SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

RIYAALE MAKAGA DHABAYN KARAA HANJABAADIISA?

Mohammed Ali Farah.
m_alishiino@hotmail.com
Tel: 92-300-2252724.
Karachi-Pakistan.

Dec 11, 2003

Ilaah baa mahad leh ee naxariista mid guud iiyo mid gaar ahaaneed nabad gelyo korkiisa ha ahaato suubane Nebi Mohamed,

Sannadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood Asad
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

Waxaa maalmahaan danbe moodaa in uu ka soo darayo khilaafka u dhexeeya Dowladd goboleedka Puntland Iyo Maamulka isku magcaabay Somaliland oo uu hogamiyo Mr Riyaale . Khilaafkaas oo Salka ku haya Goboladda Sool, Sanaag, Highland, iyo cayn ee ka tirsan Dowlad goboleedka Puntland , ka dib markii uu golaha xakuumadda Dowladad goboleedka Puntland magcaabeen gobolka highland oo harey uga tirsanaa gobolka Sanaag oo magaalo madax looga dhigey degmada dhahar isla markaana degmo loo aqoonsadey xingalool . waxa ay dhabar jabka ku noqotay kooxda Riyaale oo iyagu maalmahan danbe caadaystay Dhul boob , mr Riyaale kahin iyo kooxda uu taliyo ayaa waxa ay isku qanciyaan sheegashadda Goboladaas , Mr Riyaale ayaa maalmahaan danbe ku soo biiray meellaha fadhi ku dirirka Isaga oo had iyo jeer ka sheekeeya Dowlad goboleedka Puntland Isaga oo ku tilmaamayaDowladd Puntland Majeertiinaya isaga oo uga danleh hadalkaas qaabka daran in uu iska horkeeno Dadka walaaha ah ee reer Puntland , Waxaa haddaba hadalka riyaale ka muuqata in uu waayay a wood aan dhaafsiisan afka hadal , Si kastaba ha ahaatee Sidda aynu wadda ogsoonahay Sool, sanaag cayn , iyo Highland ayaa waxa si toos ah ay u hoos yimaadaan Dowladda goboleedka Puntland iyadda oo dadka degaankaas ay yihiin dadkii dhistay Maamulka Puntland iyaga oo ka fekeraya aaya hood iyo hormarkooda.

Inta badan Maamulka Dirta waqooyi Waxay ku andacoodaan In mid nimadda Somalia ay uga go’ayaan eedayn ay usoo jeedinayaan Beeshii uu ka dhashay Madaxwaynihii Jamhuuriaydda Somalia Marxuum Maxamed Siyaad Barre Ilaahay Naxariis iyo Janno Ha siiyee Iyagoo aaminsan in uu xasuuqaya haddaba iyaga oo taas aaminsan side u sheegan karaan Goboladda Sanaag , Sool , Cayn , Iyo Highland oo ka mid ah beesha ay leeyihiin way na xasuuqeen ee Darood hadaba Maxay ku kala duwanyihiin Ninkii “Yiri Bakhtiga ma cunee fuudkisaan cabaa” iyo Maamulka Dirta waqooyi.

Dirta Waqooyi sidda muuqata Waxay rabaan Colaad ay ma suuliyadda ka timaada aysan qaadin Karin tusaale ahaan Haweenayda u qaabilsan arimaha dibadda Maamulka Dirta Waqooyi Umulliso Adna Ismail Waxay tuhuntay Dowlad Goboleedka Puntland Iyadda oo ku eedaysay in ay ka danbaysay Dilka Ajaanibtii lagu dilay Sheekh iyo Boorame, Hadaba ayaama kadib Wasiirka arimaha gudaha ee Maamulka Dirta waqooyi waxa uu beeniyay hadalkaas ay haweenaydaasi ku dhawaaqday iyadda oo markii danbe raali gelin ka bixisay

Dhamaan wax yaalahaasi waxa ay ku tusayaan sidda qaawan aan geed lagu soo gabbo lahayn oo ay maamulka iyagu isku magcaabay Somaliland(Dirta waqooyi) ay u doonayaan dadka wadda dhashay ee degga Puntland iyo goboladda waqooyi ee Somalia ay u dhexmarto colaad maarugta oo daba dheeraata.

Waxaa jirta Mr Riyaale in uu isku dayay 7/Dec/ 2002 ee sanadkii ina dhaafay in uu booqasho xoog ah ku tago gobolka Sool caasimaddiisa Laascaanood Ee Puntland Lakiin muxuu kala kulmay ?

Ciidamada daraawiishta Puntland Iyaga oo gudanaya Waajibkooda Difaaca dhulkooda Hooyo Waxa ay Dharbaxa lama ilaawaan ah ku dhufteen kooxdii dhulboobka rabtay ee uu horkacayay Ina Riyale kaahin waxaa xasuusinayaaa Kuwa ku hadra Puntland baanu weerareena in ay taas mid lamid ah ay u danbeeso , inta uu noolyahay ruux Puntlander ah, Riyaale iyo kooxdiisu cagsoo dhigi karin Ciida Puntland , Puntlander kasta waxa uu diyaar u yahay Ladagaalanka argagaxisadda soo handada ciida Puntland difaaca guud ahaan 8da gobol oo ay ka koobantahay Dowladda goboleedka Puntland . Bandarqasim , Karkaar, Nugaal,.Mudug , Sool, Sanaag, Highland , Iyo Cayn Waa muqadas iyo waajib saran Muwaadinkatsa oo reer Puntland ah Sidaas daraadeed Maamulka Dirta waqooyi waa in ay ka waantoobaan hanjabaada joogtadda ah oo had jeer la beegsadaan Puntland oo aysan lahayn awood ay ku fuliyaan . haddii aysan ka waantoobin in ay dowladda goboleedka Puntland Diyaar u tahay in ay ka bixiso jawaab ku haboon ,

Puntland oo ah Maamul somaliyeed oo had iyo jeer ixtiraama Somalinimadda Derisnimada iyo walaaltinimadda Haddiise lala garan waayo way is difaacaysaa Ilaa ay ka tir tirayso dhulkeeda Daalimiinta ku soo duula dadka guryohooda oo ar gagixiya caruurta iyo haweenka ,

Walaalhu walliyu Towfiiq

Mohammed Ali Farah.
m_alishiino@hotmail.com
Tel: 92-300-2252724.
Karachi-Pakistan.

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2003

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

RIYAALE WAA INUU KAGA DHABEEYO GO'AANKA [Diridhaba]

.... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Denmark: Saciid Wesing : “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn”... Guji..


Singapore:
500 oo Qof ayaa Sannadkiiba Soogala Diinta Islaamka..
Guji


USA: Dacwadii Aba Sheikh
Said Aba Shiekh oo koox gaangiistaro ah ay ku garaaceen Seattle afar sano kahor oo weli kujira coomo ayaa... Guji


London, UK: Nin Soomaali ah oo Lagu Xukumay 8 Sano kadib markii lagu soo oogey dacwad ah in uu HIV si u gudbiyey laba dumar ah oo mid kamid ah ay Soomaali tahay... Guji


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD