagu tilmaami karin ee ay ahaayeen qaar ujeeddo
kale
udagaalamayay sida ssdf. SSDF sidii aan barnaamijka bbcda bishan
horraanteedii ka dhagaysannay waxay heshay hub aad fura badan iyadoo ka
faaiidaysatay dagaalkii uu maxamed siyaad sidii khayaamada lahayd
umadda
ugu lug gooyay 1977kii , waxa kale oo ay ka faaiidaysatay taageeradii
ay
liibiyi u fidisay iyo siyasaddii adduunka ee dagaalkii qaboobaa
saamaynta
kulahaa, ayadoo ssdf intaasoo fursada heshay ayay hadana ku dhici
wayday
inay kacaankii ugu soo galaan magaalooyinkii dadkoodu waxka dagi jiray
sida
garoowe iyo boosaaso arrinkoodiina wuxuu ku dambeeyay isasoo dhiibnayee
kacaanow na nadaa.! Laba arrimoodbaana la odhan karaa way keeneen
fashilaaddii ssdf waa midda horee hogaankii jabhadda oo aan taladii
sare
cidna u ogolayn ka qayb galkeedii iyo midda labaad oo ahayd shacabkii
taageerayay oo aad iyo aad uga yaraa kuwii taageeri jiray
halgamayaashii
kale ee ay SNM iyo USC kamid ahaayeen,
USC oo iyadu samaysan tay xilliyadii ugu dambeeyay ee talisii kacaanku
sii
dhacaayay SNM na curyaamisay awooddiisii ciidan waxay ahayd iyaduna
jabhad
sida SNM oo kale dulmi dadkooda lagu hayay ka dagaalamaysay ; maalmo
dhowayd
ayaan akhriyay niman yidhi snm may guulaysateen hadii aanay usc koonfur
halgan kabilaabin, taas waxaan odhan karaa waa been caddaan ah waayo
intii
aan usc lagu dhawaaqin snm waxay xoraysay oo ay haysatay dhamaan
magaalooyinkii yaryaraa ee soomaliland, magaalooyinkii waaweyn laftooda
markii kacaanka laga saaray ee laga awood batay waa kuwii nafla
caarrigii
dayaaradihii qaranka adeegsaday ee intay shacabkii laayeen yidhi
jihaadbuu
ahaa ! taas waxaaba ka hawl yar gacmo wada jir bay wax ku gooyaan
haddii aan
snm waqooyii soomaaliyadii hore qabsan lahayn oo aanay ciidamada
naafayn
lahayn usc qudheedu may gaadheen guul inay guul gaadho iska daayee bil
kaliyana may halgami karteen haddii sidii snm dayaarado iyo hanti qaran
loo
adeegsan lahaa.
Inaan arrimaha usc, ssdf iyo wixii lamid ah ku dheeraado maan doonayn
waxse
igu kaliftay anigoo la yaabay waxyaabaha aan raadka lahayn ee ay
waayadan
dambe dad badanu meelahaa ku qorqoraan.
*
*
* *
Haddii aynu garannay geesinnimadii iyo daacadnimadii ay
halgamayaashii SNM shacabkooda ugu adeegeen, haddii aynu ogaannay inay
wadaninimo muujiyeen oo ay u jilib dhigeen ciidamadii lagu tilmaami
jiray
inay lamid ahaayeen kuwii kale ee xooggannaa dawlahada Afrikaankee
filka
waynina lahaan jireen, haddii aynu ogaannay in halgankoodii waxba
lagaga
qaadi kari waayay dayaaradihii qarankee samadada lagaga keenay iyo
guutooyinkii faraha badnaa ee loogu heesi jiray Maska ma cuntaa ? haa
!,
sideed u cuntaa ? ham ! , haddii aynu intaas iyo inkabadanba oagaannay
inay u jilib dhigeen cadawgiina goobo badan kaga gacan sarreeyeen,
dadkoodii
iyo dalkoodiina ay ka badbaadiyeen halistii, gumaadkii iyo dhulkoodii
la
dhaxal wareejinnaayay sow inalama gudboona inaynu qaddarin, tixgelin
iyo
maamuus dheeraada siino mujaahiidiintii naftoodii qaaliga ahayd u huray
danta dadkooda iyo dalkooda, sow waajib ma aha dadweyne iyo dawladna in
loo
abaal gudo mujaahidiintii SNM inta maanta ka nool, xaasaskii ay ka
tageen
halgamayaashii shahiiday , iyo ubadkoodiiba ? nabadgelyadii iyo guushii
ay
keeneen oo aynu maanta hoos hadhsanayno inaynu u ognahay oo aan si dhib
yar
loo ilaawi karin inaynu dareensiinnaa sow hawl inoo taalla ma aha ?.
