Kiis Dacwadeed Xaasaasi ah oo U DhexeeyA Mulkiilayaasha Shirkadaha
Isgaarsiinta ee kala ah Netco iyo galcom galkacayo ayaa shalay (dec
10) Ka Furmay Maxkamada Boosaaso .
Jawaab Celinta ku saabsan u yeeritaanka
Guddomiyaha Shirkadda Netco
Guji.... |
Waxaa shalay maxkamada Darajada Koowaad ee magalada Boosaaso ka
furmay kiis dacwadeed aad u kulul oo u dhexeeyey mulkiilayaasha
shirkaddaha Isgaarsiinta Telefoonada ee xarumahoodu kala yihiin
bosasso oo shirkadda isgaarsiinta ee netco ay kahawlgasho iyo galcom
oo iyaduna kahawlgasha m.galkacayo.
Dadweyne aad u fara badan ayaa shalay Maxkamada u tegay siday u
dhegeysan lahaayeen go’aamada kama danbeysta ah ee Garsoorayaashu ka
gaari doonaan dacwadas.
waxaa maxkamada amaankeeda si weyn usugayay ciidamada boliska.
Markii la furay dacwadaas, waxaa durbadiiba doodo kululi dhex mareen
Qareenadii Labada nin ee dacwadu ka dhexeysay u kala doodayey, hase
yeeshee wax yar kadib Garsoorayaashii Maxkamadu waxay go’aamiyeen in
dib loo dhigo dacwadaas ilaa subaxnimada Sabtida.
Kiiska maxkamadan ayaa bilihii ugu danbeeyay waxa
siweyn loogahadalhayay gobolda puntland haba,ubadnaaden gobolda mudug
iyo bari.
cawaale jaamac salaad somalitalk.com , somaliya
jamnaf87@hotmail.com