Sannadguuradii
koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray
Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood
Asad
|
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in
Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya?
Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka?
Fahad
|
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa
nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga
somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga
yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga
magaalooyinka camiran ee Somaliland"
Salahudin
|
"Miyaan
niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la
raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka
mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la
yidhaahdo ONLF"
Diridhaba
|
Kuwii
sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad
maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula
noolaadaan"
Asad |
"Shacbiga
Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana
aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA
SAMATAR. "
Faysal |
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin
booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka
dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga
dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu
ku degey"
XagarYare |
Jamhuuriyaddii soomaliyeed sagaalkeedii sanadood ee ugu horeeysay
maamulkii rayidka ahaa waxaa astaan uu ahaa maamul-xumo, Cadaalad
daro,eex,Musuqmaasuq iyo doorashooyin la baabi,iyey, Waxaana laga dhaxlay
xukunkii macagaga ahaa ee malitari ee ka talinayey dalkii 21ka sanadood
una hogaaminayay alla ha uu naxariisteee siyaad bare, Waxuuna taliskaasi
gaar ahaan geyeysiiyey umadda reer somaliland xasuuq issir raac ah(ethnic-cleansing):
Bur-burin hantidii umadda, Kufsi iyo xadhig iyo argagax. Waxuuna u kale
qaxiyey afarta beyna-jaho ee caalamka.Waxuuna baabi,iyey magaalooyinkii
waaweynaa iyo tuulooyinba, Waxuuna ku milmay hantidii umaddu lahayd mood
iyo noolba miyi iyo magaalaba, Waxaa iyana mustaqbalkoodii qabri madoow
lugu riday facyaal idil oo soo kacayey.Umada reer somaliland waxaay ka
dhiidhisay afadaas ku habsatay waxaana ka dhashay halgankii xaqa ahaa ee
SNM,1981kii, Halgankaas waxaa ku baxay nafo badan oo khaali ah, Waxuuna ka
tagay naafo iyo dhaawac aan la koobi karin rajo iyo agoonba.
Aqristoow waxaa mahad ilaah ah in umadaan oo SNM hogaaminayso ku
guuleysatay in ay dalkii(somaliland)Gacanta ku dhigto isla markiibane
nabadeyso beelihii la kale irdheeyey, Iyagoo isku duubanna la soo noqdeen
qaranimadoodii aynna ku dhisteen burco 18 may,1991kii dowladii 2aad ee
hamhuuriyadda somaliland, Waxaa iyana halkaasi lugu sharciyeeyey luguna
aqoonsaday ururkii xoriyadda dhaliyey ee SNM iyo dooorka iyo xaquuqda uu
ku leeyahay jamhuuriyadda somaliland.
Waxaay somaliland iminka xor ahayd 13 sanadood waxaanna soo maray laba
maamul oo ay kale hogaaminayeen alla ha uu wada naxariistee Cabdiraxmaan
tuur iyo iyo ibraahim cigaal Waxaa labada maamulba ka dilaacay dagaalo
sokeeye oo hakiyey geedi.socodkii qaranimadda,Dhaawac badane uu geystay
midnimadii iyo hurumarkii umadda, Hase ahaatee waxaa lagaga soo kabtay
dedaalkii nabad raadinta bulsho-weynta somaliland iyo xubnaha ururka SNM
oo dadaal muujiyey
Waxaa dalka ka abuurmay intii ka danbeysay shirweynahii boorama ee 1993
nidaam uu san-saan eg
kii siyaad bare oo isku cunaduubay hay,adihii dastuuriga ahaa ee qaranka
ee sharci dajinta, Garsoorka iyo maamulka, Waxaa si gabasho lahayn looga
tilaabsaday Axdi-qarameedkii, Waxaana layska indha tiray dastuurka iyo
sharuucda kale ee dalka, Waxaan jirin aragti siyasadeed oo qeexan,Mid
gudeed iyo dibadeed toona, Waxaa laga soo qaaday sadonkii sanadood ee ugu
danbeysay ee tariikhdii khalafsanayd ee la soo maray waxaan dhicin, Sidii
wax laga soo toosay hurdo, oo anay dhicin waxii soo maray dadkaan ee uu ka
midka ahaa halgankii hubeysnaa ee SNM, Taasina waxaa laga dhaxlay siyaasad
dhalanteed ah oo aan salka ku hayn xaqiiqadda taal somaliland iyo
daruufaha ku xeeran. Waxaayna keentay gebi-dhaclayn naanays ku noqota
dadka iyo dalka somaliland beelihii kale irdheysa,Diris wanaaga dhawacda,
Aqoonsigii loo hanqal-tagayeyna fogeysa.
Aqristoow waxaa la cabudhiyey dimoqraadiyadii umadanni uu soo halgantay ee
SNM ku soo ababisay dadkeeda, Waxaa dib loo soo nooleyey siyaasadii ku
dhisnayd qaybi oo xukun, Iyadoo laga takoorayo golayaasha xubnihii xaqa uu
lahaa hadii loo aaneeyo in ay mucaarad yahiin, Waxaay taasi wiiqday
midnimaddi beelaha reer somaliland, Calool xumana waxaay ku beertay madax
dhaqameedyadii Dadka badankooda kalsoonidii dadweynahana way dhawacday.
Waxaay umadani ku xad gudubtay xaquuqal insaankii xoriyatul-qowlkii iyo
xaquuqdii kale eee muwaadinka. Waxaa lagu kacay iska xir-xir (arbitrary
arrset), Iyadoo loo adeegsanayo hay,adahii cadaadiska sidda NSS-Tii
la xaraantinimeeyey, Loona cuskanayo xeerka sharci daradda ee deg-dega
(emergency law) ee gudiga nabad galyadda. Waxaayba arintu mareysaa ururkii
dalkaan xoreeyey ee SNM, Ma Shiri karo.