SUaalahaas jawaabahoodu waa caddaanee , miyaanay wax laga murugoodo
ahayn
markaad aragto dadwaynihii iyo dawladdii oo ka gaabiyay kaalintii
waxqabad
ee ku aadanayd SNM . Abwaanka caanka ah ee Xasan xaaji cabdillaahi (
xasan
ganey ) ayaa sanadkii 1992kii markii xaaladda dalku kacsanayd isagoo
dadwaynaha u tilmaamaya jidka wanaagsan ee dantu ku jirto wuxuu tiriyay
maanso dheer oo duufaan la yidhaa, wuxuu abwaanku maansadaa qaybo kamid
ah
si cilmiyaysan ugu sheegay sida dhibta yar ee ay dadkeenu wax u
ilaawaan,
anigoo aan wada xusuusan karayn hadaan qayb kasoo qaato waxaa kamid
ahaa
meerisyadan.
Sidii daacuflaha aar, ragii duudda mari jiray,
Raggii diinka qalan jiray, marna daafida u cunay.
Marna doonbir dhacarsaday, dabra weerar culus iyo.
Duullaan laxaad lehba, wiilashii durqumi jiray.
Daba laabka kaaraha , danabyadii ku furan jiray.
Ama dibadda ka halgamay, ama dayn ku fara baxay.
Ama dirirta gudihii , si udadan ufulin jiray.
Dahan iyo mid diin qalay, ama duubiyada jaban,
Dar alliyo daraadood , raggii deeqda lagu helay,
Iyo dubbuhuu asaagaa, sidii dameero baadiya,
Damtaa kaaga saaray, iyo birtaa adiga lagu daray,
Dooraalayaashii ,damiirkooga hoogiyo,
Damacoogu fari jiray, dallacaad aad ku heshidee,
Deriskaaga qaar iyo, dar dar kaad isu xigtaan,
Labadaa aad dihatee, ninba doorkuu kulahaa,
Taariikhda daabacan, diiwaan xusuus qor ah
Uma lihid dadweynoow !
Mar kaloo xilligaas ka dambeysay kuna beegnayd
sanadkii
1998, isagoo abwaanku tilmaamaya sidii xukuumadihii dalka somaliland
soo
maray ee kala dambeeyay ay u xooreen halgamayashii SNM (tan hadda
jirtaana
way kasii daran tahayee ! ) isla markaasna cadaynaaya sida waayihii iyo
taariikhihii lasoo maray aan loo astaynayn ee loo halmaansan yahay ayuu
maansadii shareero wuxuu ku yidhi :
Taariikhdu shed lagu dhigiyo
Malaha summad lagu sharaxo
Intii qorax shaamisiyo
Shinkiisa hebeen tirsaday
Shaac iyo madoobe isbedelay
Wixii dhacay shar iyo kheyr
Intaan shaahid u ahaa
Shamsadan aan joogno iyo
Haddaan shalay kuugu simo
Ma jiro shay noo qornaa
Sheekadu inay tahay sidaa
shilkuhu nimankuu la tegey
Wadnaha shaandhada ka dhigay
Shanshada dhuuxleh iyo
Lafihii qaarkood shuxaan
Kuwaa shirixyada ka jaban
Haddaan shilini layn
Shahiid maaha la yidhi
Shisheeyana nagama dilin
Shil helayna maanaan ogeyn.
Marka hadalka lasoo koobo sida aan cinwaankana ku
xusay waxloo taro SNM daayee xinif iyo waxaa loogu sii daray xoorimaad,
mana
jirto cid qiimaynaysaa waxaabad moodaa marka ay dadku maqlaan SNM inay
qaarkood moodayaanba urur beri hore jiray oo laga soo gudbay hadana aan
macno lahayn, xukumaad iyo dadweynaba waxan odhan lahaa dadkii iyo
geesiyaashii nacabka inaga xoreeyay yaan laga xawaaraynee intoodii
shahiidday taariikhdooda hala qoro inta aanay duugoobin, inta noolna
waxqabad iyo sharaf yaan laga hagran, maankana halagu hayo murtidii
alla haw
naxariistee Xaaji Aadan Afqallooc oo odhanaysay Taariikhdu waa inoo
misbaax,
maanka caawinee, Adoo male gudahayaad yaqiin marar ku gaadhaayee.
W/Q : Ahmed Iid Aadan.
ahmediid@hotmail.com
India , December, 2003
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2003
|