SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Hanjabaadda Ina Rayaale Kaahin!!

Cawl mareero
cawl_mareero@hotmail.com
Dec 11, 2003

  • Qowlaaba lay diri jirey oon qaar ka layn jiraye
  • Maanatana ma naag qaawan baa layga aqabaan waayey?

Gumaysigii ka hor Somaalidu waxay ahayd reer reer ay Boqor,Garaad, Suladaan Ugaas,Wabar, Malaaq,Islaaw.iwm ay u arrimiyaan, reer kastaana dhul gaar ah ayuu lahaa oo loo aqooonsanaa ciddii ku soo xad gudubtana geesahaa la is dari jirey.

markaa Gumaysataha ayaa carrigii soomaalidu tiil u googooyey qaybahaa shanta ah ee aynu naqaan. cidna kala ma uu tashan inta israacaysa oo ama Talyaani xukumayo ama Ingriis ama Faransiis ee iyaga Gumaystaha ah ayaa somaalidii qabiil qabiilka u kala tiil qaybsaday. markaa gumastuhu ma eegin dadkaa ay kala qaybsanayaan wax xidhiidh ah ee ka dhaxeeya ama cidda is raaci karta ee danohooda gaar ah ayey wateen. sida Britishka oo doonayey xoolo uu u diro ciidamadiisii Cadan joogey, wuxuu doortay intii markaa uu u rkayey in uu xoolo badan ka heli karo.gumaysigiisii gobolada waqooyina intaas ayuuba ku salaysnaa.

Tusaale ahaan qabaa'ilka Hartiga ah ee dhulkii Britishku saamiga u helay ka mid noqday, ma jirin xidhiidh gaar ah ee kala dhaxeeyey beelaha kale ee Isaaq. oo aan kala dhexayn hartiga kale ee ka mid noqday dhulkii Talyaanigu ku habsaday.

Inata la ogayahay waxaa ka dhaexeeyey in geela la kala dhaco marka la is arkona la is dilo,kii ay maalintaa ku jiiftana lagu wiirsado. waase la xididi jirey gabdhahana ama la isu diidi jirey ama la isa siin jirey.

Taasina iyaga gaar uma ahayn ee waa mid somaalida hadba inta ood wadagta ah ka dhaxaysay. guurkuna wuxuu ahaa mid dhex-mara hadba cidda isu aragta in ay kuf isu yihiin. tolnimaduse waxay ahayd mid xidhiidh adag leh oo aad ayey u yarayd qabiilooyin isku hayb ah in ay is layaan. haddii ay dhacdona kuwa kale ee la beesha ah ayaa kala dhicin jirey. tusaale weligood Dhulbahante iyo Warsangeli ma dagaallamain. balse Habarjeclo iyo Habaryoonis weligood lama heshiin.

Markii ay gobanimada qaateen labadii u horreysay illeen waa dad wada somali ah e waa kuwii samaystey Dawladdii u horreysey ee Soomaliyeed.

dadweynaha labada dhinacba waxay doonayeen arrinka israaca ah. intii weli gumaystaha ku sii hartayna waxay u arkayeen dhulkoodii qayb ka mid ah oo gunnimadii ka baxady iyaguna mar uun goor ay ahaataba ku darsami doonaan.

Intii gumastuhu dhulka joogay dad badan ayaa wax bartey,dhul maray, ilbaxay oo dunida xaalkeeda la socon karayey kuwaas ayaana hoggaanka noqday wixii markaa ka dambeeyey.

markaa ma ay suura gelayn in dib loogu habkii Boqor iyo Garaad ee laga tegey iyo dhulkii reer reerka u kala xidhnaa ee waxay qateen hab-maamulka dunida casriga ah.

waxayna isu arkayeen dad isku asal ah sidaa daraadeed aan kala maarmin oo hal dawlad ah noqon kara.

Markaa waxaa inoo caddaanaysa in labadii lixdankii xorroobey israacoodu uu ku yimid rabitaanka dadka halka qaybkii gumaystuhu ahaa mid khasab ah een cidna wax la weydiin.

Haddaba haddii taasu jirto maxay dadka qaarkii qiil uga dhigtaan Gumaysigii Ingriiska ayaa sidaas yidhi oo noo qaybiyey.

Haddii Ingriis sidaas Khasab innku qaybshay sow innagu ma dooran in aynu walaaleheen raacno. haddaba ninkii doonayaa in uu israaca ka baxo waa dan iyo yeelkiis e, maa la iska daayo dadka kale dhulkiisa sheegashadiisa sow tan la is yaqaanney ma aha!!!!!

Waan yaabaa markaan maqlo dhulka Somaaliland ee In Rayaale sheego.

marar badan ayaan ku arkay Joornaalka Jamhuuriye mid leh maamulka Majeerteenya ama " Majeerteenku waa in ay isku dirka ka daayaan dadka walaalaha ah ee somaliland.

WALAALO" weger?????????? allaah yey la qosla!!!!

waxaan idhaahdaa dadku miyey waalan yihiin ma dadkaanay kala aqoon, dad aan wax garan miyey la hadlayaan?. ma gumaysigii Ingriiskaa inna walaaleeyey?

intaas oo dhaammi iyadoo ay jrto bal haddana sheekadaan eeg.