Aqristoow haatan iyo intii xukumadii cigaal jirtay siyaasada arimaha
dibadu waa mid aanba jirinba iyo mar ay jaho wareersanayd, Waxaa intaas
dheer dadaal la,aan iyo aqoon la,aan ka muuqanaysay hergilinta siyaasada
dibadda ee somaliland waxaa cawda loo gooyey jaaliyadihii somaliland ee
dibadaha, Waxaana si ula kac ah looga faaiideysan waayey xafiisyadii SNM
ee dibadaha oo badankoodii isu badalay ergooyin (missions) somaliland ee
dalalka ay joogeen, Siyaasadaas oo mudadii halganka lugu jiray abuuray
xiriiro badan kasbadayna kalsoonidii dowladahii ay la shaqeynayeen,
Waxaayna taasi keentay isku xirnaantii siyaasada dibadda iyo joogteyn
la,aantedaba
(continuity & consistency of foreign policy) sidaa darteed waxaay
xukumadda garan weysay mudo dheer meel ay ula dhaqaaqdo siyaasadii dibadda
iyo meel ay kaga bilowdo xiriirkii diblomaasiyadeedba la yaabna ma laha in
aan ilaa maanta la hayn aqoonsi,Gargaar dhaqaale iyo cid beesha caalamka
ah oo la saaxib ah dalkaan yar. Dowladda somaliland waxaay aad isugu
mashquulisay arinta midnimadda soomaliyeed halkii ay dagaal uu gali lahayd
hurumarinta danaha somaliland ee aqoonsigu kow ka yahay waxaana iminka
xukumadda riyaale xadhko lagaga hayaa ka qeyb galka shirka kenya ee loogu
ololaynayo midnimadda somaliyeed, Hayadaha caalimiga ah(UN Agencies and
NGO,s) iyagana lagama faaiideysan, Halkii danta guud loogu adeegsan lahaa
waxaa xubnaha xukumadani door bideen in ay fushadaan dano soke oo gaar
ahaaneed. Waxaa kale oo dowladu abuurtay kooxa daneed oo ku qadhaabta
somafalka, Arimahaaas iyo hab-dhaqanadda foosha xun ee dowladu waxaay
lumisay haybadii somaliland ku lahayd beesha caalamka ee mucaawinooyinka
bixisa. Waxaase ka sii daran taas in aanu dowladu weli fahmin in ay
hay,adaha caalamiga ah yahiin danjirayaasha dalalkooda ayna waajib tahay
in si mas,uulnimo ah iyo qadrin leh loola dhaqmo loogalana xisaabtammo
barnaamijyadooda iyo wax qabadkoodaba..
Xukumadanni jaangooyo iyo siyaasad dhaqaale oo aanay lahayn ka sokoow
waxaay xalaalaysatay ku takri falka hantidda yar ee umadan, Waxaayna
jideysatay in aan cid xil uu haysa la xisaabin, Waxaa iyana la curyaamiyey
hay,adahii ku shaqadda lahaa dhaqaalaha sida hantidhowrka iyo xisaabiyaha
guud, Baankiina waxaa loo isticmaalay sidda qasnad gaar ah oo qof leeyahay.
Waxaay taasi umadani uu horseeday sicir barar,Maciishada oo adkaata,Shaqo
la,aan,Musuqmaasuq aan xad lahayn,Dhaqan xummo iyo dhaqaalaha oo guud
ahaaan burbura. Ma muuqato mustaqbalka dhow si fudud oo loogu kaban
karayaa, Dowladuna maanka kuma hayso mana hayso barnaamij lagaga bixi
karro.
Halkii wax soo saarka lagaga dhiirin lahaa dadka reer somaliland loona
sameyn lahaa wixii dhiirin lahaa
Waxaaa dowladu uu hanqal tagtaaa helidaa mucaawinoo aan barnaamij lahayn
oo iska noqota wax jeebka lugu shubto. Ma jirto siyaasad ganacsi oo qeexan,
Waxaanna isku dhex daadsan heerarka ganacsi min soo dejin/dhoofin, Ilaa
tafaariiqda, Taaas oo jahowareerisay ganacsatadii iyo dadweynahii wax
iibsanayayba. Tiaradda xukumadda xad dhaafka ah ee aan ku salaysneen qaab
dhismeed cayiman, Waa mid hunug dhaqaale ku haya dalka abuurayna
siyaasadda murugsan ee dowladda. Waxaaay somaliland ku faantaaa nabad
galyadda maxayse tahay faankaa badan sidaan la socono bartamaha magaalada
hargeyso waxaa lugu toogtay taliyahii ciidanka boliska qeybta taraafikadda.
Taasi ayaa ka marqaati ah ina aanay haba yaraatee siyaasada somaliland ay
qasan tahay, Waxaayna ku guul dareysatay dowladda iney maamulka
gaarsiiyaan gobolo iyo degmooyin badan, Waxaayba arinta mareysaa in
gobolada bariga anay gacanta ugu jirin dowladda, Sida aan la socono
goboladda bariga waxaay hoos tagaan degaanka buntaland iyadoo xagga
siyaasada meel xun ay haatanba mareyso ayaan waxaan dhamaanteenba wada
eegi doonaa meesha ay cagga dhigato siyaasad qalafsan ee reer somaliland,
Aqriste maanta qoraalkii intaas ha inoo joogo waana inoo mar kale ee
dhamaantiinba waxaann idin leeyahay nabadiino iyo noolikulante dhamaanteen..
Qore Suxufiga caanka ah
Cali diiriye nuur pilot
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2003