1999 ayaan Washington waxaan kaga qayb galey xaflad loo sameeyey Madaxweynihii dhintay ee Cigaal(allah ha u naxariistee) iyo wafti Somaliland ka yimid oo ay qaban qaabisay jaaliyadda Somaliland.

Waan ka qayb galay xafladda anigoo casumaad ka helay saaxiibbo aan lahaa oo iga codsaday bal in aan meesha tago.

madashii oo la fadhiyo oo la sugayo waftigii ayaa waxaa u soo hormaray Qaybe oo nin dheer ah, dadkii ayaa waxay u maleeyeen in uu Cigaal yahay malaha dadka qaar badan oo Cigaal maqal ku ahaa ayaa waxaa loo sheegey in uu Cigaal nin dheer yahay, inta dad badani istaageen ayay la sacbiyeen, dabeed xidhiidhiyihii ayaa yidhi ma aha madaxweynihii ee waa Qaybe .kolkaas mar qudh ah ayaa sacabkii la joojiyey. oo la aamusay. qaar huuuuuuuuh yidhina waaban maqlayey.

Madaxweynihii kol dambe ayuu soo galay iyadoo ay la socdaan xaaskiisii iyo Fagadhe oo ahaa wasiirkiisii arrimaha dibadda.waa la fadhiistay,

Dabeed madaxweynihii khudbad dheer ayuu galay oo aan runtii jecleystey. intuu warqad la soo baxay khudbad u diyaarsanayd muu akhrine si niyadsami ah oo oday dhulkii ka yimid ayuu u warramay. labada nin ee labada dhinac ka fadhiyey Qaybe iyo fagadhena hadba mar ayey hadal u toosinayeen. dhulkii ayuu sal iyo baadh ka warramay. markuu hadlakii dhammeeyeyna dadweynihii ayaa su'aalo loo furay.

Oodda ayaa weydiimo laga qaaday, waxba la isulama hadhin.odayguna geed ayuu dabada lagalay wuuna is difaacay.

iyadoo arrintu halkaa marayso ayaa nin istaagey wuxuu madaxweynihii weydiiyey su'aal ahayd. " Madaxweyne wax baan hor u marinayaa baad leedahay faqashna waad wadataa"(intuu farta midba marku fiiqay labadii oday ee dhinacyada ka fadhidey waa Qaybe iyo Fagadhe e).

Hal mar ayaa qosol gees ka gees jaanta la wadhay sacbna lagu daray

Madaxwenihii ayaa dabeed si kulul ugu jawaabay ninkii su'aasha weydiiyey wuxuuna ku yidhi waar nin yohow waad jirrantahay e ilaahay ha ku daweeyo. dabeed ninkii ayaa yidhi madaxweyne ma xanuunsani eh that is the reality. mar labaad ayaa haddana dadweynihii sacab isku dareen. taasu waxay kuu caadaynaysaa in dadweynuhu arrinkaa ninka la qabaan sow ma aha?

Anigii meel aan joogo waan garan waayey waxaan jeclaystey in kursigu dhulka igala hoos baxo. hareeraha ayaan eegay, saaxiibkay ayaan eegay waxaanna ka dareemay in uu ka xun yihiin wax meesha ka dhacay. haddaba bal malee Qaybe Iyo Fagdhe waxa qalbigooda ku soo dhacay,malaha jeclayste in aragoodaba la waayo. allaah maxaan ka xumaaday.

waxaan xusuustay Gabaygii ahaa

  • Cagtii joogsan weydaa mar bay ceeb la kulantaaye.
  • Sheekadaa aan goob joogga u ahaa kuwo ka daran ayaa la sheegaa.
  • haddaba dadka walaalaha oo dantu ka wada dhaxaysaa waa kuwee.
  • Waxaan aad uga xumaaday hanjaadda iska dhehda h ee ina Rayaale

Runtiina ma aan jeclaysanayo in aan Reer Boorama oo Daahir Rayaale ka dhashay wax ka sheego balse waxaan xusuusin lahaa in uu isagu yahay kan ugu u gu horreeya ee dabka la saarayo haddii Dawlad reer Sheekh Isxaaq leeyahay la aqoonsado.

Haddii nin iyaga ka mid ahi noo hanjabo Jawaabtoodana waan siin lahayn balse waa tii Khaliif Sheekh jeer hore yidhi.

Ninakii debinka meegaaray ee Geri malaynaayey

sakaaradii majaha suratey baad maandhow ii tahaye.

Calaa kulli xaal nin walba dhulkisa ama futa biciid ha ula baxo ama land kale ha ula baxee isagay waa hawl u taalla eh iimmanka ha la isku sugo waxaan la helaynna yaan la haybin dadka masaakiinta ah ee war moogta ama aan xogagaalka ahaynna la soo lugoyn.

Hanjabaadda Rayaale miyaaney ahayn Sakaaro sow ima barato.

sow ma xusuusto fadalkuu tuuray malintii la soo luggooyey. waddadii uu ku cararayna loo bixiyey Riyaale ku orod.oo ilaa maanta loogu yeedho.

haddaba Wiilkan reer booramwo yaan lagu adeegsan reerkani iyaba dhulkaan ma soo haweystaane.

Nabadey

Cawl mareero
cawl_mareero@hotmail.com

QORAALADII HORE EE CAWL

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD